SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

“Ma Magaaladii Baydhabaa noo Maqdarad waabtay, Shicibkii la Maasuqay miyaa Farax ku Meydhaantay” 

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif


London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 

Oct, 2006  


BISMILLAAHIRRAXMAANIRRAXIIM

ASSALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WABARAKAATHU

CIID MUBAARAK

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Meerisyada cinwaanku tusayo waxaa iska lahaa gabay uu tiriyey Khaliif Shiikh Maxamuud Allaha u naxariistee. Meesha Baydhabo ku qorantahay waxay ahayd Boorama. Gabyaagu maaheyn inuu gabay saas u qiimo badan uu u tirsho Kulmis iyo wax la mid ah oo Xabashi-raac ahaa. Hadda meerisyada gabayga waxaan ku jiheyneynaa Kacdoonka Shacabka oo Maxkamadahu horseed ka yihiin. Hadda Baydhabaan ku bedelnay laakiin maalmo gudahood haddii Ilaah idmo waxaan ku beddelidoonnaa Boosaaso iyo Berbera. Gabaygaas oo ku tusaya sida gabyaagaasi u ahaa muwaxid markuu weerarka sifeynayo iyo meerisyada uu ku soo xirayo gabayga. 

Marka ciyaartooydu ciyaar isu diyaarinayaan wey is kululeeyaan (warm-up) sidoo kalana inteysan feeryahannadu soo gelin xarigga waa is kululeeyaan. Dadka ku xeeldheer cunidda cuntada, inteysan bilaabin cuntadii weyneyd waxay sameeyaan wax loo yaqaan af-biloow (starter). Marka dagaalkii ay maxkamaduhu la galeen Barre-hiiraale wuxuu ahaa iskululeynta maxkamadaha si ay ciidamada Tigreega uga saaraan Baydhabo.

Waxaa ummadda Soomaaliyeed markhaati ka tahay inaan Barre-hiiraale usoo gudbiyey maqaalkii ahaa:

Barre-hiiraaloow! Kee kula Qumman Qaababkii Xamar looga kala Saaray Qanayre iyo Qeybdiid? 

Waxaan maqaalka kula tashay hadduusan diyaar u ahayn inuu sidii Cumar-filish hubka ku wareejiyo maxkamadaha uu ugu yaraan sidii Qanyare inta qaar la baxo uusan dib dambe weerar usoo qaadin. Waxaan uga digay inuusan ku dhicin dariiqii Cabdi Qeybdiid. Laakiin, Ilaahay waxaan taas ahayn waa diiday.

Hadda waxaan talo kale ku celinayaa wiilashadaya laga keenay Puntland ineysan isku dayin iney ka dhinacdagaalamaan Tigreega. Warar la helayo waxay sheegayaan in saraakiisha Puntland qaarkeed diideen inay wiilashooda horkeenaan Kacdoonka Shacabka ileyn maxkamadaha waxaa u dagaalaya Soomaali oo dhan. Hadday diidaan waxaa insha Allaah ku dhicidoona waxa gabyaagu soo wado. 

Gabyaagu markuu ka hadlay qeybta weerarka ee gabayga ayuu suureynayaa iyagoo markey sunadii iyo salaaddii Subxiga tukadeen ay horay u abbaareen guutooyin ciidamo ah oo u sahansanaa. Wuxuu gabyaagu leeyahay, markii qaddar cabbaar ahaa la ismariwaayey ayaa ciidankii inta difaacii soo jabsheen ay cadowgoodii ku gaardiyeen. Wuxuu sawirayaa iyagoo dadkii labisnaa tuutaha inta dareyskii iska xooreen dhexgaleen dumarkii iyo carruurtii.

Aniguna waxaan rajaynayaa in ciidamada Tigreega iyo Xabashi-raacyada ay tuuridoonaan tuutayaashaas ay isku sawiraan iyagoo iska dhigaya niman soo gubtay oo aan la loodin karin. Ama la arko dad badan oo ku hadlaya Af-maay aysan horay u aqoon kaddib markey tuuraan darayska ciidamada. Waxaan amminsanahay in maxkamaduhu Ilaah iyo diintiisa aamminsaniyihiin sidaas darteedna ay ka guuleysandoonaan Zenawi iyo xulufadiisa. Gabyaagu wuxuu kaloo sheegayaa iney cadowgooda ka furteen waxay hub heysteen oo dhan.

Maxay Baydhabo uga duwantahay Godey? Illeyn dhulku wuxuu dhul Soomaaliyeed yahay markii dad Soomaaliyeed xukumaan marka waxaan shaki lahayn in hadda Baydhabo ka mid tahay Kililka shanaad. Marka Ilaahay idinki, maxkamadahaa laga sugayaa iney dhul Soomaaliyeed ka dhigaan ama tan Zenawi u dhabowdo. Gabeygii oo aan dhexda ka bilaabeyno wuxuu leeyahay: 

  • walligeed ishaa mucallimee maqalku waa liide
  • Allaylehe mar-duulnimo haddaan wax isku key muujin
  • in masuubo gaadhaan hubaa wiilashii mabaye
     
  • musalleylkii goruu wadaad mowlac ka aqiimay
  • muslim baan nahee weyso soow korka uma meyran
  • soow mahad Allaa lee sujuud miiran lama ciirin
     
  • goortaan faradkii mudnaa meeris ku habeynay
  • ee aan markabkii sunnaha macasalaameynay
  • muuminiintu kama maarantee duco naloo miisye
     
  • guutooyin mowd-jiida iyo guluf la meeleeyey
  • sahankii malkada soo arkiyo magacyo loo yeerye
  • weeraha maldahan……………………………………………
     
  • majaraha nasii geesigii maabka noo sidaye
  • annagoo fallaar madaxyoliyo maas ku soconeyna
  • mudaha sidiisii miyaan mir u gadaansaarnay
     
  • madaafiicdii koowaad miyaa la isku mooryaanshay
  • mara-dhaarradii hore miyaa la isu mariwaayey
  • ma muddooyin saacado ah baa la is-mitihinaayey
  • goortey cabbaar murugtayoo dhiiggu mulucleeyey
  • yaa maalijirayey miyaa lagu muraaqooday
  • mahiigaan walaalo ah miyaa mooska soo jabiyey
     
  • meeshii dhufeysku uu ahaa mootar ma cunsiinnay
  • siliggii ku meernaa miyaa maayad lagu dhaafay
  • sidii keyn dab maaruqay miyaan balal maquursiinnay
     
  • JUNDULLAAHI dirir maaggannoo weerar muhaneysa
  • in maxaysatadu daafacdaa waa midaan jirine
  • malkhadkeennii soo yeerayey mayl ka carareene
     
  • meydkoodu goortuu sidii muudiga is fuulay
  • mishigaanku goortuu sidii mayey u seymeeyey
  • ee aan meylalka iyo olol magowsiinnay
     
  • markhaataan ahaa in kuwaas mooralkii jabaye
  • baqahey majeerteen haweenkaa ku maadsadaye
  • daayeer miyaa lagu matalay miro ku yaacaaya
     
  • daayeer miyaa lagu matalay miro ku yaacaaya
  • malaggood sidaan nahay miyaa ruuxii lala maatay
  • raggii mabada waallaa miyaa micida leefsiiyey
     
  • milaterigu tuutihii miyuu muruxshay oo xooray
  • maaheyn askariyeey miyaa laga maciin doonay
  • maxastiyo caruurtii miyaa la is dhex muurraayey
     
  • baabuur mishiin wacan miyaan maggannay oo keennay
  • hub wixii milaalnaa miyaan mirir la soo guurnay
  • …………………………………………………………………………..
     
  • ……………………………………………………………………………..
  • ……………………………………………………………………………..
  • …………………………………………………………………………………
     
  • ma magaaladii Booramaa noo maqdarad waabtay
  • shacabkii la maasuqay miyaa farax ku meydhaantay
  • hablihii marada dheeraa miyaa noo mashxaradaayey
     
  • ……………………………………………………………………………………
  • …………………………………………………………………………………
  • ………………………………………………………………………………..
     
  • inkastaad mataanaha jarteen miiq yar baa haraye
  • Macbuudkey na kaalmeynayiyo duul Malaa’igahe
  • mitidkiinna sii wada Qudduus maro idiin hoosye

Marka sidaad ka aragtaan dhammaadka gabayga ayaa gabyaagu wuxuu meesha soo gashay in dadka muslimiinta ah ay heystaan awoodda Ilaahay. Waa garankaraa micnaha gabeygaas qofkii maqlay dagaalkii dhexmaray maxkamadaha iyo Barre-hiiraale. Ma awoodda maxkamadahaa lagu qabtay intaas oo qalab dagaal ah? Maya, ee Ilaahay baa gargaaray. Ilaahaygii Buu’aale nasriga siiyey ayaa haddana guusha naga siinaya Tigreega Baydhabo jooga. Teeda kale, maxkamaduhu ha ogaadeen in hadda Itoobiya iyo in badan oo shacabka Soomaaliyeed ka mid ah ay u heystaan in haddii boqollaal Itoobiyaan ah yimaadaan magaalo in maxkamaduhu ka baqaan sida ka dhacday Baydhabo iyo Gaalkacyo. Marka haddii Ilaahey idmo su’aashaas waxaa naga shaafinaya Midowga Maxkamadaha muddo aan fogeyn. 

WABILLAAHI TOWFIIQ

CIID MUBAARAK.

ASSALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WABARAKAATHU.

C/Waaxid C/hi Khaliif
U-hadlaha shacabka Puntland.
cabdulwaxid@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 26, 2006

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD