ILAAHOW ITOOBIYA IYO ERITEERIYA DHEXDOODA NAGU
CAYMI
Cabdiraxman Xariri – Saudi Arabia
xariri@hotmail.com
Markii uu bilowday dagaalkii lagu hoobtay ee
dhexmary Ethiopia iyo Erteria 1998, marna isma oran collaada aan sababaha
badan lahayn ee labada wadan u dhaxaysaa heerakaasay gaaraysaa, waxaana u
arkayey inkastoo dagaalka sabab looga dhigay khliaafaad xaga xuduudka ah iyo
dhul laysku hasto gaar ahaan degmada Badame hadana sababata dhabta ah ee ay
ahayd mid caqliyada dadka wareerisay oo dad badani u arkayeen in khilaafku
ku salaysan yahay arimo shakhsi ah oo labada madaxweyne khuseeya iyo
heshiiyo qarsoodi ah oo ay galeen xiligii ay la dagaalamayeed dawladii
Milateriga ahayd ee Mingiste Xayle Maryam.
Waxaase dad badani isku raaceen in marka la
eego sida hawsha-yare ee nidaamka Addis Ababa uga tanaasulay Eriteria ee uu
xoriyad buuxda u siiyey (afti Eriteeriyiinta laga qaaday ka dib) in ay
muuqatey in Itoobiya aanay damac weyn iyo hunguri weynin badan ka qabin
dhinca Eriteriya iyo dhulkeeda toonaa laakiin cida khilaafka iyo dagaalka
bilowday ay tahay Afawarkaha Eriteria oo u arkayey in Itoobiya burburayso
sidaa darteed uu xaq uleeyahay inuu "hashaa" qalan saami intuu helay ka
badan ka helo.
Waxaana xusid mudan inuu isku dayey inuu Yemen ka fara-maroojiyo Jaziiradaha
Xineyshka oo markii dambe Maxkamada Heeg u xukuntay Yemen isagoo sidaa si
lamid ah daandaansi joogta ah iyo gardaraysi ku hayey Sudan iyo Jabuuti,
wuxuuna sidaa kula baxay magac loo qarin jirey oo ahaa "Sadaam Xusseenka
Geeska Afrika"
Isku soo duubo shaki kuma jiro in dagaalkii uu
la galay Etoobiya uu wax badan ka bedeley dabeecadaha Asias Afawarke oo uu
ugu yaraan dareemay in aan cudud milateri waxba lagu xalin karin. Waxuu
sanse marna ilaawin collaada aan sidaan hore u sheegnay la garanayn
sababteeda ee kala dhexaysa Meles Sanaawiga Etoobiya kuwaasoo mandaqada
geeska Afrika geliyey colaad hore leh iyo is xulufaysi iyadoo awelba la
gobolku la tiicayey cuduro iyo fakhri ay sababeen Abaaro iyo dagaalo aan
micno weyn lahayn oo shucuubtu ku hoobatay.
Hadaba markaan u baydho teeni Soomaaliya,
waxaa arin ugub ah in Soomaalidu ay noqoto "ullo" ay isla dhacaan Etoobiya
iyo Eriteria iyo gaar ahaan labada nine ee colaada "nacasnimadi" ah dhexmartay
ee ka kala taliya Asmara iyo Addis oo labadaba dowladii hore ee soomaaliya
ay sababteeda lahayd kursiga ay hada ku fadhiyaan.
Waa wax laga murugoodo markaan arinkan kala sheekeeshay Dr. Asim Omar oo ah
khabiir Sudaani ah oo arimaha gobolka ka faalooda ee uu i weydiiyey suaal
aanan weli jawaabteeda hayn maskaxdaydana aan ka fujin kari waayey oo ahayd.
"Hadii Dawladii ku meel gaarka ahayd Itoobiya u yeeratay, Maxkamadihiina
Eriteeriay aaway dadka intiisii kale, meeye mutaclimiintii, indheer garadkii,
siyaasintii dhexdhexaadka ahaa, wadaniyiintii, dadkii dalka xoreeyey,
haweenkii, ardaydii…iyo….iyo……..
Markaan ka soo baxay anigoo murugaysan
xaalkeenana og ayaan ilaahay hoosta ka baryey oo iri "Ilaahayoow waad na
aragtaa maantaan is lahaa xal baadhow oo xamar baa xasishay wataa xabad
cusub, jihaad, iyo dagaal naloo wakiishay (proxy war) aan bilownay………Ilaahow
Na Caymi……
Walaahu Aclam,
Cabdiraxman Xariri – Saudi Arabia
xariri@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 29, 2006
»GABAYGA
MURUGO & GABAYGA DHIBAABO | Doolaal
»Gabay:
Taariikhda Duugga ah: | Abu-cali
»ABSHIR
BACADLOW CIID MUBAARAK, MAXAABIISTA JEELKA...
»Gabay:
Guutada Hargeysiyo maxaa Gaalo Nabadeeyay | Xasan
»GABAY:
Cajaladahan lasoo duubayee noo cuntami waayey | c/naasir
»HADDAAN
TOL WAAYEY MUSLIMNA MA WAAYEY! | eelay
»Qoraaladii
iyo Gabayadii Jirdilka Sh. Maxamed Ismaciil