Maxkamadaha Islaamiga ah iyo Jiil Saaqiday
Cabdirahmaan
Warsame
cabdirahman@hotmail.com
Isbedelka baaxadda wayn ee Soomaaliya ka dhacay cid waliba si ayey ugu
diirsatay siyaabo kala duwanna way ugu riyaaqday. Qaar waxay si wayn ugu
riyaaqeen eryiddii hogaamiye kooxeedkii afduubka ummadda sanadaha badan
ku haystay, taasoo ay mucjiso ku tilmaameen, qaar waxay soo dhoweeyey
ammaanka iyo kala danbaynta, qaar kale waxay ka eegeen guusha
maxkamadaha in ay tahay wado billaw ah oo ummada aafada qabyaaladeed ee
macno darida ah looga bixin karo, laguna gaari karo dan qaran oo
midaysan.
Maqaalkani wuxuu isku deyi doonaa inuu arrinka dhinac
kale ka eego guusha maxaakimta, taaso ah fariisinta ama in hawlgab laga
dhigo waxa maqaalku ugu yeeray fac fashilmay ama jiil saaqiday. Sida
keli ah ee ay maxkamaduhu facan ama jiilkan aanu hoos ku qaadaa dhigi
doono u hawlgebin karaan waa in ay iyaga ka socmaan oo ay dhaqan iyo
aragti ka duwan la yimaadaan, laakiin hadii ay caqliyad iyo habdhaqan la
mid ah kooxaha la yimaadaan wax wayn ma doorin doonaan halkudhigga
diineedkana wax wayn uma shafeeci doono.
Fac Fashilmay ama
Jiil Saaqiday.
Afartankii sano ee lasoo dhaafay Soomaaliya waxaa
majaraha siyaasada u hayey waxa lagu tilmaami karo Fac ama Jiil fashilan.
Jiilkani wax badan oo ay ummadu higsato sooma hoynin. Waxaa la oran
karaa Facii hogaanka hayey tobankii sano ee hore oo intooda badanna ay
xijaabteen ama cimri meel dhigay waa ay yara dhaameen kuwa hogaanka
hayey 20kii sano ee ka danbaysay siyaasadana dhex boodayeyna 15 sano ee
ina dhaaftay welina usoo taagan in ay saaqidnimadooda halkii kasii
miisaan, iyagoo weliba isku haysta in ay yihiin indheergarad siyaasadeed
oo dawladnimada Soomaaliya in wax laga waydiiyo ay tahay, la’aantoodna
ayan waxba kala socon karin.
Halkudhigoodu waa “ Siyaasada lagama fariisto ee waa
laga dhintaa” sababta ugu wayn ee ay sidan u leeyihiina waa in ayan
lahayn xirfad ama mihnad kale oo ay ku xamaashaan ama ku xoogsadaan.
Waxaad arkaysaa, rag wasiiro , wasiir ku xigeeno, agaasimayaal, wakiilo
wasaaradeed, iyo kuwo la mid ahaan jirey, hatana goobaha fadhi ku
dirirka iyo maqaayadaha shaaha Soomaalida ka cabaan dalka iyo dibadaba
tuban oo aad moodo in ay shaqaale goobahaas si full time ah uga shaqeeya
yihiin. Dadka xilalka caynkaan ah soo qabtay dunida inteeda kale waxay u
shaqa tagaan hay'adaha caalamiga, ganacsiga gaarka loo leeyahay,
hay'adaha cilmi baarista, xarumaha waxbarshada, waxay noqdaan la
taliyayaal, laakiin jiilkani arrinkan
kama soo bixi karaan
karti ay ugu qumaanna ma lahan sidaa daraadeed waxay u dhexeeyaan fadhi
kudirarka maqaayadaha iyo shirarka Soomaalidda. Marka keli ah ee aad
fadhikudirarka muuqooda ka weyneysid waa xilligii shir dib u heshiineed
meel laga furo, waxaad arkaysaa kuwiiyo jubbado iyo suudad isku raray
boorsooyinna sii garabsan, “waa siyaasiga beesha” labo maalin ka dib
British Broadcasting Corpation ayaaba warkiisa laga hayaa oo busaaradii
waa ay daysay.
Facani waa kan god ku riday midnimadii ummadda
Soomaaliyeed oo ummadii kala irdheeyey, Waa kan falsafadii dawladnimo
iyo macnadeeda dadka u baray hanti la booboo iyo amar lagu gabood falo,
waa kan abuuray xilka ka qaad ama xabsiga dhig, aniguu ii xiran yahay,
boono ii qor, wiillkan meel dhacdhac leh iigu meeleey. Waa
kan sababay in
muwaadinkii Soomaaliyeed wadankiisa uu muwaadin darajo labaad iyo
sedexaad ku noqdo, waa kuwa shacabwaynihii danta guud iyo tan gaarka ah
isaga dhexyaaciyey, waa kuwa afkeena hooyo xarafka KA kusoo siyaadiyey .
Ruuxu markuu hanti uu isagu shaqaystay guri ka dhisto waxaa la yiraahdaa
hebel guri qurux badan ayuu dhistay, hadii hantidiisa u bulaashaanna
waxaa la yiraahdaa ilaaheey waa u barakeeyey, laakiin qolyaha hantida
guud ama tan samafalka dhaca dadku waxay yiraahdaa hebel Guri ayuu KA
dhistay, hanti ayuu KA faraqabsaday, halkaas ayuu KA noolaaday, KA
tabcaday ).
Waa kuwa qabyaaladdii innagu qarribay oo dadkii qaran
illowsiiyey, waa kuwa qorshahoodu ahaa qaybi oo xukum, bulshadiina
jufooyin iyo jilibyo u kala jejibiyey, waa kuwa sidii ay innoo sideen
nagu dhex tuuray badwayn afar iyo bar la yiraado 4.5 oo damiirkoodu
siiyey in qabaa’iil soomaaliyeed la yiraado jab ama nus ayaad tihiin.
Qolyahani waxay u adeegga bulshada u haystaan in ay
awood tahay, qaamuuskooda waa ay ka maran tahay weedha cadaaladda,
islaxisaabtanka, awood wadaaga, saraynta sharciga, kartida iyo
hufnaantao. Marka aad aragto qolyahan uma baahnid in aad si wayn isku
waydiiso waxa soo dedeiyey qiyaamihii qarankii Soomaaliyeed. Xadiis
nabiga laga wariyey ayaa ahaa NNKH “ Hadii hogaanka loo dhiibo cid aan
ehelkiisa ahayn waxaad dhowrtaan waa qiyaamihii” Sidaas daraadeed
qarankii Soomaaliyeed qiyaamihiisii ayaa dhacay markii uu qool u galay
qolo aan ehelkiisa ahayn.
Qolyahani gebi ahaanba waxaysan garawsanayn , in jiil
Soomaaliyeed ee cusub oo aqoon, karti iyo hufnaan leh soo kacay,
kuwaasoo ku kalsoon qiyamkooda asaliga ah kuna hubaysay cilmiga casriga
ah.
Ujeedkayga ma ahayn in aan ku dheeradu ka faallaynta
jiilkan laakiin waa lagama maarmaan in tooshka lagu ifiyo sababtoo ah
waa jiil saaqiday oo fashilmay, umadoodiina saaqidiyey oo fashiliyey.
Mar qura ayaan markii kacdoonka uu dhacay ay iska waayeen shaashada
hogaaneed ee ummadda, inkastoo ay meelaha qaarkooda ka taliyaan sida
Hargaysa, Boosaaso iyo Baydhabo. Rajo siyaasadeed uma soo muuqato
ummadda Soomaaliyeed inta facaas saaqiday uu siyaasi u yahay, facani waa
inuu ummadda ka fariistaa, sida muuqatana diyaar uma ah inuu fariistee
waa in laga fariisiiyaa sida Muqdisho ka dhacday.
Ka sakow maxkamaduhu in ay Muqdisho iyo gobollada ku
dhow, nabadgelyo kusoo dabaaleen, hogaamiye dagaalkii eryeen, bulshadii
hiyi cusub u kiciyeen, waxay ahaayeen jiil cusub oo siyaasadda
Soomaaliya u kacay. Intooda badan waa rag dhalinyaro ah oo saaxada
siyaasada ku cusub, cusaybkaas qudhiisa ayaa abshir billaw ah.
Maxkamaduhu waa in ay facan digtooni iyo taxadar ka qabaan, waa ay
shaatiyo badan yihiin ( Bulsho Rayad ah, Oday dhaqameed, Indheergara
siyaasadeed, iwm). Inkastoo qaarkood ay mucaaradnimo la soo mutuxan
yihiin qaarna dhoollacadayn iyo mujaamalo aan meel fog jirin maxkamadaha
tusayaan waa in aan lasoo kala soko marsan, laakiin aanan hal mar lawada
tuurin ee mid walba xilligiisa loo fiiriyaa.
Dabcan shaki kuma jiro in ay jiraan xubno ka mid ah
jiilkan oo sharaf iyo wadaniyad leh, qiimo iyo qadarinna mudan, laakiin
waxa aan ka hadlayaa waa intooda badan facan.
Maxkamaduhu waa in ay wadada u xaaraan soona dhowaystaan
jiilka cusub ee Soomaaliyeed. Hadaba waxaa iswaydiin leh waa ayo jiilkan?
Sideyse maxkamaduhu iyo jiilka cusub ee ay ka mid yihiin uga soocnaan
karaan jiilkan saaqiday ama facan fashilmay
Aragti cusub
Maxkamadaha waxa looga fadhiyaa in ay aragti cusub la
yimaadaan taasoo ka amba qaadaysa sedex qodob oo aasaasi ah.
1-
Kalafujinta Qabyaaladda iyo siyaasada: Maxkamadahu waa inay si aan kala
reeb lahayn oo geesinimo xikmadi ku dheehan tahay u kala siibaan labadan
cunsur ee in mudo ah isku milganaa. Taasina waxa lagu garawsan karaa in
la sameeyo halbeeg lagu xulo dadka hogaanka iyo xilka qabanaya,
halbeegani waa inuu noqdaa aqoon, karti, hufnaan wadaniyada, intaas ka
horna uu ruuxu aaminaa labo arrin, Islaanimo iyo Soomaalinimo. Waa in
aan loo jixinjixin hadalka qowlaysatada qabyaalada ku qaraabata waqtina
aa lagu lumin qancinta dadka qabyaaladdu dilootay. Nin Musaylamah la
yiraahdo ayaa hada ka hor Nabigoo nool (NNKH) Nabinimo sheegtay, mid ay
isku tol yihiin oo arrinkaa ka faalloonaya ayaa yiri " Inuu Maxamad
runloow yahay waa ogahay Muslaymana uu beenloow yahay, laakiin Beenloow
Rabiica ah oo tolkey ah ayaan ka jeclahay Runloow Banii Muddara ah ".
Hadii Nabigu isku mashquulin lahaa raalligelinta dadka caynkaa ah
risaaladiisu meel ma gaarteen.
2- Hogaanku inuu adeeg yahay: Sifaadka jiilka saaqiday looga soocnaan
karo waa in loo fahmaa in hogaanku adeeg yahay ee uusan awood ahayn. Tan
waxaa si wayn u fahmay dadka hogaamiya dunida galbeedka. Madaama arrinku
adeeg yahay mar kasta hogaanka waxaa mudnaan leh ciddii adeegga sidii la
doonayey u gudan karta. Nabi Daa'uud isagoo jooga ayey tolkiis warsadeen
sida Quraanku sheegayo inuu Ilaaheey uga baryo inuu u soo bixiyo Boqor
dagaalka ku hogaamiya, boqorkaas markuu ilaaheey tilmaamayey wuxuu ku
sheegay mid karti iyo cilmi leh, waxaa halkaas ka muuqata in cilmigaasi
uusan ahay mid diineed hadii ay sidaa tahay Nabi Daa'uud ayaa mudnaanta
lahaan lahaa.
Tan waxaan uga gol
leeyahay in aysan culimadu isku khaldin aqoonta diinta iyo gudashada
adeega guud. Adeega guud wuxuu u baahan yahay cid hawsha ka bixi karta
hawl ka bixida waxaa sal u ah sedex (Aqoon, Xirfad, iyo Khibrad ).
Hogaanka maxkamadahu waa inuu fahmaa in aqoonta xirfadda iyo khibradu ay
kasbasho u baahan tahay sidaas daraadeed waa in mar kasta xushaan dad
iyaga aqoon, khibrad iyo xirfad dhaama. Nabi Muuse markii Ilaaheey uu
waydiistay in walaalkii Haruun uu wasiir uga dhigo wuxuu sheegay sifo
muhiim ah taasoo uu isaga ku dhaamay "Waa iga codkarsan yahay". Cidda ay
qoranayaan maxkamaduhu waa in ay tahay cid wax dheer iyaga. Waa in ay
bedelaan caqliga ah in haddii uu ruuxu mar madax noqdo uu aqoonta ka
waynaaday, si aysan taas u dhicin waa in ay helaan tababar iyo la talin
joogta ah.
3- In Mashruuca la bulshadeeyo: Rasuulkeena Suuban waxaa laga wariyey
inuu yiri "Umadaydu Khalad Iskuma Raacdo". Si ay maxkamaduhu uga
soocnaadaan jiilkii saaqiday waa in ay arrinka bulshadda ka tixgeliyaan.
Nabigeena isagoo ilaaheey u waxyoonayey ayuu hadana markasta raadinayey
go'aanka iyo taladda Bulshada. Dagaalkii Beder ayaan ognahay isagoo leh
" ASHIIROO CALAYA, WAR DADOOW WAX II SHEEGA". Taninna waa tan keentay in
qadiyadaha qaarkood dadwaynaha afti lagu waydiiyo, taasoo ay ku
khilaafaan waxa uu hogaaku doonayo. Waa in dadwaynaha loo ogaaladaa in
ay si furan doodooda uga dhiiban karaan hawlaha maxkamadaha, su'aalo
keeni karaan, la xisaabtami karaan hogaanka maxkamadaha, diidi karaan
waxa ay maxkamadahu la yimaadaan hadii aysan ahay wax Amniga wax u
dhimaya.
Waxaa mudan in hoosta laga xarriiqo in la saxo fahamka
ama aragtida ka duulaysa waxaan wax u dhiibanaynaa ciddii ilaaheey
raalli ka yahay, ciddii uu Ilaaheey raalli ka yahay isagu uunbaa og ee
aadmigu ma oga, haddii la leeyahay cibaadadiisa iyo Alla ka cabsigiisa
ayaan ku qiimaynayaa taasina sax maahan. Nabiga ayaa la wariyey in
saxaabada nin ka mid uu masuuliyad ka dalbay isagoo u jawaabayanna wuxuu
ku yiri " ADIGU RUUX DACIIF AH AYAAD TAHAY" taasoo macnaheeda ah
masuuliyad ma qaadi kartida, isla saxiibigan nabigu (SCW) meel kale ayuu
ku yiri " DHULKU MA QAADIN SAMADUNNA MA AYSAN HARAYNIN RUUX ABUU DARRAH
KA RUN BADAN".
Hadaba hadii sidaas Soomaalidu wada garawsato, taasoo ah
in facan fashilan iyo jiilkan saaqiday laga soomiyo saamayn ay siyaasada
Soomaaliya ku yeeshaan, maxkamadahuna sidaas taabba geliyaan, isla
markaana la yimaadaan dhaqan ka duwan, kana soocan kii lagu yaqaannay
facan fashilan, waxaan filaynaa rajo soo iftiimtay iyo qaran dib usoo
kaca, oo halkii danbas laga filanayey uu dab kasoo dhasho.
Cabdirahmaan
Warsame
cabdirahman@hotmail.com
Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan