SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print

Jirdilka Xabsiga Hargeysa loogu Geystey Sheikh Maxamed Shiikh Ismaaciil...

»Culimada Hargeysa ku Xidhan
»
Hubso: Ma jidhdil wadaad mise fidno abuur? | Cige

XABSIGA THAILAND:::
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 |

PUNTLAND vs TERRY:::
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 |

SAMSAM & XABSIGII HAREYSA:
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 | 75 | 76 | 77 | 78 | 79 | 80 | 81 | 82 | 83 | 84 | 85 | 86 | 87 | 88 | 89 | 90 | 91 | 92 | 93 | 94 | 95 | 96 | 97 | 98 | 99 | 100 | 101 | 102 | 103 | 104 | 105 | 106 | 107 | 108 | 109 | 110 | 111 | 112 | 113 | 114 | 115 | 116 | 117 | 118 | 119 | 120 |

JAWAABO:: HADALKII GEEDDI
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 |

IIBSIGII XAAFUUN EE 99 SANO:
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11

SUNTA KU DUUGAN SOOMAALIYA
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17


Warbaahinta Hargeysa waxyaabihii ay ka qoreen Jirdilka Sh. Maxamed Sh. Ismaaciil


Muuqaalka Jidh-dilka: Is-difaaca Xukuumadda, Daliilka Qareenka iyo Xaqiiqda Dedan

Sunday, 01 October 2006

‘Waxaannu ku rajo weynahay in aannu ciddii iyo meeshii laga soo dhoob-dhoobayba si dhakhso ah u soo bandhigi doono, tallaabana aannu ka qaadi doono ciddii ay doontaba ha soo gashee” (Wasiirka Daakhiliga)

 “Horta noloshayda maan arag qof bani’aadam ah oo koronto lagu qabtay. Hase yeeshee, markaad eegto cilmiyan laguma qaban karo, oo isaguna dabkii ayuu gudbinayaa”

 “Waxa xaqiiq jirta ah in jidh-dil jiro, haddana waxaba loo diray Xeer-ilaalinta lafteeda iyo guddigii baadhista horeba u soo baadhay ee jidh-dilku geli karayey’: Qareen Maxamed Siciid Xirsi

‘Muddo lix bilood ah ayaan hayey, markaa haddii aan faafinayo waqti hore ayaan qaybin lahaa …. Anigu waxaan qabaa maxkamadda iyo xafiiska Xeer-ilaalinta ayaaba fududeeyey in [cajaladda] meel walba la geliyo” : Qareen Maxamed Siciid Xirsi

“Laba gaadhi oo ciidan ka buuxo oo saraakiil Boolis ahi wadato ayaa gurigayga yimi… arrintuna waa maxaad u difaacaysaa, maxaad cajaladda maxkamadda u horkeentay”

“Hanjabaadda qareenka waxaannu u aragnaa mid lagula kacay ururka garyaqaannada” Guddoomiyaha Ururka Qareennada Somaliland (SOLLA)

Hargeysa (Halganews)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Md. Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro), ayaa been-abuur ku tilmaamay jidh-dil la sheegay in lagu sameeyey Sh. Maxamed Sh. Ismaaciil oo ku xidhan Xabsiga Dhexe ee magaalada Hargeysa.

Wasiirka oo shalay u warramayey warbaahinta, ayaa muuqaalka cajalad lagu baahiyey bogagga internet-ka oo muujinaysa jidh-dil lagu samaynayo maxbuuska, waxa uu ku sheegay wax ay dhoob-dhoobeen cadowga Somaliland, ujeeddada ka dambasaana tahay mid wax loogu dhimayo sharafta iyo qarannimada Somaliland.

“Runtii arrintu meel fiican bay baadhisteedii noo maraysaa, waxaanuna ku rajo weynahay in aannu ciddii iyo meeshii laga soo dhoob-dhoobayba si dhakhso ah u soo bandhigi doono, tallaabana aannu ka qaadi doono ciddii ay doontaba ha soo gashee.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.

Shirkaa-jaraa’id ee Wasiirka kadib oo suxufiyiintu su’aalo ka weydiiyeen dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin arrinta cajaladda, argagixisada iyo qodobo kale, waxa ugu horreyn Md. Cirro la weydiiyey waxa ka jira wararka sheegaya in xukuumaddu samaysay kiisaska lagu eedaynayo maxaabiista u xidh-xidhan falalka argagixiso.

Wasiirka oo su’aashaa ka jawaabayey waxa uu yidhi; “Waan ka xumahay. Horta kiiskaasi maxkamadaha ayuu yaallaa, lama qarin, meelna lalama gelin, adiguna baadhe CID-da ah ayaad ahayd [isaga oo farta ku fiiqayey weriye Sayid oo su’aasha weydiiyey]. Xaqiiqda in aad iska indhotirto maaha ee waxay ahayd in aad maxkamadda tagto, oo aad indhahaaga ku aragtid caddaymaha iyo qiraallada laga hayo.”

Md. Cirro, oo la weydiiyey; bal in uu saxaafadda tuso maxbuuska, si loogu qanco wax ka jira eedaymaha iyo muuqaallada lagu soo bandhigay cajaladda ee jidh-dilku ka midka yahay, waxa uu sheegay in aanu waqtigan cidna tusi Karin maxbuuska, “Balse ay tahay,” ayuu yidhi; “in loo maro dariiq sax ah, maadaama uu xabsi ku jiro, loona baahan yahay in waraaqo oggolaansho ah laga soo qaato maxkamadda.

“Iminka maya, laakiin waan ka hawlgelayaa.”

Wasiirku waxa kale oo intaa ku daray in ay guddiga kiiska baadhaya ku darayaan dad madaxbannaan oo ay ka mid yihiin; culimaa’udiin, ganacsato iyo dhakhaatiir, “Kuwaas oo,” ayuu yidhi; “laga sugayo caddaymaha in la jidh-dilay iyo in kale.”

Isaga oo Md. Cirro ka jawaabayey tirada dadka loo xidhxidhay mudaharaad lagu diidan yahay jidh-dilka la sheegay in lagu sameeyey wadaadka maxbuuska ah, oo Jimcihii ka dhacay Hargeysa, ayaa sheegay in ay 56 qof u xidhan yihiin. Hase yeeshee, Wasiirku waxa uu ka gaabsaday xukunka deg-degga ah ee Guddiga Nabadgelyadu ku qaadday iyo weliba baadhis ciidanka ammaanku ku sameeyeen guriga Qaraan Maxamed Siciid Xirsi, oo ah garyaqaanka difaacaya sheekha maxbuuska ah.

“Weli xukunkoodu ima soo gaadhin dadkaas, arrinta baadhista guriguna waaba ii hadalkaagaa,” ayuu yidhi Md. Cirro oo ka warwareegayey jawaabta su’aalaha la weydiiyey.

Wasiirka oo la weydiiyey; maadaama aad aqoon u leedahay dadka kooraanka (electricity) lagu qabto qofka oo dabka lagu hayo in qof kale jidhkiisa taaban karo iyo in kale, ayaa ku jawaabay; “Horta noloshayda maan arag qof bani’aadam ah oo koronto lagu qabtay. Hase yeeshee, markaad eegto cilmiyan laguma qaban karo, oo isaguna dabkii ayuu gudbinayaa.”

Hase ahaatee, shirkaa-jaraa’id ee Wasiirka kadib, ayaanu la xidhiidhnay dhinaca kale ee arrintu khusayso, si aanu wax uga weydiino waxa ay ka qabaan jawaabta Wasiirka Daakhiliga iyo qodobadda kale ee baadhista guriga qareenku ka mid yahay.

Ugu horreyn, Dr. Maxamed Siciid Xirsi, oo ah qareenka difaacaya eedaysanaha maxbuuska ah ayaannu weydiinay caddaymaha uu u hayo cajaladda uu maxkamadda horkeenay ee dhalisay mudaharaadkii Hargeysa ka dhacay, dadka badanna loo qabqabtay, isaga oo arrintaa ka jawaabayeyna waxa uu hadalkiisa ku bilaabay; “Waxa marag iyo tusaaleba kuugu filan Nebi Muxamed (NNKHA) markay gaaladu ku yidhaahdeen; ‘Qur’aanka waad samaysay oo waa gabay,” ayuu Ilaahay (SWT) ku yidhi; ‘Waar keena Qur’aan kan la mid ah, haddii aad run sheegaysaan.’ Waxaan leeyahay cidda leh waa la sameeyey; bal tignoolajiyaddaa wax la mid ah ha keenaan.”

Garyaqaanka oo la weydiiyey, waxa ka jira eedaynta Wasiirka Arrimaha Gudaha ee la xidhiidha in uu isagu [Qareenku] faafiyey cajaladda, ayaa ku tilmaamay been iyo waxaan dhici Karin.

“Muddo lix bilood ah ayaan hayey, markaa haddii aan faafinayo waqti hore ayaan qaybin lahaa, laakiin, keliya anigu waxaan u haystay marag-muujin ah difaaca maxbuuska. Maxkamadda ayaan anigu u gudbiyey, markaa maxkamadda ayaa siisay Xeer-ilaalinta, iyadaa [maxkamadda] daawadsiisay CID-da, iyadaa daawadsiisay Sirdoonka. Anigu waxaan qabaa maxkamadda iyo xafiiska Xeer-ilaalinta ayaaba fududeeyey in meel walba la geliyo.” Sidaa waxa yidhi Qareen Maxamed Siciid.

Isaga oo intaa ku daray, in sharciga la soo dhaafayo, lana doonayo in xoog lagu isticmaalo oo lagu xidho, si aanu u difaacin maxbuuska uu qareenka u yahay ee Sh. Maxamed Sh. Ismaaciil, iyo weliba in uu khasab ku sheego meesha uu cajaladda ka helay, taas oo uu ku tilmaamay mid aan sharciyan bannaanayn in uu sheego halka ama meesha (sources) uu ka helay warbixinta.

“Laba gaadhi oo ciidan ka buuxo oo saraakiil Boolis ahi wadato ayaa gurigayga yimi, waxayna si amar-la’aan ah xoog ugu galeen guriga, dhammaantiina way baadheen, iyaga oo u hanjabay dumarkii joogay. Xalayna [habeen hore] dhowr goor ayey yimaaddeen xafiiskayga, iyaga oo i doonaya, arrintuna waa maxaad u difaacaysaa, maxaad cajaladda maxkamadda u horkeentay.”

Qareen Maxamed Siciid, waxa uu deedafeeyey guddiga madaxbannaan ee Wasiirka Daakhiligu sheegay in lagu darayo baadhayaasha kiiska, isaga oo weliba ku adkaystay in uu jiro jidh-dil loo geystay maxbuuska.

“Waxa xaqiiq jirta ah in jidh-dil jiro, haddana waxaba loo diray Xeer-ilaalinta lafteeda iyo guddigii baadhista horeba u soo baadhay ee jidh-dilku geli karayey. Taasina waa majaro-habaabin ee baadhis ma aha sidaan u arko, iminkadana guddi ka kooban CID-da iyo Xeer-ilaalinta ayaa maxbuuska su’aalo ku weydiinaya xabsiga. Gogoshiisii baa la soo qaatay oo aan maxkamadda u sheegay, dhowr iyo toban cishona wuxuu ku seexanayey sibidhka.”

Sida oo kale, Guddoomiyaha Ururka Qareennada Somaliland (SOLLA), Garyaqaan Jaamac Cilmi Xaashi, oo ka hadlayey hadidaadda iyo dabogalka lagula kacay qareenka, ayaa ku tilmaamay mid sharciga ka soo horjeeda, xadgudubna ku ah distoorka iyo qawaaniinta dalka u taalla.

“Hanjabaadda qareenka waxaannu u aragnaa mid lagula kacay ururka garyaqaannada,” ayuu yidhi Jaamac Cilmi Xaashi, isaga oo intaa ku daray in ay cambaaranayaan falka dabogalka iyo baadhista loo geystay qareenka iyo gurigiisa.

Waxa kale oo baaqyo cambaarayn ah ka soo saaray arrinta jidh-dilka, baadhista iyo handadaadda qareenka loo geystay qaar ka mid ah ururrada u doodda xuquuqda aadanaha, gaar ahaan dalladda ugu weyn ururrada waddaniga ah ee SAMOTALIS, taas oo ku tilmaantay meel-ka-dhac loo geystay xuquuqda aasaasiga ah iyo xeerarka caalamiga ah ee ka hadlaya dhowrista jidhka bani’aadamka.

AA.Sheekh, Halganews, Hargeysa.

Mudaharaad ka Dhacay Ceerigaabo

Sunday, 01 October 2006

 

Ceerigaabo (Halganews)- Mudaharaad ay ka qaybqaateen ilaa 150 qof oo u badan dhallinyaro iyo haween, ayaa shalay ka dhacay magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag.

 

Mudaharaadkan ayaa la xidhiidhay cajalad fiidyow ah oo la sheegay in lagu jidh-dilay Sh. Maxamed Sh. Ismaaciil, oo ku xidhan Xabsiga Dhexe ee magaalada Hargeysa, kaas oo ku eedaysan falal argagixiso.

 

Waxay mudaharaadayaashu dareenkooda ku muujiyeen sida ay uga soo horjeedaan falka lagu faafiyey bogagga internetka, iyaga oo sitay boodhadh ay ku qornaayeen hal-ku-dhegyo ay ka mid yihiin; “Xabsiga Dhexe ee Hargeysa dulmi baa ka socda, xaqii ma dembi buu noqday… Xukun gaallo dooni mayno iwm.”

 

Dhinaca kale, mudaharaadkan kan la mid ah ayaa maalintii Jimcihii dorraad ka dhacay magaalada Hargeysa, kaas oo loo xidhay dad gaadhaya 56 qof oo isugu jira dumar iyo dhallinyaro, balse bannaanbaxa Ceerigaabo ayaan isaga cid loo qabqaban, sida ay sheegeen wararka aannu ka helay magaaladaas.

 

AA.Sheekh, Halganews, Hargeysa.


Mudaharaad Si Nabadgelyo Ah Uga Dhacay Magaalada Ceerigaabo, Waxay Ka Banaabaxayeen Jidh Dilka La Sheegay In Loo Gaystay Sh. M. Ismaaciil
Somaliland.Org — Erigabo, Somaliland — 30 September, 2006
---------------------

Ceerigaabo (Somaliland.Org)-- Waxaa Maanta magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ka dhacay Mudaharaad ay horkacayeen ardayda, haweenka iyo dhalinyarada magaalada Ceerigaabo, kuwaasi oo ka gadoodsanaa kana mudaharaadaayey Cajalad Video ah oo la sheegay in lagu jidh dilaayo Sh. Maxamed Ismaaciil Wadaad la yidhaahdo Jeelka Dhexe ee magaalada Hargeysa, cajaladani oo hore ay xukuumaddu u beenisay jiritankeeda.

Mudaharayaasha Reer Ceerigaabo oo iskugu soo uruuraya Garoonka Kubadda ee Magaalada CeerigaaboMudaharaadkani maanta ka dhacay magaalada Ceerigaabo ayaa wuxuu ka soo bilaabmay sida wararka naga soo gaadhaya ay sheegayaan Iskuulka Sare ee magaalada Ceerigaabo, halkaasi oo ardaydii ku jirtay ay socod ku soo mareen magaalada Badhtamaheeda iyadoo dadweynahii caadiga ahaa oo u badnaa caruur iyo Haween ay ku soo biireen mudaharaadka, markii xaaladdu halkaasi marayso ayaa waxaa heegan culus la geliyey ciidaanka Ammaanka ee magaalada Ceerigaabo, kuwaasi oo u diyaar garoobay inay ka hortagaan Mudaharaadkaasi, balse waxaa arrintaasi oo dhex gallay Guddida Culumada iyo wanaag farista ee magaalada Ceerigaabo oo la dhex gallay Mudaharadayaasha gaadhi uu ku rakibanyahay Sameecado waaweyni, waxaanay dadka ka codsadeen in ay iskugu yimaadaan Garoonka Kubadda Cagta ee magaalada Ceerigaabo halkaasina ay ku muujiyaan dareenkooda, taasi oo dadkii ay ka aqbaleen soo jeedintaasi culumada magaalada.

Mudaharaadka ayaa waxaa ka soo qayb gallay Sida wararku nagu soo gaadhayaan Maayorka magaalada Ceerigaabo Mudane Ismaaciil Xaaji Nuur, waxaa ka dib dadkii ay is buuxiyeen garoonka weyn ee kubadda cagta ee magaalada Ceerigaabo, halkaasi oo ay kelmado kala duwan oo ay kaga soo horjeedaan jiritaanka cajaladaasi kaga dhawaaqayeen, Maayorka Ceerigaabo Mudane Ismaaciil Xaaji Nuur ayaa u sheegay Dadweynaha reer Ceerigaabo ee mudaharaadkaasi samaynaayey inay arrintani haddii ay jirto kala xidhiidhayaan Xukuumadda Dhexe ee fadhigeedu yahay magaalada Hargeysa isla markaana wuxuu ugu baaqay dadkaasi inay is dajiyaan ilaa xaqiiqda dhabta ah ee arrintani ku saabsan ay soo baxayso.

Mudaharaadkani qaboojintiisa ayaa waxaa la sheegaya inay qayb libaax ka qaateen Culumada magaalada Ceerigaabo oo ka hortagay isku dhac balaadhan oo ka dhaca Ciidaanka Ammaanka ee magaalada Ceerigaabo iyo mudaharadayaasha, wararka ayaa waxay Somaliland.Org u xaqiijinayaan in roob weyn oo ka da'ay magaalada badhtamaheedu uu kala kaxeeyey dadkii iyagu mudaharaadka samaynaayey.

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
Somaliland.Org, Hargeisa
diridhaba@gmail.com

Sh.Maxamed Ismaaciil Oo Ahaa Ninkii La Sheegay In Jidh Dilka Lagu Sameeyey Cajalad Video Ah Oo Beeniyey Jiritaanka Cajaladaasi
Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 30 September, 2006
-------------------------------


Hargeysa (Somaliland.Org)-- Wararka ay shabakadda Somaliland.Org maanta gelinkii danbe ka heshay Xarunta Xeer Ilaalinta Qarranka Somaliland ayaa u xaqiijiyey in maanta ay jeelka Dhexe ee magaalada Hargeysa ku booqdeen Sh. Maxamed Sh. Ismaaciil culumada magaalada Hargeysa iyo saraakiil waaxda Garsoorka qarranka ka tirsan.

Wararkani ayaa Somaliland.Org heshay ayaa xaqiijinaya in culumadii reer Hargeysa ee halkaasi ku booqatay iyo weliba waaxda Garsoorku ay hor dhigeen Sh. Maxamed Ismaaciil Kitaab Quraan ah isla markaana ay ka codsadeen maadama uu yahay nin isagu diinta islaamka yaqaana oo sheekha inuu ku dhaarta kitaabkaasi in isaga jidh dil loo gaystay isla markaana ay dhabtahay cajaladaasi lagu shaaciyey shabakadaha Internetka, Wararka aanu hellay waxay noo xaqiijiyeen in Sh. Maxamed Ismaaciil uu muddo aamusay, ka dibna uu diiday inuu kitaabka ku dhaarto, ka dibna markii danbe uu sheegay inaanu ogayn ama aanay jirin wax caga juglayn ama garaac ama jidh dil ah oo loo gaystay, wuxuu Sh. Maxamed beeniyey cajaladaasi balse haddana faah faahin dheeraad ah ma bixin oo intaasi ka badan.

Cajaladani ayaa u muuqata dhammaanteedba mid ka baxsan milgaha loo adeegsado dadka Maxaabiista ah ee ku jira jeelasha Somaliland, cajaladani oo ay ka muuqdaan laba nin oo wata rikoodhahada codka lagu duubo ayaa u muuqda qaar mala awaalaya su'aalo ka baxsan hannaanka baadhaha (Inspector) ee Somaliland loo adeegsaday, Wasiirka arrimaha gudaha, taliyayaasha Booliiska iyo Asluubta ayaa hore u beeniyey cajaladani isla markaana ku tilmaamay mid cadawga Somaliland u isticmaalay in dadka lagu kiciyo.

Warka arrintani ku saabsan iyo Culumada reer Hargeysa ee booqatay ee la kulantay sheekha ayaanu isku dayaynaa inaanu la kulano oo weraysiyo ka soo qaadno kala soco Somaliland.Org.

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
Somaliland.Org, Hargeisa
diridhaba@gmail.com


Muuqaalka lagu sheegay in lagu jidhdilay Maxamed Sheekh Ismaaciil Waa Been aan Sali yo Raad Toona Lahayn iyo Waliba Farsamo Xumo Faashil ku ah Ciddii Duubtay iyo Kuwii Baahiyayba

Friday, 29 September 2006

Halgannews

Waxaa  dhawaan ku soo shaac baxay qaar ka mida Saxaafada Soomaliyeed Vidoyow lagu sheegayo in lagu jidhdilay nin ka mida Maxaabista kuxidhan jeelka Hargaysa  ninkaasi oo magaciisa la yidhaah Maxamed Sheekh Ismaaciil dhacdadan oo asalkeeda laga soo xigtay www.radiolaascaanood1.com  markii aan  qiimaynay oo aanu  dawanay vidiyowgaasi waxaa ii cadaatay in been abuuur  iyo waliba farsama xumo la jilay ay tahay.

Sawirkan Muuqaalka Socda ah  haddii aad daawato aad ku arkayso waxyaabaha beenta ah ee la matalayo waxaa ka mida  Dadka wax waraysanaya oo marka horeba codkooda badalaya tusaale, Suaalo aan Sal iyo raad toona lahayn oo la waydiinayo o ah samays sida laga garan karo matalida Muuqaalkan, waxaad ariki kartaa sida marka la waydiinayo Suaasha ah  adigu argagixisada wakiil ma u ahayd  ?? ninka waydiinaya suaashaas oo codkiisa awood aan ku jirin u yeelaya  iyo ninka ka danbeeya oo codkiisa diciif yeelaya isagoo ku dhawaaqaya ((Somaliland)) Waxa kale oo aad arkaysaa Marka uu Muuqaalkani socdo 01:22  minit iyo laba iyo labaatan ilbidhiqsi  shakhsiga la waraysanayo oo qoslaya isagoo ninka kamarada hayaana ugu jawaabayo ha qoslin taasi oo macnaheedu yahay marka hore in fashilantay matalaadaasi oo aanay isku ogayn inuu marka hore qoslo qofka matalaya.

Muuqaalkani marka uu socdo 01:30 waxaa la istusi doonaa ninkan maxbuuska  oo  gacanta midig iyo labada lugoodba silisilad kaga xidhantahay  hadana waxaad arkaysaa Marka uu Muuqaalkani Socdo 02:52  ninkii gacanta midig ka xidhnaa oo gacantii  furantahay  iyo iyadoo la matayo in la dilayo   inta mihiimka ahi waa intane Qofkii daawadaa waxa uu arkikaraa ninka jilaaga bidix ka taagan ee suunka haystaa halka uu suunkiisu ku dhacayo oo ah dhulka hoose isla markaana inoo matalaya inuu laagayo balse aad arkayso in aanu marnaba lugtiisa ku dhacayn Maxbuuska (Matalaaga).

Ninka kale dhinaca midigta ka xiga waxa uu matalayaa in uu koronto ku qabanayo maxbuuska balse jaahilnimadiisa waxa uu gacanta ku haysta ee uu ka dhigayo bahalka korantadu waa rikoodhkii uu markii hore ku waraysanayay rikoodhkaasi oo ah ka madaw waxa uu isku dayayaa in uu gacantiisa ku qariyo  horta marka hore Rikhoodhkaa iyo isma la eka bahalada korontada ah ee dadka ladu qabtaa  waa marka labaade mar walba waxaa ka baxa dab ama hilaah mar walba oo  ruuxa lagu qabanayo  waa marka sadexaade sawkan isagu madixiiba gacantiisa ku haya muu isaga waxyeelo.

Waxaa kale oo aad arki doontaa isla ninkan oo dhawr jeer ku qabanaya korontada ay matalayaan balse mar kaliya uuna la fahmayn Jilaagu intaas waxaa dheer in  marka uu Socdo Muuqaalkani 03:00 waxaad si caadi u arkaysaa ninka korontada hayaa in uu lugtiisa dhulka la dhacayo isagoo la inooga dhigayo in laag lala dhacayo Jilaaga balse Lugaasi waxay ka fogtahay Jilaaga in ku dhaw mitir.

Intaas oo dhan waxaa isku fuuqsan donta beenta dhabta ah ee la matalayo marka la soo gaadho 03:38  waa la is afgaran waayayaa iyada oo la doonayay in ninkan wax matalayaa istuuro oo uu seexdo balse markii uu arinkaa iloobay waxaad arkaysaa in si hoos ahaana cod hoose oo sidiiyoo qof qof kale dhagta waxa ugu sheegayo waxaa soo baxaya dhawaaq hoose oo ka imanaya qofka kamarada haya oo odhanaya seexo ka dib marka uu fahmi waayo waxaad arkaysaa matalaaga oo kamarada qofka haya eegaya  ka dibna wuu istuuraya iyadoo qofka midig ka xigaa riixayo.

Hadaba waxaa is waydiin mudan qofka la dilayaa waxa uu mari jiray marxalado uu xanuunkiisa adkaysan waayo markxalado aad adigu damqanayso marka la jidhdilayo sidoo kale markxalado hakad ah oo la waydiiyo suaalaha la tabayo inuu hayo jawaabaheeda  markaa hadii la jidhdilay meeday sirtii laga doonayay inuu sheegaa maxaa loga maqliwaayay Muuqalkan isaga ah

Arintan oo uu baadhay isla markaana teknikaan ahaan uu Xaqiijiyay   Cumar Cabdi Nuux oo u leh Aqoon Sawirka Muuqaalka ah ee dhaqaaqa iyo Soosaarista barnaamijyada TVga  isla markaana u shaqeeya  Tvga guud ee Dalka Finland  Gaar ahaan  Chanel One-ka.


Websiteyada kale:

Sheekh maxamed Ismaciil oo la rabo in lagu wareejiyo dawlada Ethopia 

Oct 2, 2006

 Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaadhaya magalada Hargaysa Ee Xarunta maamulka somaliland ayaa waxaa xalayto guriga madaxtooyada kulan xasaasi ah ku yeeshay Madaxweynaha Maamulka somaliland Daahir Riyaale Kaahin iyo iyo Wakiilka Dowlada Ethiopia U jooga magalada Hargaysa , waxayna ka wada hadleen arinta jidh dilka loo geeystey sh.maxamed sh.ismaaciil oo beryihii u dambeysey xiisad ka kicisay giyigaas  

Ugu horeynba waxaa wakiilka Ethiopia uga mahadcaliyey madaxweyne Daahir riyaale jidh dilka loo geystey ninkaas shiikha ah waxa uuna ku tilmaamay waxa lagu farxo sida somaliland ay uga go'antahay inay ilaaliso danaha Ethiopia wuxuuna u balan qaaday Xukuumada Addis Ababa iyaduna sidan oo kale u ilaalin doonto danaha somaliland  

sida ay www. Afnugaal.com  u xaqiijiyeen dadku dhow dhow madaxtooyada somaliland kana gaabsadey in magacooda la sheego ayaa waxa ay sheegeen in sidoo kale wakiilka Ethiopia u fadhiya magalada Hargaysa uu ka codsaday Madaxweyne riyaale in Sh.maxamed Sh.ismaaciil laga wareejiyo xabsiga uu hada ku xidhanyahay ee kuyaal magalada Hargaysa loona wareejiyo xabsi kuyaal dhanka magalada Addis ababa ee caasimada wadanka Ethiopa isagoo sheegay in shacaba magalada Hargaysa iyo guud ahaanba Somaliland ay hada ka gadoodsanyihiin jidhdilka sh.maxamed sh.ismaaciil islamarkaasna ay xabsiga kala bixi karaan shiikha , waxaana wararku tibaaxayaan in labada mas’uul isku afgarteen in sh.maxamed sh.ismaaciil oo wareejiyo xabsi kuyaal magalada Addis Ababa Balse waxa uu madaxweyne riyaale sheegay in loo baahanyahay in ninkan si qarsoodi ah loogu wareejiyo dhanka addisa ababa sababtoo ah buu yidhi hadii arintan shacabku ka war helaan waxay keeni kartaa cawaaqib xumo.  

yaasiin maxamed cali (faytin)

yaasiin2006@hotmail.com




Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD