SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Oct 7, 2006

  • Diinaari “ku soo dhawaanshaha Baydhabo ee Maxaakiimta waan daandaansi dagaal..
  • Ciidamadii loo soo diri lahaa Soomaaliya oo ku baaqday labo qodob awgood ..
  • Abaabul Dagaal oo ka dhan ah Dowladda oo ku wajahan Baydhabo..
  • Maxaa ka soo baxay kulankii Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Kenya iyo Talyaaniga...
  • Maxaakiimtu kama taliyaan miyaa Dekedda Ceel-Macaan ee…?
  • Cabdi C/qaybdiid oo gaaray Galkacyo .
  • Booliska Puntland oo Gacanta ku dhingay gawaari iyo dad badan oo tahiibayaal loogu shakiyay.
  • Askar ka goosatay ciidammada Itoobiya oo isu dhiibtay jabhadda EPPF.

Diinaari “ku soo dhawaanshaha Baydhabo ee Maxaakiimta waan daandaansi dagaal..

C/raxmaan Nuur Max’ed (Diinaari) oo ah Afhayeenka Dowladda Federaalka ayaa waxa uu ka hadlay hawlgalo ay maxaakiimtu ka fuliyaan deegaano 20-Km jira magaalada Baydhabo waxa uu ku tilmaamay arrintaani mid daandaansi dagaal ah. “Maxaakiimta waxaan u soo jeedinayaa in ay fuliyaan wixii ka soo baxay shirkii Khartuum” ayuu yiri C/raxmaan Diinaari oo sheegay in Dowladda Federaalka aysan mar dambe u dulqaadan doonin ku soo dhawaanshaha Magaalada Baydhabo.

Sidii ay maxaakiimtu u qabsadeen Magaalada Kismaayo waxaa xarunta ku meel gaarka ah ee dowladda federaalka ka jiray cabsi, iyadoo intii badneyd xildhibaanadii Baarlamaanka ay ka carareen magaaladaasi, waxaana haataan magaalada muqdisho ku sugan ilaa iyo Sodon Xildhibaan oo maalmahan wada hadal lahaa Maxaakiimta Islaamiga ah ee ka taliya Muqdisho.

Ciidamadii loo soo diri lahaa Soomaaliya oo ku baaqday labo qodob awgood ..

Iyadoo ciidamo ka socda Wadamada IGAD la filayey inay yimaadaan Soomaaliya bisha aan ku jirno, kuwaas oo gacansiin lahaa Dowladda Federaalka ayaa warar aanu helnay waxay sheegayaan in ciidamadaasi gebi ahaanba loo waayey qarashkii ay ugu hawlgali lahaayeen Soomaaliya, kaddib markii wadamadii horey u ballanqaaday qarashkaasi ay diideen in ay bixiyaan iyagoo qaarkood ku xiray in marka hore heshiis ay gaaraan kooxaha isku haya Soomaaliya, waxaa kalloo keenista Ciidamadaasi baajiyey kaddib markii ay hanjabaadyo xoog leh ay ka yimaadeen golaha Maxaakiimta oo sheegay in ay goob kasta iyo deegaan kasta ay kula dagaalami doonaan ciidamadaasi, waxaa maalmahan moodaa in hawlihii ay Dowladda gabaabsi noqdeen, iyadoo dhawaan xilkii wasiirnimo ay iska casishay Qadiijo Max’ed Diiriye oo ahayd Wasiiru Dowladaha War-Faafinta.

TACSI:::

Inaalilaahi wa inaa Ilaahi raajicuun!

Waxaan halkan tacsi uga diraaa geeridii ku timid Aabahay Marxuum UGaas Ahmed Ali Ibrahim ahaan Ugaaska beesha Jaarso oo ku geeriyooday magaalada Jig-Jiga, Ethiopa. samir iyo iimaan Alle ha inaga siiyo dhamaanteen gaar ahaan eheladii iyo qaraabadii uu ka tagayba. Rabi Janadii Fardowsa ha geliyo. Alle ha unaxariisto.

Aamiin Aaamiin.

Said Ali
ismaqiiq612@yahoo.com

Abaabul Dagaal oo ka dhan ah Dowladda oo ku wajahan Baydhabo..

Sida ay noo sheegeen dad ku sugan Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in Dowladda Federaalka ah ay maalmahan ciidamo fara badan soo dhoobtay Magaalada Baydhabo iyo agagaarkeeda kaddib markii ay maqleen in Maxaakiimtu ay ku soo wajahan yihiin Magaalada Baydhabo.

Dad diiday magacooda ayaa waxay sheegeen in shan aag laga cabsi qabo in Maxaakiimtu ay ka soo galaan Magaalada Baydhabo, mid ka imaanaya Magaalada Muqdisho, sodoo kale mid ka imaanay magaalada Kismaayo, waxaa kalloo la sheegay in iyana ciidamo ka imaanaya gobalka Sh/hoose iyo ciidamo ka imaanaya Aaga Gobalka Sh/dhexe iyo kuwo ka imaanay Gobalka hiiraan, hase yeeshee mas’uuliyiinta maxaakiimta ayaa horey waxay u beeniyeen in ay weerar ku yihiin Magaalada Baydhabo basle ay ku tagayaan rabitaanka shacabka. Ku nool baydhabo.

Maxaa ka soo baxay kulankii Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Kenya iyo Talyaaniga...

WrWararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd ay kulan isugu yimaadeen wafdi ka kala socday Kenya iyo Talyaaniga iyo Dowladda Federaalka, waxanaa kulankaasi la iskula soo qaaday sidii Dowladda Federaalku uga qaybgali lahayd kulan ka horeeya kan Khartuum oo ay isugu imaanayaan Dowladda FEderaalka iyo Maxaakiimta Islaamiga ah, waxana lagu waramayey in Dowladda Federaalku ay ka biyo diiday inay ka qaybgasho kulankaasi kaddib markii ay sheegtay in ay Maxaakiimtu ay ku xadgudbeen heshiiskii Khartuum iyoagoo sheegay in ay dagaalo ka huriyeen qaybo ka mid ah Dalka, isla mrakaana ay doonayaan inay baydhabo dagaal ku soo qaada, wafdigaan ayaa la filayaa in ay yimaadaan Magaalada Muqdisho.

Maxaakiimtu kama taliyaan miyaa Dekedda Ceel-Macaan ee…?

Markii markab siday Sonkor uu ku soo xirtay Dekedda Ceel-Macaan ayaa shacabka Muqdisho waxay dareemeen in dekedda Ceel-Macaan ay ka garan shaqeyneyso Dekedda Weyn ee Magaalada Muqdisho, hase yeeshee shacabka waxaa ku qanciyey in markaasi uusan ku soo xiran Karin dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho kaddib markii ay Maxaakiimtu sheegeen in Dekadda ay weli ku jiraan taagag gaaraya Markabka. Mar kale ayaa shacabka Dhigihiisa waxaa ku soo dhacay in Dekedda Ceel-Macaan loo fasaxay in laga dhoofiyo dhuxul mudo labo bilood ah, iyadoo Maxaakiimtu ay u daneeyeen ganacsato markii horeba dhibaato ku yahey deegaanka iyo shacabka, waxayna sheegeen shacabku in arrintaasi loo baahnaa in Maxaakiimtu ay ka fiirsadaan. Waxaa maalmahan dadweynaha ku nool Magaalada Muqdisho ay aad uga walwalsanaayeen maraakiib siday raashin dhacay, hase yeeshee dadweynihii waxay farxeen markii Maxaakiimtu ay go’aan ku gaareen in aan raashinkaasi laga iibin Karin shacabka, iyagoo ku tilmaamay mid dhibaato u keenaya bulshada Soomaaliyeed. Mar sii horeysay ayaa madaxa Caafimadka ee Golaha Maxaakiimta waxa uu ka dhawaajiyey in Maxaakiimtu ay xayireen markab siday raashin dhacay, hasey yeeshee waxaa amarkaasi kaddib Muqdisho lagu arkay suuqyadeeda baabuur siday Raashinkii dhacay, waxayna Maxkamadda Islaamiga ah ee Siinaay gacanta ku dhigtay markab siday wax bur u ek, oo aad u liitay, waxayna mas’uliyiintaasi maxkamaddaasi ay sheegeen in burkaani uu yahay mid aan laga iibin Karin bulshada. Iyadoo ay arrintaasi jirto ayaa waxaa maalintii shalay ahayd madaxda Caafimaadka ee Golaha Maxaakiimta shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in ay jireen Maraakiib keentay raashin aan tayadiisu fiicneyn, iyagoo sheegay in baaritaan ay dhaqaatiirtu sameeyeen kaddib qaar ka mid ah raashinkaasi la is ticmaali karo, waxaa kaloo uu qiray intii hartay amar lagu siiyey Markiibkii hore u keenay in uu celiyo, waxaa uuna sheegay Madaxa Caafimaadku in markabkaasi uu raashinkii ka dejiyey Dekedda Ceel-Macaan, haddaba su’aasha ay dad badani Isweydiinayaan waxa ay tahay, Maxaakiimtu kama taliyaan miyaa Dekedda Ceel-Macaan?. Maamuladii ka dambeeyey Siyaad Barre ayaa wax ka qaban waayey waxyaabaha ay ku kacayaan ganacsatada Soomaaliyeed, kuwaas oo la dhihi karo waxay waligood ahaayeen awood qarsoon oo u taagan dhiig miiradka dadka, marka maxaakiimta waxaa looga fadhiyaa inay ka xoroobaan ganacsatada, sida ay dad badani ku doodayaan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail : amiinkhasaaro@hotmail.com


Wafti Kenyan iyo Talyani ah oo Gaaray Baydhabo.
Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
SomaliTalk ,Nairobi.
Botaan1@hotmail.com
 
Wafdigan magaalada Baydhabo gaaray ee ka kala yimid Kenya iyo Talyaniga ayaa waxaa kala hoggaaminayaan danjirayaasha Kenyau u qaabilsan arimaha somalia Maxamed Cabdi Affey  iyo Danjiraha Dawlada  Talyaaniga u Qaabilsan Soomaaliya Mario Refielli,waxayna maanta ka dhoofeen magaalada Nairobi ee caasimada kenya.
 
waxayna kulama la qaateen madaxda dawlada somalia ugu sarayso ee madax waynaha iyo raisul wasaaraha waxyana kala hadleen sidii loo sii anba qaadi lahaa shirka dhawan la filayo in jaamacada carabta wajigiisa 3aad ay ku qabto magaalada khartuum ee dalka sudan.
 
Inta ay joogayan waftigaan somalia lama sheegin balse warar ayaa sheegaya in ay tagi doonan muqdisho balse warkaasi maahan mid wali si cad loogala shiigi karo.

Cabdi C/qaybdiid oo gaaray Galkacyo .

 
Waxaa magaalada Galkacyo ee xarunta Gobolka Mudug dhankeeda koonfureed gaaray maalintii shalay ahayd ee jimaca ahayd Coll Cabdi Xasan Cawaale Qabydiid oo isago ku sugnaa maalmahaan magalada baydhabo ee xarunta KMG ah u ah dawlada somaliyeed .
 
Mr Q/diid ayaa tagiisida Galkacyo waxay timid ka dib markii uu halkaasi tagay Xildhibaan Cusmaan Xasan Cali Caato uu isagu doonaya in maxaakinta islamiga ah ee somaliyeed ay yimaadan gobolka Mudug dhanka koonfureed oo Puntland iyo Q/diid ay ka hor istaageen laba bilood ka hor.
 
Maxaakinta islaamiga ah ee somaliyeed ahaa horay magaalada Muqdisho uga soo saray Cabdi qaybdiid uu ka mid ahaa isbahaysigii la dagaalanka argagaxisada ee laga saaray inta badan siyaasada somalida waxaana magalada Galkacyo isagoo kaashanaya maleeshiyo beeleed ay isku hayb yihiin iyo kuwa kale oo ka hoos yimaada maamulka Puntland ay xarumo ciidan ka samaysteen koonfurta mudug si aysan maxaakintu halkasi u tagin balse arintasi ayaa iminka u mooqata mid sii wiiqmaysa ka dib markii Caato uu gacan saaran wayn la leh maxaakintu uu la shiray labadii maalmood ee aan soo dhaafnay odayaasha beesha koonfurta gobolka mudug dakta oo uu kala hadlay arimo badan.
 
Booliska Puntland oo Gacanta ku dhingay gawaari iyo dad badan oo tahiibayaal loogu shakiyay.
 
Magaalada Boosaaso ee dhanka ganansiga Puntland ugu wayn ayaa wararka ka imaanayo waxay sheegayan in booliska Puntland halgal ay sameeyeen ay gacanta ku soo dhigeen 10 gaari oo lagu eedaynayo gacan wayn ka gaysten tahriibta dadka ah in ay soo qaadan .
 
Gaashaale Sare C/casiis Siciid (Gacameey) Taliye ku xigeenka ciidamada booliska ee DGPL oo u waramayay saxaafada Puntland ayaa waxaa uu sheegay in ay soo qabteen oo hale 3 doon oo ah kuw yar yar ee kaluumaysiga siina qaada dadka tahriibta ah ee dalka yemen la geeyo isago intaasi raaciyay in ay gacanta ku dhigeen dadkii doonayay in ay raacaan doontaasi iyo wlaiba kuwa kale ee iyagu dadkaasi sii qaadayay .
 
Ciidamada boliska ee Dawlad Goboleedka Puntland ee somaliyeed  ayaa  dhawrkii maalmood ee aynu  soo dhaafnay waxa ay wadeen hawlo ballaran oo ay wax uga qabanayaan dadka Tahriibayaal ah iyo waliba kuwa gacacnta ku siiya in ay tahriiban ee lacagta ka qaata arintaan ayaa timid ka dib marki wasiirka arimaha gudaha puntland Mr Axmed Xaabsade oo sheegay in la raafayo dadka tahriibta ah ee la arko laguna celin doono meeshii ay ka yimadeen meesha ugu dhaw
 
Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
SomaliTalk ,Nairobi.
Botaan1@hotmail.com

Barnaamijkii Radio Xoriyo
06 October 2006
 
Kulan wayne ay yeelatay Jaaliyada Ogaadeenya ee Alberta.
 
Qaramada Midoobey oo ka ololaynaysa arrimaha Soomaaliya.
 
Ciidammo Itoobiyaan ah oo Kenya lagu laayay.
 
Askar ka goosatay ciidammada Itoobiya oo isu dhiibtay jabhadda EPPF.
 
 Mowqifka jaaliyadaha iyo Cambaarayn  nimankii ku kacay khayanada qaran(Maqal).
 
======================
Kulan wayne ay yeelatay Jaaliyada Ogaadeenya ee Alberta.
 
Jaaliyada Ogaadeenya ee gobolka Alberta ee dalka Kanada ayaa dhawaan isugu timid kulan wayn oo ay ka soo qayb galeen dadwayne aad u fara badan. Kulankan waxaa lagu qabtay magaalada Edmonton, waxaana lagu lafa-guray halganka Ogaadeenya iyo marxalada uu hadda marayo iyo sidii looga sii hormarin lahaa heerka uu gaadhay oo la isla wada qiray inuu yahay heerkii ugu sarreeyay ee uu gaadho halgan ay dadwaynaha reer Ogaadeenya la galaan gumaysiga Itoobiya.
 
Kulankan waxaa warbixin dheer oo dadwaynihii aad u qiira galisay ka soo jeediyay ku xigeenka hooggaanka arrimaha dibada yio jaaliyadaha mudane Maxamed Macallin Axmed oo dhawaan ka soo laabtay socod shaqoo uu ku tagay gudaha dalka Ogaadeenya.
 
Mudane Maxamed Macallin wuxuu ka warramay heerka uu marayo halganka hubaysan ee ka socda dalka Ogaadeenya ee JWXO hormuudka ka tahay, isagoo tilmaamay guulaha waawayn ee ciidammada xoreynta Ogaadeenya ay ka soo dheelmeen dagaallada ay kula jiraan ciidammada saama la-luudka ah ee gumaysatada Itoobiya, taasoo keentay in ciidammada gumaysiga Itoobiya ee ka hawlgala dalka Ogaadeenya ay si koox-koox ah u baxsadaan, isla markaana ay amar-diido sameeyaan oo dagaallada dhexdooda ah iskaga dilaan askar badan.
 
Waxaa kulankaas iyaguna hadallo guubaabo ah ka soo jeediya qaar ka mid ah xubnaha Jaaliyada Ogaadeenya ee gobolka Alberta, gaar ahaan waxaa madasha kulanka hadal aad u qiimo badan ka soo jeediyay mudane C/qaadir Dheere.
 
Dadwaynihii kulankaas ka soo qayb galay ayaa markii ay dhagaysteen warbixintii dalka iyo hadalladii guubaabada ahaa waxay balanqaadeen inay dadaalkooda sii labanlaabayaan, isla markaana ay sii xoojinayaan hiillada ay la garab taagan yihiin halganka xaqa ah ee dadwaynaha Ogaadeenya kula jiraan gumayisga Itoobiya. 
 

Qaramada Midoobey oo ka ololaynaysa arrimaha Soomaaliya

 
Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Francois Fall ayaa booqasho ku maraya toddoba waddan oo uu kala hadli doono xal u helidda dhibaatada Soomaaliya, iyo sidii loo najixin lahaa wadahadallada u socda dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya iyo maxkamadaha islaamiga. 
 
Ergayga wuxuu booqashadiisa ka billaabay Itoobiya, oo iyadu ah caqabada ugu wayn ee hortaagan in dalka Soomaaliya nabad laga dhaliyo, isla markaana wiiqaysa dadaal kasta oo lagu baadi goobayo is-afgarad dhex mara dawlada ku meelgaadhka ah iyo maxkamadaha islaamiga. Waxaa kaloo ergayga u qorshaysayd inuu boqdo dalalka Eritereya, Jabuuti, Masar, Uganda iyo Yeman.
 
Warmurtiyeed laga soo saaray xafiiska arrimaha siyaasada ee Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in ajandayaasha uu Fall ula tagayo dalalka uu booqanayo ay ugu muhiimsan yihiin sidii gacan looga gaysan lahaa midha-dhalka wareegga seddexaad ee wadahadalka dawlada ku meelgaadhka ah iyo maxkamadhaha islaamiga ah isugu imanayaan daba-yaaqada bishan Oktoober.
 
Socdaalka ergayga ayaa ku soo beegmay xilli uu dalka Soomaaliya is-beddal wayni ka dhacay, isla markaana ay xukuumadda Itoobiya ciidammo keentay meelo ka mid ah dalka Soomaaliya, ballanqaadayna inay ka dagaallamayso dalka Soomaaliya gudihiisa haddii ay dawlada ku meelgaadhka ah khatar dareento.
 
Dhica kale Jaamacadda Carabta ayaa iyaduna wadda dadaal ay ugu gogol xaadhayso sidii guul looga gaadhi lahaa wadahadallada u socda dawlada ku meelgaadhka ah iyo maxkamadaha, waxayna ku talajirtaa in labada dhinac ay wadahadallo hordhac ah ku yeeshaan magaalada Nairobi, ka hor intayna isugu imaanin wadahadallada Khartuum oo lagu wado inay dhacaan soddonka bisha Oktoober.
 
Ergo ka socota Jaamacadda Carabta ayaa la filayaa inay booqdaan wadammada Soomaaliya dariska la ah iyo Soomaaliya ka hor wadahadallada Khartuum lagu ballansan yahay.
 
Ciidammo Itoobiyaan ah oo Kenya lagu laayay.
 
Ugu yaraan 16 Itoobiyaan ah ayaa la dilay, ka dib markii uu dagaal dhex maray booliska Kenya iyo ciidammo hubaysan oo ka soo gudbay dhinaca Itoobiya, sidaas waxaa khamiistii sheegay booliska dalka Kenya.
 
Dagaalkani wuxuu dhacay, ka dib markii malleeshiyo hubaysan oo Itoobiyaan ahi ay arbacadii weerareen tuulo dhinaca Kenya ku taalla oo ka tirsan gobolka Marsabit ee dalka Kenya, ayna dileen hal qof oo rayad ah, seddex kalana ay dhaawaceen.
 
Booliska Kenya ayaa sheegay inuu isagoo adeegsanaya diyaarado millatari oo helikobtarro ah uu wado hawlgallo uu ku baadhayo in malleeshiyadaasi ay wali ku sii jirto dalka Kenya iyo in kale. 
 
Askar ka goosatay ciidammada Itoobiya oo isu dhiibtay jabhadda EPPF.
 
Shan askari ayaa ka goostay ciidammada gumaysiga Itoobiya oo isu dhiibay Jabhadda Amxaarada ee EPPF. Askartani waxay ka goosteen qaybta 26-aad ee ciidammada gumaysiga ee ka hawlgala meesha lagu magacaabo Azezew oo ka tirsan gobolka Gondar, waxaana ku jira sargaal laba xiddigle ah iyo saajin.
 
Dhinaca kale Jabhadda EPPF, oo ka mid ah Jabhadaha dagaalka hubaysan kula jira taliska Meles Zenawi, ayaa dabolka ka qaaday inay ku guulaysatay inay xoog ku soo dayso 12 qof oo arrimo siyaasdeed ugu xidhnaa jeel ku yaalla xarunta booliska ee magaalada Lower Belessa, waxaana hawlgalkaas lagu dilay labo sargaal oo ka tirsan booliska gumaysatada Itoobioya, waxaa sidoo kale lagu dhaawacay sargaal kale oo darajadiisu kabtan tahay.
 
Jabhadda EPPF waxay kaloo intaas ku dartay in siyaasiyiintii xoogga lagu soo furtay ay ku biireen Jabhadda EPPF.
 
06 October 2006.
Axmed Gaal-Eri                   
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9820 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Hadal Heyntii Ugu Badneyd Oo Noqotey Raashin Ay Qabteen Golaha Maxaakiimta Oo Hadane Dib Loogu Arkey  Qeyo Ka Mid Ah Suqyada Magaalada Muqdisho  

Waxaa Madmadow Soo Galay Cidii Fasaxday Raashin Aan Dhicin Laakiin Ay Biyo Gaareen Ka Dibna Is Bedel Ku Yimid Raashin Nimadiisii Una Ekaaday Shamiinto Qoyday  Kaas Oo Markiisii Hore Ahaa Bur  Oo Ay Ganacsato Ku Soo Raratey Maraakiib ,  

Burkaan Ayaa Qaarna Lagu Gubay Fagaaraha Tarabuunka Qaarna Lagu Celiyey Maraakiibtii Siday Iyada Oo Ay Tahay Markii Ugu Horeysay Oo Arin Noocaan Ah La Arko Mudo 16 Sano Ah Hadaba Dadaalkaa Dheeradka Ah Ee Ay Sameeyeen Golaha Maxaakiimta Ayaan U Fulin Sidii La Rabey Taas Oo Cadeyn U Ah Ka Dib Markii Lagu Arkey Isgoyska Siinai Raashiinkii La Xanibey Qar Ka Mid Ah Oo Ku Raran Gaadiid Ay Ganacsato Kala Timid Dekeda Dabiiciga Ah Ee Ceel Macaan Isla Markana Ku Doodeen In Ay Fasax Ka Heystaan Madaxda Midowga Maxaakiimta Islaamka Sida Uu Sheegay Sheekh Mowliid Axmed Xasan Oo Ah Gudoomiyaha Maxkamada Islaamiga Ee Siinaay Oo Ka Mid Ah Midowga Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed Oo I Oo Iyadu Gacanta Ku Dhigtey Markii Ugu Horeysay Rashinkaa , 

Si Aan Arintaa Wax Intaa Dheer Uga Ogaano Ayaa Waxaa Xafiiskiisa Shir Jaraaid Ku Qabtey Madaxa Cafimaadka Ee Golaha Maxaakiimta Sh : Muxudiin Maxamed Cumar Isagii Oo Noo Faafaahiyana Wuxuu Yiri , 

“Shirkaan Jaraaid Ee Manta Wauxuu Ku Saabsan Yahay In Aan Faafaahin Dhameystiran Ka Bixino Raashinkii Horey Warkiisu Dad Badan U Ogaayeen Iyo Wixii Ka Danbeeyey Isbedeladii Dhacay Oo Rabnay Runtiin In Aan Faafaahin Dheeri Ah Ka Bixino , 

Waxaan Rabaa Guud Ahaan In Aan Tilmaayo Maraakiibta Wadanka Soo Gashey Ee Raashinka Qoyan Waday Iyo Cadadkooda Inta Uu Ahaa ,Waxeyna Ahaayeen Sdax Markab Oo Lakala Yiraahdo 9k ,Markabna Waxaa La Yiraahdaa Raanam , Markabna Waxa La Yiraahdaa Is Keeper  Cali ,  

Sadaxda Markaba Wxey Soo Galeen Badweynteena Indian Shin Ka Dibna Waxaa Dekeda Ismaayo Ku Xirtey Markabka La Yiraahdo Raanam Labada Kale Ee 9k Iyo  Is Keeper Cali Waxey Ku So Xirteen Dekeda Weyn  Magaalada Muqdisho Waana Labada Markab Ee Uu Saarnaa Raashinka Qoyan ,Raashinkaas Waxaan Horey U Sheegnay In Uu San Ehayn Rashin Dhacay Ee Uu Yahay Raashin Biyo Gaareen Iyo Weliba Qadob Labaad Oo Ah In Dadka Raashin Soo Rartey In Aysan Aheyn Dad Lagu Yaqaano In Ay Waxyaalaha Qaldan Ka Shaqeystaan Labadaa Arin Markan Ka Gudbo Waxaa La Dejiyey Raashinkii Saarnaa Markabka 9 K Iyo Iskeper Cali Labadaba ,

Iskepar Cali Waxaa Saarnaa 32611 Kiish Oo U Dhiganta 113.55tan Markabkaas Iskeeper Cali Waa La Dejiyey Laakiin Hal Loor Oo Ka Mid Ah Lagama Soo Saarin Dekeda Ilaa Hada Baaritaankii Baa Ku Socdo Mar Ka Isaga Xagiisa Ma Jirin Wax Magalada Soo Glay Ama La Fasaxay Ilaa Iyo Hada , 

Markabka La Yiraahdo 9 K Isagana Waxaa Saarnaa 16900 Oo Kiish Una Dhiganta 845 Tan Markabkaas Qandaqyadiisa Ama Qaanadihiisa Kala Xiran Ee Raashinka Lagu Soo Raro Waxaa Qoyey Qaanad Ka Mid Ah Waxaana Ku Jiray Qankaas  5666 Kiish Labadas Qeybood ,

Qeybtaas Ama Qankaas Qoyay Ee Ay Ku Jireen 5666 Kiish Waxaan U Qeybinay 3 Sadax Qeybood ,

Qeyb Waa 1500 Kiish Oo Hada Dekeda Taala ,1400 Kiishna Waxaa La Laabtey Markabkii  9 K Oo Dekeda Lag Fasaxay Kaas Oo Aaday Dekeda Dabiicga Ah Ee Ceel Macaan , 

1500 Kiish Oo Bur Ah Iyo 1400 Kiish Oo U La Noqday Markabkii 9 K Waxaa Soo Haray 2766  Kiish Oo Bur Ah Waana Raashinka Aan Hada Rabney In Aan Tafaashiisa Ka Bixino ,

Sadax Qeybood Ayuu Raashinku Sidiisaba Ahaa Markabkaas Siday 5666 Kiish Oo Bur Ah Waxaan U Kala Qaadnay Sadax Qeybood Ayaa Ka Dhignay Qeyb Waxey Ahayd Qeyb Qoyan Oo Iska Cad Iskana Muuqato In Qoyaanku Aad U Gaaray ,Qeybta Kala Ayaa Ahayd Qeyb Burar Leh Oo Burkiisuna Uu Huurku Gaaray , Qeybna Waxey Ahayd Qeyb Aan Biyuhu Gaarin Iyo Huurku Midna Marka Labada Qeybood Ee Buurbuurka Iyo Qeybta Qoyaanka Leh Labadaas Qeybood Waan La Xanibay Oo Waan Joojiney Oo Ilaa Iyo Hada Dekeda Ayaa Dheh Yaalaan Inta Nadiifka Ah Ee Soo Hartey Ee Muuqalkeeduna Uu Wanaagsanaa Ayaan Waxaan Ku Sameynay Baaritaan Qaatey Mudo 10 Maamood Ah Ka Dibna Wixii Aan Fasaxnay Waxey Noqdeen Intaas Buurbuurka Iyo Dhibka Midna Uusan Soo Garin , 

Marka Qeybta Aamn Anagu Fasaxnay Waa Qeybtaas Waana Qeyb Runtii Aad U Yar  Oo La Dhihi Karo Sadx Meelood Waa Meel 2700 Oo Kiish Ayaan Fasaxnay Intaasuna Waa Inti Ay Isku Waafaqeen Dhaqaatiirtii Loo Xilsaaray Oo Baaritaanka Ku Sameysay Iyo Anagii Oo Maamulkii Ah O Isku Waafaqnay Dhamaanteen Cadad Ama Lorar La Dhihi Karo Waa La Isticmaali Karaa ,

Qodobkaas Markii Aan Intaa Uga Baxo Waxaa Runti Dadaka Badankiis Laga Yaabaa In Ay Si Qalad Ah U Fahmaan Anaga Markii Hore Maraakiibtaan Waa Celinay Laakiinse Waxaa Ku Jiraa Waa Sax Iyo Waa Qalad Marna Ma Aanan Garin Oo Waxaan Sugeynay Baaritanka Inta Uu Cadayn Inoo Keeni Doono Xaga Dhaqaatiirta Ah Ayey Ka Danbeysay Ku Dhawaaqista Waxa Laga Yeelayo Burka Ay Biyuhu Gaareen , 

Marka Baaritaankeenii Ayaa Waxaa Ku Soo Baxay Arinkan Cadadka Aan Fasaxnayna Waa Cadadkaas 2700 Ah Oo Ka Mid Ah 16900 Kiish Oo Bur Ah 2700 Oo Ka Mid Ah Ayaan Fasaxnay Baaritaankaas Ay Ku So Baxday Darted Intii Kalana Akhirkii Sidaa Ayu Ahaa , 

Waxaa Soo Hartey Baabuurtii Lagu Arkay Magaalada Muqdisho Gudaheeda Oo Runtii Markii Sida Ay U Muuqdeen Iyo Anaga Wixii Aan Fasaxnay Loo Fiiriyo Aad Bay U Kala Fogaayeen Ayaan Dabagal Ku Sameynay Waxaana Soo Oganey In 1400 Oo Kiish Oo Bur Qoyan Ah Oo Markabkii 9 K Uu Kala Furtey Dekeda Weyn Ee Uu Aaday Celmacaan Oo Runtii Iyagu Ay Naga Blana Qaadeen In Ay Badweynta Ka Shishe Ku Daadin Doonaan Maadaama Aan La Isticmaali Karin In Ay Dekeda Cel Macaan Ka Dejiyeen Manta Wuxuu Burkii Yaalaa Dekeda Ceel Macaan Halkaas Ayaan Hada Ku Heynaa Oo Aan Maamulkii Ku Wargeliney Iyo Ragi Ka Shaqeynayey In Aan Hal Loor Laga Soo Deyn , 

Intaa Hadaan Ku Dhaafo M Markabkaas Faafaahintiisa ,  

Madaxa Caafimaadka Ee Midowga Maxaakiimta Sh: Muxudiin Maxamed Cumar Isaga O Hadalkii Sii Siiwato Ayaa Intaa Raaciyey “Markabka Kale Ee Raanam Hada Wuxuu Joogaa Kismaayo Isaga Albaabkaba Lagama Furin Dekeda Ayuu Soo Istaagay Maamulkii Maamulkii Midowa Maxaakiimta Ee Joogy Kismaayane Waaa Ay Amar Ku Siiyeen In Aan Raashinaka U Sido Dekeda Laga So Dejinin , 

Sadaxda Markab Intii Ay Joogeen Muqdisho Waxaa Albaabka Laga Furey Halkaa Markab Isagane 16900 Oo Kiish Oo Bur Ah Ayuu Siday Ayaa Laba Kun Iyo Todobo Boqol Oo Ka Mid Ah Ayaan Baarintaan Ka Dib Aan Fasaxnay Arinku Xaqiiqadiisu Waa Sidaas , 

Ugu Danbeynti Ayaa Waxaa U Ku Soo Gabagageeyey  Sh: Muxudiin “Marka Guud Ahaan A Runtii Dadaalka Aan Arintaa Ku Bixinay Waa Dadaal Aan Ilaahay Kaga Baryeyno In Uu Bil Ramadaan Ayaan Ku Jirnaaye Naga Abaal Mariyo Tafaashiisii Oo Dhameystirana Waa Intaa , 

Arintaa Ayuu Ku Tilmaamay In Ay Keenikaraan Waxyaabo Badan Isaga Oo Carabka Ka Xajiyey In Ay Tahay Arin Qalad Ah Oo Muuqato Waa Mid Uu Makabkaasu Galay Wuxuuna Sheegay In Uu Aysan Goluhu Maxaakiimtu  Raali Ka Noqoneyn Isaga Oo Hadalkiisii Sii Wata Ayuu Yiri Markii Aan Maqalnay Warka Raashinka  Aad U Liitaa Uu Magaalada Soo Galayna Iyo Kii Aan Anagu Fasaxnay  Aad Bay Nooga Yaabisay Runtii Laakiin Baaritaankii Aan Sameynay Waxaa No Soo Baxday In Raashinkaasu U Yahay Raashin Kii Aan Joojinay Qeyb Ka Mid Ah Hadana Hadii Ilaah Yiraahdo Waa La Xisaabtami Doonaa  9k Na Waa La Yaqaanaa Dadka Uu Rarnaana Waa A Yaqaanaa Magaalada Muqdishona Waa Iman Doonaa La Xisaabtanka Maraakiibtane Waxaa Iska Leh Qeyb Maamulka Ma Mid Ah  

Intaa Ka Dib Ayaa Waxaa Inoo Suurta Gashay Dhaqtarkii Baaray Raashinka In Aan La Kulano Oo Ahaa Dhaqtar Ku Xeel Dheer Caafimaadka Guud Dr.  Adan Xaji Ibraahin Daauud Wuxuuna Isne Xaqiijiyey In U Ka Mid Ahaa Dadki Ugu Horeeyey Ee Dul Joogsaday Raashinka Ka Dib Marki Madaxdu Na So Gaarsiiyeen In Ay Arintasu Jirto Loo Bahan Yahay Dad Qibrad U Leh Howlaha Nuucaan Oo Kale Ah In Ay Meesha Tagaan Oo Fiiriyaan Kana Soo War Bixiyaan Waxaan Soo Arkay Raashinka Dekeda Gudaheeda Ku Jira Iyo Kuwii Loo Soo Gudbiyey Suuqbacaad Na Waxaan Ku Arkay Iyaga Oo Ku Jiro Baqaar Waana Joojiyey , Marka Sida U U Sharxay Gudoomiyuhu Rashinkaas Aslanba Marka La Fiiriyo Xaga Cilmiga Caafiadka Cuntooyinka Iyo Cabitaanada Iyo Waxyaabaha Kale Ee Kala Duwan Waxey U Baanah Yihiin In La Ilaaliyo Badbaadadooda Waxaan Taa Ka Wadaa In Markii La Cuno Ama La Cabo Aan Lagu Sumoobin Ama Dhibaato Aysan Kaga Imaanin Bini Adamka In Uu  Yahay Tan Labaadna Waxaa Laga Fiiriyaa Cuntada Waxaana Lagu Ogaankaraa Aragtida Cadiga Ah Iyo In Qalab Ka Adeegsado Oo Sheybaro La Geeyaa Ama Astaamo Kale Oo Waxaa Jira Lagu Ogan Karo Sida Midbka Dhadhanka Iyo Urta Sidaas Oo Kale Waxey Soo Dedejiyaan Cuduro Badan Raashinku Marka Uu Noocaan Oo Kale Noqdo  

Arintu Si Kastaba Ha Ahaatee Dhaqtarku Wuxuu Sheegay In Raashinkaasu Uusan U Qalmin In Nafley Ay Cunto Dad Iyo Duunyo Oodhana Uu U Keeni Karo Cudurada Dheef Shiidka Iyo  Cuduro Badan Oo Kale Iyo Sumoobid La Soo Deristo Cuntanka Ka Dib Isaga Oo Na Sheegay In Ay Qatar Ku Tahay Jiritaanka Nafleyda Oo Dhan  

 Muuse Maxamuud Jiisow
muqdisho somaliya
somali39@hotmail.com
002521576666
/
002521653623

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 7, 2006

Ciidamada Maxkamada Towxiid oo Gacanta ku soo dhigey Gacan ku dhiigle
»Dagaal maalintii 5-aad ku dhexmaraya laba Laba Beelood..
»Cadde Gaabow “Xaalka Soomaaliya waxa uu ku soo ururey
»Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo buux dhaafiyey Deegaanka..
»Gondaleze Rise oo wadamada Carabta ugu baaqdey in..
»Cismaan Caato oo beeniyay arin maamulka puntland ku..
»Warsaxaafadeed guddoomiyaha xisbiga RPP....
Wararka oo dhan ka akhri... Oct 4

Senator Coleman oo codkiisa ku biiriyey wax ka qabashada xasuuqda Qaxootiga Soomaalida South Africa


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD