BISMILLAAHIRRAXMAANIRRAXIIM
ASSALAAMU
CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WABARAKAATHU
Markaad
maqashid shirkadaha Alkher “Marine
Resource” iyo Somcan waxaa maskaxdaada
ku soo dhacaya Cadde Muuse iyo C/Weli
Cali Taar. Waa labada nin ee haddeer
ciidamada geeyey meel ku dhow
Bandiiradley! Oo nimankani, ma waxay ka
muslinsanyihiin ama ka
waddaniyeysanyihiin ama ka qabiil
jecelyihiin dadka u dhashay qabiillada
kale ee Mudug dega? Mise waxaa jira dano
gooni ah oo la difaacanayo? Soow meynaan
akhrin bayaan ay soo saareen culumadii,
aqoonyahannadii, odayaashii,
dhallinyaradii iyo shacabkii Mudug oo
qabiil kasta leh? Haddana waxay soo
saareen bayaan goonigooni ah. Waxaa soo
saaray qolada Leelkase, Reer Bicidyahayn,
Reer Maxamuud, Maxamed Cumar iyo reer
Khalaf. Laascaano, maxkamadaa laga furay.
Haddeer wataas la leeyahay Bari kuwaa
looga dhawaaqay.
Sida
muuqata dadkii u dhashay
qabiillooyinkaas waa diideen iney dagaal
u aadaan aagaga Maxaakiimta maaddaama
dhulkaas aysan qabiillooyinkaasi markii
horaba degijirin; mana jirto dan gaar ah
oo ay ka leeyihiin si ay u abuuraan
dagaal sokeeye oo horay Soomaaliya u
daashaday.
Maxay
qabiillooyinkaas, reer tolkoodka
shirkadaha mallaayga leh u
taageeriwaayeen? Sababaha ugu weyn waxaa
ka mid ah in shirkadahaasi ay lacag ku
bixiyaan hay’adda Ashahaado-la-dirirka
oo u shaqeysa Itoobiya iyo cadow kale.
Hay’addaasi waxay magaalooyinka waaweyn
ee Puntland sida Boosaaso ka wadaan
diin-la-dirir iyo anshax-xumo weyn oon
qarsooneyn. Tan labaad, waxay badihii
Soomaaliya ku fasaxeen maraakiibta
jiraafka oo baddii xaaqday ilaa la
gaaray in la waayo noocyo kalluun oo
geyigaas ku badnaa. Waxaa kaloo jira
iney ku aasaan sunta halista ah ee laga
keeno waddamada horay u maray. Waxaa
kaloo jira iney u soo dhigteen iney
shirkado maafiyo ah oon la aqoon ka
gadaan barrigii Soomaaliya iyagoo
sheegaya in macdan iyo shidaal laga
baarayo. Markhaati bey Soomaali ka tahay
in madaxweynaha Puntland lahaa hay’aduhu
waa jirri. Waa tee shirkadda wax ka
baarikarta gobol Soomaaliyeed maaddaama
aysan jirin dowlad dhexe? Waxaa taas
dheer xitaa in nimankaasi isku dayeen
iney gataan geyi dhan oo Soomaaliyeed.
Ma xasuusataan sheekadii “HAFZA?” oo
laga waday “ Horn of Afrik Free Zone
Authority” waxayba damceen iney Xaafuun
oo dhan gataan. Markii xeryihii
ciidamada ee Puntland qaarkood la gatay
bey is dhaheen waad gadankartaan
magaalooyinkana laakiin Ilaahay baa
dadka qaarkiis iyo boggagga Internetka
sida Somalitalk u soo diray.
Nimanka
shirkadahaas leh waa nimanka ciidamadii
Puntland qaarkood u taxaabay xabsi ku
yaal Thailand kaddib markii wiilashaas
oo maraakiibta saarnaa u
dulqaadanwaayeen jiraafka ay
maraakiibtaasi sameyneyso sidoo kalana
waxay maraakiibtaasi jaraysay
shabaakadaha danyarta Soomaaliyeed ama
waxay ka jiirijireen doomaha yaryar.
Shirkadahaas waxaad mooddaa iney
shacabka reer Mudug ku leeyihiin: idiin
ma baahnin oo waxaa naga dhinacdagaalaya
Xabashi! Waana ka dhabeeyeen oo waa tii
madaxweynaha Puntland lahaa waxaa
Gaalkacyo aan keenay ciidan hal batalyan
ah. Haddeertaan oo la joogo waxaa jiidda
hore joogaa wiilashii ay lahaayeen
shirkadahaas iyo Xabashi.
Waxaa
Ilaahay mahaddiis ah, hadda culeys badan
baa ka soo qaadmay reer Bari. Oo
ciidmadii u shaqeynjiray maraakiibtaas
markey barriga joogaana reer Bari dhibka
ku hayey ayaa la geeyey jiidda hore ee
Maxaakiimta u dhow. Haddii ay
Maxaakiimtu shaqo ka qabtaan waxaa
fursad helaya wadaadadii Bari ee
aashuunka ku addimijiray. Marka waxaa
dhicikarta in inta ay Mudug joogaan ay
shacabka Bari iska qabtaan shirkadahaas
dhulkoodii xaalufiyey.
Muxuu
yahay bayaanka ay qolooyinka Mudug degaa
ku taageerayaan Maxkamadaha?
Dadka
muslimka ah shuruudahoodaa u kala xiran.
Waana ognnahay ballantu qiimaha ay ku
fadhido. Marka markii la eego dagaalkii
ka dhacay Bandiiradley, qolooyinka
Waqooyiga Mudug dega ma taageerin
shirkadaha mallaayga marka taageerada
maxkamaduha loo hayo ma intaas keliyaa?
Inkastoon la isbarbardhigikarin haddana
waxaa dayasho noogu filan nabi Muxamed (SCW)
iyo saxaadadii (RC). Labadii Beeco ee
dhallinyaradii Ansaar (RC) nabiga (SCW)
la galeen waa la ogaa iney ka run
sheegeen. Marka qofoowna ha gelin ballan
aadan hadhoow ka soo baxeyn. Haddii,
ballanqaadkii ka soo baxay beelahaas oo
gudaha iyo dibaddaba kala jooga sidooda
loo fuliyo, waxaan filayaa in
shirkadahaas ay iska cararayaan. Marka
ballanka Ilaahay hala oofsho.
Talo ku
socota qabiillooyinka reer Puntland
Haddii
inta Cabdi Qeybdiid iyo Xabashi la keeno
Gaalkacyo loo diido sheekh Cagaweyne
oon filayo inuu ku dhashay Mudug, waxay
arrintu u ekaaneysaa inaad diideysaan
qof tukanaya oo diin leh. Haddee haddaad
sidaas arrinta ku waddaan, waxaan shaki
ku jirin inaad Mowlaha caro galineysaan.
Hadduu Mowluhu caroodana wuxuu leeyahay
ciidamo badan oo kuwa maxkamaduhuna ku
jiraan. Shaki ma leh in labadaas
shirkadood Ashahaado-la-dirir yihiin
marka ama waa inaad iyaga raacdaan oo
Ilaahay wax kala dagaalantaan ama inaad
ka shaqeysaan ku dhaqanka Shareecada
Islaamka iyo midnimada Soomaaliya.
Ashahaado-la-dirirku ciidamadoodii iyo
Xabashi isu keenee, idinku kuwiina maad
maxkamadaha u geysaan?
Teeda
kale, haloo daayo Maxkamadda Al-Furqaan
iney timaado Koonfurta Gaalkacyood
dabadeedna dadka Waqooyiga Gaalkacyo u
dhashay hala hadleen. Faa’iidada ku
jirta imaantinka maxkamadaha ee
Gaalkacyo waa:
-
haddii Ilaah idmo lama helidoono cid
diidikarta Shareecada Islaamka
-
xabashi dambe Gaalkacyo joogimeyso
-
Ashahaado-la-dirir iyo muxaadaro la
diido ma dhicidoonto
-
dadka Gaalkacyo jooga oo dhan baa
qeybsanaya jagooyinka iyo dhaqaalaha
-
dhaqaalaha soo xarooda waxaa wax
looga qabanayaa dugsi-Qur’aanka,
iskuullada, biyaha, caafimaadka,
waddooyinka iyo quudinta masaakiinta
-
dib-u-heshiisiin baa bilaamaneysa
maalinta ugu horreysa ee maxkamudhu
tagaan Gaalkacyo. Ma jireyso qof
inta dambi ka gala Waqooyiga
Gaalkacyo u fakanaya dhinaca
Koonfurta ama qof inta Koonfurta ka
galo u soo cararaya Waqooyi
-
Mudug oo indha-adeyga iyo khiyaanada
tusaale loogu soo qaato ayaa
noqondoonta haddii Ilaah idmo meel
kheyrka iyo hadalka fiican tusaale u
noqota.
-
dadkii wax ku dhicijiray oo
dhihijiray anaa reer hebel ah oo ay
u dhammaaneyso. Waana loo
sinnaandoona wax kasta haddii Ilaah
idmo.
Shaki
iigama jiro in labadaas shirkadood ay
maridoonaan meeshii Cabdi Qeybdiid maray
marka waxaan ka rabaa shacabka Puntland
iney labadaas shirkadood oo dhibkaas aan
kor ku soo sheegay ku haya Puntland
raacdaan iyo inaad raacdaan
maxkamadahaas horay ula soo xaalay
dagaaloogayaashii reer Xamar oo u
dhaqmijiray sida shirkadahaas oo kale.
Ilaahay
baan ku dhaartay labada burcad badeed
waa kuwii Xarardheere iyo meelaha u dhow
ay maxkamaduhu ka sifeeyeen iyo labadaas
shirkadood waxaa Soomaali u dhib badan
labadaas shirkadood! Burcad-badeedkii
Xarardheere inta badan waxay baadijireen
maraakiib badaha Soomaaliya xadeysa iyo
mar mar ay dhacaan kuwa caalamka u kala
goosha iyo kuwa dalxiiska. Mar kastooy
dhacaan kuwa jiraafka ah waxayba noo
qabteen howl oo ugu yaraan wixii belaayo
dhacaysay bey wax ka sii dhaceen; dhibtu
waxay ahayd markey dhacaan maraakiibta
maraysa biyaha fog ama kuwa Soomaaliya
wax usoo wada. Halka Somcan iyo Alkher
Marine Resource ay baddii jiraaf ku
dhammeeyeen sidoo kalana sun ku duugeen
ayna rabaan iney gataan dhul
Soomaaliyeed oo barriga ku yaal. Marka
dhibka burcad-badeedkii Xarardheere wuu
yaryahay maaddaama aysan lahayn xiriir
ay kula xiriiraan shirkadaha maafiyada
ah. Fiiri horay waxay noo galinlahaayeen
dagaal sokeeye oo ku aaddan
macdan-ku-dirir sidii dhacdadii
Majayahan iyo meelo kale. Marka yeysan
na galin dagaal qabiil oo kale.
Khudbada Cadde Muuse iyo Xiif Cali Taar
ka akhriyeen Gaalkacyo waxay la mid
tahay tii Muuse Suudi iyo Bashiir Raage
ka akhriyeen garoonkii kubbadda cagta ee
Koonis, dhowr maalmood kaddibna waa laga
wareegay Xamar. Marka haddii Al Furqaan
qabiil ku socoto lama dagaaleen Cabdi
Qeydiid iyo wiilashuu wato. Marka yaan
shacabka Puntland la khaldin. Marka
qofkii raba in uu soo cesho cadceed
godka sii galaysa haddee ha akhriyo
sheekadii isbaheysigii
Ashahood-la-dirirka.
WABILLAAHI TOWFIIQ
NASRIGII ILAAHAY WUU YIMID
ASSALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI
WABARAKAATHU