Ma Magaalada
Gaalkacyood baa Maxkamad Islaami ah laga Furay
C/Waaxid
C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
BISMILLAAHIRRAXMAANIRRAXIIM
ASSALAAMU CALAYKUM
WARAXMATULLAAHI WABARAKAATHU
Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo
iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Waqooyiga Gaalkacyo waxay
hoostagtaa dhulka la yiraahdo Waqooyi-Bari Soomaaliya oo hadda
loogu yeero “Puntland”. Sidaan la soconno, dhulkaas wuxuu ka
midyahay meelihii diinta Islaamka ka soo gashay Soomaaliya sidoo
kalana meelihii isku xira caalamka Islaamka iyo Soomaaliya.
Waxaa intaas u dheer, dhaqdhaqaaqyadii dhalay Midowga
Maxkamadaha waxaa kaalinta ugu weyn ka qaatay dadka ka soo jeeda
degaankaas. Wuu fahmayaa qofkii xasuusta dhacdadii Araare iyo
Waqooyi-Bari Soomaaliya, kaalinta ay dadka halkaas dega ku
lahaayeen arrimahaas. Xitaa kii Luuq iyo qeybo Gedo ka mid ah
waxay ka galeen kaalin fiican.
Nasiib-darro waxaa dacwadaas la
dagay farsamo-xumo iyo degdeg ka yimid xarakooyinkaas iyo
dibindaabyo ay maleegeen cadowga dibadda iyo kuwa gudaha. Waxaa
fursad helay niman askar ahaa oo la’aa meel ay xukun u soo
maraan markaasay intay Xabashi iyo dadkii reer baadiyaha ahaa
kaashadeen bey cagta mariyeen dhaqdhaqaaqaas.
Sida caadiga ahba, muslimiintu
waxay ka faa’iidaan khaladkoodaas waana taas keentay in
wadaadadii ay xoogga saaraan iney wax ka qabtaan waxbarashada,
ganacsiga iyo ugu dambeyn iney inta is kooxeystaan wax ka
qabtaan nabadgelyo-xumadii ka jirtay Xamar iyo meelo kale.
Arrintaas ayaa u soo jiiday iney si dhaqso ah uga kasbadaan
ummada Soomaaliyeed dhexdeeda magac iyo sharaf. Qofkii arrintaas
shaki uga jiro ha fiiriyo siday ku bilaabmeen Midowga
Maxkamadaha. Wadaadadii Puntland joogay iyagu xoog ma saarin
xagga nabadgelyada iyo iney isu habeeyaan si ciidan ee waxay
dhinacaas u wakiisheen qolyaha horbooda Puntland. Arrintaas
waxay keentay in wadaadadii Puntland u ekaadaan wadaadadii hore
ee Soomaaliyeed ee tusaalaha loogu soo qaadanjiray: wadaad iyo
waranle ama toban nin iyo wadaad baa ila dhashay! Laakiin
arrintu sida la moodayo maaheyn oo wadaadadu xal bey u arkeen
arrinta laakiin waa ogaayeen in mar uun xaqu soo noqon doono oo
dabkii ay daareen uu mar Soomaaliya oo dhan uu saameyndoono.
Waxaad mooddaa iney arrintu u ekaatay sida uu gabyaa u cabbiray
mar uu lahaa:
- geedihii la gooyaa marbey
geydho bixiyaane
- haddii aan guntoodiyo
engagin goborta hooseysa
- inkastoo la gubo
xididadeey goror ku heystaane
- gurmo-go’antu waa soo
fuftaa guux hadduu maro’e
- gu’ sooraan ahaaneed
haddii gibilku seymeeyo
- mar uun buu galoolku is
xiraa gubatadii Soole
- wixii Guullaheey korinayaa
garab ma waayaane
- inkastaad nakala gaasirtoo
nagu galeyryeysay
- Rabbi baa guddoonsaday
inaan gacan sarreynaaye
Hadda Ilaah baa u gartay in
wadaadadu yeeshaan gacanta sare kaddib markey u hiiliyeen xaqii
ayna shacabkii tuseen iney yihiin dad wax ka qabankara xaallada
lagu jiro. Sidoo kale waxay isugu dhurteen iney yihiin dad
waddaniyiin ah oo aan ka raalli ahayn fara-gelinta Itoobiya.
Arrintaas darteed ayaa rajo fiican gelisay wadaadadii Puntland.
Waxaan aad ugu faraxsanahay in magaalada Gaalkacyood oo dhib iyo
dacaayad laga sheego ay haatan noqotay magaaladii ugu horreysay
ee looga dhawaaqo maxkamad Islaamiya marka laga reebo
Laascaanood oo si aan toos ahayn u sheegay iney furteen maxkamad
la yiraahdo Al-Caddaala. Inkastooy maxkamaddaas ka soo
horjeedaan qolyihii Cabdi Qeybdiid Waqooyiga Gaalkacyo ku soo
dhoweeyey iyo shaqsiyaad fiirsanaya dano shaqsi laakiin shacabka
magaalada Gaalkacyood intiisa badan waa la jiraan. Waxaan warar
hoose ku helay in qolada Cumar Maxamuud ka dalbadeen jufada
Maxamed Cumar Maxamuud iney iyagu bilaabaan arrinta, intooda
kalana ay ku dayanayaan. Waxaa ku garabistaagay in jufadaasi
furato maxkamaddaas kumannaan dhallinyaro ah oo ka soo jeedda
jufooyinka kale ee Cumar Maxamuud. Waxaana la isku afgartay
maaddaama qabiilkaas uu yahay qabiil weyn iney furtaan dhowr
maxkamadood. Insha Allaahu kuwooda ugu horreeya waa na soo
hayaan.
Diinteennu waxay na faraysaa
ineynaan mar kasta dadka dhaliishooda keliya sheegin. Maaddaama
aan marar badan dhaliilay dadka dega Waqooyi-Bari Soomaaliya
khaasatan kuwa maamulka haya ayaan hadda arrintaas ugu
hambalyeynayaa. Maaddaama aan ogahay in magaalooyin badan laga
diyaar yahay sida Boosaaso, Qardho, Garoowe, iyo Laascaano oo
iyadu horay si aan rasmi ahayn ugu dhawaaqday maxkamad, iney
sidoo kale furtaan maxkamado kuna dhawaaqaan. Sidoo kale ma xuma
inaad reer tolkaa ugu yeertid kheyrka marka haddii la arko
magacyo qabiil ama gabayo nin gebyaa tirshay yaan loo qaadan wax
kale. Waxaan marka xasuusinayaa in qolada Maxamuud Saleebaan oo
aan xitaa u kala harijirin dagaalka qabiilka aysan maanta u kala
harin furashada maxkamadaha. Waa tii gabyaagu lahaa:
- Maxamuud Saleebaanku waa
miro saafiyahe
- waa miro xalaalo ka badan
maadha geedaha e
- mid wixii ku dhaca labada
kale kama maqnaadaane
Qabiilku seddexdaas lafood ka
badan laakiin gebyaaga uun baa sidaas doortay. Marka naacoowdaan
meel kasta oo Soomaaliya ah waa gaareysaa haddii Ilaah idmo. Aad
baan ugu farxay in nin qabiilkaas ah uu BBC-da ka sheego in
arrintaasi dhacday uusanna ninna uga heybeysaneyn. Marka waxaan
uga digayaa nimanka ka tirsan Maxamuud Saleebaan ee jufooyinka
kale ah ineysan arrintaas faraha la gelin. Waa la is yaqaan oo
dadku waa wada jufo, dhaqanna uma lihin in jufo afka la gasho
jufo kale. Haddii arrintaas laga waantoobiwaayo waxaa dib usoo
cusboonaanaya falal ay dad hore sameeyeen loo eeday.
Waxaan aragnaa in maalin kasta
laga soo fakanayo Feerfeer oo dagaaloogayaashi u galay Xabashi
ay ka soo huleelaan. Cabdi Qeybdiidna wiilashuu heystay kala soo
fakadeen ugu dhowaan hubkuu heystay oo dhan iyo weliba intaas oo
hogaamiye-kooxeedyo u dhashay Digil iyo Mirifle ay u baxsanayaan
Xuddur iyo meelo kale. Marka ma maqasheen hub iyo rag kasoo
fakaday maxkamadaha? Miyaan taasi tuseyn in nimanku yihiin kuwo
mabda’ iyo diin leh?
Ugu dambeyntii waxaan bogaadin
iyo hambalyo usoo jeedinayaa ehelkaas furtay maxkamaddaas
waxaana u sheegayaa iney naga furteen xil noona soo jiideen
magac iyo sharaf. Qofkii raba inuu arko Soomaaliya oo Islaam
lagu xukumayo, qofkii raba inuu arko Soomaaliya oo mid ah waa
inuu taageeraa maxkamadaha. Marka waa innagoo sugna reer
Puntland iyo Soomaalida kale oo maxkamado wada furtay.
WABBILLAAHI TOWFIIQ
ASSALAAMU CALAYKUM
WARAXMATULLAAHI WABARAKAATHU.