SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL
March 15, 125
Daabaco Boggan | Print

Warbixin iyo sawiro laga soo qaaday ninka reer Thailand ee ay gacanta ku hayaan Puntland Tigers
Waxana ay dalbanayaan in shuruud la'aan lagu siidaayo 3da dhallinyarada ah ee ku xiran Thailand...
Guji...


ciidQaabkii looga Ciiday Suuriya, Badhan, Garoowe, Nairobi iyo Minneapolis St.Paul..
Kenya: Maxaakiimta Islaamiga ee Soomaaliyeed oo goob fagaare ah laga taageeray iyo Somaliland oo loogu baaqay in ay degdeg u siideyso Sheekha ku jira xabsiga Hargeysa Guji...
markabNin reer Thailand ah oo Bosaso lagu Afduubay...
Nin u dhashay dalka Thailand ayaa waxaa loo afduubay 3-da dhallinyarada ah ee ku xiran Thailand sida ay.... Guji...

XABSIGA HARGEYSA::: 00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 |

Ciise Dholawaa oo Waraysi dheer la yeeshay Maxamed Yaasiin Ismaaciil:.. Qaybtii koowaad ee Waraysiga... Guji...


Ugaaska Beesha Mareexaan oo Barre Hiiraale ugu Baaqay in uu Qaato Nabadda..: Sidaas waxaa yiri Ugaaska beesha Mareexaan ahna afhayeenka salaadiinta beelaha Daarood.. Guji....

Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii maamulkii Muqdisho markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay.
http://www.somalitalk.com/sun/

Culumada Masaajidka Abuubakar ee islii oo Baajiyay Riwaayad lagu dhigi lahaa Kaniisad

Shariif Xasan: "Geeddi wuxuu Caqabad ku yahay Dib u heshiisiinta Soomaaliya"

Sheekh Qorane “’iyadoo uusan dhiig ku daadan ayaa  Maxkamado Islaami ah ka hirgeli doonaan Puntland..

Sh. Maxamed Ismaaciil ma beenin Jiritaanka Cajalada Video-ga...

:::SIR FAKATAY:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji

Fariin ku socota Milles Zenawi
(Dhallanteedeykeygiiyaa Dhimasho ii Horseeday)

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya


Tan iyo markii ay dhaceen dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya, waxay dadku noqdeen kuwo ku nool qiyaali, isla markaan waxay beentu u noqotay wax iska caadi ah, waxaan ogsoonahay in Milles Zenawi ay gaarayaan fariimo fara badan oo la leeyahay ciidamada Maxaakiimta islaamiga ah waa kuwo aan haysan hub sidaasi ah, waxaana qiyaaligaan ku noolaa hogaamiye kooxeedyadii ku sugnaa Magaalada Muqdisho, oo intii yareyd ee taageerayaasha u ahaa ka dhaadhicin jiray waxaan soo qaqabaneynaa ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah, waa la ogaa halkii ay ku dambeeyeen, waxaa maanta Maxaakiimta diyaar u ah 200 oo Kun oo mutadawiciin ah kuwaas oo doonaya inay dagaal la galaan ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya, waxaana u sii dheer in ay haystaan Hubkii hogaamiye kooxeedyadii iyo waliba mid u yimid. Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya, kama war-qabaan xaaladda u dhexeysa Dowladda Federaalka ah iyo Maxaakiimta, siyaasi Itoobiyaan ah ayaa laga soo xigtay “Ma garanayo waxa ay ciidamada Itoobiya ugu dhimanayaan gudaha dalka Soomaaliya, mana garanayo sabab ay ku difaacaan Dowladda Federaalka, waayo Dowladda waxa soo dhisay wadamada IGAD, iyaga ayaa laga doonayaa inay difaacdaan”.

Markii aan qaadanay xoriyadda saddex sano kaddib ayaan dagaal la galnay Itoobiya, xiligaa waxay ciidamada Soomaaliyeed ahaayeen Kun Askari, maanta iyo xiligaa marka la isku fiiriyo waa wax aad u kala fog, maanta ayaa la dhihi karaa Kun Jeer ayey ciidamada Itoobiya dadka Soomaaliyeed iska dhicin karaan.

Dagaaladii sokeeye, markii ay dhaceen Dowladda Itoobiya waxay heshay dad dabadhilif u ah danaheeda ka shaqeeya, waxayna qaarkood ka dhaadhicisay in ay ogolaadaan qodobo ay ka mid ahaayeen, in aysan marnaba sheegan dhulka Soomaaliyeed ee ka maqan, waxay kalloo heshiis kula gashay in la xakameeyo Diinta Islaamka, isla markaana la xirxiro Culimada Soomaaliyeed, waana midda haatan ka taagan maamulada Somaliland iyo Puntland, waxaana maalin walba xirxirid lagu ahaa culimadii Soomaaliyeed, waxaa kaloo dabadhilifyadaasi heshiis kula gashay in Dowladda Itoobiya hesho Dekad, in Soomaalidu ay qaadato nidaamka Federaalka ah, si wadanka loogu googooyo qayb-qayb, halkaasna ay uga baxo midnimada Ummadda Soomaaliyeed, waxaa kaloo heshiisyada ay la gashay ka mid ah in ay gudaha dalka Soomaaliya ku yeelato shaqsiyaad biiriqaatayaal ah oo dila nin doorka Soomaaliyeed, in la abuuro kooxo basaasiin ah oo maalin walba Itoobiya u gudbiya xaaladda hadba uu ku sugan yahay Dalka Soomaaliy. Dowladda Itoobiya, waxaa kalloo heshiisyada ka mid ah in Soomaaliya ay yeelato Dowlad dabadhilif u ah Dalka Itoobiya, taas oo aan weigeed yeelan awood balaaran.

Ciidamada Itoobiya ee laga keenay Makale, Shawa iyo Asum ayaa waxay soo jareen kumaan kun oo Kiilo Mitir, waxayna doonayaan in difaacaan Dowlad ay shacabka Soomaaliyeed haatan isku raacsaneyn, waxaa ayaandaro ah in Ciidamadaasi la soo marin habaabiyey lagana dhaadhiciyay arrimo fara badan oo qiyaali ah, waxayna haatan ku jiraan gudaha dalka Soomaaliya, waxaana dhinac kasta ka xiga dad Soomaaliyeed, iyadoo la og yahay in Dadka Soomaaliyeed yihiin kuwo weligood ka dhiidhiyi jiray shisheeyo kasta oo ku soo duula noocoo doono ha noqdee.

Waxaa dhacday 1996, markii ciidamadii Itoobiya ee ugu horeysay soo galeen Soomaaliya gaar ahaan gobalka Gedo ayaa nin Itoobiyaan ah oo ku xaragoonaya qoriga Ak47 oo dhex maraya Degmada Buulo-Xaawo, ayaa labo nin oo fadhida meel Buush waxay arkeen ninkaan oo iska xaragoonaya, mid nimankii ka mid ah ayaa inta is madax maray, qoreyna dafay baas ku jeexay ninkii Itoobiyaanka ahaa, qorigiina qaatay, waxa uuna yiri “In nin Itoobiyaan iigu xaragoodo dalkeyga anna Aan bush ka galo ma wax loo dulqaataa”.

Milles Zenawi, waxaan kula talinayaa in ciidamada uu beenta u sheegay kala baxo gudaha Dalka Soomaaliya, way dhamaatay xiligii beenta la isku sheegi jiray, waxaad dib u eegtaa wixii dhex maray Xisbullaah iyo Israa’iil, waxa ciidamada Mareykanka maanta ka haysta dalka Ciraaq oo dhamaantood salka ku haya been la dhoodhoobay, waxaa haatan jidkaas ku sii socda Milles Zenawi oo been ku aqrinaya ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku soo galay Soomaaliya, waxana uu ku qudbeeyaa warar been abuur ah oo uu ka soo xigtay dad kale oo Soomaali ah, sida isaga oo yiraahda, wax ciidan ah oo idinka hor imaan kara ma jiraan, Maxaakiimta la idiin sheegayana oo dhowr xaboo fara ku tiris ah, basle arrinku taa waa ka fog yahay, Maxaakiimtu awoodooda waa nid sarreysa kalsooni buuxda ayey haystaan, Millesna waxaan u soo jeedinayaa in uu Soomaali isaga dhex baxo, isla markaana uu runta kama dhibcaanka ah u yimaado, Dawaco ayaa aragtay hooskeeda, waxayna iska dhaadhicisay inay iska Dhicin karto Libaax, markiiba Libaax jiifay ayay dusha kaga dhacday, inta uu iska qabtay, ayuu yiri “Dayow side wax u jiraan”, way ku booday mar kale, inta jiifkii ka soo kacay ayuu isku jajabiyey iyadiiyoo dhan, waxa uuna ku yiri “Dayow dardaaran”, waxayna tiri “Dhalanteedkeygiiyaa dhimasho ii horseeday

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 1, 2006

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-mail: amiinkhasaaro@hotmial.com
amiinkhasaaro@yahoo.com



Warbixin: Jawrfalka lagula kacay Ardayda Dugsiga Sare ee Gambool - Garoowe
Ramaas Ciiroiyo Warsaxaafadeed: Xisbiga Ramaas oo Dhaliilo iyo Talooyin usoo jeediyey Wasaaradda Waxbarashada DGPL Guji... Oct 27

 



Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD

 

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.