MUQDISHO IYO KUTUMASHADA XUQUUQDA MARQAANKA
Muqdisho oo "dubaabku" ku heesay!! - Ku
tumasho Xuquuqda Marqaanka!!
Qore: Mohamed Ahmed Wallays | Yaaqshiid -
Muqdisho |
inawallays@yahoo.com
Jooojintii qaadaka, dadka muqdisho siyaabo kala
duwan ayay u arkaan, qaar waxay u arkaan fursad ay naftooda ku xakameeyaan, qaar
waxay u arkaan dhib soo gaaray dhaqaalohooda, qaar waxay u arkaan faaido
dhaqaale oo u soo hoyatay, qaar waxay u arkaan mid lugu deg-degay, qaar waxay u
arkaan ku tumasho xuquuda marqaanka ee uu waadinku leeyahay!!
Si
kastaba ha ahaatee dadkii qaadka laba canley jirey maanta kama muuqadaan
kabarradii, waabihii iyo jikooyinkii ay ku fadhi-xumayn jireen, waxay u kala
baxeen kuwo fursad ka dhigtay oo u dhaqaaay inay dantooda raacdaan, kuwo uu
dubaabku fara ba'an ku hayo oo is duuduubay iyo kuwo weli raadiyeyaasha dhegta
ku haya oo ka dhursugaya hay'daha xuquuqul insaanka!
Waxaase hubaal ah haddii uu qaadku ahaan jirey meesha ay quudkooda ka helaan
qoysas badan, inuu sidoo kale ahaa musiibo ku habsatay bulsha weynta
soomaaliyeed, oo dhaadhaan ka dhigtay maskaxdii iyo muruqii ay umaddu ku
tashanaysay.
Waxaan Allaah ka baryaa inuu meel ka fiican ka risaq siiyo dadkii noloshaooda ka
raadsan jirey qaadka , umadda soomaaliyeed ee weli qaadka ku harsannna uu u soo
diro cid meesha ay joogaan ka mamnuucda!!
= Shirib Abwaan Bacadle =
Qare iya moos-ba qaad ka roon
Ka qarash yar kana quud macaan
Qiyaamana laysu qabsa maa!!
Waxaa xusid mudan in ra'yi bixin ay sameeyaan idaacadaha Muqdisho in dadka ugu
badan ee sida diirran usoo dhaweeyey joojinta qaadka ay ahaayeen haween.
kuwaasoo isugu jiey hooyooyin wiilashooda qaadku dooriyey, walaalo ka naxsanaa
il-xumada walaalohood iyo xaasas ku dhibtooday raggoodii uu qaadku xiska ka
kabaabyeeyey oo uu ka suuliyey xanuunkii masuuliyadda!
Nabee mahdiyaa u dhashay!!
Nabee dhuroobaa u dhashy!
Nabee dhur iyo dhaqan beelaa ka dhintay!!
-Shirib-
Allow ku raaji ra'ligaan rafaadkii waa ka raysannee!
Mohamed Ahmed Wallays
Yaaqshiid - Muqdisho
inawallays@yahoo.com
Dowladda (FKMG) iyo ka Cabashadeeda Qaadka la
joojiyey
Qore:
Wali Farah | wfarah@rogers.com | Nov 19,
2006
- RE: Somali government critizise Khat
ban by Islamic Courts of Somalia
Waxaa la yaab ah hadalka aan loo meel dayin ee
ka soo yeerey dowladda Embagaati ee taageerada ka haysato Taliska Itoobiya.
Soomaaliyey waxaa inala gudboon in aynu ku baraarugno nimanka Baydhaba u fadhiya
baabi’inteenna. Bal waxaad u fiirsataan hadalkan uu ku hadaaqay Wasiirka
Warfaafinta Cali Axmed Jaamac (jaangeli) ee Dowladda Embagaati. Wuxuu yiri:
“Dadka reer Muqdisho waxay door muhiim ah ka ciyaareen sidii la isaga kicin
lahaa dagaal oogayaashii argagaxa ku hayey umadda muddada dhan 15-ka sano, sidaa
darteed shacabka Muqdisho waxay mudan yihiin in loola dhaqmo si ka wacan sida ay
Maxkamaduhu ula dhaqmayaan. The people of Mogadishu played a crucial role in
removing warlords who led a reign of terror for the last 15 years, so they
deserve better treatment from the Islamic courts ”
Haddaba dagaal oogayaashii laga eryey Muqdisho
ee uu Jangeli ka Hadley aawey? Jawaabta su’aashaas waa mid cad. Dhammaan
nimankii argagaxa ku hayey Muqdisho waxay la joogaan Jangali iyo dowladdiisa.
Halka uu hadalka ka jeediyey waxaa xaqiiqa ah oo la joogo, Maxamed Qanyare,
Barre Hiiraale, Cabdi Qaybdiid oo haatan u ku sugan Gaal ka’ayo. Waxaa kale
Jaangali iyo dowladdiisu ku haystaan Baydhabo ciidamada xabashida iyo kuwa
Yugaandha ka yimid oo dhammaantood u joogo sidii loo ilaalin lahaa nimankaas
argagixisada ah ee Muqdisho lag eryey. Dowladda xabashiduna waxay dalkeeda ku
ilaalisaa Maxamed Dheere, Dabageed iyo Cabdiwaal oo dhammaantood la wada
garanayo dhibkii iyo tacaddigii ay dadka Soomaaliyeed u geysteen.
Marka mid annaga Soomaali ah ayey inala gudboontahay, midna Jangeli iyo inta la
hal maasha ayey la gudboontahay. Midda innaga Soomaali ahaan inala gudboon waa
in aynu aragno oo si wacan indhaheenna ugu furno dibandaabyada cadowgeennu ku
maleegayo Magaalada Baydhabo. Waan in aynu ka tashannaa nimankaas argagixisada
ah, sida Jangaliba sheegey ee ku dhuumaaleysanaya dhabarka danbe ee ciidamada
xabashida ee joogo Baydhabo ilaa Doolow. Waa in aynu ku niraa Jangaliyoow iyo
xabashooy YUR.
Midda Jaangali la gudboon waxaa weeye in uu ilaahey u toobad keeno oo uu danbi
dhaaf weydiisto. Dabadeedna Kanada isaga soo noqdo, kuna cibaadeysto masjidda
Ottawa sidaasna uu ku raalli noqdo. Haddii uusan sidaas yeeleyn, yuusan isku
ceebeyn saxaafadda caalamkee, ha iska aamuso. Waayo wuxuu difaacaya khayaali aan
jirin, in Khiyaali la difaacana dooradana ha ahaatee ka ma suurta gasho.
Soomaaliyey isku tasho oo ka tasho aayahaada. Mahadsanidiin.
Wali Farah
wfarah@rogers.com
Afeef: Aragtida qormadan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 20, 2006
Madaxwaynaha DGPL oo soo saaray wareegto
Wareegto lagu siinayo xaq askarigii ku geeriyooda
hawlgal ama ku dhaawacma difaaca Puntland, warkaas iyo Khilaaf soo kala
Dhexgalay DGPL iyo DFKMG:::
Ka akhri
halkan.....
»Beesha
Gumasoor oo go'aansatay ku dhaqanka shareecada Islaamka
»Sool/Sanaag:
Baaq ku saabsan Qaadashada Shareecada Islaamka
Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu diley Magaalada Port Elizabeth ee
Koonfur Afrika:::
Ganacsadaha oo loogu soo galay dukaankiisa ayaa...
Guji...
Muqdisho: Saameyn
intee la'eg ayuu ku yeeshay Bandowgii
»Qaad
fara badan oo markii saddexaad lagu gubey Muqdisho
»Sheikh
Shariif: go’aano gebi ahaan lagu mamnuucay Qaadka
Wararka oo dhan
ka akhri halkan... Guji... Nov 18
Culimada
Puntland oo shir la Qaadanaya Maamulka Gen: Cadde Muuse
Culimadan oo maalmahanba uu shir
uga socday Boosaaso ayaa ka soo kicitimay Galkacyo si ay..
Guji
Nov 18
Sweden: Dumar Soomaali ah oo qaad dacwad loogu soo
oogay
Cisbitaalka Carafaat oo lagu soo gabagabeeyey hawl
indho fiiq ah
Liibiya oo
beenisey in ay maxkamadaha siiday Taageero iyo warar
kale oo googoos ah...
ka
akhri halkan... Nov 18
Afhayeenka maxakmada al-cadaala ayaa soo dhoweeyey
baaqa kasoo yeedhay isimada iyo waxgaradka gobolada
Sool/Sanaag/Cayn
Warbixin: Jawrfalka lagula kacay Ardayda Dugsiga
Sare ee Gambool - Garoowe
iyo
Warsaxaafadeed: Xisbiga Ramaas oo Dhaliilo iyo
Talooyin usoo jeediyey Wasaaradda Waxbarashada DGPL
Guji... Oct 27
|