SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

“Xarig uma Guntamo keey Hartiga Xero Wadaagaane”

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif


London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 

Oct, 2006  


BISMILLAAHIRRAXMAANIRRAXIIM
ASSALAAMU CALAYUM
RAMADDAAN KARIIM 

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

“Meeshu waa guryaha Xamar-bile oo ay Soomaali oo dhammi degentahay. Dagaal carruur ka dhashay ayaa laba qoys isku diray. Qoys waa reer Boosaaso, midna waa reer Berbera. Gurmad iyo hiillo qabiil baa dhacday. Islaan reer Boosaaso ah ayaa kolkii ay aragtay in dhinaceeda laga tiro badan yahay qaylisay, iyada oo leh: waryaa Hartiya! Waryaa Hartiya! Ciidammo booliis ah ayaa yimid oo intii diriraysey oo dhan waxaa la geeyey saldhigga Wardhiigley. Nin u Hadley reer Berbera ayaa wuxuu yiri: waxa aannu dacwad gaar ah u qabnaa oo aad dhibaato noo gaarsiiyey ninkaas reer Boosaasood ee xoogga weyn oo qadwaanka sita; mana uu deggana Xamar-bile ee waxaa keentay hiillo qabiil. Kolkii uu nikii xoogga weynaa magaciisa sheegay ayaa la iswada dhugtey, la wada qoslay oo ay labadii dhinacna heshiiyeen; taliyihii Saldhigguna uu yiri: hortii waxaan doonayey in aan idinku eedeeyo dhiirri-gelin qabyaaladeed, haddase, qabyaaladda lafteeda ayaa riwaayad silloon u ekaatay. Xoogweyne magaciisu waa Fiidoow, waana Harti Abgaal.” Waxaa buuggiisa Kaftan-dhable ku qoray Siciid Cismaan Keenadiid.

Ciidamadii Baydhabo ka yimid ee qaddar xoogaa ah heystay Buur-xakabo ayaa boggagga internetka ee reer Punland waxay ku sheegeen ciidamadii DFKMS halka dadkii Buur-hakabo u dhashay oo ay u hadleyso wasiirka haweenka xildhibaanad Fowsiyo Maxamed Sheekh ka tiri: waa ciidan Puntland ka yimid. Runta waxaa sheegtay Fowsiyo maxaa yeelay ciidanka meesha marayey waa kuwo reer Puntland ah. Lama yaabbani in Maxamed-dheere iyo Geeddi ay C/hi ugu soo hiiliyaan Hartinimo ileyn iyaga lafteedu waa Hartiye! Laakiin waxaan la yaabay goorta ciidanka Tigreegu noqdeen ciidamadii dowladda ku-meelgaarka ama kuwo Harti ah?

Allaha u naxariistee Maxamed Cabdulle Xalane oon filayo inuu dhowr alif lahaa hadduu ugu bato ayaa dagaalkii aan la galnay Xabashida 1964 wuxuu reebay hadalheys cajiib ah markuu nacay in calanka Soomaaliya oo bir surnaa uu u gacangalo Xabashida. Wuxuu yiri:

·         cadowgu bir maahe burburiya

·         ciiddeyda u diidda cadaawaha.

Hadda waxaa la leeyahay madaxweynihii iyo ra’iisulwasaarihii oo labaduga Harti ah ayaa magaalooyin uu ka suranyahay calanka Somaaliyeed kusoo hogaaminaya cadowga Tigreega iyagoo mooddo iney leeyihiin:

·         Cadowgu bir weeye ka beyra

·         Ciiddeyda u daaya cadaawaha

 Sidoo kale hadalka Xalane waxaa cagsigiisa yiri Jananka Puntland xukuma oo isna Harti ah wuxuuna yiri:

Xabashida ilaa SSDF baa saaxiibtinimo naga dhaxaysay marka waxay Gaalkacyo u yimaadeen si ay noogu tabobaraan wiilal! Kolley waxaan u gartay in wiilasha laftoodu Harti yihiin ileyn cid kale oo waxaas ku hadlikarta ma lahee.

Meeriska gabayga ah ee cinwaanku wato waxaa tiriyey nin Absame ahaa oo la yiraahdo Bariir Axmed mar uu Sayid Maxmed ku lahaa ka soo guur Hartiga dhexdiisa oo na soo haleel. Bariir wuxuu yiri:

·         haddii Maxamed lala xarbiyo Ferenji soo xeytay

·         xogta nimanka aad u dhiibatee xeebta kula jooga

Wuxuu sii yiri:

·         waa niman xaggeenaba ka jecel xoor-caddaha gaale

Soow hadda Soomaali oo dhan oo Waqooyi iyo Xamarba leh kamaanan dooran Meles Zenawi? Soow hadalka Bariir nama heysto?

Waa in dib loogu noqdo ammaantii uu Sayidku Harti ka sheegay markuu lahaa:

·         Waa niman madaafiic higliyo,haaliggii ridiye
Waa niman hanaanaca kufriga,hoor ka soo qubiye

Hadda waxaad mooddaa inaan madaafiicda u sidanno qabiil kale ee Soomaaliyeed oon aan leennahay waxaan hoor ka soo qubeynaa Hawiyaha!

Xuseen Yogal Furre wuxuu yiri isagoo daaqad nagala baxay:

  • Namiimnimo Majeerteen miyaan, wali ka niibkeenin
  • Ma nifaaqii oo buuxiyuu, xalayto nooleeyey
  • Naxligiyo nuxuustii miyaa, naari soo kiciyey
     
  • Nasri miyuu ka sugi  Eebbahay sow, ma nici doono
  • Iyagiyo Namruud sow Jannadu, kama nijaasoobin…
     
  • Nayroobi iyo Xamar horaad, nag uga siiseene
  • Dhulmahantaa naflaha kuugu xiga, nabadse kaa waaye
  • Warsangalina nabarkaad baddeen, nadigu iimeeye
     
  • Adduunkii nagaa idinka iyo, naagahaa rogaye
  • Nasabkiinu meel buu ahaa, nuridu waa iine
  • Nacallaa Majeerteen ku yaal, nolol ma haystaane

WALLAAHI waxaa ka yaxyaxay maalin dhoweyd markii maxkamaduhu qabsadeen Kismaayo dabadeedna maxkamaduhu sameeyeen guddi dhowr nin ka kooban ayaa waxaa muddaharaad sameeyey Hartiga Waamo. Waxay dhaheen magaalada Kismaayo annagaa ugu badan marka waa in maamulka naloo badiyaa. Dhib ma lahaateen haddii sheekadu intaas ku egtahay laakiin waxaa la sheegay in ciidanka Barre-hiiraale soo wato uu C/hi Yuusuf soo siiyey hub iyo raashin. Ciidanka Buur-hakabo yimid waa Harti iyo Tigree! Marka Harti Waamo ma waxay rabaan in maxkamaduhu Barre-Hiiraale ka xoreeyaan Kismaayo, kana hortagaan, isla Hartiguna Shabeellaha Hoose, Muqdisho, iyo Kismaayo weerar ku soo ahaadaan; welibana Hartiga loo badiyo maamulka Kismaayo?! Waxaa maxkamadaha laga rabaa in dadka Kismaayo degen la badbaadiyo diintooda, naftooda iyo cirdigooda laakiin xukunka Ilaahay baa leh marka waxaa loo dhiibayaa qofkuu xaakimku (maxkamaduhu)  u gartaan. Haddey jiraan dad Harti ah oo maxkamaduhu dulmeen waa soo gudbinkaraan laakiin xukunka waxaa leh ciddii meesha xukunta. Waagii Kacaanka, ma khasab bey ahayd inuu Kismaayo xukumo nin Harti ah? Inkastoon rajo weyn ka qabo Punland haddana reer Puntland weli kacdoon ma sameyn. Marka see ku dhicikartaa iyadoo Xabashi Buur-xakabo timid in reer Boosaaso iyo reer Laascaanood iska aamusnaadaan iyadoo la sheegayo in halkaas ay joogaan dad badan oo diinta Ilaah u hiilinaya?

Muxuu Hartigu halka geela dabada uga taal uga galay kacdoonta shacabka?

Marka laga soo tago gabayadaas nala ku dacaayadeynayo waxaan shaki ku jirin inaan luminay kaalintii nooga aaddaneyd diinteenna iyo dalkeenna. Qolo kastoo Soomaaliyeed wey leedahay ceeb xitaa waxaa gaalo-jacaylka nalaku daraa Isaaq sidii Sayidku u lahaa:

·         Iidoor wagaashiyo kufriga Wacad Alloow yaalle

Ilaah baan ku dhaartee haddaan Hartigu meeshan ka kicin oon dhowr toddobaad oo kale ku sii jirno ceebtaas aan Soomaaliya horay looga arag ee ah inaan ilaa 1978 aan hadba magaalo Soomaaliyeed ku hogaaminno Xabashi waxay keeneysaa inaan durriyadeenna dambe la liido oo la yiraahdo dir gaalo-raac ama Xabashi-raac. Waxaad maqleysaa dad lagu nasabsoocay awoowgood oo gaajo la dhimanlahaa baa bakhti nafta ku ceshay! Haddii oday ruqsadii Ilaahay qaatay saas loo galay maxaad ka fileysaa rag laga kariwaayey kufri-gargaar iyo Xabashi-raac? Horray baan Balanbale iyo Galdogob u geynay Xabashi haddana waxaan soo galiney Gaalkacyo, Bandiiradley iyo Buur-hakabo. Maxaa ku xigidoona? Soow caawa uma habboonna inaan xasuusanno tixdii Aw-Muuse? Wuxuu yiri:

  • ·         Nin guubaabadiinna isku deyey, wow dan li’i uune

  • ·         Wax wacdigu dubaaqa u galaa, duulka khayrka lehe

  • ·         Damiin dhega la’ lama waaniyee, waa isaga daale

  • ·         Nindoor iyo dilaa iyo tolkay, deeqsi ka idlaaye

  • ·         Raggii ficilku daardaari jirey, duug la wada geeye

  • ·         Damiir waxaan lahayn baa ku haray, dohatan xeebeede 

Wiilashaan shalay Buur-xakabo soo galay waxaa laga keenay Puntland. Iyadoo culumadii, odayo-dhaqameedkii, siyaasiyiintii iyo dadweynihii Puntland joogaan baa la soo aruursaday. Inkastoon maqaalo dhowr ah ka qoray arrintaas haddana ma arag qof laga tixgeliyo Puntland oo arrintaas ka hadlay. Si kastaba arrintu ha ahaatee hadda waxaa jawaab laga rabaa shacabka Puntland. Ama iney ku sifoobaan waxaas raggaas gabyijiray naga sheegijireen ama inaan isdaboqabanno oon diinta iyo dalkeenna usoo jeesanno. Macquul ma ah in nin Tigreey ah diyaar u yahay inuu ku dhinto Buur-xakabo halka daaciga jooga Boosaaso iyo Laascaano uu rabo inuu dukaankiisa iska iibsado. Marka haddaan arrintaas laga dhiidhiyin waxaan khasaareynaa aakhiro iyo adduunba. Sidoo kale bal aan fiirinno wuxuu Khaliif Sheekh Maxamuud yiri:

  • ·        Sokeeye isu daran daallin wuu, ugu duggaalaaye

  • ·        Haddaan taladu way daabatay, odayo daaweynin

  • ·        Mindhaa ceebta idin daakhishaan, darab idiin mayrin

Haddii Hartigaan aqoon jiray uu Puntland joogilahaa waxaan u qabanlahaa seddex beri inay u istaagaan inay furtaan maxkamado oo ka dhiidhiyaan waxa Meles Zenawi iyo gaalo la damacsantahay Soomaaliya laakiin hadda ma waxaan u qabtaa seddex toddobaad mise bilood? Maaddaama aan hadda Xabashi xero wadadegennahay waxaan shaki lahayn ineysan waxba uga hirgaleyn Soomaaliya. Waxaa ku xigeysa inta shacabka Soomaaliyeed nagu jihaadaan innaga iyo Xabashida dabadeedna naga tirtiraan Soomaaliya halka aan rabnay in inta Xabashi Soomaaliya noo qabato aan dadka Soomaaliyeed gumeysanno innago madiidin u ah Xabashi.

F.G. Shacabka reer Puntland wuxuu la mid yahay shacabka Soomaaliyeed ee kale keliya waxaa maqaalku ku socdaa waa dadka na horbooda. Laakiin haddaan saas ku raacno, innaguna waan la mid noqoneynaa. 

WABILAAHI TOWFIIQ

ASSALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WABARAKAATHU.

C/Waaxid C/hi Khaliif
U-hadlaha shacabka Puntland.
cabdulwaxid@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 11, 2006

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD