SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  GABAY
March 14, 125
Daabaco Boggan | Print


Hay’adda DBG oo soo Bandhigtay Khatarta 15 Haamood oo ku soo
Caariyey Xeebaha Soomaaliya


Warbixin iyo sawiro laga soo qaaday ninka reer Thailand ee ay gacanta ku hayaan Puntland Tigers
Waxana ay dalbanayaan in shuruud la'aan lagu siidaayo 3da dhallinyarada ah ee ku xiran Thailand...
Guji...



PuntlandGov iyo Qoraalka uu arrintaa ka Diyaariyey SomaliTalk: Akhri Qormadii Puntland Protect Group.. Guji


ciidQaabkii looga Ciiday Suuriya, Badhan, Garoowe, Nairobi iyo Minneapolis St.Paul..
Kenya: Maxaakiimta Islaamiga ee Soomaaliyeed oo goob fagaare ah laga taageeray iyo Somaliland oo loogu baaqay in ay degdeg u siideyso Sheekha ku jira xabsiga Hargeysa Guji...
markabNin reer Thailand ah oo Bosaso lagu Afduubay...
Nin u dhashay dalka Thailand ayaa waxaa loo afduubay 3-da dhallinyarada ah ee ku xiran Thailand sida ay.... Guji...

XABSIGA HARGEYSA::: 00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 |

Ciise Dholawaa oo Waraysi dheer la yeeshay Maxamed Yaasiin Ismaaciil:.. Qaybtii koowaad ee Waraysiga... Guji...


Ugaaska Beesha Mareexaan oo Barre Hiiraale ugu Baaqay in uu Qaato Nabadda..: Sidaas waxaa yiri Ugaaska beesha Mareexaan ahna afhayeenka salaadiinta beelaha Daarood.. Guji....

Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii maamulkii Muqdisho markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay.
http://www.somalitalk.com/sun/

Culumada Masaajidka Abuubakar ee islii oo Baajiyay Riwaayad lagu dhigi lahaa Kaniisad

Shariif Xasan: "Geeddi wuxuu Caqabad ku yahay Dib u heshiisiinta Soomaaliya"

Sheekh Qorane “’iyadoo uusan dhiig ku daadan ayaa  Maxkamado Islaami ah ka hirgeli doonaan Puntland..

Sh. Maxamed Ismaaciil ma beenin Jiritaanka Cajalada Video-ga...

:::SIR FAKATAY:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji

Gabayga: KORON

Cali Maxamuud Xiirane

xiirane2@hotmail.com

Faafin: Nov 13, 2006


Gabaygan la yiraa KORON waxaa tiriyey Cali Maxamuud Xiirane, wuxuuna soo baxay inkastoo laga yaabo inaan kala illoobay qiyaastii Bishii 5aad 1996, waxaan tegey magaalada Muqdisho oo ay iigu dambeeysay 12/04/1989, kaddib markii aan ku noolaa 1973 illaa iyo markaas aan ka soo dhoofay oo aan Yurub (Europe) ka aaday, magaaladii aan aqaanay, waddooyinkeedii iyo dadkiiba wax yar baan ka aqooday, dadka cusub waxaa iiga daran af Soomaaliga cusub, isbaaradii reer hebel, maqal baa u go’ay oo waa la xirtay, leejadii buu diiday oo bag baa la yiri, waa la isku dhacay oo waa la is baroomiyey. Xaafadihii aan sii mari jirey markaan magaalada u socdana qaar baa la iiga digay inaan dhankooda aado, “Barmuudo ha isku dhex marin” Markaan dadkii goobjoogga ahaa dagaalladii oo dhan aan iri see wax u jiraanna waaba la ila yaabay, “Oo maadaaba wax arkay waqti nabadahaad timide, shib iska dheh” markaasaa qisaba qisaday ka sii darantahay oo indhuhu ila taagmeen la iiga sheekeeyey, halkaasaan tixdan ku tiriyey oo aan iri allow aniga I mooti ummaddana ka kaafi. Maalintaas waxaa ii muuqatay iney dagaal ooga yaasha gacno shisheeye adeegsanayaan xoogaa dhac-dhac ahna ay ku helaan luggooyada shacabka. Gabayga waqtigaas ayaan ku duubay cajalad rekoor, markaan London ku soo noqdayna xaflad aroos oo la igu weydiiyey waxaan muqdisho ku soo arkay ayaan ka tiriyey, waxayna gashay video gii arooska loo duubayey, haddaan is iri aad u gudbisid soomaalida website yada akhbaaraadka ka akhrista. 
  1. Inkastoon keeynaanayoon kol hore yurub u kooreeystay
  2. Oon kacdoonkeedii horiyo maqnaa markey karoodeeysey
  3. Dad uu kibirku aafeeyayoo kor u wada kaadshay
  4. Oo kuba kan kale kaga hormaroo cadaab wada kadiideysan
  5. Oo karkaarradii saciiraad fadhiyoo kaabigaw saran
  6. Oo karkii iyo kuleeylkii arkayoo weli kulaalaaya
  7. Oo kallaha oo aroortii kastaba naar u kaba qaata
  8. Oo kuus-kuustoo belo liqoo kud iyo kaar daacay
  9. Oo kan cad kaga leexatayoow kibistu ay waashey
  10. Oo karaahiya ahaan arkaa koomka maantayehe
  11. Kaa magan ilaahoow kuwaas kun iyo kow jeere
  1. Keeneysanayaal koron sidiis kebedda loo saartay
  2. Oo kabaalladii korkoodii dileen koorna loo xirayo
  3. Oon kolna kaseyn kiiskey galeen iyo xumaha loo keydsho
  4. Oon kowthar iyo kala jecleyn saqara labada kuu aado
  5. Oo kax ah oo soo kogoo qoryaha keebka wada haysta
  6. Oo kororso naar mooyee kaalmiyo aan koobna lagu siinin
  7. Oo karaahiya ahaan arkaa koomka maantayehe
  8. Kaa magan ilaahoow kuwaas kun iyo kow jeere
  1. Kolay buuxso waxaa laga helaa kii horoo marane
  2. Kaambiyaaluu galay kii lahaa aad kiishash dhaamiside
  3. Kuwii kala jabaan weli kicinoon kabmihii heline
  4. Kaalmo lagu kurbeeyiyo  dadkii keenadii nacae
  5. Kurkoo go’ay kumanaan dhintoo karfanna loo waayey
  6. Kubkoo jabay kelyahoo bukiyo madax kala jeexmay
  7. Oo kaniinigoodii uu kan yihiyo kutubkan noo yaalla
  8. Kufri muuqda kalaam gaal qoroo kidbi iyo been ah
  9. Karaama la’aantaas maahan kaadiriin inaad nagu kaxaysaane
  10. Talo keena ragoow kursigan baas nagu kawaanteene
  1. Kanoonigiyo kuu kaaruhu qatalo baas ku kala jeexu
  2. Kadle cararkaas waxa kaga dambeeyn kuududsi ceebeede
  3. Kafaynkana dhaaxa waa ku hayn labada koonoode
  4. Kuur-kuursi wax dhan waa u socon kuraan-kurtoo jabane
  5. Keli orodkii sidii kii horuu dur-duro sii kacaa dhiciye
  6. Kaymaha kaneecaa ku cuni iyo kutaankiiye
  7. Kenyana kaamam waa u geli qoon kikuuyaahe
  8. Kuujaa wax dhan waa ku hayn keen kibaadha e
  9. Kaa magan ilaahoow kuwaas kun iyo kow jeere
  1. Kooxahanse batay ee kordhay ee kumanka sii dhaafay
  2. Een kolna laga kareyn soo kulmooy ama is kaalmeysta
  3. Ilaahey kadeed shacabka way kala dilaayaane
  4. Kurbo iyo colaad bay kacshaan kala kexeeyaane
  5. Kafadiyo kuwuu meel u yaal dhoowr kifaadyoode
  6. Kis yaroo kufaar siisey bay nagu kasbaayaane
  7. Kubbad baas ayey tuurayaan aan kolayba loo hayne
  8. Shacabkii waa kan soo karhaday ay kalbahayeene
  9. Ilaahoow adaa kari karee kol dhow naga kaafi

Cali Maxamuud Xiirane
xiirane2@hotmail.com

Gabayga Doolaalo: waxaana Tiriyey Cali Maxamuud Xiirane

Afeef: Aragtida qormadan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 13, 2006

»Afka hilibki Shiikh Max’ed bay weli ku haystaane.. | Abshir Bacadle
»SIDAY U GEESO WEEYNTAHAY, UMA BADISO... | Daldhaa
»
Maxkamadaha Islaamiga ah iyo Jiil Saaqiday | C/raxmaan
»ILAAHOW ITOOBIYA IYO ERITEERIYA DHEXDOODA NAGU CAYMI


Warbixin: Jawrfalka lagula kacay Ardayda Dugsiga Sare ee Gambool - Garoowe
Ramaas Ciiroiyo Warsaxaafadeed: Xisbiga Ramaas oo Dhaliilo iyo Talooyin usoo jeediyey Wasaaradda Waxbarashada DGPL Guji... Oct 27

 



Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD

 

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.