Qaadku yuu na soo Gelin
W/D:
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya
19 kii
Maarso 1983dii ayay ahayd markii uu Maxamed Siyaad Barre uu gebi ahaanba
joojiyay Qaadka.,Ganacsatadii Qaadka ayuu Maxamed Siyaad Barre wuxuu
siiyay fursad ah inay muddo 15 maalmood ah ku soo gabagabeeyaan qaadka,
sidoo kale kuwii beeri jirey qaadka wuxuu ku wargeliyay in beerahooda ay
ku jartaan muddo intaa la eg, wuxuuna waqtigaa ula jeeday dadka ku nool
gobolada waqooyi ee Soomaaliya taasoo meelo ka mid ah dhulkaas lagu
beeri jirey qaadka.
In kastoo Maxamed Siyaad Barre uu dadaalay isla markaana uu sameeyay
Ciidamo u tababaran la dagaalanka Qaadka iyo ka hor taggiisaba ayaa
haddana Qaadka ayaa si kontorobaan ah ku soo gali jirey, joojinta jaadka
ee Maxkamadaha ee xilligan ma ahayn mid laga baaraan degay, waayo waxay
ku soo beegantay xilli Dawladda Kiinya ay joojisey duulimaadyadii
dhinaca hawada ee Soomaaliya, taasoo ay ku dheehneyd Siyaasad ah in la
iska hor keeno Shacabka iyo Maxaakiimta iyadoo golaha Maxaamiinta oo aan
soo saarin wax go’aan ah oo lagu joojinayo qaadka ay ku bilaaben gubid
Qaadkii, waxaana taas lagu macneeyay sharcigii oo ka horreeya
fulintiisii.
Inta badan shacabka Soomaaliyeed waxay taageersaan yihiin in gebi
ahaanba la joojiyo Qaadka, waxaa maalin walba waddanka ka baxaya lacago
fara badan oo shacabku u baahnaa, sidoo kale Qaadku wuxuu watey
dhibaatooyinkiisa u goonida ah, wuxuu si toos ah u burburinayay
dhaqaalaha qoysaska soomaaliyeed iyadoo intaasi u dheer tahay
Sababahiisa Caafimaad iyadoo la ogyahay intaasoo dhibaata ah ayaa
haddana dadka qaarkiisa waxay qabaan in joojinjtiisa lagu deg degay
waayo waxaa Golaha Maxaakiimta ku furan mowjado illaa iyo hadda aan wax
xal ah laga gaarin oo ay ugu horreyso Dawladda Itoobiya.
Sidoo kale Gobolo aanay Maxaakiimtu gaarin sida Puntland iyo Somaland
maalmihii la soo dhaafayayna ay ka jirtay rayn rayn loo hayo Maxkamadaha
Islaamiga ayaa waxa ay maqleen in Maxaakiimtu Gobolada ay ka taliyaan ay
ka joojiyaan qaadka, halkaasna waxaa fursado ka helay maamulada ka
taliya Goboladaas oo iyagu bulshada ku beer laxowsaday in ganacsiga
qaadka la joojin doono haddii ay maxkamaduhu yimaadaan marka Niyaddii
Maxkamadaha loo hayay waxaad mooddaa in hoos u dhac uu ku yimid, waxayna
ahayd marka Maxaakiintu dalka guud ahaantiisa gacanta ay ku dhigaan in
ay il gaar ah ku eegaan joojinta qaadka.
Qaadka wuxuu saamayn ku yeeshay bulshada Soomaaliyeed oo iyagu ku xirnaa
qaadkaasi wuxuuna si gaar ah u saameeyay bulshada dan yarta ah qaarkood
oo xoogaa dhaqaale ah ka heli jirey si ay noloshooda ugu maareeyaan, Nin
macalin ah ayaa ii yimid wuxuuna igu yiri “Joojinta qaadku wuu na
saameeyay”, Markaas ayaan iri maxaa dhacay? Wuxuuna igu yiri “Ardey
badan ayaa haatan iskuulkii isaga tegay kaddib markii ay waayeen cid ka
bixisa kharashkii dugsiga markaas ayaan waxaan iri ma fiirisey caruurta
yar yar ah oo iyana wax barashadoodii ku waayay qaadka?”, markaas waxaan
farta ugu fiiqay caruurta wax barasha la’aanta ah ee ku sugan Black Sea
, anigoo intaa u raaciyay sow ma haboona in kuwaa loo daneeyo, wuxuuna
iigu jawaabay “Haa Waa Runtaa”.
Qaadka waxaa ka faa’iidey dad fara badan, gaar ahaan dadka ay u furan
yihiin Maqaayadaha, dadka ka ganacsada Hilibka, iyo waliba dadka ka
ganacsada waxyaabaha yar yarka ah sida Looska iyo Daangada, haweenay ka
ganacsata Looska ayaan waxaan weeydiiyay “Loosku goormuu kuu gadmi
ogyahay markii uu Qaadku socdey iyo Haatan”?, waxayna iigu jawaabtay
“Maanta ayuu aad iyo aad iigu bixi ogyahay”, haweeney ayaa iyadoo ku
qaylinaysa “Waa Ilaaheey Mahaddii mar haddii maanta la joojiyay Qaadkii”:,
ayaan waxaan weeydiiyay maxaa dhacay Wayay iigu jawaabtay “Ninkeyga ayaa
habeenadan waqti hore ii yimaada, waxaanan mid mid u baray caruurtiisii
oo uu qaadku hilmaansiiyay”, haweeney kale ayaa soo booday, waxayna tiri
“Wallaahi Maalmahan Hilb ari ayaan u cunnaa oo waqti hore ay noogu
danbaysey” Oo maxaa dhacay haddii aan irina waxay I tiri “Waa Lacagttii
awal qaadka loo leexin jirey”.
In kastoo kuwii qaadka cuni jirey ay weli rafanayaan ayaa waxaa shalay
si aad ah ula yaabay wiilal dhalinyara ah oo qal qaalinaya nin tagsiile
ah oo leh “War Ninyahoow, waxaan rabnaa inaan gaariga ku shubano shidaal
oo aad na gaysid Baydhabo si aan halkaas ugu soo qayilno”?, wuxuuna
weeydiiyay lacagtii shidaalka, waxayna ku yiraahdeen Lacagta Shidaalka
waan soo amaahanaynaa”, inta yaabay tagsiilihii ayuu wuxuu ku yiri “Oo
haddii aad tagtaan Baydhabo yaa qaadka idiin gadaya haddiiba haatan
shidaalkii aad deensateen”?, markaas ayaa mid dhalinyaradii ka mid ah
soo booday isagoo leh “Haddii aan Baydhabo tago cid ma weyneyno qaadka
naga bixisa”, inta saa u fiiriyay tagsiilihii ayuu yiri “Qar iska
tuurnimo sidan oo kale ah weligay ma arkin”.
Nimanka qaadka cuna mararka qaarkood way kaa yaabinayaan, waxaa dhacday
in maalmihii qaadka lagu gubayay siinka dheer in nin si aad ah qaadka u
cuna uu halkaas tegay kaddibna wuxuu is ag taagay meeshii Qaadka lagu
gubayay, markaas ayaa mid ka mid ah Ilaaladii qaadka gubistiisa
waardiyaha ka ahaa uu ku yiri “walaalow waxaan kaa codsanayaa inaad ii
fasaxdid inaan dabkaas isku dhex tuuro”, markaas ayuu yiri Ilaaliyihii
“Subxaana Allaah oo maxaad isugu tuureysaa Dabka sow ku guban maysid,”?,
Markaasuu yiri inta aan gubanayo ayaan waxaan doonayaa inaan Mijin Qaad
ah ka gaarsiyo, sidaasna aan ku dhinto anigoo marqaansan oo dhowr qori
oo Qaad ah afka iigu jiro”, Ninkii ayaa inta yaabay wuxuu ku yiri “Duf
ku bax, qaadku ma heerkaas ayuu kaa joogaa?”
Isku soo duuboo ballanteenu ha ahaato “Hooy Qaadku Yuu na Soo Gelin”
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com