BISMILLAAHIRRAXMAANIRRAXIIM
ASSALAAMU CALAYKUM
CIID MUBAARAK
Ilaah
baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Qamaan
Bulxan ama Salaan Carrabeey baa midkood yiri:
-
rag wax
gaadhay naagtii uu qabay, guurna lagu sheegay
-
iyo gabas
mariid ah oo ku dhacay, goojigaa hilibka
-
u gudboone
labadaa halbuu, ga'ma la diidaaye
Shaki ma leh in arrintaas uu gabyaagu ka hadlay ay keento hurdo
la’aan iyo warwar laakiin ma filayo inay tahay tan ugu daran wax rag soo gaara.
Labo isweydiinmeyso in fallaarta iyo xabbaddu aysan ahayn waxa ugu daran ee rag
kugu dhaca. Haddiise naag nin qabay oo inta meel aadda, ninka kale guursado
waxay ceeb ku tahay ninka labaad. Mana tuseyso in ninka labaad uu garaad, hanti
iyo karti midna dheeryahay kii hore ee qabay. Taa ka soo horjeedkeeda, waxay
keeneysaa in ninka labaad hadduu ogaal u guursado haweenay nin kale qabo uu u
sameeyey caqli-xumo ama kibir iyo qooq oo iyaga laftoodu ah caqli-xumo.
Hooyadeen Caa’isho (RC) baa iyadoo ogeyd wixii muslimiinta gaaray
dagaalkii Uxud, nabiga ku tiri: nabi Alloow (SCW) ma kusoo martay maalin kaaga
daran tii Uxud? Qofkii jawaabta nabiga (SCW) si fiican ugu dhabbogala wuxuu
ogaanayaa in dilka iyo dagaalku uusan ahayn wax rag gaara waxa ugu daran. Nabigu
(SCW) wuxuu yiri: waxaan kala kulmay qoomkaaga (Qureysh) waxaan kala kulmay
laakiin waxaa iigu darnayd markaan nafteyda u bandhigay odayaashii Daa’if. Mid
odayaashii ka mid ah baa yiri: oo Ilaahay ma waayey wax adiga ku dhaama?! Mid
kalaa yiri: daahyada Kacbada baan soo goynayaa haddii Ilaahay kusoo diray. Kii
kalana wuxuu yiri: kulaba hadlimaayo haddii Ilaah kusoo diray! Dabadeedna intey
ciyaalkii, maangaabkii iyo addoomihii ku direen bey dhaheen dhagax iyo caay kala
daala nabiga (SCW). Inta dariiqii uu nabigu (SCW) marayey labada dhinac ka
safteen bey dhagax roobka uga dhigeen ilaa dhiiggii nabiga (SCW) ka baxay uu
ciribtiisa iyo dhulkii gaaray. Nabigu wuxuu sheegay inuu isagoon miyir badan ku
jirin oo dhib iyo hammi qaba uu masaafo kiilomitirro ah lugeeyey. Qisadan waxaa
wariyey Bukhaari iyo ragga kalaba.
Inkastoon ognahay dhibkii iyo culeyskii dagaalkii Galgalato iyo kii
meelo badan oo Xamar ah ku dhexmaray Midowga Maxakmadaha iyo La-dagaallankii
Argagixisida laakiin dhaawicii iyo dhimashadii gaaray maxkamadaha ayaa sharaf
noqonaya markii loo eego culumadii iyagoon waxba sameynkarin laga dhoofinjiray
Deyniile iyo Cisaley. Sidoo kalana waxaa murugo lahaa in 1975-kii intaas oo
wadaad inta tiirar lagu xirxiray la toogtay iyagoo lagu dilay iney xaqa
caddeeyeen.
Waxaa qofkii cibroqaadanaya cibroqaadasho ugu filan in meeshii
culumada lagu toogtay oo ay gacanta ku haynjireen kuwo aan diin Islaam wax ku
xukumin in maanta lagu fuliyo qisaastii uu Islaamku jideeyey. Waxaana xukuma
isla wadaadadii shalay iyagoo xaqa u hiilinaya lagu toogtay. Marna isma
oran anoo nool
baa taas la gaarayaa laakiin Ilaahay Isagaa arrimihiisu qaalib noqdaan. Ma
waxaan shukri Ilaahay ahayn oo noo furan baa jira?
Kheyrka Xamar ka dhacay kaddib markii culumadii Xamar ka gilgisheen
dulmiga yaallay Xamar baa waxaa halkaas tagey culumo ka kala timid
Somaliland iyo
Puntland. Sida jinnigii dhegeystay Qur’aankii nabigu (SCW) akhrinayey ayaa
culumadaasi markey ku laabteen Somaliland iyo Puntland ku dhaheen shacabkoodii:
shacaboow waxaan kheyr iyo sharaf ahayn kumaannaan soo arag Xamar, ee idinkuna
waa inaad u dadaashaan sideey maxkamadaha Xamar wax u qabteen oo aad diintiinna
iyo dadkiinna wax ugu qabtaan. Marka kheyr Allaha siiyo culumadaas. Kaddib
markey u kuurgaleen howsha iyo kheyrka ay wadaan Midowga Maxkamadaha Xamar ayey
u caddaatay in meesha dantii dalka laga wado.
Ilaalada xeebaha Puntland oo ah kuwa laga afduubay 3-da
dhallinyarada ah ee daraawisha ahaa ee hadda ku xiran Thailand
Nin
reer Thailand ah oo Bosaso lagu Afduubay
Nin u dhashay dalka Thailand ayaa waxaa loo
afduubay 3-da dhallinyarada ah ee ku xiran Thailand sida ay....
Guji... |
Arrinta culumada cagsigeeda waxaa qaatay “mas’uuliyiin” ka socda
Dowladda Federaalka ah iyo
Somaliland.
Meles Zenawi baa inta shiriyey yiri: waxa maxkamaduhu wadaan waa Islaam mana aha
wax dani ugu jirto Geeska Afrika! Waxaa ugu darneyd markii wasiir ka socda
Somaliland inta British Broadcasting Corporation ka hadlay, hadalkaas oo kale
yiri! Marka qofka saas u hadlaya ma dadka muslimiinta ah ee
Somaliland
degen buu xukumikaraa ama matelikaraa? Ilama aha. Hadda waxaan filayaa in
shucuubta Somaliland iyo Puntland ku dhaqani aysan is dhaafsan karin waxa
culumadoodu wadaan iyo shirqoolka seddexgeesoodka ah ee ay Meles Zenawi, madaxda
Somaliland iyo kuwa Puntland wadaan.
Waxaa iigu yaab badan ciidama Somaliland oo dabajooga
xudduud-beenaadkii Ingiriisku sameeyey oo muddo dhan fadhiyey jiidda
Ari-caddeeye ayaa la filayaa iney halkaas ka tagaan kaddib markii Meles Zenawi
uu Puntland iyo Somaliland u sheegay iney ciidamada kala qaataan si ay iskaga
celiyaan maxkamadaha! Marka fikriddii hore ee Ingiriiska waxaa soo labeeyey
fikraddii Zenawi. Marka, labadii Soomaali oo is qabataba ma Itoobiyaan baa loogu
yeerin?!
Inkastoon dagaalku ahayn wax lagu degdego ayaa haddana lagu
khasbanyahay markii diinta, dadka iyo dalka la difaacayo. Sidii nabigu (SCW) u
xusay in dhibta ugu daran ay tahay adoo xaq wada laakiin aadan waxba awoodin ee
keliya aad wax iska daawatid. Waxaa sidoo kale gabay ku muujiyey dhibta ay
daciifnimadu leedahay gabyaa Soomaaliyeed. Seddex beyt oo seddexda u horreysa ku
xigay baan ka tagay. Wuxuu yiri:
-
damdamleeyayeey xalay maxaan dananay oo reemaay
-
sidii duumo ruux qaba maxaan darintii haynwaayey
-
hadba doc-isu-tuur-tuur maxaan dagi bannaan xaartay
-
sidii aar dabin galay maxaan doobta ka hirraagay
-
booddo isku-dey-dey maxay damacday laabtaydu
- nin
dabrani ma rooree maxaan duuli kari waayey
-
dumar wada agoomaa muxuu iga dulyuunaasay
-
aanada diboodka ah maxaan diric u nool waayey
-
anoo ducufa Eebboow maxaa la igu daanshooday
Waxaan
kula talaniyaa in dadka culumada iyo ducaadda ah aysan ku sifoobin sidii
haweentii Qur’aanku xusay ee inta geeddi/dhegaati/xarig soohday markuu adkaaday
dib u furfurtay. Marka wax culumada iyo nabaddoonada Soomaaliyeedba ahaadaan
daciif iyo dad aan hadal lahayn ayaa kacdoonkii Xamar ka dhacay wuxuu culumada
ka dhigay dadka ugu xoog badan Soomaaliya sidoo kalana odayo-dhaqameedka ka
dhigay dad aad loo maqlo oo hadalkoodu socdo. Haddaad i rumeysanweydaan arka
isimada Puntland oo la shiraya cidday rabaan iyagoon cidna ka heybeysaneyn
kaddib markii dhowr sano ka hor lagu tooganjiray dariiqyada duhur cad, carruurta
iyo dumarka hortooda. Marka shacabka Puntland iyo Somaliland waxay rabaan
caddaaladda marka iyagoon dhiig daadan baa la sameynkaraa maxkamado si ay ula
midoobaan kuwa Xamar dabadeedna Soomaaliya hal u haato. Hadday taasi dhacdo
waxaa meesha ka baxaya dhagartii cadowga Soomaaliyeed ooy u horreyso Itoobiya.
Haddii taas laga dhago adaygo haddee waxaa dhacaysa in nimankii la-dagaalanka
argagixisida iyo kuwa la mid ah soo noqdaan dabadeedna culumada iyo nabadoonnadu
ku noqdaan meeshoodii hore ee lagu ihaaneysanjiray. Waxayna u ekaaneysaa sidii
gebyaagu u lahaa:
-
nimankii ku dhabannaanin jiray, dhowr ka loogsada’e
-
dharbaaxooyinkii soo ceshiyo, dhabarjabkaagiiye
WABILLAAHI TOWFIIQ
CIID MUBAARAK
ASSALAAMU CALAYKUM.
Damdamleeyayeey xalay
maxaan dananay oo reemay
Sidii duumo ruux qaba maxaan darintii haynwaayey
Hadba doc isu tuur tuur maxaan dagi banaan xaartay
Sidii aar dabin galay maxaan doobta ka hiraagay
Boodo isku dey-dey maxay damacday laabtaydu
Nin dabrani ma rooree maxaan duuli kari waayey
Dumar wada agoomaa muxuu iga dulyuunaasay
Aanada diboodka ah maxaan diric unool waayey
Anoo ducufa Eeboow maxaa la igu daanshood
C/Waaxid
C/hi Khaliif
U-hadlaha shacabka Puntland.
cabdulwaxid@hotmail.com