Wararkii: Oct 26, 2006
-
Saakow oo gacanta u gashay Maxaakiimta Islaamiga ah...
.
-
Max’ed Ibraahim Xaabsade iyo Aadan Saransoor oo mudo saddex maalmood ah ka maqan..
.
-
Soomaali ku sii qul qulaysa Jigjiga
iyaga oo ku baxaya Barnamijka dadka laga tirada badan yahay ee USA.
- Geofrey Mugumya oo ah Agaasimaha nabada
iyo amniga Midowga Africa oo sheegay inuu diyaar u yahay in ciidamo nabad
ilaalin ah usoo diro dalka Soomaaliya
- Maraykanka oo kordhiyay Ciidamadiisa ka
jooga Geeska Africa ee Jabuuti
Saakow oo gacanta u gashay Maxaakiimta Islaamiga ah...
Wararka ka imanaya Saakow ayaa sheegay in ciidamada
Maxaakiimta Islaamiga ah ay la wareegeen Saakow, kaddib markii
ay halkaas iskaga baxeen ciidamadii Barre Hiiraale.
Wasiirka Gaashaan dhigga ee DFKMG, Barre Hiiraale ayaa wararku sheegayaan in uu aadey dhanka Baardheere.
Max’ed Ibraahim Xaabsade iyo Aadan Saransoor oo mudo saddex maalmood ah ka maqan..
Warar rasmi ah oo aan ka helnay Magaalada Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in Max’ed Ibraahim Xaabsade iyo Aadan Saransoor oo ka mid ah siyaasiyiinta Beelaha Digil iyo Mirifle ay ka maqan yihiin mudo saddex maalmood ah Magaalada Baydhabo taas oo tuhun weyn gelisay mas’uuliyiinta sar sare ee Dowldda.
Markii hore waxay u sheegeen mas’uuliyiinta Dowladda inay gaarayaan tuulooyin ku dhow magaalada Baydhabo, hase yeeshee warar ayaa waxay sheegayaan in Max’ed Ibraahim Xaabsade iyo Aadan Saransoor ay uruurinayaan kooxo Maleeshiyo ah oo dagaal la gala Dowladda Federaalka kaddib markii ay Dowladdu waxba ka qaban labo qodob oo uu mid ahaa maleeshiyadii lagu laayey Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo iyo in Dowladdu magaalada Baydhabo ka saari weysay taliyihiin Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Cali Madoobe oo uu Aadan Saransoor u qabtay mudo 24 saac ah in uu uga baxo Baydhabo.
“Aad baan u fahanay siyaasadaha Dowladda, waayo markii la damcay in laga hadlo wixii ka dhacay Garoonka Dowladdu waxay duulaan ku qaaday Magaalada Buur-Hakaba, iyagoo uga dan leh in la hilmaamo dhacdadaasi, markii la damcay in iyana laga hadlo xaaladda Taliyaha ciidanka Booliiska waxaa mar kale weerar lagu qaaday Buur-Hakaba si arrinkaasi loo damiyo” ayuu yiraahdeen Xaabsade iyo Aadan Saransoor.
Warar kale oo aanu helnay ayaa waxay sheegayaan in maleeshiyada ay uruurinayaan ay yihiin kuwo la doonayo in lagu taageero Maxaakiimta Islaamiga ah si Dowladda Federaalka ah looga saaro Baydhabo, sidoo kale warar ayaa waxay sheegayaan in Aadan Saransoor iyo Max’ed Ibraahim Xaabsade haatan ku sugan deegaanka Bardaale oo ka tirsan Degmada Baydhabo, waxaana la sheegay in labadaan xubnood ay si aad ah uga caroodeen joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Magaalada Baydhabo, taas oo ay ku tilmaameen mid ay mas’uuliyadeeda leedahay Dowladda Federaalka.
Saacadaha soo socda oo laga cabsi qabo in uu dagaal dhex maro..
Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal kii ugu qaraaraa uu dhex maro Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah oo ku sii siqaya Magaalada Baydhabo iyo Ciidamada Dowladda oo garab ka helaya Kuwa Itoobiya.
Waxaa la sheegay in labada ciidan ay isu jiraan 7Km, iyadoo habeenkii xalay ahaa dardaarankii ugu dambeeyay ciidamada ay siiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Maxaakiimta Islaamiga ah oo kala ahaa Yuusuf Max’ed Siyaad (Indha-Cadde), Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) iyo Max’ed Ibraahim Bilaal.
Wararkii ugu dambeeyeyna waxay sheegayaan in ciidamo xoogan oo ka yimid Itoobiya ay xalay soo gaareen Magaalada Baydhabo, sidoo kale waxaa deegaanka Qurac-Joome kulan ku yeeshay Cabdi Qaybdiid, C/qaadir Beebe iyo Max’ed Dheere, waxaana la sheegay inay ciidamo ku biiriyeen Dowlada Federaalka ah, waxaana la sheegay inay maanta soo gaarayaan Magaalada Baydhabo.
Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Salaad Cali Jeele ayaa sheegay in Cunqabateynta shidaalka ay ku soo rogeen Maxaakiimtu gobalada Bay iyo Bakool ay saameysay bulshada rayidka ah ee ku nool Gobaladaasi, sidoo kale waxa uu saameeyey gawaaridii Dowladda Federaalka ah ee ku sugnaa Baydhabo, waxaana Liitarkii shidaalka ah la kala siisanayaa 25-kun oo Sh. so
Khilaaf soo kala dhex galay C/llaahi Yuusuf iyo Cali Max’ed Geeddi..
30-ka bishan ayaa waxaa Magaalada Khartuum lagu wadaa in uu ka dhaco wajigii saddexaad ee dib u heshiisiinta u dhexeysa dowladda Federaalka ah iyo Maxaakiimta Islaamiga ah, hase yeeshee ragga u kuurgala siyaasadda Soomaaliya, waxay sheegayaan in shirkaasi uu qarka u saaran in uu burburo, kaddib markii midba midka kale ku eedeeyey in ay mas’uul ka tahay jabinta qodobadii horey loo gaaray. Warar aanu ka helnay Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi, waxa uuna khilaafkaasi yimid kaddib markii C/llaahi Yuusuf uu soo jeediyay in heshiis toos ah oo aysan cidna dhex dhexaadineyn la galaan Golaha Maxaakiimta Islaamiga, isla markaana ay Dowladdu u guuruto Muqdisho, waxaase arrinkaan ka carooday Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi oo sheegay in uusan marnaba heshiis la gali doonin Maxaakiimta, isagoo ku tilmaamay inay yihiin kooxo argagixiso ah.
Milles Zenawi oo Mareykanka ka codsaday lacag gaareysa 60-Milyan oo Doolar..
Sida ay qortay jariirada Adis-Tribune ee ka soo baxda Dalka Itoobiya ayaa waxay sheegtay in Ra’isul Wasaaraha Dalka Itoobiya Milles uu Dowladda Mareykanka ka codsaday 60-Milyan oo Doolar si uu dagaal culus ula galo Maxaakiimta Islaamiga ah oo uu ku tilmaamay inay yihiin kooxo argagixiso ah oo halis ku ah nabadda Gobalka Geeska Afrika.
Milles Zenawi waxa uu sheegay in lacagtaani loo isticmaali doono dhinaca Milatariga, iyadoo la og yahay in Dowladda Milles ay haatan ku furan yihiin afar aak oo kala ah, Ereteriya, Jabhadda Oromada iyo Jabhadda ONLF iyo Maxaakiimta Islaamiga ah, waxa uuna u sheegay Shacabka Itoobiya in loo diyaar garoobo dagaaladaasi, hase yeeshee waxaan caddeyn in Dowladda Mareykanka ay ka aqbali doonto bixinta lacagtaasi, maadaama uu horey u joojiyay lacagihii uu siin jiray Itoobiya.
Xarunta Ismaaciil Jimcaale oo cambaareysay xarigii..
Xarunta Ismaaciil Jimcaale ee Xaquuqda Aadanaha oo inta badan uruurisa tacadiyadii ka dhacay wadanka, ayaa cambaareysay xarigii loo gaystay saddex weriye oo u kala shaqeynayay Idaacadaha Shabeele, Warsan iyo Horn Afrik, kuwaas oo kala ah Max’ed Cadaawe, Fahad Max’ed Abuukar iyo Mukhtaar Max’ed Catoosh, waxayna xaruntu xariga weriya-yaashaan ku tilmaantay mid xadgudub ku ah baaqa caalamiga ah qodobkiisa 19-aad oo leh (qof walba waxa uu xaq u leeyahay in uu helo xornimo xagga ra’yiga ah iyo xagga hadalka, wuxuu kaloo xaq u leeyahay in aan lagu faragelin ra’yigiisa iyo in uu raadsado, helo, dhiibo, warar iyo fikrado isaga oo is-ticmaalaya qalab kasta oo warbaahinta ah, iyadoo aan loo firin ama xayirin wax sohdimo ah), waxayna xaruntu ka codsaneysaa Dowladda Federaalka iyo maamulka Gobalka Bay in suxufi-yiintaasi si dhaqsi leh lagu sii daayo, waxaana ku saxiixnaa Guddoomiyaha Xarunta Maryan Xuseen Awreeye.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail : amiinkhasaaro@hotmail.com
Soomaali ku sii qul qulaysa Jigjiga iyaga oo ku
baxaya Barnamijka dadka laga tirada badan yahay ee USA.
Maalmihii ugu danbeeyay waxaa dalka Soomaaliya
laga dareemayay Qoysas badan oo ku sii wajahan magaalada Jigjiga ee dhulka
loogu yeero ismaamulka Soomaalida ee dalka Ethiopia gacanta ku haysoato
halkaasoo ay ka sii aadayaan dalka Maraykanka hadii ay suurtagal noqoto.
Barnaamijka dadkani ama Qoysaskani ku baxayaan
oo ah Barnamijka dadka laga tirada badan yahay ayaa ahaa mid maalmihii ugu
danbeeyay laga dareemay Soomaaliya qoysas badan ayaana si xad dhaaf ah u galay
jig jiga iyaga oo qasdigoodu yahay in ay mar uun gaaraan dalka Maraykanka.
Muddo dheer ayaa laga dhursugayay barnaamijka
dadka laga tirada badan yahay ee maraykanka laguna gaynayo dadkani balse hada
ayuu si wayn u soo shaac baxay.
Si kastaba ha ahaatee Xaalka dadka Somalida ee
gaartay jigjiga ayaan ilaa iyo hada caday sida ay rajadoodu tahay wax war ah oo
buuxana lagamahayo balse waxaa la cadaynayaa in dadkani ay gaarayaan Boqolaal oo
u badan Dadka laga tirada badan yahay iyaga ayaana barnaamijku ku socdaa in
kastoo ay Qoysaskani rajo ka muujinayaan gaaray jigjiga hada dadka intiisa kale
ee aan guda galin barnaamijkan ayaa u arka mid khiyaali ah.
Barnaamijkan Maraykanka kaliya maahan wadamada
qaadanaya dadka laga tirada badan yahay balse waxaa ka mid ah dalka Australia oo
ay dadbadani u socdaan iyo wadamo kale sida Skandanevianka, waa sida la
sheegay'e.
Dadkan uu qaadanayo Maraykanku ayaa waxaa
rumaysan yihiin in la gayndoono dhulkiii ay dhawaanta ku dhufatay duufaanka
Katrina ee dalka maraykanka ee Gobalka New Orleans iyo kuwa ku dhaw dhaw ee ay
sida wayn u saamaysay duufaankaasi.
Waxaa wararku sheegeen in haddii barnaamijkani
hirgalo in qofkii lacag ahaan laga qaadayaa $2500 oo uu bixinayo marka uu cagaha
dhigo ciida Maraykanka lakiin hormaris ahaan waxaa looga qaadayaa $500 taasi oo
uu ku bixinayo inta uu joogo gurigiisa Soomaaliya xataa marka uu tago jig jiga
waxa laga rabaa kharash aad u yar oo aan sidaas u badnayn biilkiisana asaga ayaa
isu qaba.
Waxaan shaki ku jirin hadii uu suurtagalo in
Sanadaha danbe ay Somali badankeed isku dilidoonto tagitaanka USA iyo ku
bixitaanka dadka laga tirada badan yahay sidoo kale waxaa dhici karta in qiimaha
uu sare u kaco maadaama la dareemay sida loogu malaynayo in uu Barnaamijkii meel
maray, balse intaas oo dhan waxaa ciida galin kara waa isaga oo fashil ku
yimaado.
Geofrey
Mugumya oo ah Agaasimaha nabada iyo amniga Midowga Africa oo sheegay inuu diyaar
u yahay in ciidamo nabad ilaalin ah usoo diro dalka Soomaaliya
Agaasimaha nabada iyo amniga ee midowga Africa
Geofrey Mugumya ayaa sheegay in Midowga Africa ay diyaar u tahay inay ciidamo
nabad ilaalin ah u dirto dalka Soomaaliya waase hadii buu yiri ay qaramada
midoobay ay qaado xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya ama isbadal ay ku
samayso.
Keenida ciidamado Nabada ilaalineed oo ka socda
AU-da ayaa timid xilli ay cirka isku sii shareerayso xiisada colaadeed ee ka
taagan Dalka Soomaaliya taasoo uu maraykankuna indhaha ku hayo, dalalka Geeska
africa ayaa iyagu diyaar la ah ciidamo Nabad ilaalineed ee la keeno dalka
somlaia balse malahan awood dhaqaale oo ay kaga hawlgalaan dalka Soomaaliya,
Dalka kalia ee isagu diyaariyay ciidamo waa Uganda oo shegtay in ay mudo 6bilood
ah ay ciidamadeeda loo soodiro dalka Soomaaliya ay is masruufi doonaan inta
kalena ay ka helayso kaalmo dhaqaale duinda balse Uganda ayaa ayaa ku
andacoonaysa in aysan suurta gal ahayn in ay gudaha u gasho dalka Soomaaliya
iyada oo ay wali jirto Cuna qabataynta saaran dalka Soomaaliya ilaa laqaado ama
la khafiifiyana aysan galyan guda dalka Soomaaliya.
Arinta ciidamo keenida uganda ayaa mudo laga
dhulsugayay taasina ma noqon mid dhakhso soo dag dagta walina waxaa dalkaasi
Uganda ka jira ciidamo loo tababaray Nabad ilaalinta dalka Soomaaliya kuwaasoo
aan wali cagaha soo dhigin ciida dalka Soomaaliya.
In kastoo ay sheegeen Maxkamadaha Islaamka ee
magaalada Muqdisho in ay dagaal kala hortagi doonaan ciidamo Nabadilaalineed ee
la keeno dalka Soomaaliya hadana Uganda waxay ku adkaysanaysaa in ay
ciidamadeedu yihiin kuwo xaalada dajinkara oo aan uga siidarayn xaalada ka jirta
Soomaaliya.
Mr.Mugumya waxaa uu yiri midowga Africa waxaa
uu doonayaa inuu ilaaliyo dowlada kumneelgaarka ah ee Soomaalia waxaana uu
Soomaalia ka ilaalinayaa inay mar labaad noqoto dal aan dowlad lahayn.
Sidoo kale Agaasimaha nabada iyo amaanka ee
midowga Africa Geofrey Mugumya waxaa uu sheegay in ciidamada dalka Uganda ay
diyaar u yihiin inay soo galaan dalka Soomaaliya si ay uga qayb qaataan sugida
amaanka madaxda iyo xarumaha dowlada federaalka ee Soomaaliya.
Xubnaha golaha amaanka ee qaramada midoobay ayaa ku balansan inay yeeshaan kulan
ay uga hadlayaan arimaha Soomaaliya bisha 01 November ee fooda inagu soo haysa.
Xaalka dalka Soomaaliya ayaa u muuqda mid
faraha ka siibaxaya oo ay ku hardamayaan ciido wadama badan leh ka socda
waxaadna moodaa in dagaaladii qabaailka ay meesha ka baxday oo hada xaalku isu
ragay is xulufaysi wadamo dawlado taageerayaan dawladaha Ethiopia,
Kenya,Uganda,Yemen,oo isku dhinac ah iyo kuwa Masar, Iran, Ereteria,Libiya oo
iyaguna ah isku dhinac ayaa laga cabsi qabaa in ay ku dhexdagaalamaan
ciidamadoou dalka Soomaaliya hadii sida ay hada xaalku yahay uu ku sii socdo.
Dhawaan ayay ahayd markii uu codasaday
madaxwaynaha dalka Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed in laga wareejiyo shirka
dhexdhexaadinta Somalida gacanta Jaamacada Carabta oo loo wareejiyo Midowga
Africa oo uu u arko in ay yihiin saaxiibadiisa dhabta ah, Maxakamuduhuna ay taa
ka soo horjeedaan.
USA:-Maraykanka oo kordhiyay Ciidamadiisa ka
jooga Geeska Africa ee Jabuuti
Xukuumada Maraykanka ayaa si aada u kordhisay
ciidamadeeda ka jooga Geeska Africa gaar ahaan Dalka Jabuuti oo ay saldhig hore
ku lahaayeen ciidamada Maraykanka kuwaasoo u jooga dalka Jabuuti hawlo la
xiriira argagixisada caalamiga ah sida uu maraykanku ku andacoonayo.
1,800 oo askari ayaanu ku kordhinay
ciidamadayadii joogay Geeska Africa ee Jabuuti sidaas waxaa yiri afhayee u
hadlkay Afhayeen u hadlay Xafiiska Gaashaandhigga Pentogon-ka.
Richard Hanad, oo ka mid ah saraakiisha
hogaaminaysa Ciidamada Maraykanka ka jooga dalalka Geeska Africa ayaa sheegay in
wafdiga u xilsaaran ladagaalanka Argagixisada in ay u jeedadoodu tahay sidii ay
uga hortagi lahaayeen Argagixiso kasta oo ka dilaacda Geeska Africa maraykankuna
uu waligiis indhaha ku hayay waxa ka soconaya Geeska Africa.
Sarkaalkaasi, waxa kaloo uu sheegay inay Ciiddamadda Maraykanka ee jooga Geeska
Afrika, muhiimad siiyeen sidii ay ula socon lahaayeen Xaalladaha dalka
Soomaaliya iyo sidii ay Taageero Samafal ugu fidin lahaayeen Dalalka Jabuuti,
Eritrea, Ugandha, Kenya, Ethiopia, Sudan iyo Tanzania.
Ciidamada Maraykanka ee jooga Xeebaha iyo
dhulka Geeska africa ayaa waxaa la dhisay sanadkii 2002-dii xiligaasoo u
jeedadoodu ahayd sidii ay u ugaarsan lahaayeen kooxihii Al-qaacida iyo
Daalibaankii loga saaray Dalka Afghanistan si aysan saldhig cusubu uga samaysan
Dalalka Geeska Africa kuyaala gaar ahaana Soomaaliya kaasoo looga baqanayay in
ay saldhig ka samaystaan maadaama Soomaaliya aysan ka jirin dawlad si wayn u
hanata amaanka dalka.
Xeeldheerayaasha, ayaa rumeysan inaysan Ciiddamadda Maraykanka ku soo degdegi
doonin inay soo galaan gudaha dalka Soomaaliya, maadaama ay weli xusuustaan
khasaarihii ka soo gaaray Hawlgalkii UNITAF-UNOSOM ee ay Ciiddamadda Maraykanka
iyo kuwo kale ay ka fuliyeen dalka Soomaaliya bilowgii sannadihii 90-aadkii.,
iyo maydadkii Ciiddamadda Maraykanka ee bishii Okt 3-dii ee sannadkii 1995-kii
lagu jiiday Waddooyinka Magaalladda Muqdishu.
Maraykanka ayaa wali aysan ka harin xusuutsii
ka raacday Soomaaliya xiligii uu gudaha u galay ciidamadii uu horkacayay
maraykanku ciidamo wadamo badan ka socda kuwaasoo dantoodu hayn in ay caga u
dhigaan Xaalka dalka Soomaaliya balse arintii markii danbe isu badahsya mid ka
sii dartay xaaladii markii horeba taagnayd.
18 askarta maraykanka ah ee looyaqaano rangers
ayaa wali ka guuxaya dhagaha maraykanka ee algu dilay dalka Soomaaliya taasina
waxay marayanka siisay in uu si dagdag ah uga gurto ciidamadiisa ka dib markii
uu shaashadaha ka arkay hilibka askartiisa oo ay cunayaan ciidankii Gen; caydiid.
A/rizak koronto
Garowe puntland
|