Fannaanniintii reer Waqooyi Hadday Saas
yihiin maxaa ka Fileysaa Fuqahaadooda
(Qeybtii
Labaad)
C/Waaxid
C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
BISMILLAAHIRRAXMAANIRRAXIIM
ASSALAAMU
CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WABARAKAATHU
Ilaah baa mahad
leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed
korkiisa ha ahaato.
Markii
Madaxweynaha Somaliland iyo Feysal Cali Waraabe
ku qaadijireen guul-wadoow Siyaad Soomaaliya
waxaa jiray culumo Somaliland u dhalatay oo tiir
lagu toogtay iyagoo difaacaya diinta Islaamka
iyo Axkaamteeda. Sidoo kale waxaa jiray
hal-abuurro ay ku jiraan Hadraawi, Gaarriye iyo
kuwa kale oo Soomaaliyeed oo isla waqtigaas
midba mar lahaa:
- ma
ogtahay askari jaahilaan amar ka qaataaye
- ma
ogtahay anfacadaan cunaa ma laha iidaane
- ma
ogtahay Indiyan Ooshikaan ku agwareegaaye
- ma
ogtahay eedduba odayga weeyaane
Yaan Soomaali ahayn oo wax
isweydaarsha? Xitaa Hadraawi iyo Gaarriye waxay
dhammeystireen wax markaas dadku halgan u
arkayey laakiin runtii aan sidaas ahayn – waa
Xabashi-aadkii. Runtii, dhulkaas ay joogeen
badankiisu waa dhul Soomaaliyeed laakiin waxaa
ka talinjiray Mingistu. Hadda, Riyaale iyo
Feysal Cali Waraabe waa hogaamiyayaasha
Somaliland halka Hadraawi iyo Gaarriye yihiin
labo oday oo haraadi ah maaddaama ay
Soomaaliweyn aamminsanyihiin!
Yaa warkeeda
haya Berbera iyo Baydhabo? Labada magaalaba
waxaa loo xiray Xabashi. Waxaa la sheegaa in
lacagta canshuurta ah ee Xabashida looga qaado
Berbera ay ka yartahay midda laga qaado
muwaadinka “Somaliland” u dhashay! Haddee
Baydhabana warkeed waad heysaan. Haddii qofku
gaalo-raac noqdo waxba ma fahmo. Bal muxuu yiri
Bookh Cali Allaha u naxariistee mar la sheegay
niman dallaaliin ah oo u dhashay Waqooyiga
Soomaaliya oo rabay iney iibsadaan Berbera?
-
“Wilson”ow rag wada waalan baad wax is
tidhaahdeene
- waadiga
Berbera waa Isaaq wadanahiisiiye
Maxay Xabashi ku muteysatay in
canshuur raqiis ah looga qaado Berbera? Yacni
dallaaliintii waagaas baa weli jooga.
“Yaabnaye ma
yaabteen?” Faarax Nuur aragti dheeraa! Wuxuu
yiri:
-
Ingiriis Axmaariyo Talyaani, wey akeekamiye
- arligaa
la kala boobayaa nin u itaal roone
- anse
ila ah aakhiro-sabaan iligyadiisiiye
Faaraxoow Allaha kuu naxariistee
mar haddaadan arag Xabashi leh waxaan
waardiyeynayaa dowlad Soomaaliyeed! Ama
Somaliland oo dalbaneysa in la keeno ciidamo ka
difaaca Maxkamadaha Xamar!
Maxay
hal-abuurrada “Somaliland” u dhashay u
taageeriwaayeen gooni-isu-taagga Somaliland?
Haddee ogaada, hal-abuur iyo hanti-abuur waa
kala duwanyihiin. Waa jiraan hal-abuurro
hanti-abuurro ahaa laakiin raggaas aan weli
wadaa ma ahan hanti-abuurro. Ma xasuusataan
Cabdi-qeys oo lahaa:
-
xeebtaas Jabuutee
- ee
Soomaali laga xaday
- haddii
aan xaggaa tagay
- ma
shiddeynin xeerkee
- maxaa
la igu soo xiray?
Isla heestaas baan dhowr sano ka
hor maqaal ku soo qoray. Sidii aan u fahmay
waxaa iila fahmay wasiirka arrimaha dibadda ee
Kenya markii uu fadhigii Qaramada Midoobay ka
lahaa: Jabuuti waa dhibic yar oo ku taal Afrika.
Isagoo ka wada, waddan intaas le’eg, dadkiisuna
intaas tiro le’eg yahay maba ah in wax la
weydiiyo. Hadday Somaliland ka go’aan Soomaalida
kale soow sidaas oo kale mustaqbalka lama
dhahayo? Marka hal-abuurrada Somaliland waxaas
waa arkayeen weligood mana jecleyn in fiise loo
weydiiyo gelitaanka Xamar, Jabuuti, Goday iyo
Gaarisa hadday helikaraan.
Hadraawi iyo
hal-abuurrada kale waxay ogyihiin in laga
bogsoon karo dhibka dhexmara qabiilooyinka
Soomaaliyeed. Tusaale ahaan, wax badan baan
maqalnay Dhulbahante iyo Habarjeclaa is laayey
laakiin waa la heshiinjiray laakiin belaayo
waxay joogtaa markii Laascaano iyo Burco labo
waddan kala noqdaan. Si uusan qof iigula murmin
in haddaba Laascaano Somaliland tahay aan dhaho
Burco iyo Garoowe. Haddii labo waddan meesha soo
gasho waxaa dhacaysa dad leh waxaan u
jihaadaynaa Somaliland iyo kuwo dhahaya waxaan u
jihaadaynaa Puntland. Shakina ma leh in la isu
leyndoono sidii Itoobiya iyo Eritereeya isu
laayeen. Waligiin ma maqasheen Habarjecle iyo
Dhulbahante intaas oo sano ciidan ahaan
is-horfadhiya? Laakiin markii arrinta waddan ama
gobol loo ekeysiiyo fiiri khatarta ay leedahay.
Imisa sanadood baa Ari Caddeeye ciidamo isku
horfadhiyeen ilaa Zenawi dhaho hala kala qaado?
Teeda kale, dagaalada qabiilka waxaa loo arkayaa
kuwo aakhiro-seeg ah oo ma jiro cid dhahaysa waa
xaq halka laga yaabo in la arko qof aqoon leh oo
raba inuu u dhinto waddankiisa.
Maxaan
dardaarinkii Maxamed Xaashi u dhinacmarnay
markuu ka hadlayey dhulka Hawd ee Ingiriisku
Xabashi siiyey? Wuxuu yiri:
- Qooto
iyo Taleex baa la simay qaydkan seeraha'e
- sidii
qaalima booliya dhulkii waa la qaybsadaye
- isba
qiil-banays buu u yimi qoortan dooga lehe
- wuxuu
ka qabtaba daayoo wuu idin qalayaaye
-
qoonsada halkaa waxa ku jira qabar laxaad
weyne
-
qusuligaa la dhigay ceelkan Harar,qiil kalaa
xigiye
- waxba
yaanu ii kala qararin qoolashaan dhayo'e
- marku
geed qaloocsamba waan sii qandhanayaaye
- qayrkay
hadday toban yihiin qodob ma riixeene
wuxuu meel kale ku lahaa:-
-
qoomiyad ninkii garanayaa ima qilaafeene
- haddii
uu gaalku i qabsado oo qoorta iga gooyo
- qawl
nimaan la laabanaynin oon quusan baan ahaye
-
dadkiise aan u qayliso is lahaa qaasi
nimadooda
- quful
baa ku jabanoo ma oga qoonta igu taale
-
qasaaraha ninkii ogi hadduu qaban lahaa
taase
-
quruuntan Allaa garan kolkay qaadan
waanada'e
-
Qodaxdaa xanuunkeedu waa qaamud kugu maqane
- ha
qoslina taas dhawaan baa qaxar ka joogaaye.
Warhooy reer Waqooyiyoow maad
Faarax Nuur maqashaan markuu lahaa:-
-
asaxaabihii bayna yidhi gaal ha aaminine
- haddaa
niman Islaamiyo tihiin Aadan ubadkiisa
- oydaan
Ilaahay ka go'in hayna oodina e.
Waxaad mooddaa inuu Faarax ogaa
waxa Feysal Cali Waraabe iyo Riyaale soo wadaan
marka waa idin abhinayaa. Marka odayga hala
maqlo oo naga daaya sheekada Zenawi noo sheegayo
isagoo raba inuu Soomaali qoqobo oo qolo kasta
meel ku oodo. Inaan sheeko-xariirta gaalo la
maqal waxaa noo sii sheegaya labadan gabyaa ee
kala ah Xaaji Dallaayad iyo Salaan Carrabeey.
Xaajigu wuxuu yiri:-
- gebgeb
ferenji gaadh iyo dedaal gaalo camalkeeda
-
abidkiiba guul kalama tago nin u
gadhxiiraaye
Salaan Carrabeey isna wuxuu
yiri:-
- legjar
feranji niman baa akhriya laawis iyo beene
- oo
waliba laasima intay lib isku moodaane
- ase
waxan u laaqimahayaa tix ay ku luuqshaane
- mar
haduu Lillaahida ka baxo waa lisaan jabane
Oo muxuu Dharbaaxo Jaan nagu
maagay haddii “rag wada taf xeydnaa?” Ileyn
SSDF iyo SNM Xabashi waa wada hoosgaleen,
haddeertaan oo la joogana, Zenawi maqaam weyn
buu ku leeyahay Somaliland iyo Puntland.
Dharbaaxo wuxuu yiri:-
-
murtadkiyo Amxaaraha anaga kabaha noo maydha
- Allaa
Maaliga ee waydinkaa mooyahaw tuma'e
-
muslinnimona waa kala tagteen macatab
mooyaane
Haddii Dharbaaxo ogaan lahaa
muxubbada ay Riyaale iyo Feysal u hayaan
Xabashi, sidaas uma gabyeen.
Wuxuu Dharbaaxo
sii yiri isagoo sheegaya inaan Isaaqu gaalada u
maciinin sidii SSDF. Wuxuuna yiri:
- intay
sharafti maydheen kufriga uma miciinaane
-
calankii maqnaa iyo dhulkiis saynka may
marine
- ma
martiyin Amxaarada siduu yahay Majeerteene
Maxaan Tog-wajaalle ugu
dhimmaneyney haddaan nahay reer Koonfur? Haddii
aan ciidamada qalabka sida oo in badan oo ka mid
ah Koonfur ka yimaadeen aysan Xeyle Salaase ka
difaaceen Tog Wajaalle soow Berbera maanta ma
ahaateen xero Xabashi ka taliso? Haddiise Xalane
ku dhigay “Somaliland” ma la helayaa dad ka
socda Somaliland oo Baydhabo ku dhimanaya si ay
Xabashi ugu difaacaan? Jawaabtu waa haa mar
horaba ciidamada Maxkamadaha waxaa ku jira dad
badan oo ka yimid Somaliland.
Si Soomaali u
midowdo, waxaad moodeysaa in Puntland
badankeedii ay soo gaartay dabayshii maxkamadaha
waxaana la filayaa haddii Ilaah idmo iney wax la
qeybsandoonaan. Sidaasoo kale waxaa jira
magaalooyin hoostaga Somaliland oo soo
dhoweynaya dabaysha maxkamadaha. Faraqa u
dhaxeeya labadaas gobol waa iyadoon la heleyn
hal qof oo Puntland u dhashay oo raba iney gooni
isu taagan halka la helayo dad u dhashay
Somaliland oo raba iney goostaan. Marka qofkii
fahmi waaya dhagarta gaalada iyo tan Itoobiya
waxaa qabanaya gabaygii Faarax Nuur sheegijiray
markuu ka hadlayo doqonta. Wuxuu yiri:-
- doqon
baa halkii lagu qatali qoorta soo dhigane
- maanaa
mindiyo lay qarshaa laygu qali doono
Marka dadka salafkoodu sidaas u
qiimo badanyahay kama filikarno in qaar ka mid
ah ku hadaaqaan warar aan Soomaali farax
gelineyn. Run ahaantii ,Xamar iyo Hargeysa waa
labadayada gacmood marka suurtogal ma tahay in
qof uu yiraahdo waxaan iska goynayaa
gacanteyda?! Si aysan Kenya iyo Itoobiya noo
yasin sidey Jabuuti u yasaan waxaa fiican
ineydaan hadalka gooni isu-taagga “carruurta iyo
maxasta iga maqashiinin”.
Qaybtii 1aad:
Fannaanniintii reer Waqooyi Hadday Saas yihiin
maxaa ka Fileysaa Fuqahaadooda