SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL
March 15, 125
Daabaco Boggan | Print

Warbixin iyo sawiro laga soo qaaday ninka reer Thailand ee ay gacanta ku hayaan Puntland Tigers
Waxana ay dalbanayaan in shuruud la'aan lagu siidaayo 3da dhallinyarada ah ee ku xiran Thailand...
Guji...


ciidQaabkii looga Ciiday Suuriya, Badhan, Garoowe, Nairobi iyo Minneapolis St.Paul..
Kenya: Maxaakiimta Islaamiga ee Soomaaliyeed oo goob fagaare ah laga taageeray iyo Somaliland oo loogu baaqay in ay degdeg u siideyso Sheekha ku jira xabsiga Hargeysa Guji...
markabNin reer Thailand ah oo Bosaso lagu Afduubay...
Nin u dhashay dalka Thailand ayaa waxaa loo afduubay 3-da dhallinyarada ah ee ku xiran Thailand sida ay.... Guji...

XABSIGA HARGEYSA::: 00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 |

Ciise Dholawaa oo Waraysi dheer la yeeshay Maxamed Yaasiin Ismaaciil:.. Qaybtii koowaad ee Waraysiga... Guji...


Ugaaska Beesha Mareexaan oo Barre Hiiraale ugu Baaqay in uu Qaato Nabadda..: Sidaas waxaa yiri Ugaaska beesha Mareexaan ahna afhayeenka salaadiinta beelaha Daarood.. Guji....

Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii maamulkii Muqdisho markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay.
http://www.somalitalk.com/sun/

Culumada Masaajidka Abuubakar ee islii oo Baajiyay Riwaayad lagu dhigi lahaa Kaniisad

Shariif Xasan: "Geeddi wuxuu Caqabad ku yahay Dib u heshiisiinta Soomaaliya"

Sheekh Qorane “’iyadoo uusan dhiig ku daadan ayaa  Maxkamado Islaami ah ka hirgeli doonaan Puntland..

Sh. Maxamed Ismaaciil ma beenin Jiritaanka Cajalada Video-ga...

:::SIR FAKATAY:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji

Kibaki Allaa ka dhawaajiyay..

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya


Shacabka Kiinya iyo Shacabka Soomaaliyeed waxaa ka dhaxeeya xiriir muddo soo taxnaa, xiriirkan wuxuu sii xoogaystay markii ay dhaceen dagaaladii sokeeye kaddib markii dalkaasi ay ku jabeen qaxooti fara badan oo xeryo looga oodey Dalka Kiinya, balse dadka qaar ayaa waxa ay qabaan in soo dhawayntaas ay faa’iido weyn ugu jirtey Dawladda Kiinya, waayo Kiinya waxay qaxootigaas ku heshay Malaayiin doolar, waxaana haatan socda qayla dhaan ah in qaxooti Soomaaliyeed ay ka soo cararayaan waddanka Soomaaliya, kaddib markii Maxaakiimtu ay qabsadeen balse wararkaasi markii la raac raacay waxay noqdeen kuwo aan waxba ka jirin balse xukuumadda Kiinya ay mar kale dooneyso inay ku hesho hanti kale.

Dawladda Kiinya ayaa waxaa ay ku dhawaaqday inay gebi ahaanba ay joojisey duulimaadyadii safarada iyo kuwa ganacsiga ee tegi jirey dalka Soomaaliya, balse su’aasha is weeydiinta mudan waxa ay tahay joojintaas yay faa’iido ugu jirtaa, jawaabtu waa kiinya ayay faa’iido ugu jirtaa waayo waxaa maalin kasta Dalka laga qaadaa Afar Boqol oo Kun Doolar looguna soo beddeli jirey Qaad. Beeraleyda qaada Keenya suuqooda ugu weyni wuxuu ahaa Soomaaliya halkaasoo ay ka heli jireen dhaqaale aad u fara badan, haddaba Xukuumadda Kiinya dadkeeda ma waxy u hor seedday faa’iido mise khasaaro, dawladda Kiinya hadalada ka soo yeeray ma aha mid iyada ka soo baxay ee waa mid ka yimid dalal shisheeye oo doonaya inay baabi’iyaan ganacsiga u dhaxeeya Kiinya iyo Soomaaliya, waana mid la dhihi karo Madaxweyne Kibaki si aad ah uguma dhuun daloolo arrimaha Soomaaliya, waayo Madaxweynihii hore ee kiinya Moi arrimahan oo kale ruuxi kula taliya waa iska yureyn jirey, waxaana mararka qaarkood ka soo yeeri jiray hadalo ay si aad ah uga naxaan dalalka reer galbeedka iyo Maraykanka.

Shacabka Soomaaliya iyo shacabka Kiinya waa laba Shacab oo aan kala maarmin oo muddooyinka si aad ah isugu xirmay gaar ahaan dhinaca ganacsiga, tusaale shidaalka ka soo dega dekedda Mumbasa ee la geeyo gobolada waqooyi bari iyo midka laga qaado dekadda Muqdisho waxaa aad u qaalisan midka ka soo dega Mumbasa,sidoo kale Qalabka dayactirka Baabuurta iyo badeecooyinka kale ee laga qaado Muqdisho faa’idooyin badan ayay ku qabaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobolada Waqooyi bari ee Kiinya iyo qaybo kale oo dalkaas ka mid ah, Xayiraaddan ay soo rogtay Xukuumadda Nayroobi waxay saamayn ku yeelan doontaa Dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobolada Waqooyi Bari ee Kiinya iyadoo la ogyahay tan iyo intii ay Maxaakiimtu qabsadeen Koofurta Soomaaliya uu sii xoogaysanayay xiriirka u dhaxeeya Shacabka Soomaaliyeed iyo shacabka waqooyi bari ee Kiinya, waxaana maalmahan Muqdisha si is daba joog ah u imaanayay Siyaasiinta, Ganacsatada iyo waxgarad u dhashay Gobolada Waqooyi bari ee Kiinya, waxaana haatan Muqdisha ku sugan Siyaasiga Caanka ee Ilyaas Barre Shiil.

Markii Dagaalada sokeeya ay ka socdeen Soomaaliya waxaa jirey kooxo Isbaaralooy ah oo ku duuli jirey markii ay doonayaan in qof soo socda ay dhacaan ereyga ah ku Nasiibso, arrintan mid u eg ayaa waayadan dambe ka jirtey dalka Kiinya, Boliiska Kiinya ayaa marka ay arkaan dad Soomaaliyeed ee isla socda, waxay markiiba farta ku fiiqaan qofka ay is leeyihiin waa ugu jeeb buuran yahay, waxayna yiraahdaan qof walba qof haku nasiibsado, hadda ka hor ayaan waxaan ka akhriyay Wargeys looga sheekeynayo Boliiska Kiinya, Sheekadaas oo Cinwaan looga dhigay “Mushaarka Boliiska Keenya wuxuu ku jiraa Jeebka Dadka Soomaaliyeed”, Ninka qorey Maqaalkan runtii wuxuu ka hadlay xaqiiqda ka jirta Waddanka Kiinya, waayo Boliiska Kiinya waxay inta badan ugaarsadaan Dadka Soomaaliyeed oo qaar ka mid ah laga soo xigtay “Qof Soomaali ah marnaba Jeebkiisa lagama waayn karo wax Lacag ah”. Soomaalida ayaa waxa ay tiraahdaa “Anigoo Ooyn Rebey baa Sac Seynta igu dhuftay” qof walba waa fahmayaa ujeedada ka dambaysa Murtidan, Maxaakiimta Islaamiga waayadan danbe waxay u muusa muusoonayeen sidii ay ku joojin lahaayeen Qaadka, marka qaar ka mid ah ayaa waxa ay yiraahdeen “Kibaki Alla ayaa ka soo yeersiiyay in maanta uu yiraahdo waxaan joojiyay Qaadkii iyo safaradii kale ee Soomaaliya iyadoo toddobaadkan gudihiisa gobolada Jubbooyinka gebi ahaanba laga joojiyay Qaadkii iyo Sigaarkii laga keeni jirey Waddanka Kiinya.

Guntii iyo gebagabadii Umadda Soomaaliyeed si weyn ayey ugu farxay hadalada ka soo yeeray Xukuumadda Kibaki oo lagu joojinayo Duulimaadyada, waxayna sheegeen in Isteerinka Kibaki haatan loo hayo uu yahay mid lagu bur burinayo dhaqaalaha dalka Kiinya, waayo todobaadkii hore bay ahayd markii dalxiisayaasha Maraykanka iyo Yurub looga digay inay tagaan Dalka Kiinya, marka Kibaki ha ogaado Murtida Soomaaliyeed ee tiraahda “Nimaan kuu Furi doonin Yuu kuu Rarin”.


W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 13, 2006


Afeef: Aragtida qoraaladan waxaa leh qoraaga ku saxiixan


Warbixin: Jawrfalka lagula kacay Ardayda Dugsiga Sare ee Gambool - Garoowe
Ramaas Ciiroiyo Warsaxaafadeed: Xisbiga Ramaas oo Dhaliilo iyo Talooyin usoo jeediyey Wasaaradda Waxbarashada DGPL Guji... Oct 27

 



Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD

 

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.