SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
June 4, 125
Daabaco Boggan | Print

XABSIGA HARGEYSA::: 00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 |
MAALMO MUHIIM AH:::
Maalmo Muhiim ku ah Jadwalka Islaamka 1427-1428
QAABKA QORISTA
Qaabka Loo Qoro Wararka.. Akhri
::MUQDISHO & DHURWAAGA::

Ma dhabaa in Dhurwaaga lagu Daweeyo Dadka Jinniga qaba Guji

 


Wararkii: Oct 6, 2006

  • Midowga maxaakiimta islaamiga ah oo ku dhawaaqay maxkamada gobolka banaadir.
  • Madaxwayne ku xigeenka Puntland oo kormeeray Dekadda magaalada Boosaaso.
  • Maxakiimta islaamka ayaa sheegay in ay dhawaan hub ururin ka bilaabi doonaan

Midowga maxaakiimta islaamiga ah oo ku dhawaaqay maxkamada gobolka banaadir.

 

Xaflad si wayn loo soo agaasimay  oo lagaga dhawaaqay Maxkamadda Gobolka Banaadir oo ay hoos tagayaan Dhammaan Maxkamadaha kajira Gobolka Banaadir ayaa Khamiistii waxa uu ka dhacay Xaruntii hore ee Villa Soomaaliya.

 

Xafladdani oo ay kasoo qeyb galeen Mas'uuliyiinta labada gole ee  maxaakiimta iyo marti sharaf aad u tiro badan ayaa waxaa halkaasi laga soo jeediyay Khudbado muujinaya sida loogu baahan yahay in Gobolka Banaadir Maxkamadihiisu ay yeeshaan Maamul mideysan.  

 

Sidoo kale waxaa xafladda ka dhex muuqanayey Mas'uuliyiin ay kamid ahaayeen Guddoomiyaha Golaha fulinta  Maxaakimta Islaamiga  Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiyaha Golaha Shuurada Sheekh Xasan Daahir Aweys, Kuxigeenka Madaxa Ammaanka ee Maxaakimta Islaamiga  Sheekh Mukhtaar Roobow “Abuu Mansuur”, Madaxa Ammaanka ee Gobolka Banaadir Sheekh C/llaahi Macallin Cali Naxar “Abuu Quteyba” iyo Mas'uuliyiin kale oo katirsan Xubnaha labada gole ee Maxaakimta Islaamiga ah.

 

 Sidoo kale Waxaanan meesha ka madhnayn oo Xafladda oo kasoo qeybgalay Abwaaniinta Soomaaliyeed oo ay kamid ahaayeen Abwaan Abshir Nuur Faarax “Bacaadle” Abwaan Cusmaan C/llaahi Guure, waxayna halkaasi kusoo bandhigeen gabayo ka turjumaya taageerada midowga maxaakiimta .

 

Abwaaniinta ayaa gabayadooda waxa ay diidaradda kusaareen Arrinta sida aadka ah loo hadal hayo dhowaanahan ee xabsiga magaalada hargaysa iyo haysashada sh,maxamed ismaaciil iyo culimo kale   waxayna si gaar ah u cambaareeyeen Falka jidh Dilka ah ee loo geysanayo Sheekh Maxamed Sh.Ismaaciil oo ku xidhan Xabsiga Magaalada Hargeysa.

 

Sidoo kale Mas'uuliyiintii ka hadashay ayaa waxaa kamid ahaa Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ah Guddoomiyaha Golaha Shuurada waxaana u badnaa  hadaladiisii in waxa ay rabaan  uu yahay ku dhaqanka shareecada  Islaamka isla markaana aysan dooneynin in Diinta Islaamka Arrimaheeda ay wax kale ku dabaqaan waa siduu sheegaye .

 

Waxa uu sheegay sheekh Xasan Daahir aways in marnaba aysan ka tanaasuli doonin Kudhaqanka Shareecada Islaamka laakin wada hadal kale ay lageli doonaan Cid waliba kan dowladda ay kula jiraanna ay ugu daneynayaan Shacbiga Soomaaliyeed si aanan wax dhibaato ah uga dhicin Gudaha Shacbiga ayuu yidhi Sheekh Xasan Daahir Aweys.

 

Sidoo kale ,Sheekh Mukhtaar Roobow “Abuu Mansuur” ayaa kamid ahaa Mas'uuliyiintii ka hadashay Xafladdii Maanta wuxuuna sheegay in looga baahan yahay Shacbiga Soomaaliyeed mar waliba in ay dhiira geliyaan kudhaqanka Shareecada Islaamka maadaama aanu nahay Shacbi Islaam ah.

 

Sheekh C/llaahi Macallin “Abuu Quteyba” oo ah Mas'uulka Ammaanka ugu sareeya ee Gobolka Banaadir oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in marka lagu dhawaaqayo Maamul uusan aheyn wax layska yaidhaahdo ee loo  baahan yahay in la iska kaashado arrintaasi.

 

Abuu quteyba waxa uu kaloo  sheegay intii ay ku guda jireen Hawl galada Ammaanka lagu sugayo ee Gobolka Banaadir ay taageero weyn ka heleen Shacbiga Soomaaliyeed taasina ay uga mahad celinayaan isla markaana ay kasoo codsanayaan in sidaasi oo kale ay ula sii shaqeeyaan si aanan loogu arag Magaalada cid wax dhibta.

 

Si kastaba ha ahaatee Xafladdii Maanta oo aheyd mid ay kazoo wada qayb galeen  qeybaha kala duwan ee Bulshada  ayaa ugu dambeyntii waxaa lagaga dhawaaqay  Guddi ka kooban 11-xubnood oo qaabilsan isku celinta hantida lakala heysto, sidoo kale waxaa la magacaabay Guddi ka kooban 12-xubnood oo qaabilsan Garsoorka Maxkamadda Gobolka iyo 64-xubnood oo ka hawl geli doona illaa 21-saldhig boolis oo kuyaalla Gobolka Banaadir.

 

Sidoo kale waxaa Guddoomiyaha Maxkamadda Islaamiga ah ee Gobolka Banaadir  loo magacaabay Sheekh Xuseen Cabdi Cilmi  iyadoo  xafladaasi oo kusoo  ay ku dhamaatay is afgarad ,dadka kazoo qayb galayna ay soo dhoweeyeen talaabadan oo ah mid loo baahnaa xili hore .

 

Yaasiin maxamed cali (faytin)

Yaasiin2006@hotmail.com

002521-580916

Boosaaso:Madaxwayne ku xigeenka Puntland oo kormeeray Dekadda magaalada Boosaaso.

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Xassan Daahir Afqurac ayaa Khamiistii kormeer hawleed ku sameeyay Dekadda wayn ee magaalada Boosaaso halkaasi oo ay ka socoto hawlo baaxadwaynleh oo ah hawlo shaqo taasi oo la xiriirta dajinta badeecooyinka  iyo rarida oo dekedda si xalwi ah uga soo dagaya ugana dhoofaya xiligan.

Madaxwayne kuxigeenka Puntland Xassan daahir ayaa halkaasi ka soo jediyay hadalo dhiiri galin iyo amaan isugu jirtay kuwaas oo u hayo  ciidanka dekedda ku sugan oo uu ku sheegay in ay yihiin geesiyaal shaqo sare u haya dalkooda islamarkaana ku dhiiri galiyay in ay laban laabaan shaqadooda una ilaaliyaan isha umada puntland ay fiirsanayso oo iyaga amaano looga dhigay waa sida uu hadalka u dhigaye.

Kormaarkaasi ayaa waxa ku wehliyay madaxwayne k uxigeenka mas`uuliyiin ka mid ah golaha wasiirada iyo baarlamaanka, Taliyayaasha ciidanka iyo mamulka gobolka Bari.

Kormaarkan uu maanta Madaxwayne ku xigeenku ku tagay dekedde wayn ee magaalada Boosaaso ayaa waxa uu ku soo begmay iyada oo dakadda magaalada Boosaaso ay ka soconayaan hawlo dayac tir oo aad u baxadwayn taasoo lagu doonayo in dekedda lagaga sifeeyo xasharaadka yaala dekedda agteeda islamarkaan waxaa laga bur buriyay agagaarka dekedda buushash ay dad danyar ah ku ganacsan jireen taasoo looga goleeyahay in la soosaaro bilicda dekedda, in kastoo dekadduna ay qabto dayac aad u baaxad wayn oo aan lagu samayn sifayn ama balaarin tan markii ladhisay xiligii dawladii soomaaliya oo iyadu hirgalisay dhisida dekadda wayn ee magaalada Boosaaso, Mashruucaasoo ahaa Mashruuc aad muhiim ugu ahaa umada soomaaliyeed gaar ahaan kuwa reer puntland oo si wayn uga faa iidaysatay dekedda balse hadana wali qabta dayac wayn oo u baahan dhaqale badan oo ay xukuumada puntland u gurmato sidii dekadda looga dhigi lahaa dekadd badqabta. 

A/rizak koronto
Garowe puntland

Maxakiimta islaamka ayaa sheegay in ay dhawaan hub ururin ka bilaabi doonaan meelaha ay gacanta ku hayaan maxaakiimta islaamku

 

Hadalkaan ayaa waxaa uu soo baxay madaxa amaanka gudaha ee golaha maxaakiimta islaamka sh: cabdulahi macalin cali naxar ( abuu cuteyba ) oo manta ka hadlayey xafladi furitaanka Maxkamada Ku Dhaqanka Shareecada Islaamka Ee Gobolka Banadir Iyo Maxkamada Racfanka Ee Gobolka banadir oo ka dhacday xarunta vila Somalia ee magaalda muqdisho isaga oo arintaa ka hub uruurintane sabab uga dhigay in ay bilow u tahay sidii hub uruurin looga bilaabi lahaa guud ahaan goobaha ay gacanta ku hayaan maxkamadaha islaamiga ah ,

Wuxuuna sido kale sheegay abuu cuteyba in dhawaanahaa golaha maxaakiimtu ay wadeen qorshayaal ku saabsan sidii hubka looga uruurin lahaa dadka sida sharci darada ah  gacanta ugu heysta hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan boombooyinka qarxa , 

Madaxa amaanka gudaha ee golaha midowga maxaakiimta sh: cabdulaahi macalin cali ( naxar ) abuu cuteyba ) oo ka hadlayey sida arintaasu ay ku suurta geli doonto ayaa sheegay uma ogolin hub in ay haysato cid aan ciidankeena ahayn oo ah kuwa amniga sugaya maka waxaa jiri donto hub uruurin dadku ha u diyaar garoobeeno hub sharci daro ah dalka laguma heyn doono mana ogolin hub in uu ku noqdo gacan aan gacanteena aheyn sidaa ha ha ula socdaano haday hay.ado yihiin iyo hadii ay ganacasato yihiin iyo hadii ay yihin ashqaas khaas ah ma dooneyno hub aan ahayn kan gacmaha ciidanka amniga ku jiro , 

Madaxa amaanka gudaha ee maxaakiimta ayaa bulshada soaliyeed ka codsaday in qof walbo lagu abaal mariyo wax qabdkiisa waxaana sidoo kale uu sheegay  in dhawaan magalada muqdisho ay ka bilaabi doonaa tartan dhinaca amaanka ah oo saldhigyada dhexmari doona , 

Inkasta oo ay sheegeen golaha maxaakiimta islaamku in dhawaan hub uruurin ay ka bilaabi doonaan maaalada muqdisho ayaa hadane waxaa jira shaki farabadan oo shacabka reer muqdisho ay ka qabaan sida hub uruurintsi ay ku suurtoobi doonto  

Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho somalia
0025215766666/002521653623

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 6, 2006

Ciidamada Maxkamada Towxiid oo Gacanta ku soo dhigey Gacan ku dhiigle
»Dagaal maalintii 5-aad ku dhexmaraya laba Laba Beelood..
»Cadde Gaabow “Xaalka Soomaaliya waxa uu ku soo ururey
»Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo buux dhaafiyey Deegaanka..
»Gondaleze Rise oo wadamada Carabta ugu baaqdey in..
»Cismaan Caato oo beeniyay arin maamulka puntland ku..
»Warsaxaafadeed guddoomiyaha xisbiga RPP....
Wararka oo dhan ka akhri... Oct 4

Senator Coleman oo codkiisa ku biiriyey wax ka qabashada xasuuqda Qaxootiga Soomaalida South Africa

Cismaan Caato oo safar dhulka ah ku gaaray Gaalkacyo
»Maxkamadaha Islaamiga ah oo gaaray Magaalada Dhoobley
»David Shinne “Maxkamadaha u maleyn maayo in ay..”
»Maamulka Puntland oo sheegay in aysan u dulqaadan..
»Baaq ka soo baxay Culimaa'udiinka Waamo...
Wararka oo oo dhan ka akhri halkan Oct 3

Senator Coleman oo codkiisa ku biiriyey wax ka qabashada xasuuqda Qaxootiga Soomaalida South Africa

C/llaahi Yuusuf oo dhawaan la filayo in uu Booqdo wadamada Itoobiya , Kenya iyo...  
»Maxaa ka soo baxay kulankii Qaahira ee J/Carabta..
»Maxkamadaha oo miinooyin ku aasay Deegaano ku dhow ..
»Waraaqo lagu daadiyey Magaalada Baydhabo..
»Sheekh Yuusuf Indha-Cadde oo shacabka ka dalbadey Cafis
»Dagaal ka dhacay dhabad iyo ducdeer oo ay ku dhintay 19
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Oct 2 

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD

 

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.