MUQDISHO DAYACTIRKA
WADOOYINKAII BURBURSANAA IN KU DHOW 16 SANNO OO KU SOO BADANAYO
sirkada sportsman ayaa
noqotey shirkadii bilowday mashruuc dib loogu furayo wadada carwo idka
oo mudo dheer xirneyd...

Wadada carwo idko ee
kala qeybiso wardhiigley iyo howlwadaag mudane u xirneyd xirneyd biyo
iyo bacaad la isku riixriixay ayey manta gudiga nadaafada magaalada
muqdisho ka bilaabeen howl nadaafadeed oo ay ku furayaan, iayada oo ay
shirkada sports man ay noqotey shirkadii ugu horeysay ee ka qeyb qaadata
dub u furista wadadaas .
Waxey shirkada
isportsman bixisay lacagta dhan 8 kun doolarka maraykanka ah taas oo
loogu talagalay sidii dib loogu furi lahaa wadadaas oo xireed in kabadan
dhowr iyo toban sano waxeyna u kala bixisay 3 kun $ oo lagu iibiyey
qalab ay ka mid yihiin 50 gari gacan .100 badiil .100 fargeeto . iyo
boqol xaaqin . iyo 5000$ oo cadaan ah looguna talagalay shaqaalaha iyo
socodsiinta shaqada baaxada leh”ayuu yiri maxamed cismaan kulmiye oo ah
mareeyahay shirkada sports man waana shirdaanu howlaha nadaafada ee
muqdisho ka socda .

Dhanka kale wadadaan
oo mudo dheerxirneyd ayey dadka deeganku ku saxaafada in ay si aad ah
ugu faraxsan yihiin sida ay sheegtey safiyo maxamed oo iyadu haatan
degan guri ay ledahay fanaada canka ah ee hibo maxamed hudoon ( hibo
nuura ) .waxeyna sheegtey dhibaatooyin ay ka mid yihiin biyahaas ( 1) in
ay biyuhu ku sigteen in ay qadaan caruurtooda taas oo ay shegtey marka
ay biyuhu yimaadaan in ay saari ireen barandada dushooda .si ay u
badbadiyaan caruurta caruurtooda . iyada oo xustey in cidii isku dayda
in ay waxka qabato laga horiman jiray waxeyna carabka ku adkeysay in
biyaha halkaa lagu ilaashan jirey maxaakiimta ka hor haatan ay aad ugu
faraxsan yihiin howshaan dib u furida wadada .
Dhinaca kale
mashruucaan dib loogu furayo wadada bin alawi ama carwo idko waxaa
furitaankii hadalo soo dhaweyn ah ka soo jeediyey oo ku hadlayey magaca
dadka deegaan xasan xusen oo ku dheeraaday faahfaahine ka bixiyey sida
dadka deegaanku ay u dhibsadeen biyaha dhexceegaaga wadada ugu
danbeyntiina waxuu u mahadceliyey gudiga nadaafa .golaha maxaakiimta iyo
shirkada sportsman oo dhaqaalaha shaqada lagu socodsiinayo bixisay .

Sidoo kale dadkii
halkaa ka hadlay ayaa waxa aka mid ahaa xildhibaan cali calas qaaray oo
gudiga nadaafada xubin ka ah deegaankana ma mid ah oo ku guubabiyey
dadkii halkaa isugu yimid iyo kuwa deegaanka in ay muujiyaan wax
qabadkoda . “waxaa Ilaahay mahadiis ah mudo badan wixii naga maqanaa oo
ah dhibaatada uu godkaan biyo gaeenka nagu haayey .waxeyna ka mid tahay
iftiinka noo baxay oo aan ku garanay waxaana ilaahay ka baryeynaa in uu
noo taamyeelo ileyn horey uma jjiri jirin in aan xaafad xafad isu cawino
taas waxaa keeney waxa dalka ka dhashey oo wanaaga ah” ayuu hadalkiisa
ku soo gabagabeeyey xildhibaanka
Kusimaha gudoomiyaha
gudiga nadaafa muqdisho Mudane Abdulahi Sheeg Xasan oo isne halkaa ka
hadlay wuxuu sheegay in dalkasta uu dhiso dadkiisa .wuxuuna u
mahadceliyey dadka degan degmooyinka warsdhiigley iyo howlwadaag oo uu
sheegay in ay fahmeen in dalka uu shacabku leeyahay . wuxuuna sheegay
siyaasigasu in sababo amni darteed howlihii u istaagi jirey ay haatan
aysan jirin waxwalbane ay u socdaan sidii loogu talalgalay .

“afartii bilood ee
anu wadnay howlaha nadaafada ee magaalada muqdisho ma jirto cid naga mid
ah oo lacag qaadatey howshane waxaan u qbabanaynay si mutadawacnimo ah”
ayuu yiri Cbadulahi sheeq Xasan o sii raaciyey “ bulshada waxaa looga
baahan yahay in inta jihaadka aaday mooyee inta kale in ay u so jeestaan
waxka qabashada dhismaha guud ee dalku u baahan yahay”.sidoo kale
shirkada muqdisho power supply ayaa waxay balan qaaday in hadii wadadaas
la furo ay nalal ku xiri doonto sida uu noo xaqiijiyey xaaji xusen baraf
oo ka mid ah mas.uuliyiinta shirkadaas ,

ugu danbeynti waxaa
halkaasi ka hadlay ku xigenka gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha
fulinta golaha midowga maxaakiimta Sheekh cabduqadir cali cumar oo
furay mashruucaas dib loogu furayey wadada carwo idko wuxuuna sheegay in
loo baahan yahay in shirkadaha dalka loo bahan yahay in ay ku daydaan
shirkada sportsman . isaga oo sheegay in bulshada looga baahan yahay
sameeyaan iskaashi oo ay qabsadaan wixii dantooda ah .
“waxaa mabnuuc ah
ama aan la ogoleyn in guryaha hortooda laga sameeyo caro tuur” ayuu yiri
Sheekh Cabduqadir Cali Cumar mar uu ka hadlayey dhibaatooyinka keenay in
wadadu sidaan noqoto oo uu eedeeda dusha uga tuuray guryhay qaar oo caro
kawo u adeegsaday halka qaarka kalana ay ka soo horjeesteen in la
isticmaalo caro kaawo si aysan gurguhu u duugmin .
Muuse Maxamuud
Jiisow
Somali39@hotmail.com
Muqdisho somaliya
002521576666/002521653623