SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Oct 15, 2006

  • Dowladda Cali Max’ed Geeddi oo ka bixi la’ is qabqabsi iyo Khilaafyo..
  • Xaflad loo sameeyay sanad-guuradii 2-aad ee ka soo wareegtey Caleema saarkii Cabdulaahi Yuusuf..
  • Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah ee kusugan Magaalada Beled weyne oo ugu baaqey..

Dowladda Cali Max’ed Geeddi oo ka bixi la’ is qabqabsi iyo Khilaafyo..

Dowladda Federaalka ah ee lagu soo dhisay labo sano ka hor magaalada Nayroobi ayaa haatan u muuqata mid ku sii biyo shubaneysa is qabqabsi iyo murano u dhexeeya xubnaha Dowladda. Ra’isul Wasaare Geeddi ayaa maalintii shalay ahayd waxa uu soo saaray wareegto uu xilka kaga xayuubinayo qaar ka mid ah wasiiradiisa, kaddib markii wasiiradaani ay badiyeen dhaliisha Dowladda Federaalka, waxaana ugu cadcadaa Wasiirkii Arrimaha Qoyska Fowsiyo Max’ed Sheekh oo iyadu si aad ah uga hadli jirtay Ciidamada Itoobiya ee ay garwadeen ka yihiin xubnaha ugu sareeya Dowladda, waxayna si aad ah Fawsiyo uga hadashay ciidamada Itoobiya ee dhawaan soo galay magaalada Buur-Hakab oo ah halka ay ka soo jeedo xildhibaanaddaasi. Su’aasha isweydiinta mudani waxay tahay Ra’isul Wasaare Cali Max’ed xilka ma ka qaadi doonaan wasiirada iyana ku sugan magaalada Muqdisho oo uu ka mid yahay Mowliid Macaane Maxamuud. Waxaa jira khilaafyo iyana u dhexeeya qaar ka mid ah mas’uuliyuiinta Dowladda oo waayadan la dhex dhexaadin laga waday, waxaana ka mid ah wasiirka Dastuurka Sheekh Aadan Madoobe iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare. Khadiijo Max’ed Diiriye oo ay si aad ah isugu dhawaanayeen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’isul Wasaare Geeddi ayaa iyana xilkii wasiirnimo iska casishay kaddib markii ay Dowladda ku eedeysay in ay tahay mid aan horey u socon. Fowsiyo Max’ed Sheekh oo iyadu ku soo dhaweysay Dowladda Magaalada Baydhabo ayaan la ogeyn sida ay dadkeedu ugu qancaan xil ka qaadistaasi. Qarashyadii soo gaari jiray Dowladda ayaa la sheegay in hay’adihii bixin jiray ay dib u ceshteen, kaddib markii ay soo jeediyeen in marka hore ay heshiis wada gaaraan Dowladda Federaalka ah iyo Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah

Xaflad loo sameeyay sanad-guuradii 2-aad ee ka soo wareegtey Caleema saarkii Cabdulaahi Yuusuf..

Waxaa maalintii shalay ahayd magaalada Baydhabo ka dhacay xaflad aad u balaaran oo lagu xusayey sanad-guuradii 2-aad ee ka soo wareegtay markii la caleemo saaray Madaxweynaha, waxaana ka qaybgalay wasiiro iyo xildihibaano ka tirsan Dowladda Federaalka ah, waxaase ka maqnaa madaxweyne C/llaalhi Yuusuf Axmed iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi.

Waxaa goobtii yimid Ra’isul Wasaare ku xigeenka ahna wasiirka Dastuurka iyo Federaalka Danjire C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo sheegay in mudadii ay dowladdu jirtay ay qabtay hawlo fara badan oo ay u horeeyaan sidii ay xiriiro ula sameyn lahayd beesha caalamka.

C/llaahi Sheekh Ismaaciil waxaa kalloo sheegay in dowladdu ay dib hagaajisay ciidamadii xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo uu sheegay inay dhawaan wax ka qaban doonaan nabadgelyada wadanka.

Caleema-saarkii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa ka qaybgalay madaxweynihii hore ee Dowladdii Carta C/qaasim, wuxuuna yiri “Sidaad iila shaqeysay ayaan anna kuula shaqeyn doonaa”.

C/llaahi Yuusuf ayaa ka mid ahaa hogaamiyaashii sida weyn u lug jiiday Dowladdii Carta kuna tilmaamay Dowlad aan ku imaan rabitaan shacab Soomaaliyeed.

Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah ee kusugan Magaalada Beled weyne oo ugu baaqey..

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baladweyne Waxay sheegayaan in shalay halkaasi ay dhaceen banaanbax balaaran oo looga soo horjeedo dowladda Itoobiya, waxaana banaanbaxaasi ka qaybgalay qaybaha kala duwan ee bulshada.

Culuma’udiinkii halkaasi ka hadashay ayaa dadka waxay ku baraaujinayeen in ay u diyaar garoobaan dagaal jihaad, iyagoo sheegay in maalmaha soo socda ay ciidamo Itoobiyaan ah ku soo wajahan yihiin magaalada Baladweyne.

Culuma’udiinka markii ay ku dhawaaqeen jihaadka ayaa waxaa durbadiiba bilaabtay diiwaangelin dhallinyarada lagu xareynayo oo ku aadan jihaadka, waxaana markiiba heegan buuxa la geliyey dhamaan ciidamada Maxaakiimta ee ku sugan  Gobalka Hiiraan.

Waxaa maalmahan socda banaanbaxyo looga soo horjeedo faragelinta ay Dowladda Itoobiya ku hayso arrimaha Soomaaliya, waxaana banaanbaxyadii ugu dambeeyay ay ka dhaceen Magaalooyinka Kismaayo, Dhuusamareeb iyo deegaano kale.


Ciidamo ka socday Maxaakiimta islaamiga oo Dhoola tusk u sameeyey …
»Khilaaf u dhexeeyey mas’uuliyiinta ka tirsan Dowlada oo la..
»Gacan ku dhiigle shalay lagu tooktay Fagaaraha..
»Maydka Wasiir ku xigaynkii Maaliyada oo Nairobi la keenay..
»Duqii Dagmada Galkacyo ayaa Jimcadii ku dhintay Nairobi.
»Jaamacada Nugaal: Dhisida Xarun Cusub 2006-2007
»Qaramada Midoobey oo ku baaqday inaan la celinin..
»Safiirka Talyaaniga: Ciidamo ilaalo ha loo diro Soomaaliya
Warka oo dhan akhri... Oct 14

»Ban Ki- Moon oo loo doortay inuu noqdo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey


Tartan Qur’aan akhris ah oo Ardeygii Kaalinta koowaad galey uu helay Kun doolar..

Waxaa maalintii shalay ahayd Masjidka Biyo Maalow lagu qabtay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ahayd tartank qur’aan akhris ah oo ay ka qaybgalayeen ilaa iyo 114 arday oo ka kala socday 90 dugsi ayaa intii aysan bilaabin bixinta abaalmarinada waxaa ka hadlay Macallin Nuur Max’ed Siyaad oo sheegay in tarntankaani ay ugu tagaleen inay ku dhiirageliyaan carruurta Xaafidul Qur’aanka ah.

Tartankaan oo ay soo qabanqaabisay Mu’asasada Macallin Nuur Culuumul Qur’aanul Kariim ayaaa waxaa loogu magacdaray Jaa’isada Sheekh C/qaadir Aweys Al-Qaadiriya, waxaana dadkii halkaasi ka hadlay Sheekh Shariif Sheekh Muxiyadiin oo isagu u mahadceliyay intii uu so qabanqaabisay tartankaasi.

Sidoo kale waxaa halkaasi warbixin ka soo jeediyay madaxa Mu’asasada C/qaadir Macallin Nuur oo sheegay in Mu’asasadan la aasaasay 1945 ayna ka qalinjabiyeen dad fara badan oo maanta dalka magac ku leh.

Ardayda oo ku kala tartantay 30-ka jus, 20-ka jus, iyo 10-ka Jus ayaa waxaa kaalinta koowaad ee 30-ka jus galay C/llaah Shariif Nuur oo helay Kun Doolar, Kaalinta labaadna Aamin Caabi Xasan, kaalinta Sadexaad Cali C/llaahi Xasan. 20-ka jus ayaa waxaa kaalinta koowaad galay C/naasir Sheekh Maxamuud, kaalinta labaad Amaal C/qaadir Maxamuud, Kaalinta Seddexaad Liibaan Cabdi Cali, 10-ka Jus ayaa waxaa kaalinta koowaad galay Cumar Sheekh C/qaadir Macallin Nuur, kaalinta labaad Cali Faarax Cilmi, kaalinta Saddexaad waxaa galay Shukri Macallin Xasan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail : amiinkhasaaro@hotmail.com

Oct 15, 2006


Dugsiga Al-Nuur ee Indhoolayaasha oo lagu qabtay maalinta Arragga iyo Maalinta Usha Cas...

 

 

Waxaa Dugsiga Al Nuur ee Indhoolayaasha lagu qabtey labo xafladood oo mid ay ahayd maalinta Aragtida Aduunka oo ku beegneyd 12 Ocktobar iyo maalinta Usha Cas ayaa waxaa ka qeyb galay munaasabadaasi qeybaha kala duwan ee bulshada waxaana ugu horeyntiiba halkaasi ka hadlay Ustaad Ibraahiim Maxamed oo ka mid ah Macalimiinta Dugsiga Indhoolayaasha ee Al Nuur ee magaalada Muqdisho si aad ah ugu dheeraadey qoraalka farta Brail-ka oo wax lagu baro Indhoolayaasha taasoo laga joogo 200 oo sano “Waa nasiib daro in far soo jirtey labo boqol oo sanno in ay maanta soo gaarto dalkeena”ayuu yiri ustaad Ibraahim oo sheegay in aqoonyahano Soomaaliyeed oo wax ku soo bartey dibadaha ayagoo indhaha la’ ayaa suurta geliyey in ay dalka ka furan Dugsi lagu barto farta Brail-ka “Aniga waxaan ka mid ah dadka wax ku soo bartey dibadaha waxaana maanta go;aansadey inan wax baro dadka indhaha la’ ayuu yiri ustaat Ibraahim oo dadka ka qeyb galay Munasbadaas tusiyey sida loo qoro farta Brail-ka sidoo kale dadka waxaa uu tusay kutub Quraan ah oo ku qoran farta Brail-ka oo uu ka aqrinaayey Aayadaha Quraanka kaasoo si aad ah ula yaabeen dadkii ka soo qeyb galay munaasabada maalinta Araga iyo maalinta Usha cas.

 

Inta ay socotey munaasabada ayaa ardeyda wax ka barata dugsigaasi waxay dadka ku maaweelinaayey Nashiidooyin ka hadlayey faaiidada waxbarashada.

Xafladaasi waxaa kaloo ka hadlay C/laahi sheikh Maxamed Nuur asagoo qorey Buug ka hadlaaya farta Brail-ka iyo heerarka ay soo martey iyo sida wax loogu baro caruurta, C/laahi sheikh waxaa uu sheegay in sababta ku kaliftey buugaasi ay tahay si ugu kaalmeeyo dhinaca waxbarashada wiilkiisa oo wax ka barta dugsiga Al nuur “waxaa igu qasbay inaan barto fartaan si aan cunugeyga wax ugu tuso caruurta kalana wax ku baro” ayuu yiri C/laahi oo u mahadceliyey dadka isku howshay furitaankii Dugsigaas.

 

Waxaa kaloo ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Dugsiga Al Nuur C/ fitaax Maxamed Daahir oo si aad ah ugu dheeraadey heerarka uu soo marey Dugsiga Al--Nuur iyo maalinta araga waxaa uuna sheegay in sababta loo sameeyey maalinta araga ay tahay si dadka indhaha la’ ay u soo bandhigaan waxyaabihii ay barteen iyo sidii kaalmo loogu fidin lahaa waxaa uuna u mahadceliyey dhamaan Hayadihii Ganacsatadii gacanta ku siiyery furitaankii dugsiga waxaa uuna sheegay in la furay 21 dii bisha 7- 2005 waxaa uu si gaar ah farta ugu fiiqey Jaaliyada Soomaliyeed ee Magaalada Birmingham ee cariga Igiriiska, shirkada Hormuud, shirkada Al- Towba, Muasasada Imaamu shaafici, shirkada Jubba Air ways, shirkada Telecom Somaliya, Muslim/ AID UK iyo shaqsiyaad kheyr jecel ee Soomaliyeed waxaa uu sheegay C/fitaax in ujeedooyinka loo aasaasey dugsi uu yahay in la helo jiil indha la’ oo awood u leh inay wax qoraan waxna akhriyaan,waxbarashadana si siman ula wadagaan asaagooda indha leh, in la tababaro dadka indhaha la’a, inuu ku wacyigeliyo Dugsiga bulshada dadka indhaha la’a hadii la diyaariyo loona tababaro inay baahidooda daboolan karaan bulshadoodana wax u tari karaan.

 

XafladaAsi oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa lagu soo bandhigay qalabka wax lagu baro caruurta iyo waliba Usha ay adeegsan karaan marka ay soconaayaan.

Halkudhigyada dugsiga ku dhegnaa waxaa ka mid ahaa ku shugri nimcada araga ee ilaah kugu maneystey uguna Gargaar kuwa nimcadaasi ka maqan tahay, Al Nuur aad SI asaagaaga ula jaanqaadid.

Cinwaanada dugsiga indhhoolayaasha al nuur

Tel 002521-218433

Tel 002521-856308

Tel 002525-929781

Tel 002521- 511979

Fax:- 002521-216370

E-mail:-somliblind@hotmail.com
E-mail Amfarah231@hotmail.com
Web-site www.somaliblind.org

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail : amiinkhasaaro@hotmail.com

Oct 14, 2006
 


Gabdhaha Soomaaliyeed ee Woqooiga Ameerika oo Deeq Gaarsiiyey Qaxooti Ku Sugan Muqdisho..

Dadka soo barakacay oo magaalda Mugdisho loogu Qeebiyay Raashiin iyo lacag.. 

Boqolaal ruux oo ah dadka ku jira xerooyinka qaxootiga magaalda mugdisho qaarkood kuna soo barakacay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay iyo abaaro galaaftay duunyo waxay lahaayeen ayaa Khamiistii fursad u helay inay gaarto raashiin isugu jira bariis, saliid, iyo lacago kaash ah oo lagu talo galay inay kaga gudbaan dhibaatada ka haysata cunto la'aanta, ayna ku afuraan. 

Gabdho Soomaliyed ee ku dhaqan Waqooyga Amerika ayaa iska xilsaaray inay gagaar dhaqaale u fidiyaan  dad soo barakacay ee ku jira xeryaha ku yaala gaar ahaan kuwa agoonta iyo kuwa da'da ah gargaarkaas  oo dhan 1500.Us una dhiginta sh.So lacag dhan  20.250  iyadoo gargaarkani ay u soo wakiisheen Abwaan Abshir nuur faarax abshir Bacale oo tel:lr:002521-5959 70- ee mudisho.

 
Abshir Bacadle oo qaybinaya lacagtii deeqda ahayd

Abwaan nuur abshir bacadle oo ay wehliyaan xubno kale ayaa ugu horeen waxaa uu booqday lix kaam isagoo la kaashanayaa horjooogayaasha kamaamkaas dabadeed waxay si gaar ah ugu xusheen caruurta agoonta dadka liita, kuwa curyaanka, iyo kuwa da'da ah . dabadeedna waxaa lixdaasi kaam si habsami leh ugu qeebayay gargaakaasi ay soo gaarsiyeen gaar ahaan gabdhaha ku nool Waqooyga Amerika,  ayna soo wakiisheeb Abwaan Abashir Nuur faarax oo isaga ku sugan magaaldda Mugdisho.

 Dadka Khamiistii fursadaan gaargaaka helay waxay ahaayeen agoon, dad da'da ah , indhoolayaal. Iyo kuwo liita, oo ka soo barakacay guud ahaan Goboladda qaarkood iyo gudah dalkooda ayaa u badnaa dad Oromo ah oo qaxooti ahaan ilaa 1977-dii ayaa si weeyn u soo dhaweeyay deqdaasi wax ku oolka ah oo ay u fidiyeen gabdhaha soomaliyeed oo ku dhaqan dibada gaara ahaan wadanaka mareekanka waxana ugu mahad ciliyeen gacantaan binaadaminada oo ay fidiyeen walaalood waxaayna ilaaheey ugu bariyeen inuu badalkeeda uu ku siiyo meel fudud. 

       

Dadka soo barakacay ee ku jira magaalada mugdisho ayaa haataan waxaa ka muuqda baahi iyo macluul daran oo ay u wehliso nafaqo la'aan mana jirta cid si gaar ah u daryeesha. Ha'yadaha gaargarka dhag jalaqa uma siiyaan baaqyada isdaba joog ah ee loo soo jeediyo sidaa darteeda gaargaakaan oo maanta la gaarsiiayay lixdaasi kaam xili lagu jiro bishii barakeesneed ee ramadan ayaa waxaa xaqiiqo ah in uu culees weeyn oo saarnaa dadkaasi uu ka dabcindoono inkatoo aaan la'oronkarion waxaa la daboolay baahida guud ee ka jirta xeredaasi ,waxayna qaarka mid ah dadkii ay codsi guud u jeediyeen dadka soomaliyeed gaar ahaan Jaaliyaddaha ku dhaqan dalka dibadiisa inay xasuustaan oo ay il gaar ah ay ku soo eegaan .

Oct 13, 2006


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD