SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL
Daabaco Boggan | Print

Warbixin iyo sawiro laga soo qaaday ninka reer Thailand ee ay gacanta ku hayaan Puntland Tigers
Waxana ay dalbanayaan in shuruud la'aan lagu siidaayo 3da dhallinyarada ah ee ku xiran Thailand...
Guji...


ciidQaabkii looga Ciiday Suuriya, Badhan, Garoowe, Nairobi iyo Minneapolis St.Paul..
Kenya: Maxaakiimta Islaamiga ee Soomaaliyeed oo goob fagaare ah laga taageeray iyo Somaliland oo loogu baaqay in ay degdeg u siideyso Sheekha ku jira xabsiga Hargeysa Guji...
markabNin reer Thailand ah oo Bosaso lagu Afduubay...
Nin u dhashay dalka Thailand ayaa waxaa loo afduubay 3-da dhallinyarada ah ee ku xiran Thailand sida ay.... Guji...


Ciise Dholawaa oo Waraysi dheer la yeeshay Maxamed Yaasiin Ismaaciil:.. Qaybtii koowaad ee Waraysiga... Guji...


Ugaaska Beesha Mareexaan oo Barre Hiiraale ugu Baaqay in uu Qaato Nabadda..: Sidaas waxaa yiri Ugaaska beesha Mareexaan ahna afhayeenka salaadiinta beelaha Daarood.. Guji....

Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii maamulkii Muqdisho markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay.
http://www.somalitalk.com/sun/

Culumada Masaajidka Abuubakar ee islii oo Baajiyay Riwaayad lagu dhigi lahaa Kaniisad

Shariif Xasan: "Geeddi wuxuu Caqabad ku yahay Dib u heshiisiinta Soomaaliya"

Sheekh Qorane “’iyadoo uusan dhiig ku daadan ayaa  Maxkamado Islaami ah ka hirgeli doonaan Puntland..

Sh. Maxamed Ismaaciil ma beenin Jiritaanka Cajalada Video-ga...

:::SIR FAKATAY:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji

Miles Zanawi: Ha ku Hafan Soomaaliya

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya


Soomaaliya iyo Ethopia waa laba dal oo uu ka dhaxeeyo cadowtooyo aad u weyn, waxayna soo jirtey muddo qarniyaal ah, cid kastana kama daahsoona , taasna waxaad ku garan kartaa Caruurta Soomaaliyeed ayaa waxaa la oran jirey Hayeey Amxaaro iyadoo taas ay jirto ayaad waxaad moodaa in dad fara badan ay iska indha tirayaan kuwaasoo doonaya in ay isku kabana Soomaaliya iyo Eyhopia, taasoo ka dhigan Bisad iyo Dooli ma wada noolaan karaan.

Ethopia weligeed waxay ku hamin jirtey sidii ay u bur burin lahayd umadda Soomaaliyeed oo aysan u heli lahayn Dawladnimo, taana waxaa u daliil ah dawladdii lagu soo dhisey Enbigaati oo ayan illaa iyo iminka siinin wax taageero ah, dhawaan ayaa saraakiil Soomaaliyeed waxa ay tageen magaalada Addis-Ababa, waxayna xukuumadda Ethopia ka dalbadeen inay siiso Shan Kun oo Qori si loo siiyo Ciidamada Boliiska iyo kooxaha Maliishiyooyinka ah, waxaana loogu jawaabay “Ma dooneyno inaan bixino Hub dib noogu soo laabta ee ma qaadanaysaan Miinooyinkan?”, Arrintaasi aad bay uga xumaadeen saraakiishii.

Dadka Soomaaliyeed waxay intooda badan si aad ah u neceb yihiin Xukuumadda Ethopia, marka la qiyaaso tirada dadka soomaaliyeedna waa Toban Milyan oo Siddeed ka mid ah ay diyaar u yihiin inay la dagaalamaan Ciidamada Itoobiya, kuwaasoo dhamaantooda hubaysan, sida la ogyahayna Ciidamada Itoobiya ee haatan ku sugan gudaha Soomaaliyana waxay tiradoodu gaaraysaa illaa 8000 kuwaas oo doonaya inay la dagaalamaan Sideedaas Milyan, marka waxaan dhihi karnaa waa dhibic Biya Macaan ah oo lagu dhibciyay bad weyn Biyaheedu dhanaan yihiin.

In kastoo qowmiyado badan ay deggan yihiin waddanka Itoobiya. Haddana waxa uu dagaal inagala dhaxeeyaa Tigreega uu ka dhashay Melle-Zanaawi, maxaa yeelay qawmiyadaha kale ee ku dhaqan dalkaas, bayaan ay dhawaan soo saareen waxa ay ku caddeeyeen in gar darro ay tahay in Ciidamo Itoobiyan ah ay ku dhintaan waddanka Soomaaliya iyagoo la safan mid ka mid ah kooxaha isku haya Waddanka Soomaaliya, waxaana loo soo jeediyay Mr Zinaawe fara gelinta uu ku hayo Ummadda Soomaaliyeed.

Wallow mar kasta Milla Zanaawe la gaarsiinayo farrimo qalddan oo la xiriira golaha Maxaakiimta Islaamiga haddana waxay Mas’uuliyiinya Maxkamadihu ay sheegeen in ay doonayaan inay si derisnimo wadaag ah ay ugu wada noolaadaan Soomaaliya iyo Itoobiya Mandiqaddan Geeska Afrika. Nin odey ah ayaa intii uu socdey shirkii khardduum ayaa waxa uu yiri “Haddii ay Maxaakiimtu ay ogolaadaan inay la fariistaan Dawladda Federaalka iyo waddanku ay ku sugan yihiin Ciidamada Itoobiya, waanu ka hor imaan doonaa oo kacdoon kale ayaanu sameyneynaa, Alxamddu lillaah sidii la rabay bayna noqotey, waxaanan caqli gal ahayn adigoo dalkaaga la haysto inaad tiraahdo Tanasul baan samaynayaa”, Abshi Bacadle oo dhawaan tegay furinta hore ee Dagaalka isagoo wata qorigiisa iyo tuutihiisa ayaa waxa uu yiri “Wallee waxaan meeshaa ku soo arkay waa wax i cajab galiyay, waxaan is iri Xamar Cidna kuma soo harin, dhallinyarada ku jirta safka horena waxaa ka muuqatay farxad iyo rayn rayn, waxayna qaarkood igu yiraahdeen waa in Shiikh Shariif uu deg deg inoo fasaxaa”. Guntii iyo geba gabadii waxaan leeyahay Tigreeyow nama taqaaniinee, nagama tagtaaniinoo,hana ku hafanine dhulka Soomaaliyeed’.

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 9, 2006



Warbixin: Jawrfalka lagula kacay Ardayda Dugsiga Sare ee Gambool - Garoowe
Ramaas Ciiroiyo Warsaxaafadeed: Xisbiga Ramaas oo Dhaliilo iyo Talooyin usoo jeediyey Wasaaradda Waxbarashada DGPL Guji... Oct 27

 



Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD