, 2006
BISMILLAAHIRRAXMAANIRRAXIIM
ASSALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI
Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed
korkiisa ha ahaato.
Xamar siday u ahayd magaalada Soomaaliya ugu dhibka badan
16 sano ee ugu dambeeyey baa la arkey iyagoo dadkii Xamar degenaa hal maalin
dhinac istaagay culumadooda kaddib markuu soo baxay xiriir ka dhaxeeya
dagaaloogayaashii Soomaaliyeed iyo hay’adda sirdoonka ee Maraykanka, CIA.
Maalintaas laga bilaabo waxay noqotay meesha Soomaaliya ugu amni badan. Waxaa
intaas dheer iyadoo dadkii dibaha joogay iyo culumadii joogtay daafahaha
Soomaaliya ay soo aadaan si ay indhahooda ugu soo arkaan si ay uga hadlaan.
Beryahan waxaa boggagga internetka lagu faafinayey mid ka
mid ah culumada reer Somaliland oo xabsi dhexdii lagu jirdilayo. Soomaali oo
dhan baa afka qeylo ku shubatay iyagoo leh ma haddaa Soomaaliya lagu dhexarkay
xabsiyo la mid ah kuwii Guantanamo Bay iyo Abuu-Qureyb! Runtii waxaa ka damqaday
dadweyne dumar iyo dhallinyaro u badan oo jooga Hargeysa. Waxaa kaloo la
sheegayaa in ardeyda dugsiyada iyo dadweynaha reer Ceerigaabo ay sameeyeen
bannaanbax weyn oo looga soo horjeedo xariga culumadaas.
Sida gobolka Waqooyi-Galbeed ay ugu taalo magaalo-madaxdii
labadaad ee Soomaaliya ayeey waxay kaalinta labaad ka galeen u gargaarka
culumada Soomaaliyeed. Waxaana Ilaahay ka rajeyneynaa inay kaalinta labaad ka
galaan sameynta maxkamado Islaam oo kuwa Koonfur ku bah ah si wadajirka
Soomaaliya ee muddo la la’aa uu meesha usoo galo. Marka waxaan ku leeyahay
shacabka reer Somalilandiyoow gargaarka intaas ah kuma filna isbeddel ee waa in
shacabku ka gadoodaa arrintaas. Waxaa meesha soo galay xaddiiskii nabiga (SCW)
ee sheegayey in nabiga (SCW) la siiyey waxyaalo u khaas ah oo ay ka mid tahay in
laga baqo meeshii bil loo socdo. Marka la yaab ma leh in labada maamul ee
Somaliland iyo Puntland ay ka baqaan maxkamadaha sida uu saaxiibkood Zenawiba
uga baqo. Tan Ilaah baa socon.
Sidaan la soconno Punland waxay sumcadda ku heshay waa
sida dadweynaha halkaas degen ay u soo dhoweeyeen Soomaalidii kale khaasatan
kuwii aan hubeysneyn. Markii dagaalkii sokeeye uu ka socday Koonfurta iyo
Waqooyi-Galbeedka (Somaliland) waxaa wax lagala soo degi jiray dekedda Boosaaso.
Waxaa sidoo kale deegaankaas ku badbaaday dadka ka soo jeeda beelaha aan
hubeysneyn. Waxaa la ii sheegay in si heer sare ah loogu soo dhoweeyey Gaalkacyo
iyo Garoowe dad badan oo reer Waqooyi ahaa oo ka soo qaxay Xamar. Dabcan waxaa
markaas Puntland xukumey Maxamed Abshir Haamaan.
Waxaa waxaas oo dhan isku fuuqsaday maamulka hadda ka jira
Puntland oo yiri qofkii Koonfurta Soomaaliya ka yimaada waxaan ku celineynaa
meeshuu ka yimid! Dhib ma lahaateen haddii dadka tahriibaya keliya la celin
lahaa laakiin waxay ku dareen waxay khatar ku yihiin nabadgelyada reer Puntland!
Waxay ugu darneyd markii diyaarad dhan laga mamnuucay iney soo cagadhigato
Puntland si aysan u soo qaadin culumo reer Puntland ah oo kasoo laabanayey Xamar.
Culumadaasi waa kuwii midowga maxkamadaha ku yiri: ka jooga deegaanka Puntland
maaddaama ay nabadi ka jirto. Xitaa waxay maxkamadaha ka codsadeen in aysan soo
gelin Koonfurta Gaalkacyo oon Puntland hoos iman si dadka Soomaaliyeed loo kala
badbaadsho. Maxkamaduhu si ku-meel-gaar ah ayey u yeeleen taladaas. Xanibaadaas
loo geystay culumadaas oo ka mid ah dadka loogu qaddarin badanyahay Puntland
cidna kama diirin kamana muddaharaadin. Dadkii diyaaradda loo diiday waxaa ka
mid ahaa Cusmaan-caato laakiin wuxuu yiri Caato: haddaan dhulka maro yaa
Gaalkacyo ii diidikara? Waxaa la sheegay inuu dhulka ku baxay. Marka hadda waxaa
la hortaaganyahay waa culumadaas kasoo jeedda Puntland.
Waxaa intaas dheer in culumada Puntland ka socota ay
maxkamadaha kula tasheen in Jubbada Hoose iyo Shabellaha Hoose wax laga qabto.
Ilaah amarkiis iyagoon weli Xamar ka ambabixin baa wax laga qabtay arrimahaas.
Waxaa iigu yaab badneyd markii dadkii Hartiga ahaa ee Waamo degenaa ay soo
dhoweeyeen maxkamadaha ooy dhaheen haddaa naacoow na martay ayaa korneyl C/hi
Yuusuf, Barre Hiiraale, Cadde Muuse iyo Xasan Daahir (Af-qurac) waxay dhaheen
Kismaayo waa la qabsaday! Kismaayo waxaa awal lagu qabsaday khilaaf dhexmaray
Moorgan iyo C/hi iyo weerarkii ciidanka Dooxada Jubba. Marka ma fahmin sabab ay
hadda Barre-hiiraale iyo C/hi uga hadlaan Kismaayo. Waxaa sidoo kale bayaan ay
ku taageerayaan qabsiga maxkamadaha ee Kismaayo soo saaray waxgaradka iyo dadka
reer Waamo ee degen Ingiriiska. Dabcan waxay heleen akhbaar sheegeysa in
dadkoodii Waamo joogay uu waa’ cusub u baryey.
Maaddaama kheyrka maxkamadaha lagu arkayo maalmo gudahood
sida Xamar iyo Kismaayo ka dhacday ayaan waxaanan weli fahmin sababta
qabiillooyinka degen Puntland ay u sameysan la’yihin maxkamado si ay ula
midoobaan kuwa Xamar. Arrintaas waxay sidoo kale nasri u tahay walaalaha jooga
Somaliland ileyn Puntland baa ku kala dhexjirtee. Arrintu waa qori-isku-dhiib.
Marka haddii shacabka Puntland ay qabtaan qorigaas dabadeedna sii gaarsiiyaan
walaalaha Somaliland, waxaa soo dhowaanaya midwoga Soomaaliya. Arrintaas darteed
ayaa Puntland waxay leedahay muhiimad gooni ah.
Inkastoonan caay ula dan lahayn ee aan xamaasad keliya
ka rabo ileyn kheyrka laftiisu wuxuu rabaa xamaasade ayaan ka rabnaa in
qabiilooyin badan oo Bari dega aan xasuusiyo gabeygii uu tiriyey Khaliif Sheekh
Maxamuud Allaha u naxariistee. Haddii ay qolooyinkaasi furtaan maxkamado ileyn
cidna wax kama qaadikartee maaddaama Puntland wax lagu dhistay qaab qabiil mana
jiro qabiil qabiil kale ka horistaagi kara kheyrka iyo diinta ayey daaqada ka
saareysaa kaftankii Khaliif. Khaliif. Wuxuu yiri:
- ·
Ratigii dawaadlaba hadduu, dumarku
heeryeeyo
- ·
Inkasta oo rar dooriyo culays, lagu
dandaansiiyo
- ·
Hayin kaama kala daadiyee, qaalin baa
dida’e
-
- ·
Ninna haddii uu darbaysnaan jiroo,
ducuf ku weynaado
- ·
Inkastoo aad xornimo darartay iyo,
daalash ugu yeertid
- ·
Dagaag kama hagaagiyo in uu, dib u
gurguurtaaye
-
- ·
Cusri baa daboolaye hadduu, Saxal dul
gawriiro
- ·
Dhaaxaan durqumiyaye haddii, diira
laga waayey
- ·
Maxaan ficil ku doocdoociyaa, beer ma
soo duxa’e
-
- ·
Daxal bay intay la uskageen, deri la
yeesheene
- ·
Deexey dadkaygii isii, duul horaa
yiriye
- ·
Dabciga iyo aqoontoodu waa, cananno
soo diiqe
Wuxuu kale oo sii yiri:
- · Reer Ugaarka dooxada Rakood, wada dekaynaaya
- · Dashiishiyo Siwaaqroon haddaan, moodey niman
door ah
- ·
Nin dudumo ammaantaan ahaa, damac
la’aaneede
-
- ·
Dadaw Cali Jibraahiil haddaad, damac
ka dhawreysey
- ·
Waakaa duskii Meeladeen, lagu lagu
dabaaxaaye
- ·
Abtiyaalladay oo dug yiri, daaway
aadniguye
-
- ·
Cabdalle iyo Daanweyne iyo, doosha
Gumasoor ah
- ·
Durba Hamartiwaaq waa kuwaa, soo
dulbaaxsadaye
- ·
Danabbada Ammaanlaa mar dhaw, soo
danbaaburine
-
- ·
Derdertii Wabeeneeye iyo, Idigfaclaa
doojey
- ·
Daraawiish Cabdirixiin ah baan, duurka
ku ogaaye
- ·
Tabaliyo dawaantiis mar bay, daafta
soo marine
-
- ·
Inkastoo aan diqoonnoo sidii, digo
naloo xaaqay
- ·
Walle daguug nalaka yeel, dirindir
leelleel ah
- ·
Ama diillintaan maganahay, dunidu
ciiryaantay
Marka waxaan kula talinayaa in qabiilooyinkaas dega Bari
iyo meelo kale oo Puntland ka mid ah ay iska meyraan waxaas lagu dacaayadeynayo
una soo jeestaan iney taageeraan Kitaabka Ilaahay si loo helo caddaalad iyo
nabad. Marka haddaad rabtaan in taariikda dib loo qoro haddee maanta ayaa
kubbaddu dhinaciina taalaa.
Waxaa rabaa inaan reer Somaliland iyo Puntland xasuusiyo
in uu jiro xaddiis uu wariyey Imaam Al-Muslim iyo Tirmidi in nabigu (SCW) uu
xusay qabiilooyin Carbeed isagoo leh: Aslam Allaha salaamo yeelo, Qafaar Allaha
u dambidhaafo; Casiyah waxay caasiday Ilaahay iyo Rasuulkiisa. Marka waxaa
Ilaahay ka baryeynaa in dadkeenna Soomaaliyeed aynaan ku sifoobin kuwa la
dagaala diinta Ilaahay oo ayna sifada qabiilkaas wax caasiyey eynaan raacin.
Masaajid kastood tagtid waxaa muslimiintu kaaga
hambalyeynayaan guusha maxkamadaha iyo sheekh Shariif. Iyadood mooddo inuu
Sheekh Shariif ka mid yahay dhowrka qofka ee loogu jecelyahay caalamka Islaamka.
Inkastoon is dhaho hadday dadkaas muslimiintaa ogaanlahaayeen inaan ka soo jeedo
Puntland iima tahniyadeeyeen. Si kastaba ha ahaatee waxaa la joogaa waqtigii
shacabka Puntland iyo Somaliland ay inta maxkamado sameystaan la
midoobilahaayeen walaalahooda Koonfurta. Marka taariikhdaa qoraysa qofkii ka
horyimaada Kitaabka Ilaahay.
WABILLAAHI TOWFIIQ
C/Waaxid
C/hi Khaliif
U-hadlaha shacabka Puntland.
cabdulwaxid@hotmail.com