SomaliTalk.com oo wareysi ku saabsan doorashooyinka MN & USA la yeelatay
Maxamuud Nuur Wardheere-
murashaxii hore ee duqa magaalada Minneapolis
haddana ka shaqeeya US Senate.

Xisbiga Jamhuuriga |

Xisbiga Dimoqraadiga |
Somalitalk:
Mudane Wardheere Doorashadan waxaa loogu yeeray midda xilliga dhexe (Mid-Term)
labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimoqraadiga kee baa guulaysan doona ayey kula
tahay?
Wardheere:
Midterm maadaama uusan madaxweynaha tartan ku jirin sua'asha waxay ku haboon
tahay in la yiraahdo governors-ka iyo labada aqal ee House-ka iyo Senate-ka yaa
ku guulansan doona. Jawaabta waa qiyaas waqti badan ayaa weli ka dhiman
doorashada waxbadan ayaa isbedeli kara. Laakiin waxaa la isku wada raacay in
xisbiga dimoqraadigu ku guulaysan doono House-ka waxaana dhici karta inuu ku
darsado xataa aqalka Senate-ka. Rag yar oo uu ka mid yahay la taliyaha
madaxweyne Bush, Karl Rove ayaa diidan qiyaastan. Cilmulqaybka ilaahay uunbaa og.
Somalitalk:
Hadda ka hor waxaad saadaalisay in maroodigu ku durdurin doono dameerka sanadkan
ma waxaad leedahay dameerka ayaa haraatin doona maroodiga oo isha ka ridi doona?
Maxaa isbedelay? aawey mashiinkii xoogga badnaa ee Jamhuuriga? Sidee ku dhacday
in laga gacan sareeyo.
Wardheere:
Adduunka maalin adigaa iska leh maalinna adiga ma lihid. Sababta keentay in
saadaasha doorashada maanta dimuqraadiga la wareego labada aqal waxaa u sabab ah
arrinta Ciraaq. Maamulka Jamhuuriga waxaa ay ku guulaysan waayeen in ay
shacabka ka dhaadhiciyaan macnaha dagaalka ciraaq iyo macnaha dhimashada
askartooda iyo lacagta ku qul qulmaysa ciraaq. Maamulka waxaa uu la iman waayey
qorshe looga baxo Ciraaq sidoo kale dawladda Ciraaq waxaa ay noqotay la mood
noqonse weyday, sidoo kale maamulka waxaa uu shacabka ka dhaadhicin waayey in
dagaalka Ciraaq uu la xiriiro argagixiso iyo in dagaalka Ciraaq uu yareeyey
argagixisada addunka.
Somalitalk:
Xisbiga demoqraadiga meeqa kursi ayay u baahan yihiin in ay ku guulaystaan si ay
ula wareegaan labada aqal? Maxayse yihiin arrimaha ay shacabka Maraykanku u
arkaan muhiim?
Wardheere:
Demoqraadiga waxay u baahan yihiin inay ku guulaystaan aqalka Senate-ka 6
kursi aqalka house-kana 15 kursi. Arrimaha dadk maraykanka muhiim u arkaan waa
ay badan yihiin waana kala duwan yihiin waxaa ka mid ah Ciraaq, argagixiso,
fadeexooyinka, musuqmaasuq, dadka soo galootiga ah, canshuuraha, daryeela
caafimaadka, iyo arrimaha qoyska iwm. Waxaase ugu muhiimsan Ciraaq iyo
foolxumada ka socota.
Somalitalk:
Arrimaha Ciraaq maahee maxaa kale oo Jamhuuriga la degay?
Wardheere:
Waxaa la degay Xisbiga Jamhuuriga Ciraaq, Fadeexooyin iyo ceebo iska daba yimid
oo ay ku kaceen xubno ka tirsan madaxdooda, Shacabka maraykank badankiis oo
aaminsan in Congressku yahay meel masuqmaasuq hareereeyey, iyo xisbiga
Demoqraadiga oo aad moodo inay ka faaiideysteen kedisooyinka Oktoobarta meesha
ka dhacay sida Ciraaq iyo Afganistaan oo ay xaaladooda adkaatay iyo fadeexooyin
badan oo dhacay gaar ahaan kuwa Bishan Oktoobar.
Somalitalk:
Ma la dhihi karaa waa hubaal in ay xisbiga Demoqraadiga la wareegayo labada aqal?
Wardheere:
Qiyaastu waa saas laakiin sidaan hore kuugu sheegay ilaahay uun baa og
cilmulqaybka. Labada xisbi waxay leeyihiin dad maalin walba baara ra’yiga
dadweynaha oo waxay cayaarayaan turub qatar ah waxay ku mashquulsan yihiin
olole magac dil ah. Waxay isku deyayaan inay dacaayadaha ku kala hormaraan,
waxay isku deyayaan in midba midka kale qaladkiisa ka faaiideysto. Xisbiga
demoqraadiga waxaa kale oo ay ka faaiideysanayaan jacayla dadweynaha u qabaan
madaxweyne Bush iyo sida uu wax u maamulo oo manta aad u hooseysa.
Xisbiga
dimoqraadiga waxaa uu si gaar ah uga faaiideysanayaa xisbiga talada haya oo
waxaa uu isku deyayaa inuu wax aallale iyo wixii qaldamaa dusha ka saaro
Jamhuuriga maadaama ay manta gacanta ku hayaan labada aqal iyo white House-kiiba.
Labo usbuuc ayaa ka dhiman maalinta doorashada ra’yiga dadweynaha waxaa uu ku
bedelmi karaa mudo yar labada xisbi midwalba waxaa uu isku deyayaa inuu xeelad
iyo istaatiijiyad ama dacaayad ku bedelo kana faaiideysto dhacdadii soo kororto.
Somalitalk:
Haddii uu xisbiga Dimoqraadida aqlabiyadda labada aqal ku guukaysto
maxaa u qorshe ah?
Wardheere:
Horta ma haystaan qorshe weyn oo la wada ogyahay sidii markii xisbiga jamhuuriga
ku guulaysteen aqlabiyadda labada aqal 1994 ayagoo watay markaas qorshe cad oo
ay u bixiyeen “Contract with America”xilligaas oo uu hogaaminayey af hayeenkaii
Newt Gingrich. Laakiin waxaa la fahamsan yahay inay horjoogsan doonaan
agendayaal badan oo uu wato madaxweyne Bush waxaana dhici karta inay dacwado
asaga ka dhan ah ku soo oogaan aqlabiyadaasna ugu diyaar garoobaan doorashada
madaxweynimada ee 2008.
Somalitalk:
Soomaalida Minnesota oo uu horkacayo ururka Somali Action Alliance waxay qabteen
(toddobaadkan horraantiisii) shirweyne la yiraahdo la kulan murashaxiinta Aqalka Senate-ka. Sidee u
dhacaday?
Wardheere:
Si Fiican. Somalida Minnesota waa dad xagga siyaasadda aad u ugu fir fircoon.
Waxayna go’aansadeen in ay codkooda ku gor gortamaan. Waxaa ay rabaan in ay
Washinton DC ku yeeshaan codad badan. Senator Coleman keliya kuma filna
baahidooda waa badan tahay sidaas darted waxay rabaan in ay dad bdan ku yeeshaan
Washinton DC . Labada Murashax ee Amy Klobuchar iyo Mark Kennedy labaduna
bulshada hortood waxaa ay ballan qaadeen in Soomaalida dhegaysan doonaan lana
shaqayn doonaan waa hadba kii ku guulaysta doorashada. Waxaan halkan mahad gaar
ah uga gudbinayaa Mudane Shaafi Xaashi oo ah gudoomiyaha Somali Action Alliance
iyo dhamaan dhallinyadii badnaynd ee ee shirka soo qaban qaabiyey oo awoodda
codka Soomaalida Minnesota muujiyey.
Somalitalk:
Minnesota diyaar ma u tahay inay Washington DC (US Congress) u
dirto nin madow oo muslim ah? Keith Ellison?
Wardheere:
Haa, Waxaan u malaynayaa in waqtigaas la gaaray. Waxwalba amar ilaahay ayay ku
socdaan wixii qoran lama hor istaagi karo. Waa uu soo baxayaa Keith Allisan
waana tegayaa Capitol Hill asagoo ah Muslimkii ugu horeeyey. Sababta uu u soo
baxayaa waxaa waaye isagoo doorasho uga taagan degmada shanaad ( Minneapolis iyo
agagaarkeeda) oo ah aag u xiran xisbigiisa demoqraadiga oo aanan la filayn in
qof kale uu xataa u soo dhowaado iska daa inuu ka guulaysto.
Keith Ellison oo ah
nin codkar ah waxaa uu ku guulaystay inuu taageero ka helo dhamaan jaaliyadaha
Minneapolis badankood sida African American, Jewish badankood iyo weliba
joornaalkooda Minneapolis ee caanka ka ah. Waxaase si la yaab leh u taageeray
muslimiinta oo noqday kuwa siiyey lacagta ugu badan ee uu ku ololeeyay iyo
bulshada Soomaalida oo aan u kala harin oo si layaab leh ugu codeeyey una
taageeray weliba ayagoo cadaawad loogu qaaday.
Muslimiinta lacagta
ugu deeqay qaarkood waxay degan yihiin gobollo kale. Keith Allisan weli waxaa
ku furan dacaayado badan iyo eedeymo tartankana weli ma dhamaan Waxaase wax
lagu farxo ah in Soomaalida Minnesota taariikhdaas cusub qayb ka qaateen oo wax
ka direen muslimkii ugu horeeyey ee ka mid noqda US Congress.
Somalitalk: Mudane
Keith Allison muxuu qaban karaa? Maxaadse kula talin lahayd taageerayaashiisa?
Wardheere:
Keith Allisaon wax waa qaban karaa oo hadii la doorto waxaa uu awood u
yeelanayaa inuu aqalka houseka soo dhigo agendeyaal sida Bills/Resolutions
waxaa uu floorka ka dhihi karaa hadalo muhiim ah. Waxaa uu la xiriir karaa
masuuliyiin waxaa uu saameyn ku yeelan karaa dadyow badan. Laakiin Muslimiinta
xataa hadii la doorto waa inay taageero la sii garab istaagaan. Asagu waa
samaysanayaa xulafo xisbiweynaha dimoqraadigana xubin buu ka yahay laakiin waxaa
haboon in Mslimiintu inay saaxiibo u sameeyaan oo ay la xiriiraan wakiiladooda
ama senatooradooda kana codsadaan inay soo dhoweeyaan ama la shaqeeyaan hadii
kale Keith Allison waxaa uu noqon doonaa nin lagu dhex siidaayey wakiilada
aqalka House-ka oo dhan 435 Keligiis xilligan adag far keliya fool ma dhaqdo.
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 25, 2006
|