SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


PuntlandGov iyo Qoraalka uu arrintaa ka Diyaariyey SomaliTalk: Akhri Qormadii Puntland Protect Group.. Guji


Warbixin iyo sawiro laga soo qaaday ninka reer Thailand ee ay gacanta ku hayaan Puntland Tigers
Waxana ay dalbanayaan in shuruud la'aan lagu siidaayo 3da dhallinyarada ah ee ku xiran Thailand...
Guji...


ciidQaabkii looga Ciiday Suuriya, Badhan, Garoowe, Nairobi iyo Minneapolis St.Paul..
Kenya: Maxaakiimta Islaamiga ee Soomaaliyeed oo goob fagaare ah laga taageeray iyo Somaliland oo loogu baaqay in ay degdeg u siideyso Sheekha ku jira xabsiga Hargeysa Guji...
markabNin reer Thailand ah oo Bosaso lagu Afduubay...
Nin u dhashay dalka Thailand ayaa waxaa loo afduubay 3-da dhallinyarada ah ee ku xiran Thailand sida ay.... Guji...


Ciise Dholawaa oo Waraysi dheer la yeeshay Maxamed Yaasiin Ismaaciil:.. Qaybtii koowaad ee Waraysiga... Guji...


Ugaaska Beesha Mareexaan oo Barre Hiiraale ugu Baaqay in uu Qaato Nabadda..: Sidaas waxaa yiri Ugaaska beesha Mareexaan ahna afhayeenka salaadiinta beelaha Daarood.. Guji....

Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii maamulkii Muqdisho markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay.
http://www.somalitalk.com/sun/

Culumada Masaajidka Abuubakar ee islii oo Baajiyay Riwaayad lagu dhigi lahaa Kaniisad

Shariif Xasan: "Geeddi wuxuu Caqabad ku yahay Dib u heshiisiinta Soomaaliya"

Sheekh Qorane “’iyadoo uusan dhiig ku daadan ayaa  Maxkamado Islaami ah ka hirgeli doonaan Puntland..

Sh. Maxamed Ismaaciil ma beenin Jiritaanka Cajalada Video-ga...

:::SIR FAKATAY:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji

Kanada waa awooddaa waajibna waa ku tahay in ay wax ka qabato arrimiha Soomaaliya

WALI FAARAX
Ottawa, ON
wfarah@rogers.com


Waxaan u bogey idinkuna bogaadinaya in aad arrimihii Soomaaliya aad u soo bandhigtaan akhristayaashiinna. (Re: "Somalia Could Turn into Proxy War," Oct. 25). Haa oo Kanada waxaa la gudboon in ay si wax tareysa ay faraha ula gasho arrimaha Soomaaliya. Dadka Kanada ee asalkoodu Soomalida yahay waxay rumaysanyihiin in dowladda Kanada ciyaari karto door dhexdhexaadnimo ah oo ay ku hagto heshiisiin la dhex dhigo kooxaha isku haya siyaasadda Soomaaliya. Dadkaas Soomaalida ah oo Kanada u dhashey kal horeba dhexda ayey uga jireen arrrimaha Soomaalida oo qaarna wanaag ayey ka wadeen, qaarna qas ayey ka dhex wadeen. Waxaa jira dad Kanada u dhashey oo ku mashquulsan dhismaha dugsiyada, cusbitaallada, xarumaha agoonta, buundooyinka, dekadaha, iyo madaarka diyaaradaha.

Laakiin haddana waxaa jira dadkaas Kanadana u dhashey Somaalina ah oo iyagu ku biiriya dagaalka sokeeyeye ee Soomaaliya ka aloosan, argagixisada, isla markaana caawiya gardarrada Itoobiya ay ku hayso dadka Soomaaliyeed. Dadkaas noocaas ah waxay qayb ka yihiin kuwa isku magacaabey Dowladda Federaalka ah ee ku meel gaarka ah. Tusaale ahaan Wasiirka Warfaafinta ee dowlad ku sheeggaas tabarta daran- oo Kanadana ka tagey- ayaa toddobaadkii tegey amray in la xiro seddex weriye oo aan waxba galabsan oo sida wararku sheegeenna lagu jir diley xabsiga dhexdiisa.

Waxaa kale oo jira mid kale oo Kanada ka tagey oo weliba reer Ottawa ah oo isagu madax u ah koox dadka aan u nixin oo ka talisa gobalka waqooyi Bari ee Soomaaliya oo loo yaqaan “Puntland”. Dagaal oogahani wuxuu dhawaan amray oo kale in la laayo dad tuulo gobalkaas ah deggen oo dambiga ay galeenna uu ahaa in ay diideen in si sharci darra ah lagula baxo kheeyraadka dabiiciga ah ee deegaankooda. Isla dagaal oogahan wuxuu kale oo uu si xoog ah u celiyey qaxooti ka yimid Itoobiya. Sida wararka idaacadaha ay tabiyeenna dad badan oo ka mid ahaa qaxootigaas la celiyey waxay ahaayeen dad rabey in ay helaan nabadgalyo siyaasadeed balse markii Itoobiya lagu celiyey ay dowladdii Itoobiyana leysey.

Kanada waa awooddaa waana ku waajib in ay dhex gasho arrimaha Soomaaliya iyagoo dhexdhexaad ka noqoanaya. Ugu yaraan waa in Kanada ay wax ka qabato kuwa reer Kanada ah ee ka qayb qaadanaya sii hurinta dagaalka sokeeyey ee Soomaaliya. Waana in ay dowladda Kanada caddaaladda hor keento dadka noocaas ah.

Waxaa jira kumannaan Soomaalida Kanada ah oo dalkan ku nool, aqlabiyadddooduna waxay taageersan yihiin kacdoonka shacbi ee Soomaaliya ka dillaacey si loo tuuro dagaal oogayaasha, ma naxariistayaasha, argagixisada iyo gardarrada joogtada ah ee ay dowladda Itoobiya ku hayso dadka iyo dalka Soomaaliyeed, maxaa yeeley Soomaalida Kanada waxay Kacdoonkaas u arkaan rajada kali ah ee Soomali ay qabto meel kasta ha joogaane.

Ref: Somalia Could Turn into Proxy War ( Oct. 25: Embassymag.ca)

Qoraalkan oo Af-Ingriisi ah ka akhri: ww.embassymag.ca

WALI FAARAX
Ottawa, ON
wfarah@rogers.com

Afeef: Aragtida qormadan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 6, 2006

»Afka hilibki Shiikh Max’ed bay weli ku haystaane.. | Abshir Bacadle
»SIDAY U GEESO WEEYNTAHAY, UMA BADISO... | Daldhaa
»
Maxkamadaha Islaamiga ah iyo Jiil Saaqiday | C/raxmaan
»ILAAHOW ITOOBIYA IYO ERITEERIYA DHEXDOODA NAGU CAYMI


Warbixin: Jawrfalka lagula kacay Ardayda Dugsiga Sare ee Gambool - Garoowe
Ramaas Ciiroiyo Warsaxaafadeed: Xisbiga Ramaas oo Dhaliilo iyo Talooyin usoo jeediyey Wasaaradda Waxbarashada DGPL Guji... Oct 27

 



Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD