Haddaan damacno inaan ka
sheekeyno keydkii ay ka tageen hal-abuurrada ka soo
jeeda Waqooyiga Soomaaliya waxay qaadaneysaa tobonnaan
sano haddeysanba qarniyo nagu qaadan. Xitaa magacyadooda
keliya baa buug buuxinkara. Marka dhowr ka mid ah
raggaas ayaan rabaa inaan xuso. Micnuhu maahan waa kuwii
ugu badshay hal-abuurka ee keliya qalinkaa iiga dhacay.
Bal aan “Somaliland” ka
dhigno Maandeeqdii gabadha ahayd. Ileyn hal geel ah iyo
gabar la isma barbardhigikaree. Haddii Cabdi-Qeys uu
gabadhiisii u dooray nin sifadan leh, yuu u doorilahaa
inuu Somaliland hogaansho? Cabdi wuxuu yiri:
Ilaahay nin caasi
ah yaanu cududda kuu gelin
Ilaahay mid cadho badan yaanu cidhifka kuu sudhin
midaan caashaq kuu noqon yaanu calaf ba kuu galin
noloshaadu caarcaar yaanay cidhib xumaan noqon
Sheekh Cali Warsame,
madaxweynaha Somaliland iyo kan xukuma xisbiga UCID keed
Somaliland u dhiibi lahayd?
- ha la wariyo
shiikh iyo wadaad waracadii diinta
- culimadu warkay
sheegi iyo waanadaa dhabahe
- wacdi nooma
laabna’e naftaa walaftay shaydaane
Allaahu Akbar! Yaa leh
meerisyadaa kore? Waa gabyaagii caanka ahaa ee Salaan
carrabey. Inkastoon Salaan ku baraney gabayo nooc kasta
leh oo xitaa kuwo qabyaaladeed ku jiraan hadda wuxuu
caddeynayaa in dadka ay fiicantahay in la maqlo markii
runta loo dhaco ay yihiin culumada. Hadda, qofkii
Hargeysa ama Burco ama Ceerigaabo jooga oo yiraahda
culumada halaga dambeeyo waxaa dad badani oranayaan:
wuxuu ku xiranyahay Midowga Maxkamadaha Xamar! Haddey
saas tahay, haddee Salaan Carrabey Allaha u naxariistee
wuxuu ku xirnaa maxkamadaha Xamar!
Maxaa daliil u ah inaan
Salaan Carrabey aqoonsaneyn xuduudaha khiyaaliga ah ee
gumeysigu sameeyey?
ma hambayne dunidii
hantiyey, tan iyo Hiiraane
aduun baa hinaayiyo u jilan, haawis iyo ceebe
haadaa qabiilnimo
Isaaq, hibo Ilaah siiye
aniguna halkaad degi jirtaan, ka hawisaayaaye
Sidaad aragtaan, Salaan
Carrabey wuxuu aamminsanaa inuu degayo meeshii
awooddiisu gaarsiiyo ee uusan xeerineyn xariiqaha
gumeysigu sameeyey.
Sidii Salaan Carrabey u
lahaa hala maqlo culumada ayaa Hadraawina u leeyahay:
- Allahayoow nin
daacada
- Allahayoow nin
daallina
- deeqdaada ha u
simin
Haddii Hadraawi gacanta
talo ugu jirilahayd, wax ma u simi lahaa Sheekh Cali
Warsame, Riyaale iyo Feysal Cali Waraabe?
Isla sidii Salaan
Carrabeey ayaa Hadraawi u aamminsanaa in Soomaaliya oo
dhan ay dhulkiisii tahay. Haddii taas la la’yahay,
Hadraawi ma tirin lahaa heesta?
- Baladweyn
Allahayoow ka dhig guri barwaaqo.
Soow Cabdi Gahayr
maahan ninkii lahaa:
- magaalada
Hargeysiyo Berbera moodka waxa geeya
- oo Adari Marseey
ka dhigay muranku waa ceebe
- waa mici
addoonloow ratiga muruqu weynaaday
Cabdi, sida Hargeysa u
tahay magaaladiisii ayuu u arkayey in Hararna tahay
magaaladiisii.
Hal-abuurradaas iyo
fannaanniintaas waa wax qof kasta uu jecleysto iney
qabiilkiisa yihiin. Bal ila arka Allaha u naxariistee
Ibraahim Sheekh Saleebaan (Ibraahim-gadhle) oo Jibuuti
ka halgamay. Wuxuu yiri:
- Ingiriis ragguu
laayey baan, cidi ilaaweyne
- Axmad Guray
unuunkay jareen, ehel ha waayaane
- Oomaarna waad wada
ogtihiin, uubtii loo qodaye
- Sayidkii
addoonsiga nebcaa, aakhiro u tabiye
- waa kuwii
Cadhoolana ajalay, calankan awgiiye
- halyeygii Sheekh
Bashiir bay dharaar, adhaxda gooyeene
- Maxamuud sidii loo
arjumay, aamus laga qaadye
- Imaam Cusmaan baa
ku maqan, ololeheeniiye
- ablay bay u
quudheen nin ragi, kuma ataageene
Wuxuu sii yiri:
- Isticmaarku oodduu
dhigiyo, qodaxdii waa taalle
- ma ilbixin kuwii
aan lahaa, way ka aargudane
- Iglan baaba loo
dhoofiyaa, weli addoontiiye
- iib baa Amriik
loogu diray, odayo waaweyne
- Almaaniyana kolay
tahay, nala asqaysiiye
- kol hadday abiid
ii yihiin, oohintiyo ciilku
- uurkii islaantii
maxaan, uga abuurmaayay?
- oofta iyo hooyaday
maxay, adhaxda ii saartay?
- Allahayow awoowiyo
muxuu, aabbe ii dhalayey?
Allahayoow awoowiyo
muxuu aabbe ii dhalayey! Soow uma suubbato oraahdaas nin
ay Xabashi Baydhabo iyo Gaalkacyo u joogto? Nin uu
dhulkiisii xukumo (Somaliland iyo Puntland) Meles Zenawi?
Nin madaxdiisii leeyihiin: Islaamkaa dhib ku ah Geeska
Afrika?
Ka warran haddaan kuu
raaciyo hal-abuurkii Barkhad Cas?
Maxamed Xaaji
Ismaaciil Maxamuud (Barkhad Cas) wuxuu yiri isagoo ka
hadlaya Koonfurta Soomaaliya:
ninkaa fuushan faraska
dheereeyow fiid weeyoo meel fog baan ku socdaa
colbaan filaya dhexda ii fadhiyee fac baynuu nehee
fanka i saar!
Reer Waqooyiyoow, wuxuu
Barkhad Sheegayey hadday Baydhabo iyo Gaalkacyo noo
fadhiyaane, gacan ma na siineysaan? Barkhad Cas wuxuu
sii yiri:
wax ii gooniyiyo guhaad
ma qabee Somaalaa gidigeed isgaadaysoo
cadhadaan gubnahay waa gumaysiga agbaa gacalkay nakala
gooyoo
gaaliyo nacab baa u geesa ahoo afgaranwaagu wa
gumaysiga
Ma dad Xabashi u kala
turjumeysaa is afgarankara? Wuxuu Barkhad sii yiri:
- awoowgey ninkii
indhaha tiray ninkii aabbahay addoonsaday
- ninkii anigana i
iibsaday ninkii ifka igu addoonsaday
- itaal li’i baa
ishaa i baddee haddaan ogohoon ka aarsankareyn
- ninkaas araggiisa
uurkaan ka nacee aan ooyee albaabka ii xira
Madaxda Soomaaliyeed
iyo kuwa Somaliland waxay har iyo habeyn ku hayaan
iyagoo Zenawi ka hadlaya:
- ninkaas
araggiisa uurkaan ka jeclee
- aan aadnee
albaabka noo fura
Markuu Barkhad
suugaantaas tirinayey wuxuu hoosjoogay gumeysi. Sidoo
kale Maxamed Nuur Laangarre wuxuu yiri mar Ingiriisku
hadiyad siiyey si uu Jarmal u caayo:
mar haddaan
gurigayga gidhligaanka gariiriyo
garnayl loola tagaynin Iglan baa gubanaysa
maxaa iiga gidhiisha? gudaha ceelka Hargeysa
weligay gees uma dhaafin bal maxaa laba gaal
oo abtirsiimo gudboon midkood aan u gumayn
midna guusha u siin? maxaa iiga gidhiisha
gudaha ceelka hargeysa waligay gees uma dhaafin
inta aan wax gasiintiyo intaan gaajo ku seexday
haddii aan isu geeyo mala waa isku gow e
mar haddaan ka gabyay oon go'iina ka qaatay
maxaa iiga gidhiisha?
Ilaahay ha u naxariisto Laangarre; muxuu oranlahaa
hadduu maqli lahaa Feysal Cali Waraabe oo Meles
Zenawi iyo aniga, Meles Zenawi jecel? Laangarre
wuxuu simay Jarmal iyo Ingiriis halka Feysal uu
wiilka Xamar jooga looga neceb badanyahay kan Addis
Ababa jooga (mincnuhu waa wuxuu jecelyahay kan
Itoobiya jooga). Saasooy tahay wuxuu rabaa inuu
dadkii ay halgamayaashaasii ka soo jeedeen xukumo!
Ilaah baan ku dhaartee waxaad arkeysaa dad masaajid
kaala soo baxay oo leh: Meles Zenawi baa ka fiican
sheekh hebel! Qaarkood hadday rabaan waxay sheegtaan
ducaad! Marka iyaga iyo M.N. Laangarre waxay kala
qaadeen labo waddo. Ma Laangarre oo Ingiriis
hoosjooga baa saas yiri? Oo maan aragno waxa
Timo-cadde Allaha u naxariistee ka yiri Xabashi?
- galool iyo
maraa iyo hashaan kidiga geylaanshey
- gaajiyo harraad
badan hashaan ugu garaacaayay
- goortuu
sidkeedii go'ay galabtii foolqaaday
- ayadoo candhada
giijisay oo godol ku sii deysay
- garaad midaan
lahayn bay la tahay waad ka gaagixine
- annagoo
gantaalaha dhaciyo haysan qori gaaban
- hashaan gaadda
weynow libaax uga gaboon waayey
- inaan
Goroyo-cawl uga tagaa waa hal soo gudhaye.
Ka warran Zenawi oo
raba inuu Soomaaliya qabsado innagoo heysana waxaad hub
aragteen? Fiicnaan lahaydaa haddii Soomaali maqlilahayd
C/hi Suldaan. Wuxuu mar kale yiri:
- doc hadday u wada
jeedsatooy dhowrto danaheeda
- ooy duul walaala
ah tahay ooy duunka ka heshiiso
- dadka kama
yaraateene ways dabar jaraysaaye
- dubba madaxa
wayskala dhacdaa daa'in abidkiise
- goortay is wada
dooxatay baa daad u soo geliye
- ubadkiinii waad
daadiseen waana dubateene
- dubaaxdiisii waad
wada cunteen duhur dharaareede
- dariiq toosan
Soomaaliyey waa lagaa deyeye
- darajada Ilaahay
ninkii doonayaa hela e
- nin ka duday
distoorkioy waxyiga diinti ka carrowye
- dugsi malaha
qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
Ma u malayneysaa nin
diiday Waxyiga inuu liibaanayo? Haddee ogaada, madaxda
Soomaaliyeed waa diideen diintii Islaamka!
Yaan la ilaawin
hal-abuurkii weynaa ee Qaasim Allaha u naxariistee
markuu kulahaa gabaygii cirsan-ka-yeer:
- Caawaa la kala
saarayaa caabud iyo gaale
Marka xisaabtankii waa
ka biloowmay Soomaaliya. Sida muuqata culumadii iyo
dagaaloogayaashi Xamar joogay waxaa fiicnaaday culumadii.
Sidaas darteed dadkii Xamar joogay waxay qireen in dadka
diinta yaqaan ay ka fiicanyihiin dabadeedna iyagey
taageereen. Halka Somaliland iyo Puntland ay af ahaan
taageereen culumada laakiin haddee af keliya kuma filna.
Marka macquul maaha in la yiraahdo qolo kastaa gar bey
leedahay.
Qaasim oo dhiman baa is
lahaa Sayid Maxamed ugu bishaaree in gumeysigii
soomaaliya ka baxay oo dowlad dhalatay. Waa isagii
tirshay gabaygii ahaa:
- Allahahoow
darwiishkii ayaa salaan dabacsan gaarsiiya
Laakiin nasiibdarro
wuxuu Qaasim dhintay iyadoo Soomaaliya ay ku jirto
Itoobiya, dadkiina noqday gobol gobol iyo qolo qolo.
Marka, Ilaahay hortiis, ma garanayo wuxuu Sayidka ku
yiri hadda ooy isku meel tageen! Inkaari haku dhacdo
kuwii bishaarada Qaasim naga kala tuuray.
Hal-abuurradaas reer
Waqooyigu waxay sheegeen waa wixii diinta iyo caqliga
saliimka ahiba qabay. Marka dadka hal-abuurradoodii saas
u hadlayaan maxaad ka filankartaa fuqahaadooda? Jawaabtu
waa caddahay oo uma baahna in la xuso. Waxaan kheyr iyo
sharaf Soomaaliyeed ahayna loogama fadhiyo. Marka dadka
aan aqoon taariikhda iyo halgankii reer Waqooyiga waxaan
talo ahaan idiin soo jeedinayaa ineydaan wax ka soo
qaadin hadaaqa siyaasiyiinta qaarkood iyo dhallinyaro
qurbaha ku dhalatay ama ku kortay. Marka maaddaama aysan
culumada reer Waqooyigu xus nooga baahneyn waxaan
maqaalka ku soo xirayaa erayadii hal-abuur C/hi Suldaan
Timo-cadde Allaha u naxariistee oo na tusaaleynaya in
Waqooyi iyo Koonfur ay hooyo wada dhashay lana rabo in
qof kasta meesha kaga aaddan uu howsha ka bilaabo. Wuxuu
yiri:
- habeen dhow
wacane inaynu noqon waana la hubaaye
- wax badan baa
hadba reer la miray heystay xoolaha'e
- wax badan baa
hilaac lagu habqamay haadku gaylamaye
- wax badan baa
hayaay iyo wareer laysla hoosgalaye
- laba hooyo wada
foolatay oo hudantay waa ceebe
- halka nabada
lama dhaawacee hadimadii daaya
- nin walbow
wixii kugu habboon hoos u dhugo caawa.
Ilaahay hortii waxaa
noo muuqata in culamada Somaliland iyo hal-abuurradaasi
ay xagga diinta iyo waddanimada ay isku meel u jeedaan.
Marka waxaa khaldan cidda ay Meles Zenawi iyo
gumeystayaashii ay isku fikrad yihiin. Marka, qof
walboow dooro ciddaad rabtid in berri Ilaahay kula soo
jamciyo.