SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Oct 3, 2006

  • Cismaan Caato oo safar dhulka ah ku gaaray Gaalkacyo kaddib markii loo diiday in uu Diyaarad ku tago
  • Maxkamadaha Islaamiga ah oo gaaray Magaalada Dhoobley, maanta la filayo..
  • David Shinne “Maxkamadaha u maleyn maayo in ay..”
  • Maamulka Puntland oo sheegay in aysan u dulqaadan doonin shirarka siyaasadeed ee..
  • BAAQ AAY SOO SAAREEN WAXGARADKA, AQOONYAHANKA IYO CULUMAUDIINKA REER WAAMO.

Cismaan Caato oo safar dhulka ah ku gaaray Gaalkacyo kaddib markii loo diiday in uu Diyaarad ku tago

Iyadoo maalintii doraad ahayd Cismaan Caato iyo xubno kale oo la socday loo diiday inay diyaaradoodu ka degto magaalada Gaalkacyo ayaa waxa uu goostay in uu maro dhulka, waxaana shalay si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalooyinka dhuusamareeb, Cadaado iyo Gaalkacyo oo uu xalay fiidkii gaaray.

Cismaan Caato ayaa wax laga weydiiyay safarkiisa uu ku tagay magaalada Gaalkacyo waxa uuna sheegay in uu halkaasi u tagay arrimo gaar ah, waxa uuna meesha ka saaray in uu halkaasi u tagay sidii uu beeshiisa uga dhaadhicin lahaa in ay Magaalada Furtaan maxkamad Islaami ah. Cismaan Caato waxa uu sheegay in uu ku sii jeedo gobalada la magacbaxay Somaliland, isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay Magaalada Sheekh balse ma faahfaahin waxa uu halkasi u tagayo.

Cismaan Caato waa xildhibaan ka tirsan Dowladda Federaalka, waxaa adag in isaga oo xilkaasi wata uu gaaro gobalada W/Galbeed ee Soomaaliya.

Mar uu ka hadlayey Cismaan Caato halkii ay ku dambeysay wada hadalkii u dhexeeyay beelihii dhawaan ku dagaalamay Gobalada Dhexe, waxa uu sheegay in wada hadaladasi dhawaan la bilaabi doono, wixii ka hareyna la dhameystiri doono, isagoo sheegay in haatan aysan la socon xildhibaanadii kale ee hawshaasi la waday.

Cismaan Caato waxa uu beeniyay wararkii horey u qoreen saxaafadda ee sheegayey in maamul Gobaleedka Puntland ay diideen in Diyaaraddii uu la socday Cismaan ka soo degto Gaalkacyo, kaddib markii looga shakiyey in uu wado qorshayaal uu maxkamad uga dhisayo Magaalada Gaalkacyo.

Maxkamadaha Islaamiga ah oo gaaray Magaalada Dhoobley, maanta la filayo..

Iyadoo Maxaakiimta Islaamiga ah ay dhawaan qabsadeen magaalada Kismaayo ayaa warar halkaasi ka imaanaya waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd ay gaareen Magaalada Dhoobley, waxaana halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyay dadweyne fara badan.

Maanta ayaa la filayaa in maxaakiimtu ay kaga dhawaaqaan Magaalada Doobley Maxkamad Islaami ah, iyadoo maalinta beri ah maxaakiimtu ay gaari doonaan Degmada Af-Madoob, oo iyana beri looga dhawaaqi doono Maxkamad Islaami ah.

Dhinaca kale Maxaakiimta Islaamiga ah ee ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa waxay shalay gubeen 70 Kiillo oo qaad oo magaalada Kismaayo lagu soo geliyay Gawaari ka timid Xuduuda u dhexeysa Kenya iyo Soomaaliya, waxayna Maxaakiimta qaadka ku tilmaameen maandooriye waxyeelo u gaysanay bulshada Soomaaliyeed, waxaana looga digay Ganacsatada in aysan qaad dambe soo gelin Magaalada Kismaayo iyo deegaanada kale ee ay maxaakiimtu ka taliyaan.

David Shinne “Maxkamadaha u maleyn maayo in ay..”

Safriikii hore ee Mareykanka u fadhin jiray Wadanka Itoobiya David Shinne si aad ahna ula socda Xaaladda Soomaaliya dhowr jeerna yimid wadanka Soomaaliya xiligii ay Ciidamada ay yimaadeen Mareykanka ayaa waxa uu sheeg ay mar uu u warameyay Jariirada The Standard ee ka soo baxda Dalka Kenya in Maxaakiimta Islaamiga ah ee is bedelka ka dhaliyey Soomaaliya aysan u socon in ay weeraraan Wadamada deriska la ah Soomaaliya, gaar ahaan wadamada IGAD” waxa uu intaa raaciyay “Waxaa uu intaa raaciyey is balaarintooda waa mid ku timid rabitaanka Shacabka”, waxa uuna sheegay in Maxaakiimta Islaamiga ah ay doonayaan inay sumcad ka abuurtaan Beesha Caalamka, sidoo kale waxa uu sheegay inay doonayaan in ay xiriir la sameeyaan dhamaan wadamada Adduunka. David Shinne waxa uu sheegay in cabsida ay qabaan wadamada Itoobiya iyo Kenya ay yihiin kuwo si aad ah loo buun-buuniyey waayo ayuu yiri Maxaakiimta Islaamiga ah uma socdaan in ay qalalaaso ka abuuraan wadamada deriska la ah Soomaaliya. Waxa uu u soo jeediyay Dowladda Mareykanka in ay il gaar ah ku eekaan dhaqdhaqaaqa Maxaakiimta Islaamiga ah, David waxa la weydiiyey suurogalnimada in Maxaakiimtu ka talaabaan gudaha Dalka Soomaaliya, waxa uuna ku jawaabay “Waa wax dhici kara, laakiin hadda uma socdaan, waxa uuna beeniyay warraka sheegaya in kooxo argagixiso ah ku sugan yihiin gudaha dalka Soomaaliya, isagoo shegay in wararkaasi la buun-buuniyey

Dowladda Federaalka oo eedeysay Jaamacadda Carabta..

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka ayaa shalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo, waxa uuna ka hadlay Mowqifka Dowladda ee Ururka Jaamacadda Carabta, waxa uuna sheegay in Jaamacadda Carabtu aysan dhex dhexaad ka ahayn Arrimaha Soomaalia, isagoo sheegay inay garab siinayaan Maxaakiimta Islaamiga ah.

“Waxay ku tilmaameen qabsashadii Kimsaayo, mid aan xad-gudub ku aheyn Shirkii khartuum, taasi dhex dhexaad m ahan” ayuu yiri Wasiirku xigeenku oo sheegay in qabsashadii Kismaayo ay aheyd mid xadgudub ku ah heshiiskii Khartuu.

Samiir Xusni ayaa waxa uu ku tilmaamay arrinta Magaalada Kismaayo, mid iska caadi ah oo ku timid rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed, isla markana is balaarinta Maxaakiimtu aysan xadgudub ku aheyn heshiiskii Khartuum, ayna Jaamacadda Carabtu ay dadaal ugu jirto sidii looga miro dhalin lahaa heshiiskii Khartuum, sidoo kale waxa uu sheegay in ay diyaar u yihiin ka qayb-qaadashada dib u dhiska Dalka.

Ciidamo xoogan oo xalay gaaf wareegayey Magaalada Baydhabo..

Wararka nagas oo gaaraya Magaalada Baydhabo Waxay sheegayaan in habeenkii xalay ahaa ay magaaladaasi si weyn u gaaf wareegayeen ciidamo aad u xoogan oo isugu jiray Maleeshiyo iyo kuwa Booliiska kaddib markii labo habeen si aad ah Magaalada looga shakiyey ciidamo habeenkii soo gala Magaalada.

Maalinitii doraad ahayd ayaa waxaa Magaalada Baydhabo lagu daadiyey waraaqo dowladda loogu digayo inay magaalada isaga baxdo, iyadoo Abuu-Mansuur oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Maxaakiimta uu sheegay in ay mar un ay tagi doonaa, isagoo sheegay in ay ku shaqeyn doonaan rabitaanka, sidoo kale Guddoomiyaha Maxkamadda Al-Bayaan Max’ed Ibraahim Bilaal in ay magaalada Baydhabo ku sugan yihiin ciidamo taageersan Maxkamadda Islaamiga ah ee Al-Bayaan, waxa uuna u soo jeediyay Dowladda Federaalka in ay joojiso Xariga lagu hayo Culuma’udiinka Gobalada Bay iyo Bakool. Dowladda Federaalka ayaa iyadu waxay Maxaakiimta ku eedeysay in ay wadaan Is balaarin taas oo ay sheegtay in ay xadgudub ku tahay heshiiskii Khartuum oo ay kal hore isugu yimaadeen Maxaakiimta iyo Dowladda Federaalka

Maamulka Puntland oo sheegay in aysan u dulqaadan doonin shirarka siyaasadeed ee..

Maamulka Puntland ayaa waxa uu sheegay in uusan marnaba u dul-qaadan doonin shirar aysan la socon maamulkaasi oo maalmahan ka dhacayey gobolo ka tirsan Puntland kuwaas oo lagu taageerayo Maxaakiimta Islaamiga ah.

Sheekh ka soo jeeda Puntland ayaa waxa uu yiri “Muqidisho iyada ayaa hooyo u ah wax kasta oo dalka Soomaaliya ka dhaca, waxaa taas ku garan kartaa ganacsiga Somaliland iyo Puntland waxa uu ku xiran yahay Magaalada Muqdisho, hadduu sicirka kor u kaco, waxaa kor u kacaya sicirka gobaladaasi”, waxa uu intasi sii raaciyey “Waa in aynu raacnaa waxa ka yimaada Muqdisho”, isagoo markaa ula jeeday is bedelkii ka dhacay Muqdisho oo ay Maxaakiimtu kula wareegeen inta badan Gobalada Koonfurta Muqdisho, maamulka Somaliland iyo Puntland ayaa waxaa ka socda xirxir iyo masaafurid loo gaysanayo Culuma’udiinka iyo waliba dadka taageersan Maxaakiimta.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


BAAQ AAY SOO SAAREEN WAXGARADKA, AQOONYAHANKA IYO CULUMAUDIINKA REER WAAMO.
 
Ku: Madaxda Maxaakiimta Soomaaliyeed.
Ku: Madaxda sare Maxaakiimta G/Jubooyinka.
Og: Dhamaan Jaaliyada reer Waamo gudo iyo dibadba.
Og: Dhammaan warbaahinta Soomaaliyeed iyo tan Caalamiga. 
 
Shirar isdaba joog ah  oo ay ka soo qayb galeen dhamaan Waxgaradka, Aqoonyahanka iyo Culumaudiinka u dhashay jaaliyadda deegaanka Waamo, ayaa kii ugu danbeeyey la qabtey 30 Septemper 2006, laguna qabtay magaalada Leicester, cariga Ingiriiska. Waxayna soo saareen Baaqa hoos ku qoran.
 
Ka dib markaan aragnay xaalada uu dalka ku sugan yahay, ka dib markaan aragnay xaaladaha isbedelka leh uu G/J hoose marayo waxaan talo ku soo jeedinay arimaha hoos ku qoran:
  1. Waxaan taageeraynaa oo soo dhoweyneynaa Maxaakiimta Somaaliyeed iyo howlgalka iyo isbedelka ay ka sameeyeen Gobolka.
  2. Waxaan ku baaqeynaa in Maamul Cadaalad ku dhisan si dhaqso ah looga hirgaliyo Gobolka.
  3. Waxaan ugu baaqeynaa Jaaliyada Waamo meel walbo ay joogaan Gudo iyo dibadba inay u istaagaan Horumarka iyo nabada Gobolka.
  4. Waxaan Maxakamadaha ka codsaneynaa in si dhaqso ah wax looga qabto dadka argagaxisada ka wado Deegaanka.
  5. Waxaan ka soo horjeednaa in Dalka la keeno ciidamo shisheeye.
Jaaliyada waxay u rajeyneysaa in Maxaakiimta Soomaaliyeed in la taageero Gudo iyo dibada, Kitaabka alena kor loo qaado.
 
Qaban qaabayaasha shirka Eng. Abdirashid artan Musse iyo Nabadoon Yaasiin Xaaji Yuusuf (Atoore). Waxii faahfaahin ah fadlan la soo xiriira waamounited@yahoo.com 

Nobelpris –ka Medicinka yaa Ku guuleystay ?  

Sanad kasta waxaa laga bixiyaa Magaalada Stockholm ee Caasimada wadanaka SWEDEN Jaaísada la yiraahdo Nobelprize, kasoo la siiyo cidii ku soo kordhisa dunida culuum cusub oo aadanaha ka daahsooneyd, marka culumada dunida ayaa markasta waxay loolan ugu jiraan sidii uu mid kasta ugu guuleysan lahaa abaalmarintaas, oo ah tan ugu sareysa ee uu qof aqoonyahan ah ku guuleysto.

Abaalmarinta Nobelprize –ka , oo la siiyo aqoonyahanno ku takhasusay sida aqoonta dhaqaalaha, tan cafimaadka, tan sugaanta, tan kemistriga, tan physics-ka iyo tan biologi-ga.  

Waxaa maanta oo tariikhda ah 2006-10-02 lagu dhawaaqay cidii ku guuleysatay abaalmarinta Nobel-prize-ka ee ku aadan Cafimaadka, waxaana si wadajir ah ugu guuleystay laba aqoonyahan ee Mareykanka ah oo la kala yiraahdo:

  1. Andrew Z. Fire dhashay 1959, wax ka dhiga Stanford University School of Medicine USA 2- Craig C. Mello dhashay 1960, wax ka dhiga Massachusetts Medical School USA. Labadan aqoonyahan waxay ku muteysteen abaalmarintan sababta oo ah waxay muddo dheer baritaan ku qaadatay heleen waxa kontroolaya waxa looyaqaan “Genetical information” Maadada loo yaqaan mRNA waa tan sida ama xabaarsan information-ka ka dhexsocda Cell-ka unuga, xarafka “m” wuxuu u taagan yahay “messenger” fariin wade, mRNA wuxuu fariinta ka helaa DNA (hidde sidaha), taas oo ku saabsan sida loo dhisi lahaa  ”Proteien-ka”

    Molekyuls-ka mRNA hadii ay shaqeyn waayaan waxay sababeysaa in wax infromation-ah laga waayo gens-ka taas oo keeneysa in Unugaas uu awood u lahaan waayo wax Protein ah in uu sameeysto. 

    Muhimadda ka dambeysa soo shaacbixintaas cilmigan cusub, waxay u horseedi doontaa mustaqbalka in la daweeyo cudurada ay ka mid yihiin Virus-infections-ka, Cudurada ku dhaca wadnaha & xididada, Cancer-ka, etc. 

    Abaalmarintii ugu horeysay ee Medicinka ee la baxiyo waxaa la bixiyey Muddo laga joogo in ka badan 100- sano, waa 1901 taasoo lagu qatay soo saarid Talaal. 

    Abaalmarinada kale ee dhaqaalaha , Litterature-ka , Kemistry-ga . Physics-ka, biologi-ka weli lama magaacaabin 

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 3, 2006

Senator Coleman oo codkiisa ku biiriyey wax ka qabashada xasuuqda Qaxootiga Soomaalida South Africa

C/llaahi Yuusuf oo dhawaan la filayo in uu Booqdo wadamada Itoobiya , Kenya iyo...  
»Maxaa ka soo baxay kulankii Qaahira ee J/Carabta..
»Maxkamadaha oo miinooyin ku aasay Deegaano ku dhow ..
»Waraaqo lagu daadiyey Magaalada Baydhabo..
»Sheekh Yuusuf Indha-Cadde oo shacabka ka dalbadey Cafis
»Dagaal ka dhacay dhabad iyo ducdeer oo ay ku dhintay 19
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Oct 2 

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD