SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Fadlan walaalkay iyo walaashay Muslim ah 10 ka danbe ee Ramadaaan ka Faa’iidayso. 

Caawa ayaa waxay ku began tahay habeenkii ugu horeeyay ee 10ka ugu danbayso bisha ramadaan ee martida u ah dadka muslimiinta ah eek u nool dunida daafaheeda kala duwan waxaana la gudboon caawa iyo 9ka haben ee foda nagu soo haya in dadka musliminta ah ay ku dadaalaan cibaadada EEBE. 

Walaalkay iyo walaashay muslimka ahow waxaa aan soo ku dhex jiraan bisha ugu barakada iyo khayraadka badan ee islaamku lee yihiin waxaana bishan ay u qaybtan tahay sadex qaybood.

1 Bilawga waa Naxariis

2- Bartamaheedo waa Danbi Dhaaf

3- Dhamaadkeedu waa Naar ka xorays. 

Marka muslimiintow waxaan iminka galnay wakhtigii Naarta laga xoroobi lahaa waxaana haboon in laga faa’iidayso 10kan habeen ee caawa aan galay waxaa xusid wayn mudan in EEBE oo u soo dagayo samada dunida isagoo u danbi dhaafaya cidii danbi dhaaf waydiisato siinayo cidii siin dalbato ajiibayo cidii barida ama toogta . 

10ka danbe ee bisha Ramadan ee Martida noo ah waxaa uu ahaa Nabiga SCW  ee aan jecelanay inaan ku dayano mid isago istaaga uu isaaago cirbihiisu ay dil dilaaci jireen iyadoo marka ay caa’sha hooyada muslimiinta ay tiri maad iska dayside uu ugu jawbay miyaanan noqonayn aduun ilaah ku mahad celiya. 

Xadiis nabiga la wariyay wariyay  Muslim ayaa waxaa uu ahaa ‘’ Nabiga SCW waxaa uu ku dadaali jiray 10ka danbe Ramadaan si uusan ugu dadaalin xiliyada kale ‘’ walaalayaan anka oo aan gaari Karin Nabiga iyo waliba Asaxaabta waxa loo bahan yahay in aan moojiyno dadaal kaas u dhigma EEBE hana aqbalee . 

Xadiith kale oo ay Ca’sha Nabiga ka soo warisay oo ku qoran kitaabka saxiixaynka Muslim iyo Bukhaari ayaa waxaa uu ahaa ‘’ Nabigu SCW waxaa uu aha hadii oo kalo 10ka danbe ee bisha ramdaan mid nooleeya habeenka isagoo kiciya ama toosiya ehelkiisa macawuustana si adag u xirta’’ . 

Fadliga 10ka Danbe ee Bisha Ramadaan. 

Eebe ayaa Suurad dhan kaga hadlay fadliga ay lee dadalay 10ka danbe gaar ahaan habeenka laylatul Qadar.

Qaar ka tirsan Salafka umada islaamka gaar ahaan Ibnu Cabaas iyo Qataadaha iyo Siciid bin jabiir iyo cikaramah iyo mujaaid ayaa waxay sheegeen in habeenka leelaytul qadar quraanku soo dagay . 

Eebe ayaa quraanka Kariimka ku yiri ‘’ 'Annagaa soo dejinnay Quraanka Habeenkii Laylatul Qadriga (Habeen barakaysan ee sharafta leh), ma taqaannaa Leylatul Qadriga? Waa habeen ka khayr badan kun bilood, waxa habeenkaa soo dega malaa'igta iyo Malagga Jibriil idinka illaahay dartii iyo amarkiisa, waa habeen nabadgelyo inta waagu beryayo" {Suurat Al Qadr-1-5}.

waxayna u dhigataa 84 sano iyo dhawr bilood habeenkaasi oo kaliya ayaa waxaa laga yaabaa ajar iyo acmaal khayraad ah oo aad samaysan lahayd 84 sano inaad heshid ALLAHU AKBAR faa'du badnaa eebow na waafaji . 

Ictakaafka Masaajidyada ama ku nagaanta  

waxaa haboon cidii wakhti u saamaxayo in 10kaa danbe lagu nagado masaajiyada habeen iyo maalin in marka laga baxanaya looga baxo arimo adag oo xaajadu lagama maarman ka dhigayso waxaana Nabigu ahaa mid ictikaafa 10ka danbe ee bisha Ramadaan . 

 waxaan ku boorin mar labaad walaalahays somaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay ka fa'idaystaan 10kaan bari ee aduunka aan laga yaabin inta hada joogta in badan oo ka mid ah inoosan soo marin ama mar danbeba uusan soo laaban . 

Habeennada sida adag loogu tilaamo in ay ku jiran oo lagu tilaamo habeenkaasi laylatul Qadarka ayaa waxaa ay kala yihiin 21-23-25-27-29 waxaana culumadu u badiyeen 27ka Aan faaidayso walaalayaan Aduun ayaa la joogaa Adoon Rabi ayaan nahay

Akharinaa na sugasyo Adkaarta iyo Aayadaha Eeebe aan badino

Aduunku waa inta aad joogtid Akharinana waa tan dheer ee Aan dhamaan

Aboowe iyo Abaayo Aan ka faa'idaysno habeenkaas aan soo sheganay. 

waad mahad san tihin  

Maxamed cabdi Maxame Bootaan

Somali Talk Nairobi kenya
botaan1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 13, 2006


»Qoodhiin iyo Xeradiin Maxaa Baajuun & Jareer Looga Qadiyay J/Hoose
»Hooyadii labaad ee Rasuulka calayhissalaam | Zahra
»
Xaalada Hubka Nukliyeerka Ee W/kuuriya Halkee mareysaa?

»Difaacid Bayaankii Harti-waamo  | M.N.Salaad
»Rice u sheega hadey carab u taliso in anagana Illaahey noo taliyo
»Hilinka La Haboon Maxkamadaha Islaamiga iyo Dawlada
»Bayaan: Beesha Harti-Daarood ee Waamo ee UK
»
Sooyaalka magaalada Kismaayo & Soo Dhaweyntii Maxkamadaha
»Badbaadiyayaasha Geeska Africa "maxkamadaha" | Cali
»Lamood  noqonse wayday "maxkamadaha" | Jamaal
»BURBURKII QABYAALADA IYO MAXKAMADAHA  | Liibaan
»Hadba meel ku duul duul darajiyo wanaag maleh | Mahad

»Hawsha koowaad oo sugaysa maxkamadaha kismaayo | xasan
»Warqad furan oo ku socoto maamulihii hore ee Dalsan Dubai | Axmed
»MUSAAFURINTA SHACAB SOOMALIYEED GOBALADA PUNTLAND
»KU: MAXAAKIMTA  KISMAAYO | Darwiish 
»MAXKAMADO CALANKII  GUBAY  &  DOWLAD DALKEEDA  CADAW
»MAXKAMADUHU KA WEYN WAX SOMAALI U GAAR AHAYN | xariiri
»
Ramadaan Fursad Mudan In laga Faa’idaysto | Saciid
»
Ramadaan Kariim | Qormadii C/xakiim Jooje
.Soomaalidu lama rabo, iyagana ismarabaan
.SOOMAALIDA IYO DHAQAMADA CUSUB (INTIXAAR)
.Degmooyin dulman!: Afgooye, Shalaanbood, Baraawe
.MAXAA LA GUDBOON (DFKM IYO MMI)
.Dacaayad ka dhan ah Diinta islaamka oo bilaabtay
.Cabdullaahi Yuusuf Ma Maamuli Karo Soomaaliya

.Gabayo ay is dhaafsadeen Abshir Bacadle & Cali Xaashi

»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD