SIDAY U GEESO WEEYNTAHAY, UMA BADISO...
Mohamed-Deeq Abdimadar “Haldhaa”
Qoraa iyo saxafi Soomaaliyeed,
Borlänge, Sweden.
Email: haldhaa35@hotmail.com
__________________________
_________
____
__
Waxaa wax lala yaabo noqottay
markii wasiirkii gaashaan-dhigga ee Soomaaliya Gen. Cumar X. Masalle uu
soo hor-kacay xabashida isagoo ku soo duulay degaankii uu ka dhashay.
Mana uusan ahayn sarkaalkii ugu horreeyay ee xabashi soo hor-kaca,
waxaana uga horreeyay Col. C/llaahi Yuusuf. Waxaa kaloo iyagana soo
hor-kacay Gen. Caydiid iyo Col. Axmed Jees. Laakiin Gen Cumar wuxuu
kaga duwanaa sarakiishaas kale isagoo ahaa wasiirkii gaashaan-dhigga
Soomaaliya ee ugu horreeyay ee soo hoggaamiya xabashida.
Wali ceebtii way sii socotaayee
waxayse sheekadii sii xumaatay Markii laba wasiiroo kale oo wasiiradii
gaashaan-dhigga Soomaaliya ahaa ay iyaguna Xabashida u adeegaan, una
diyaarsanyihiin sidii ay ugu soo hoggaamin lahaayeen dadka iyo dalka
soomaaliya. Labdaas wasiirna waxay kala yihiin; Marxuum Gen. Aadan
C/llaahi ”Gabyoow iyo Gen. Maxamed Siciid ”Moorgan”. Waxaan isna jidkaas
xun aan ka leexaan Col. Barre Aaden Shire ”Barre Hiirralle” oo ah
wasiirka gaashaan-dhigga dowladda ku meelgaarka ah ee jamhuuriyadda
Soomaaliyeed. Col. Barre Hiiraalle inuu dalka iyo diinta ka difaaco
xabashida wuxuu ka door biday inuu dalka iyo diinta ku soo hoggaamiyo
xabashida.
Haddaba waxay in
badan is waydiisaa waxa wasiiradii Gaashaan-dhigga iyo saraakiishii sar
sare ee ciidamada ay badidood ugu adeegayaan una soo hor-kacayaa
gumaystaha madoow ee masiixiga ah, iyagoo darajada loo siiyay inay
diinta, dalka iyo dadka Soomaaliyeedba difaacaan?!!. Yayse difaacayaan
haddiiba ay soo hor-kaceen xabashida. Ma cadaw kalay leedahay
Soomaalidu?!.
Maya…Maya..Maya. Cadaw kale oo
aan Itoobiya ahayn Soomalidu malahan. wasiiradii Gaashaan-dhigga iyo
saraakiishii ciidamada qaarkoodna inay Itoobiya u adeegaan oo una soo
hor-kacaan burburinta iyo baabi’inta diinta, dalka iyo dadka
Soomaaliyeed, waxay aniga ila tahay;- Badi saraakiisha ciidamada siiba
Kornayladii hore iyo Jananadaba waxaa markoodii horaba ciidanka qoray
gumaystii reer Yurub ee Soomaliya gumaysanayay. Waxa loo qortayna
waxayba ahayd inay danaha gumaystaha fuliyaan, diinta, dalka iyo dadkana
ku tuntaan oo baabi’iyaan, haddana tii uun bay wali wadaan.
Haddii ay aragtidaydu kaa
daadegi waydo waxaad is waydiisaa; Maxay ku dhacday in ragga ugu badan
ee ay Itoobiya soo adeegsanayso gobolkay doonaanba ha ahaadaanee ay u
noqdeen saraakiil uu kornayl ugu hooseeyo?!. Waxaad kalood iswaydiisaa
dagaalkii 1977
kii lala galay Xabashida maxay jananadii iyo Kornayladii
badidood ay u tooganayeen saraakiishii yar yarayd iyo askartiiba?!.
Maxayse ciidamada u lugooynayeen, oo markii raashin loo baahdo, rasaas
ugu dirayeen, markii daawo loo baahdana raashin ugu dirayeen?!.
Sidaad doonta u aragee arrintu
waa taas aan anigu soo sheegay, meel kale oo loo doonayana ma jirto.
Shacabka Soomalaiyeedna waxaa la gudboon inay kuwaas fiiro gaara u
yeeshaan oo ka hor tagaan. Waana inaysan fiirin waynaantooda iyo
darajooyinkooda ee waa inay qiimahooda eegaan. Waxayna la mid yihiin uun
Sacii ninku ku yiri ” Siday u geeso wayntahay, uma badiso”
Iyaguna siday u darjo waa weeynyihiin uma badiyaan umana qiimo badna.
Mohamed-Deeq Abdimadar “Haldhaa”
Qoraa iyo saxafi Soomaaliyeed,
Borlänge, Sweden.
Email: haldhaa35@hotmail.com
FG: Maqaalkna waxaa lagu soo
daabacay
SomaliTalk.com shan sano ka hor, waxaanse jeclaystay in mar labaad
la soo daabaco, kadib markii aan arkay Col. Barre Hiiraale oo ah
wasiirka difaaca markii uu kusoo darsamay wasiiraddi difaaca ee
xabashida soo hor-kacay.
MARKII UGU HORRAYSAY
DAWLAD
ETHOIPIA LAGU MAGACAABO
Markii uu Minilik
qabsaday magaaladii Harar oo ayna burburtay dawladdii Islaamka ahayd ee
geeska Afrika ayay reer Yurub kula taliyeen inuu dawlad ku dhawaaqo oo
magacana beddelo. Magaca uu beddelayayna wuxuu ahaa ”Abassinia” Afka
Soomaligana loogu dhawaaqo ”Xabashi”.
Waxaa ugu wacnaa
in magacaas la beddela waxay ahayd, xabashida oo ahayd afar walaayo oo
ay colaadi ka dhexayso, oo maamulkooduna kala duwanyahay. Waxaana
afartiiba isku qabsaday Minilik, haddana wuxuu ku darsaday mid
afartoodaba ka wayn oo ahayd Harar oo laga maamuli jiray dhul aad iyo
aad u wayn.
Marka waxaa lagama
maarmaana hayd in lala baxo magac kulminaya dhammaan shucuubtaas la
qabsaday oo ay ku jireen shacabka Soomaalida iyo Oramada iyo Canfarta,
Binshingoolka, Guraagada, Harariyiinta iyo qaar kale oo badan. Magaca
kulmiyayna wuxuu noqday ”Ethiopia” oo ay reer Yurubku xabashida u
bixiyee.
Eraygan waa
Boortaqiis wuxuuna macnihiisu yahay ”Ethio= Waji” iyo ”Pio=Gubtay”.
Marka la isku darana wuxuu noqonayaa ”Wajiyadii gubtay”, oo ay uga
jeedaan dadkii wajiga madmadoobaa. Waxayna reer Yurubku u malaynayeen
markay arkeen dadkaas madmadoow inay wajidaya ka gubteen. Sidaas ayayna
ugu bixiyeen magacaas.
Haddaba siduu doono
magacaasu ha ku baxee, waxaa uun jirta in markaas ka hor aan la maqlin
dawlad ama maamul la yiraahdo Ethiopia. Arrintaasna waa mid ay ka wada
marqaati kacayaan ragga taariikhda qora dhammaantood. Waxaa kaloo aad
iyo aad u muujinaya dhammaan khariidahahii la qoray wixii xilligaas ka
horreeyay.
Mohamed-Deeq Abdi-madar
”Haldhaa”
Qoraa iyo saxafi
Borlänge, Sweden
Email: haldhaa35@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan