SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL
Daabaco Boggan | Print

Warbixin iyo sawiro laga soo qaaday ninka reer Thailand ee ay gacanta ku hayaan Puntland Tigers
Waxana ay dalbanayaan in shuruud la'aan lagu siidaayo 3da dhallinyarada ah ee ku xiran Thailand...
Guji...


ciidQaabkii looga Ciiday Suuriya, Badhan, Garoowe, Nairobi iyo Minneapolis St.Paul..
Kenya: Maxaakiimta Islaamiga ee Soomaaliyeed oo goob fagaare ah laga taageeray iyo Somaliland oo loogu baaqay in ay degdeg u siideyso Sheekha ku jira xabsiga Hargeysa Guji...
markabNin reer Thailand ah oo Bosaso lagu Afduubay...
Nin u dhashay dalka Thailand ayaa waxaa loo afduubay 3-da dhallinyarada ah ee ku xiran Thailand sida ay.... Guji...


Ciise Dholawaa oo Waraysi dheer la yeeshay Maxamed Yaasiin Ismaaciil:.. Qaybtii koowaad ee Waraysiga... Guji...


Ugaaska Beesha Mareexaan oo Barre Hiiraale ugu Baaqay in uu Qaato Nabadda..: Sidaas waxaa yiri Ugaaska beesha Mareexaan ahna afhayeenka salaadiinta beelaha Daarood.. Guji....

Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii maamulkii Muqdisho markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay.
http://www.somalitalk.com/sun/

Culumada Masaajidka Abuubakar ee islii oo Baajiyay Riwaayad lagu dhigi lahaa Kaniisad

Shariif Xasan: "Geeddi wuxuu Caqabad ku yahay Dib u heshiisiinta Soomaaliya"

Sheekh Qorane “’iyadoo uusan dhiig ku daadan ayaa  Maxkamado Islaami ah ka hirgeli doonaan Puntland..

Sh. Maxamed Ismaaciil ma beenin Jiritaanka Cajalada Video-ga...

:::SIR FAKATAY:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji


Ardayda wax ku barata Dugsiga H/dhexe iyo Sare ee Al-bilaad ee magaalada Muqdisho ... AKHRI...


Muqdisho iyo Hargeysa

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya


Shacabka ku nool Gobolada Waqooyi iyo kuwo ku nool Gobolada Koofureed waxay Midoobeen sanadkii 1960, waxaana la dhihi karaa si wanaagsan ayay labada shacab u soo dhaweeyeen Midowgaas iyagoo hoosta ka wada xarriiqay inay meesha ka baxday kala qoqobkii Gumeysiga. Reer Waqooyiga markii ay ku biirayaan Koofurta uma imaanin awood qaybsi ee waxa ay sheegeen inay u yimaadeen Soomaalinimo iyo in ay dhab ka tahay Midnimada Ummadda Soomaaliyeed. ,Dawladdihii lixdameeyadii saami aad u wanaagsan ayay ka heleen, Tii Maxamed Siyaad Barrana waxay ka heleen Xilal fara badan oo aysan helin beelaha kale ee Soomaaliyeed.

Sanadihii Siddeetameeyadii ayay shacabka ku nool Gobolada waqooyi waxay sameeyeen Kacdoon ay kaga soo hor jeedeen Dawladdii Maxamed Siyaad Barre, waana la ogaa halkii uu ku dambeeyay kacdoonkaas oo waxaa ku burburay gebi ahaanba degaano ka tirsan Gobolada Waqooyi

Dhibaatada uu Maxamed Siyaad u geystay Gobolada Waqooyi ma ahayn mid iyaga u gaar ahayd haddii iyaga Diyaarado lagu garaacay oo la xasuuqay ,waxaa iyaguna xasuuq loo geystay Shacabkii ku dhaqnaa Gobolada dhexe ee Soomaaliya, sidoo kale Magaalada Muqdisha iyo Gobolo kale oo koofurta Soomaaliya ku yaala ayaa iyana bur bur la mid ah baa loo geystay, marka waxaan dhihi karnaa Maxamed Siyaad waa na wada Xasuuqayee, maxaad idinka keliya isugu gooni yeeshaan dhibka uu geystay Maxamed Siyaad Barre.

Aan u laabano nuxurka Maqaalkeena ee Muqdisha iyo Harggaysa waa labo Magaalo oo dadka ku nool sinnaba aanay u kala maarmin, taas waxaa ii xaqiijinaya mar aan safar shaqo ku tegay Magaalada Harggaysa ayaan waxaan la sheekeystay Nin Odey ah oo guryo ku lahaa Magaalada Muqdisho kaasoo aan ku iri “Maxaad Guryahaaga u gadan waydey?” isagoo iigu jawaabay “Kulli Shey’in Yarjucu Illaa Aslihi” isagoo intaa sii raaciyay “Hadda Harggeysa waan iska joogaayee waxaan jecelahay inaan gaaro Muqdisha oo inta nolosheyda ka harsan aan halkaa ku dhamaysto”, sidoo kale waxaan dhawaan magaalada Muqdisha kula kulmay qoys ka soo guuray Magaalada Harggaysa, waxaana qoyskaa na dhex maray sheekadan anigoo ugu horeynba weeydiiyay sababta ay Harggaysa uga soo guureen waxayna I yiraahdeen “Qoyskeenu wuxuu ka kooban yahay Siddeed qofood, markii aan Harggaysa joognay waxa Bishii nagu filaan weydey Afar Boqol oo Doolar, markiise aan Muqdisha nimid waxaan Toddobaatan Doolar ku Kireysanay Gurri Villa ah, oo qurux badan, Lacag Konton doolar ahna waa wax barashaii Caruurta oo qaarkood ayaa Jaamacado inoo dhigta, Boqol Doolarna wuxuu noqday biilkeenii, inta soo hartana waxaan bilownay inaan meel dhigano waa Cajaa;ib

Muqdisha iyo Harggaysa waa labo Magaalo oo aan kala maarmin,marka runta loo hadlana xagga maciishadda waxaa aad u raqiisan Magaalada Muqdisho, waxaad heleysaa Khudaar fireesh ah, halka Harggaysa aad heleysid khudaar soo daahday oo laga qaaday Xamar ,Muqdisha waxay dadku yiraahdaan Miskiin koriye ama Miskiin u miciine, waxaan dhawaan booqdey Xabsiga Maxkamadda Islaamiga ee Ifka Xalan ayaan waxaan ku arkay laba wiil oo dhallinyaro ah anigoo weydiiyay sababta meeshaa loogu soo xirey, waxayna labadoodiiba la soo boodeen “Waardee Harggayso baa nala ka keenay, waxaana naloo soo xiray in halkan nalagu dhaqan celiyo” Maxaad samayseen baan weydiiyay waxayna I yiraahdeen “Dee Caasi waaliddiin baan noqonay, Jaad iyo Sigaarna waa cuni jirnay”, markaas ayaan weydiiyay xaaladda hadda ay ku sugan yihiin, waxayna ii sheegeen inay aad u wanaagsan yihiin, Qu’aanka kariimkana ay barteen xaaladooda caafimaad ahaana ay wanaagsan tahay iyagoo intaa ii raaciyay “Muqdisha iyo Harggaysa, farqi weyn baa u dhaxeeya, araggeenii baa is bedelay oo Nolosheenii baa is bedel weyn ku dhacay”.

Muqdisha iyo Harggaysa waa labo magaalo oo isku xiranTusaale waxaan dhihi karnaa marka sicirka Muqdisha uu is beddel sameeyo sidoo kale kan harggaysana wuu is bedelayaa, waxaadna is weydiineysaa ma Shabakad isku xiran baa, maalin maalamaha ka mid ah anigoo taagan Suuqa Sarifka lacagaha Qalaad Bakaaraha ayaa Nin Sarifle ah waxaa u soo dhacay Mobail, kaasoo la hadlay nin kale oo ganacsade ah oo ku sugan Harggaysa, waxana la weydiiyay inta uu marayo sarifka doolarka ee suuqa, markiibana waa u jawaabay, anigoo markaas sariflihii aan la joogay weydiiyay oo Hargaysana ma la idinka soo wacaa, wuxuuna iigu jawaabay “Haa, war maalin walba ayay na soo wacaan oo na weydiiyaan is bedelka sarifka doolarka” waxaa la yaab leh in magaalada Muqdisha aad ku arkeysaa gawaari ka timid Somaaliland oo ay ku qoran tahay Taarkada Sooaaliland oo Xamuul ka qaadaya Muqdisho oo cid sidaa u fiirineysa aysan jirin ka soo qaad haddii hargeysa lagu arko Gaari taarkadiisu tahay Soomaaliya waxaan u maleyn lahaa in ruuxa wata Qorraxda laga qarin lahaa gaarigiisana lala wareegi lahaa, iNin caddaan oo Muqdisha u yimid inuu bixiyo tababar sIminaar ayaa wuxuu tababarkiisu bilowdey 7,00 Subaxnimo, Quraac ayaa loo baxay dib ayaa la isugu soo laabtray, Qado ayaa loo baxay dib ayaa la isugu soo laabtay, 11kii galabnimo ayuu joojiyay Tababarkii isagoo yiri waa inoo subaxdii., Markiiba ninkii caddaanka ahaa madaxa ayuu qabsaday, markaas ayaa la yiri maxaad madaxa la haystaa, wuxuuna yiri “Siminaar ayaan u tegey Harggaysa si aan halkaas cashar uga bixiyo subixii halkii saac markii ay soo fariisteen ayaa markii la gaarey afartii saac ee subaxnimana waa lagu kala dareeray oo isagoo taagan ayaa fasalkii loo faaruqiyay, wuxuuna dib u baaray sababta ay sidaa u yeeleen wuxuuna ogaaday in qaadku uu dib u dhac u keenay reer Waqooyiga”

Tan iyo markii Maxaakiimtu ay qabsadeen waxaa Muqdisha si aad ah ugu soo kordhay dadkii Reer Waqooyiga ahaa oo Guryahoodii dib looga baxay.

Guntii iyo gunaanadkiina waqooyi iyo Koofur ma kala maaranee aan is cafino oo dib u mataanowno.


W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 17, 2006


Afeef: Aragtida qoraaladan waxaa leh qoraaga ku saxiixan


Warbixin: Jawrfalka lagula kacay Ardayda Dugsiga Sare ee Gambool - Garoowe
Ramaas Ciiroiyo Warsaxaafadeed: Xisbiga Ramaas oo Dhaliilo iyo Talooyin usoo jeediyey Wasaaradda Waxbarashada DGPL Guji... Oct 27

 



Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD