SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Oct 8, 2006

  • Maxkamadaha oo ku Baaqay iska difaacida Maamulka Tigreega
  • Mudaharaadyo rabshado wata oo ka dhacay magaalada kismaanyo
  • Madaxa  Caafimaadka ee Golaha Maxaakimta oo shir jaraaid oo uu kaga hadalaayo raashinka dhacay
  • Duqa degmada dongorayo iyo kuxigeenkiisa oo la doortay .
  • Bayaan ka soo baxay Ururka Mideynta Beelaha Waamo

sh. c/raxmaan janaqoow oo Shir Jaraa'id Qabtay
  • Gudoomiye ku xigeenka golaha fulinta maxaakiimta islaamiga ah  sh,c/raxmaan janaqoow oo shir jaar,id ku qabtay Xaruntiisa ayaa ugu baaqay umada soomaaliyeed inay iska difaacaan waxa uu ugu yeedhay maamulka tigreega . 

 Golaha Maxaakiimta islaamka  ayaa shaaca ka qaaday in dalka Somalia ay ku soo fool leeyihiin qataro baahsan, ka dib markii ciidamo Ethiopian ah ay dhaq dhaqaaqyo xoogan ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolada Koonfurta Somalia. 

Gudoomiye K/xigeenka koowaad ee golaha fulinta Maxkamadaha islaamka ah Sheekh C/raxmaan Max'uud Janaqow oo galabta shir Jaraa'id ku qabtey xafiiskiisa magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay ciidamo Ethiopian ah oo la sheegay in ay ka ambabaxeen magaalada Baydhabo ay ka gudbeen degmada Diinsoor ee gobolka Baay, iyagoo gaadhay qeybo ka mid ah gobolka Jubada dhexe waa siduu hadalka u dhigaye . 

Sheekh Janaqow ayaa intaasi raaciyay in ciidamadan Ethiopianka ah oo wata cudud Milatari oo aad u xoogan ay horkacayaan kooxo uu ku tilmaamay dagaal oogayaashii laga itaal roonaaday oo ujeedadoodana ku macneeyay sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen gobolka Jubada hoose, magaalo madaxda Somalia Muqdisho iyo gobolada dhexe ee Somalia. 

Waxaa kale uu sheegay in ciidamo kale oo Ethiopian ah ay ka soo gudbeen degmada B/xaawo ee gobolka Gedo, isagoo ku tilmaamay in ay ka dhalan doonto cawaaqib xumo baahsan oo saameyn ku yeelata amaanka gobolka iyo caalamka intiisa kale. 

Sheekha waxa uu tilmaamay in arintani ay dhaawaceyso dadaalada dib u heshiisiineed ee u dhaxeeya golaha Maxkamadaha islaamka iyo dowladda fedraalka Somalia oo lagu balansan yahay 30 ka bishaan in ay ku kulmaan magaalada Khartoum. 

Sheekh janaqow ayaa ku eedeeyay dowladda Somalia in fadhiisimadooda ay noqdeen meelaha ay iska abaabulaan ciidamada Ethiopianka ah, isagoo dowladda ku tilmaamay mid gacanta u gashay Ethiopia oo laga xukumo adis ababa. 

Bayaan uu saxaafadda uu u qeybiyay sheekha janaqow ka dib shirkiisa Jaraa'id ayuu sheegay in dunida iyo dowladaha nabadda Jecel ,dowladaha iyo urur goboleedyadaba  in ay qaataan Mas'uuliyadeeda ku aadan , fara galinta qaawan ee gardarada ah ee Maamulka Tigreegu ka wado gudaha Soomaliya. 

Si kastaba ha ahaatee hadalka Sheekha ayaa ku soo beegmay xilli ay soo baxayaan warar tilmaamaya in Barre Hiiraale iyo ciidamo uu wato oo fara badani ay duulaan kusoo  yihiin magaalada Kismaayo, kuwaasi oo laga soo sheegayo in ay soo gaadheen qeybo ka mid ah gobolada Jubada dhexe, inkastoo si rasmi ah aan loo heyn halka ay ka joogaan.

Mudaharaadyo rabshado wata oo ka dhacay magaalada kismaanyo oo lagaga soo horjeedo maamulka cusub ee ay sameeyeen golaha maxaakiimtu.  

Kadib markii ay dhowaantan ay golaha maxaakiimtu ku dhawaaqeen maamul cusub oo uu yeesho  gobolka jubada hoose kaasoo ka kooban 35xubnood kadibna  ay ka biyo diideen shacabka ku dhaqan magaalada kismaanyo iyo hareeraheduba ,ayaa waxaa halmar hadheeyey muadaharaadyo  rabashado wata oo taayiro lagu gubay wadooyinka magaalada kismaanyo oo looga soo horjeedo maamulka ay dhiseen golaha maxaakiimta ee haysta magaaladaasi ayaa ciidamada  Maxkamadaha islaamka ahi ay xabsiga u taxaabeen  Ku dhowaad boqol ruux oo lagu  tuhunsan yahay in ay ka dambeeyeen banaanbaxyadii rabshadaha watay ee xalay ilaa manta ka dhacay magaalada Kismaayo, ee looga soo horjeeday Maamulka Maxkamadaha islaamka ay u sameeyeen Jubooyinka. 

Xaaladda magaalada Kismaayo ayaa  dagan, iyadoo la dareemayo laakiin xiisado kacsan, waxaana la arkayay ciidamada maxkamadaha oo wada howl-galo ay ku soo qabqabanayaan dad lagu aaneynayo in ay ka dambeeyeen rabshadaha ka dhacayay magaalada Kismaayo tan iyo markii Maxkamadaha islaamka ahi   la wareegeen magaalada Kismaayo. 

Sidoo kale waxaan marnaba deign xaalada magaaladaas tan iyo waqtigii ay qabsadeen magaaladaasi midowga maxaakiimtu islamarkaana lagu arkaayey shaqaaqooyin isdaba jooga oo ka dhacaya iyo mudaharaadyo lagaga soo horjeedo midowga maxaakiimta islaamiga ah ee haysta magaalada kismaanyo. 

Sidoo kale Taliyaha dhanka amaanka u qaabilsan Maxkamadaha gobolada Jubooyinka C/laahi Axmed Warsame oo u waramay saxaafada  ayaa waxa uu sheegay in ay sharciga horkeeni doonaan kuwa caadaystay in markasta rabshado laga abuuro  magaalada Kismaayo. 

Waxa uu sheegay in ilaa ku dhowaad boqol ruux ay soo qabqabteen, xabigana ay dhigeen kuwaasi oo uu sheegay in baaritaano ay ku sameyn doonaan, iyadoo wajahada hore ee xabsiga lagu arkayay ehelada dadka xidh xidhan oo aad u buuqasan. 

Sidoo kale Taliyaha mar wax laga weydiiyay”” in dadka ay ka gadoodsan yihiin qaabkii loo sameeyay maamulka Jubooyinka, isagoo sheegay in si cadaalad ah lagu sameeyay isla markaana aan laga noqon doonin. 

Taliyaha waxa uu gaashaanka ku dhuftey wararka sheegaya in ciidamada Maxkamadaha ay dib uga soo laabteen degmada Bu'aale, isagoo sheegay in halkaasi ay joogaan kadib heshiisyo dhex maray dadweynaha lagu soo eedeeyey. 

Si kastaba ha ahaatee midowga Maxaakiimta  islaamka  ayaa tan iyo markii ay gacanta ku dhigeen magaalada Kismaayo 25 kii bishii la soo dhaafay waxaa ka dhacayay halkaasi banaanbaxyo ka dhan ah Maxkamadaha islaamka, iyadoo uu banaanbaxanina kaga duwanaa kuwii hore dhaliil ay dadka shacabka ahi usoo jeedinayaan sida loo sameeyey maamulka ay ku dhawaaqeen dhowaantan golaha maxaakiimta ku sugan kismaanyo .

Madaxa  Caafimaadka ee Golaha Maxaakimta oo shir jaraaid oo uu kaga hadalaayo raashinka dhacay ee dhowaan  soo gaadhay magaalada muqdisho.

Madaxa Waaxda caafimaadka golaha maxaakiimta islaamiga ayaa, shir jaraa'id oo uu kaga hadlayo raashiin dhacay oo soo galay gudaha magaalada Muqdisho kaasi oo la sheegay inuu kasoo degay dekeda caalamiga ah ee magaalada Muqdisho. 

Madaxa waaxda caafimaadka golaha maxkamadaha islaamiga ,Muxiyadiin Maxamuud Cumar  ayaa waxa uu sheegay in waaxdiisa aysan waxba kala socon raashinkaasi dhacay ee magaalada Muqdisho soo galay ,waxa uuna beeniyey in raashiinkaasi uu kasoo degay dekeda Muqdisho. 

Maxayadiin waxa uu intaasi ku daray in raashiinkaasi oo qeyb ka mid ah ay qabatay maxkamada islaamiga Siinaay ay u malaynayaan in laga soo dejiyey dekeda dabiiciga ah ee Ceelmacaan ee duleedka magaalada Muqdisho maadaama markab siday 1,400 oo kiish oo bur oo dekedda Muqdisho laga celiyey uu dekedaasi u weecday isagoo dhuxul ka qaadaya . 

Madaxa waaxda caafimaadka maxkamadaha islaamiga ayaa waxa uu sheegay in ay wadaan baadhitaano xoogan oo arintaasi wax looga ogaanayo ,wuxuuna sheegay in dekeda weyn ee Muqdisho aan laga soo dejin karin raashin dhacay ama tayo ahaan liita .  

Si kastaba ha ahaatee madaxa waaxda caafimaadka ayaa cadeeyey  in waaxdooda caafimaadku horey ay u celisay raashiin tayo ahaan liitay oo dekeda weyn ee Muqdisho ganacsato ay kasoo dejiyeen wuxuuna sheegay in uu jiro raashiin markii hore ay celiyeen laakiin qaarkiisa dib ay ka fasaxeen ka dib markii baadhitaan la sameeyey lagu ogaaday inuusan dhicin .

Yaasiin maxamed cali (faytin)
Yaasiin2006@hotmail.com 

002521-580916


Dangorayo: duqa degmada dongorayo oo la doortay iyo kuxigeenkiisa.

Munaasabad ballaaran oo ay isugu yimaadeen golaha deegaanak degmada Dangorayo oo ladhisay maalintii shalay ahayd ayaa saaka ka dhacday degmadaasi taasi oo lagu dooranayay duqa cusub oo ay yeelan doonto degmadaasi iyo kuxigeenkiisa.

Golaha Deegaanka Degmada Dangorayo oo ka kooban 25 Xubnood ayaa waxaa goobtii doorashada soo xaadiray 22 ka mid ah , waxaana jagada Duqa Degmada isku soo taagay Mursal Yuusuf Maxamed (kaligii ducayste) mana jirin murashax kale oo isu sootaga jagadaasi waxaana lagu ansixiyay hab gacantaaga oo ay doorashadu ku dhacday.

Sidoo kalena waxaa kuxigeen isu sootaagay murashaxa lagu magacaabo Ciise Axmed Cismaan, mana jirin sidoo kale xubin kale oo la tartanta murashaxan xubnahii halkaasi joogay ay u coddeeyeen iyadoo ay doorashadu ahayd mid gacan-taaga.

Duqa cusub ee Degmada Dangorayo oo markii la doortay kadib la hadlay golaha deegaanaka ayaa goobtii ka cadeeyaya in uusan kala jeclayn kuwii doortay iyo kuwii aan dooran islamarkaana ay u siman yihiin wuxuuna shegay in baahiyaha ugu horeeyay ee uu wax ka qaban doono ay yihiin guud ahaan baahiyaha bulshada uuna dib u habayn iyo kicin ku samaynayo goobo muhiima oo aan iminka shaqayn oo ay ka mid yihiin Ceelka biyaha ee magaaladu ka cabto kaasoo aan shaqyan in mudo ah,Isbataalka , oo ah goob wayn islamrakaan u bahan dayactir wayn iyo habayn dhanka qalabka ah Saldhiga iyo Xabsiga ku waa soo uu sheegay in ay ugu horeeyaan sababta uu isugu sootaagay in uu noqdo Duqa Degmada Dangorayo.

Munaasabadan lagu dooranayay duqa cusub ee Degmada Dangorayo ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin sarsare oo ka tirsan maamulka Puntland iyo Issimada oo ay ka mid ahaayeen M/kuxigeenka DGL Xassan Daahir Af-qurac, Suldaan Siciid Maxamed Garaase,Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Puntland Dr: Axmed Saciid Aw-nuur,Wasiirkuxigeenka Wasaaradda Dawladaha Hoose Cali Naaji,Guddoomiyekuxigenka kowaad ee Rugta Ganacsiga Puntland Jaamac Salaad Dhagadheere,Gudoomiyaha gobalka Nugaal C/laahi Ciise Aw-axmed iyo Odayaasha iyo Waxgaradka Deegaanka Degmada.

Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo halkaasi ka hadlay ayaa xasuusiyay masuuliyiinta la doortay in loo dhiibay xil-dadwayne oo ay ka mid yihiin agoon iyo masaakiin aad u ballaaran,sidaas darteedna ay arintu tahay mid culus oo khatar ah lagana doonayo dadka xilka loo dhiibay sidii ay uga soo bixi lahaayeen xilkaas culus Wuxuu sheegay Suldaanku in xilka loogu doortay in ay wax u qabtaan dadka deegaanka ah ee aan guur guurayn oo ay uga shaqeeyaan bilicda, Nadaafada magaalada, caafimaadka, hagaajinta wadooyinka, iyo sidii ay magaaladu ku helilahayd biyo nadiif ah oo dhamaan golaha deegaanka iyo dadwaynuhuba ay si wada jir ah wax uga qabtaan hagaajinta iyo hormarkooda degaana oo aysan nina ku fiirasan cidgaara iyo dawladna aysan ku eegin ee ay u istaaagaan sidii ay hor amr u gaari lahaayeen ayuu yiri suldaanka oo halkaasi ka hadlay.

Madaxwayne kuxigeenka Puntland Xassan daahir Afqurac oo isagu halkaas hadal ka soo jeediyaya ayaa ugu baaqay dadwaynaha dangorayo in xilkii dawladu soo magacaabijirtay degmada ay gacantooda ka soo wareegtay kuna wareegtay gacanta shacabka degmada markaasna looga baahan yahay shacabku in ay si joogto ah ula xisaabtamaan duqa cusub ee loo doortay degmada islamrkaana ay kala shaqeeyaan arimaha hormarka iyo amaanka.

Degmada Dangorayo ayaa iyadu noqonaysa Dagmadii 4aad ee Gobalka Nugaal oo iyada laga hirgaliyo gole deegaana, waana Degmadii 13-aad ee Degmooyinka Puntland ee ka kooban 32-da oo loo sameeyo Gole Deegaan.

A/rizak koronto | Garowe puntland


Bayaan ka soo baxay Ururka Mideynta Beelaha Waamo ee  ku nool Yurub & Waqoyiga Mareykanka

 

KU: Golaha Maxaakiimta

OG: Saxaafadaha madaxa banaan

OG: Shacabka Soomaaliyeed ee Nabada Jecel

 

                                                                   October1-4/SHW1UMW

 

Bismillahi Raxmaani Raxiim

 

          Sida aan la wada socono Deeggaanka Jubboyinka waxaa ku habsaday Musiibo aan hanbeyn Naf & Maalba iyo Guud ahaan Burbur baahsan.

 

            Kadib markaan isla falanqeynay Xaaladaha Qalifsan ee uu ku jiro Deeggaanka Jubooyinka gaar ahaan xaga Bulshada, Deegaanka, Siyaasada iyo Dhaqaalaha waxay Beelaha Waamo ee ku nool Dunida Dacaladeeda ka maarmi waayeen inay ka wada arinsadaan xaalada Qalifsan ee ay ku jiraan Bulshada Reer Waamo iyo Arimaha Murugsan ee ka jira Gobolada Jubooyinka.

 

            Hadaba kulan dheer oo ay isla qaateen Beelaha Waamo ayaa waxay soo saareen Bayaan ay ku muujinaayaan mowqifka ku aadan Maamul u sameynta Gobolada Jubboyinka, Bayaankiina wuxuu ku soo baxay sida hoos ku cad..

 

A-Diintu waxey ina fareysaa in nin kasta uu gurigiisa isagu maamusho, kuna maamulo Kitaabka ALLE, waddaadaduna qiil uma sameyn karaan in Kismaayo oo dadkii lahaa ay degan yihiin in dad dool ku ah maamulkeeda loo dhiibo taasina ma ahan mid aan qaadaneyno

 

B-Beelaha Waamo waxay si wada jir ah ugu Baaqayaan Cidkasta oo isku dayda in ay maamul u sameyso Gobolada Jubboyinka ayagoo aanan heysan Kalsoonida Beelaha Waamo in maamulkaas uu noqonaayo mid aan waxba ka jirin , loona leexiyey Xaquuq doodii dad aan gobolka u dhalan oo aan la aqoon XAQA ay ku yeelan karaan deegaanka Waamo. Waxba noogama Duwana Morgan, Axmed Cumar Jees, iyo Barre Hiiraale kuwa loo magacaabay Gobolada Jubooyinka waana Caqabad Sadaxaad.

 

 C-Si loo helo Cadaalad & Xal Waara waxay Beelaha Waamo ugu Baaqayaan Maxaakiimta in Maamulka ay kaga dhawaaqeeyn Kismaayo si Taxadar Siyaasadeed iyo Mid Diineed leh ay oga fiirsadaan kagana noqdaan  Maamulkaa, Una tooba keenaan Ilaah iyadoo lagu jiro Bishii barakeysneed ee Ramadaanka Dulmiga iyo Xaq darada ay ka Galeen Beesha Waamo isla markaana ay kasoo siidaayaan Dadka ay xabsiga u taxaabeen ee Dulman.

Golaha Fulinta

(Officers)

 

1-Aden Boqow                                    Gudoomiye

2-Yusuf Cali Sokor                              Gudoomiye ku xigeen

3-Bide Shire Muse                               Xoghayn

4-Muse Cowshaan                               Af hayeen

5-Mohamud Shaafi                               Xoghayaha Xiriirka Bulshada

6-Xasan Xaaji Mohamud                      Xoghayaha Hanti Dhowrka

7-Kamal Ahmed Dacas                        Xoghayaha Maamulka Dhaqaalaha

8-Shacni Cartan                                   Xoghayaha Xiriirka Caalamiga & Iskaashiga

9-Sahro Shamuuro                               Xoghayaha Abaabulka & Kicinta

10-Shugri Cismaan Geedi                     Xoghayaha Xiriirka Hay’adaha Samafalka

11-Juuje Hassan Dheere                       Xoghayaha Dib u heshiisiinta

12-Maxamed Muse Xabaani                Xoghayaha Warbaahinta & Qoraalada

13-Maxamed Cismaan aden                 Xisaabiyaha Ururka

 

 

Golaha agaasinka (Board of Directors)

 

1-Cabdi Salaan Mohamed

2-Cabdikadir Sheekh Mursal

3-Cabdikadir Mohamed Abokar

4-Cabdikadir Mohamed Qaridi

5-Cabdulahi Suul-Garaar

6-Cabdulahi Saciid Shabac

7-Mohamud Ismacil Mohamed

8-Ahmed Dhagax

9-Saciid Xaashi

10-Duniyo Cartan

11-Caasho Farax Hussein

12-Maryan Cartan Mire

13-Ruqiyo Xirsi Carab

 

Hadafka Ururka Mideynta Waamo

 

A-    In Beesha Waamo la mideeyo iyadoon loo eegeyn Qabiil, Shaqsi, Lab ama Dhidig, D’a lana abuuro siday u wada shaqeyn la haayeen una Xalin la haayeen Mushaakilaadka heysta Deegaankooda.

B-    In la helo Dad u dhashay Gobolada Jubboyinka oo matala Deeggaankoda

C-     In la abuuro ilo Dhaqaale lana kobciyo Hadafka Siyaasadeed ee Beesha kuna wajihan Abuuritaanka Xisbi Siyaasadeed oo ay ku mideysan yahiin dhamman Beelaha Waamo

 

Kala xiriir: Boqow2002@aol.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 8, 2006

Ciidamada Maxkamada Towxiid oo Gacanta ku soo dhigey Gacan ku dhiigle
»Dagaal maalintii 5-aad ku dhexmaraya laba Laba Beelood..
»Cadde Gaabow “Xaalka Soomaaliya waxa uu ku soo ururey
»Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo buux dhaafiyey Deegaanka..
»Gondaleze Rise oo wadamada Carabta ugu baaqdey in..
»Cismaan Caato oo beeniyay arin maamulka puntland ku..
»Warsaxaafadeed guddoomiyaha xisbiga RPP....
Wararka oo dhan ka akhri... Oct 4

Senator Coleman oo codkiisa ku biiriyey wax ka qabashada xasuuqda Qaxootiga Soomaalida South Africa


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD