SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO

Faalo:- Warbixin ku Saabsan Waxbarashada Magaalada Boosaaso ee Xurunta Gobolka Bari Ee Puntland

Bosaaso:- Magaalada Boosaaso ee xurunta gobolka bari ee Dowlad Goboleedka Puntland, waa Magaalada kaliya ee dhanka Waxbarashada ugu horumarsan ugu horeysa gayiga deegaanada puntland, Magaalada Boosaaso waxaa kajira dugsiyo isugu jira kuwo sare/dhexe iyo hoose oo aad u fara badan oo ay wax ka dhigaan khubaro iyo Aqoonyahano Soomaaliyeed iyo kuwo ajanabi ahba.

Magaalada Boosaaso waa Magaaladii ugu horeysey ee ka tirsan Deegaanada Puntland oo nasiib u yeelata in ay hesho jaamacad (University) jaamacada magaalada boosaaso oo la yiraahdo (East Afrika University)?oo macnaheedu yahay Jaamacada Bariga Afrika waxaa la aas?aasey oo si rasmi ah loo furay markay taariikhdu ahayd 23/10/1999, waxaana lagu bilaabay 95 arday oo ku baasay imtixaan horudhac ahaa oo laga qaaday dadkii soo dalbaday, kuwaasoo loo furay bilowgii koorasyo barashada luqada; carabiga, ingiriiska iyo xisaabta ah. Bishii Oktoobar 2000 ayayna ardaydaasi waxbarashadoodii rasmiga ahayd ee jaamacadeed si toos ah u bilaabeen.

Sidoo kale Magaalada Boosaaso waxaa ka jira dugsiyo (High Shcool) oo ah sar sare oo dhowr iyo toban ah, waxaana ka mid ah kuwa ugu caansan dugsi sare oo la yiraahdo Hamdan Secondray School dugsigan waxaa wax ka dhiga macalimiin khibrad sare u leh aqoonta ay ardayda u gudbinayaan oo isugu jira kuwo somali ah iyo?kuwo ajanabi ah oo u dhalatey dalka suudaan dugsigan waxaa la'aas aasey oo iridada si toos ah loogu furey 01/01/2003 waxaana aas aasey Shikh caan ah oo la yiraahdo xamdaan Binu Rashiid Almaktuubi oo dugsiga loogu magac darey dugsiyada sare ee la yiraahdo Hamdan ee Shiikhaas aas aasey ee ku yaal qaarada Afrika waxa ay gaarayaan 37 dugsi oo ah (High Shcool) soomaaliyana waxaa kaga yaal labo dugsi waxayna ku kala yaalaan Magaalooyinka Boosaaso iyo hargaysa.

Dugsiga sare ee Sheikh Xamdaan secondray school ee Magaalada boosaso teer iyo markii la aas aasey waxaa ka qalin jabiyay arday aad u fara badan oo wiilal iyo gabdho isugu jira oo haatan wax ka barta wadamada Masar,Suudaan,Ukrain,iyo jaamacada cumuud dugsigan waxa uu soo saarey arday aad u kuwaali sareysa marka loo xagliyo dhanac walba aqoonta,dhaqanka,asluubta,iyo wixii la mid ah.

Sidoo kale waxaa Magaalada Boosaaso ee xurunta gobolka bari ka jira dugsiyo sare oo kale oo aad u fara badan sidaan kor ku soo sheegayba waxaana ka mid ah oo kale dugsiga sare ee loogu magac darey Bososo secondry school dugsigan ayaa ah dugsi uu ku dhacey bur burkii soomaaliya waxa uuna ka mid yahay dugsiyadii jirji jirey markii ay jirtey dowladii dhexe ee jamhuuriyada dimuqraadiga soomaaliya, waxaa kale oo ka mid ah dugsiyada sare ee bososo ku yaal Gaarisa secondry shcol,Nawawi,shaafici,Najax,manaataru baydaa waana dugsiyo ay wax ka dhigaan macalimiin aad u aqoon iyo khirad badan qaarkoodna ay kasoo baxeen jaamacadii lafoole University.

Sidoo kale magaalooyinka kale ee hoos yimaada maamulka puntland ayaa waxaa ka jira waxbarasho tan la mid ah sida magaalooyinka gaalkacyo,garowe,qardho,burtinle,iyo galdogob,waxbarashada ka jirtana deegaanada Dowlad Goboleedka Puntland waa mid marba marka ka daynbaysa horumar sii gaareysa waxaana kusoo badana deegaanada Puntland Machayada daraasaadka iyo hay'adaha waxbarashada.


W/D. Yusuf Max'ed Ismail (Gaduudow)
E-mail yusufgaduudow@hotmail.com
Bososo,Puntland,Somalia

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 18, 2006

»Gabayga: Hungo | Waxaa tiriyey Xiirane

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD