GABAY:::
DAMAANSHAAD
Cali Maxamuud Xiirane
xiirane2@hotmail.com
Tixdan gabayga ah ee la yiraa Damaanshaad,
waxay soo baxday 16/10/2006, waxaana tiriyey Cali Maxamuud Xiirane oo ku nool
UK, London. Tixdu waxay taageero buuxda u tahay ku dhaqanka Diinta Islaamka,
waxayna ka soo horjeeddaa ciddii ragaadineysa iyo ciidamada shisheeyaha ah oo
iyadoo meelihii dalka ugu nabadgelyada xumaa hadda ay nabad yihiin u soo guuxaya
dalka, ciddii is leh dano kuu gaar ah amaad ku gaartaana waxaan u arkaa iney ka
hoos baxsantahay. Tixdu waxay u badantahay su’aalo, jawaabohooduna waxay u
yaallaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan suugaanleyda. Tixda habaar
iyo ducaba waa lagu khatimay, labadaba allaha iga aqbalee habaarku wuxuu
khuseeya oo kaliya qofkii uusan alle hanuun la doonin oo ummmadda luggooyadeeda
ka shaqeeynaysa nabadduna ay ka xasili la’dahay ama fitno u jeed ah. Marka qof
waliba midkuu rabo ha doorto.
- Doorshaan ayaan qurun
jecleyn ruux ka duug yiriye
- Daqsi uus wuxuu
doorbidaa inuu dixdaas yaale
- Yaa dugaafadihii
daadsanaa waaga daba jooga?
- Dig-digleeynta
Soomaali waa loogu daw galaye
- Nin danaano ay
dilatay waa ducuful iimaane
- Ma qabyaalad baa door
lahayd waa dayuusnimo e?
- Duuduub wixii loo
liqaa xumo la daacaaye
- Daray bay
dillaacshaan dirxiga naga dahaarnaaye
- Maxaa dakano loo
doonayaa haatan laga daalye?
- Dambas hoos ka nool
iyo digada dogobbadaan qiiqay
- Dulunkiyo dira-diraha
baas ee lala dinnaahyeeyo
- Dabcilaawe dagaal
ooge yaa dan u maleeynaaya?
- Dabadhilifka gaalada
ayaan diin la maqashiine
- Doolar bay ku doonaan
waqood ficillo daaquude
- Ma la diidey
diinteennu waa daawo iyo kheyre?
- Is dilkeenna dunidoo
dhan baa naluku diimaaye
- Innagaa is dooxnoo
dir kale nooma diirnixine
- Dal dad waayey miyaan
noqonnay iyo duni damiir beeshay?
- Dulmiloowyo daaciyaa
jiroo belo u duub weyne
- Dabkii ay shidaan
degel dhan buu diga-digeeyaaye
- Duqoowdeennii aan
duubaniyo diracyadii meeye?
- Wax dhan buu
dayeysnaa dadkani diifna uu qabaye
- Ma dareenno oo
shacabka waa laysku dirayaaye
- Maxaa daaray duulkaan
aqoon nabad ku daanshooda?
- Doomaha dadkii laga
rogaye moolka lagu daadshey
- Dumarkeennii oo
dawarsadoo dahab daleel yaal ah
- Dayicii dalkeennii
ayaan weli ka diireeynin?
- Badaheenna dihan
kheyrka waa laga dur-duurtaaye
- Sun ayey ku duugeen
haddana soo dawarayaane
- Cudurrada dillaacaaya
yaa naga daweeyn doona?
- Dunidaan u qayshanno
in badan nama daryeelaane
- Ayagoo dallaaliinehey
mar kale kaaga darayaane
- Miyaan weli duruustii
la helay caga ku soo daalin?
- Dambaaburo cadaabeed
ayaa loo dalxiis yahaye
- Ciidamada la soo
dirahayaa waa na dagayaane
- Damqashada xanuunka
leh maxaa dalabka noo saaray?
- Meel ubax la daadshaa
ugaar dabin u yaallaaye
- Rag tigreega soo
dumanhayoow waa daciifnimo e
- Miinadey u daadsheen
duqii soo daaqad kama saarin?
- Dhegihiinna daahani
ma galo hadal u door-roone
- Digniintaan waxaan
idinku waday taniyo dayrtiiye
- Damiciinnu adinkuu
idin dili dulucdu soo maaha?
- Dannigaad qabtaan
maanta waa duumo loo dhimane
- Idinkaa is dagayoo ma
jiro waxaad daryeeshaane
- Dibindaabyadiinnii
miyaan dib idinku soo laaban?
- Dabbaallada
walaalkood diloo kibir is daaxuursha
- Inuu damallo naareed
ilaah daakhilka u geeyni
- Oon cidina daafici
kareyn soo daliil maahan?
- Carabtii
dugaagoowdayoo ubadka nool duugtay
- In ilaah rasuulkuu u
direy uga dabiib yeelay
- Ooy duul walaalaa
noqdeen soo la dayi maayo?
- Wallee ruuxa
dabbakheen sharciga dabamaryeyneynin
- Inuu labada daarood
mid uun darajo weeyn gaaro
- Ama laysuguba daro
miyaan diinta lagu sheegin?
- Cirka da’ay
daruurahays qabsaday dalagga noo beermay
- Daafaha xareedahaan
maraye shacabka deeqaaya
- Duf ku bexe ninkii
diidan soo doqon ibliis maahan?
- Ummaddaan dareenkii
ka tegey dib ugu soo laabtay
- Oo inay diinta wada
doonayaan dunida gaarsiiyey
- Daanyeer miyaan loo
arkayn ruuxa duufsanaya?
- Dagaal iyo fitno inuu
ku jiro oo shacabku daaduumo
- Qaar baa dadaal ugu
jiroon xumaha diideeyne
- Duul kale miyaa soo
dirsaday waa dareen culuse?
- Dibad joogga waayadii
wax badan doolka la ahaaye
- Hadduu eebbe nabad
soo dejiyey lagu dekeeynaayo
- Yaa dagaagga degenaan
ka jecel amase duuflaalka?
- Dullinimo ninkii
tacaddiyaba loo durbaan tumayo
- Darxumadu docdaad
eegto waa daqay wareen baase
- Yaa na kala
dallaalaye na faray dacar walaaqeenna?
- Dadkeennaan kuwii
diinta baray dilaya oo laaya
- Ummaddaan midkoodii
duqiyo kurayba daan-daansho
- Daacaddiyo lillaahida
ayaan samo la dooneeynin?
- Ummaddaan dideeysee
sidii deero kala yaacday
- Dibir kama
dhergaankaan dhinteen danaha guud eegin
- Yaa dastuur ka
doorbiday inuu eebbe darajeeyo?
- Ilaahayga dila cidduu
doonayoon loona dakanaynin
- Oo aan difaac kaga
baqayn qolo ku soo duusha
- Oo Dabbara wuxuu
doono oon lagula doodeynin
- Adaan kuu
dansheegtoon alloow kuu daciif ahaye
- Adaan deeqda kuu
qirahayaa aan dalbahayaaye
- Dunidaan adaa
maamuloon cidina diideeyne
- Dadkanaga didmadu
kala gashaye kala dayoobaaya
- Haddii duunyo wixii
yaalla iyo doolar lagu xaaro
- Inaan ruuxna isu dumi
karayn waa daliil dhigane
- Ruuxii da'a weyn waa
gartaa doogta loo dhimane
- Alloow diinta kama
maarannee daacad nagu toosi
- Alloow daafka reeraha
ku dhacay cudurku daawoobo
- Daahiri ilaahoow
qalbiga daamur baa galaye
- Daf-dafleynta
ilaahoow idlee amase diihaalka
- Alloow shacabku
dalaaqdiisa furo samaha kii diida
- Daacuun u gaarihi
Alloow uu gooni ugu duulo
- Libaax dool ahi uu
mar qura daaqad kala boodo
- Ama duumo lagu soo
diraan degenka naafeeynin
- Daltabyada na haysiyo
alloow naga dulqaad ceebta
- Alloow loo dalxiisaa
mar kale degelladaan niiley
- Ilahayoow dareen lama
qarshee wuu na daashadaye
- Dan-darrada alloow
naga dawee kuu dacwaan ahaye
- Diilalyada na haysiyo
alloow diiftu naga duusho
- Alloow aan damaashaad
galnaa dayrtan gudeheeda
Aamiin---------Aamiin---------Aamiin
Cali Maxamuud Xiirane
Xiirane2@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 17, 2006
»Gabayga:
Hungo | Waxaa tiriyey Xiirane
|