- Hadaaqa
wasiirka Maaliyaddu ma aha fitno abuur keliya!
- Waa
xaq darro xadhigga Suldaan
Cismaan iyo Xoghayntiisu
- Baaqiinii
Habarayooniseey waaba loo bogaye...
Hadaaqa
Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno
Abuur Keliya!
Qalinkii Maxamed Baashe X. Xasan
mohamedbashe@hotmail.com
Dec 7, 2006
Wasiirka Maaliyadda
Somaliland waxa uu ka mid ahaa wefigii xukuumadda ee Burco safarka ku tegey
dhowaan markii Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar gurigiisa laga
afduubay ee la dhigay xabsiga Mandheera oo ilaa hadda uu ku xidhan yahay.
Wasiirka waxa laga soo weriyey hadallo aflagaado ah oo uu kula dul
turunturrooday Tol weynaha Burco barigeeda ee Habar Jeclo. Laye meel fagaare ah
ayuu wasiirku ka yidhi weedho u dhigma“ belaayo aan Bariga Burco laga soo
hoggaamini arlada kama dhicin ilaa xilligii Ina Maxamed Cabdille Xasan ilaa
yowmunaa maanta!”
La yaab ma leh weedhahaas
xilkasnimo darrada ah ee ka soo yeedhay wasiirka aan mas’uuliyaddu la cuslayn,
ha yeeshee waxa yaab leh sida doqoni ma garatada ah ee uu boodhka isugu qaraniyo,
una doonayo in uu indhaha dadka ka sii jeediyo fashilaadda iyo foolxumada
dalbajuuqihiisa. Waa la og yahay oo Bari belo kama imane, waxaan la ogayn in
belaayadu tahay isaga iyo inta kula hawllan kala fogaynta isku duubnida tolalka
walaalaha ah ee is feedh dega.
Waxa laga damqanayaa isku
soo dhowaanta fekerka iyo in-araggooda, waxana laga il-gabxayaa iskaashigooda
minjaha soo laalaadinaya ee u kobcaya dhinaca tognaanta maangalka ah. Waxa la
doonayaa in weedhahaas nuxurka daran ee gedaanka saarani ay hadheeyaan arrinta
muhiimka ah ee ku taxmaysa xadhigga xaq darrada ah ee Suldaanka iyo wehelkiisa,
waxana la doonayaa in la kala jebiyo oo la iska horkeeno intii isu wada taagi
lahayd hiilka Suldaanka iyo ka hor tagga tallaabooyinka meel ka dhaca ku ah
sharafta iyo milgaha waddanigu xaqa u leeyahay, dastuurka dalkuna u oggol yahay
ee uu siiyey.
Bal eega xasaradda iyo
xadhka goysnimada intaas le’eg iyo foolxumaanteeda. Dab bay dab cunsiinayaan!
Wasiirka sharka badan ee maaliyaddeenu ma meteli karo tol weynaha uu ku
abtirsado, waa u wasiir aan xilkas ahayn tolalka oo dhan, waxanu metelaa oo ku
hadlay afkii dawladda Somaliland. Weedhaha wasiirku ma aha fitno laga dhex
abuurayo dadka walaalaha ah oo keliya ee sheeko lagu danbabasayo oo dadka lagaga
jeedinayo fashilaadda iyo xilkasnimo la’aanta nimanka mindada daabkeeda haya.
- Aboorkuba allaylkuu
dhisaa aqallo waaweyne
- Markuu ururay daartuu
abyeybaa la ashqaraaraaye
- Ilkuhu wada jirkooday
hilbaha adag ku gooyaane
- Haddii iniba meel
taagan tahay adhax ma feenteene
- Itifaaq la’aan laguma
helo lib iyo iimaane
- Indhaha aad isku
aragtaan cadaawaha iskaga eega
- Ha ordina’e xaajada
sidii aydinta u raaca
- Ha ekaannina’e talo
ninkii odhan karaw dhiibta
- Abtirsiimo reer hebela’
iyo oday ku faan tuura
- Indho fura hurdadu waa
waxaad ku ibtilowdeene.
- Xaaji Aadan Axmed Xasan
“Afqallooc!
Qore: Maxamed Baashe X. Xasan
mohamedbashe@hotmail.com
Waa
xaq darro xadhigga Suldaan
Cismaan iyo Xoghayntiisu
- Wasiirka Arrimaha Dibadda
Somaliland: “Waxaannu dhisnay
Distoor Calmaani ah”- British
Broadcasting Corporation World,
The World Today, 19th Aug. 2006
- Madaxweynaha Somaliland:
“Waxaannu hirgelinney
Dimoqraaddiyad calmaani ah”, The
Daily Telegraph, Friday 27th
Oct. 2006.
Qalinkii Maxamed Baashe X. Xasan
mohamedbashe@hotmail.com
|
Dec 5, 2006
01/12/06 ayaa suldaanka laga
afduubay gurigiisa magaalada
Burco oo loo taxaabay xabsi ku
yaalla Mandheera. Suldaan
Cismaan Suldaan Cali waxa lala
qabtay oo isna xidhan Maxamed
Faarax Aadan oo ka mid ahaa shir
guddoonkii kulan Burco ka dhacay
30/11/06, shirkaas oo lagu
guddoomiyey in Habar Yoonis ku
maaraynayso arrimaha gudaheeda
degaan ahaan ku dhaqanka
shareecada islaamka, waxana
shirku dawladda Somaliland iyo
tolalka kale ee ay walaalaha
yihiinba ugu baaqay ku dhaqanka
shareecada islaamka.
Aan
idhaahdo Somaliland halis bay daaqaysaa.
Waxa cagta lagu hayaa waddaddii burburka.
Jarkii hoogga ayaa maalinba maalinta ka
dambaysa lagu sii durkayaa. Kelitalisnimadu
waa hooyada halaagga. Car juuq dheh iyo ku
tumashada xuquuqda, milgaha iyo haybadda
waddanigu waa astaantii ifafaalayaasha
baaba’a qanuunka iyo kala dambaynta. Haddii
distoorka iyo xeerarkiisu ay ka dul kici
waayaan oo ku dul abaarsadaan waraaqaha ay
ku qoran yihiin, haddii madaxda qaranka iyo
hay’adaha dawladdu u dhaqamaan sidii ay
doonaan oo lagu gabbood falo xilkasnimo oo
dhan iyo mas’uuliyaddiiba, waxa lunta
kalsooni oo dhan, waxana si fudud u suula
sifooyinkii dawladnimo oo dhan.
Dawladda
maantu waxqabad la’aanteeda,
curyaannimadeeda, indha la’aanteeda iyo
musuqeeda, waxa ay ku darsatay dad
cunnimadan ay la soo baxday iyo
foolxumooyinkan ku xidhiidhsan caqiidada iyo
diinta ummadda ee si kasta cagta hoosteeda
loo gelinayo ee loogu tumanayo.
Sannad in
ka badan ayaa laga joogaa markii lixda
culimada ah ee argagixisada lagu eedeeyey
loo taxaabay xabsiga Hargeysa, culimadaas oo
aan ilaa haddeerto wax xukun ahi aanu ku
dhicin oo lagu soo caddayn kari waayey wax
dembi ah oo ay ka galeen dalka iyo dadka
Somaliland. Sida laga warqabana culimadaas
waxa lagula kacay jidh dil fool xun oo
qaarkood la caddaynayo in dhaawacyo ka soo
gaadheen. Culimadaas Hargeysa ku xidhan waxa
ka mid Sh. Maxamed Sh. Ismaaciil Sh. Xasan
oo beri dhoweyd la faafiyey muuqaallo fool
xun (Jidh dil ah) oo lagaga duubay sheekha
cajalad video ah, arrintaas oo dawladda
Somaliland ku guuldarraysatay iska
dulqaadkeeda, ka dib markii ay u saari kari
waydey guddi madax bannaan oo ammuurtaas
meel cayiman ku tiirisa! Culimada xidh
xidhani waxa ay kala yihiin:
- Sheekh
Maxamed Sheekh ismaaciil
- Sheekh
Axmed-kayse Cali Xuseen
- Sheekh
Maxamed Maxamuud Nuur
- Sheekh
Muuse Cali yuusuf
- Sheekh C/laahi
Maxamed Axmed
- Sheekh
Maxamed Ibraahim Axmed
Suldaan
Cismaan Suldaan Cali Madar iyo Maxamed
Faarax Aadan ayaa iyana maanta u godobaysan
diinta islaamka. Dembiga lagu haystaa ee
xabsiga loogu garbaduubayaa wax kale ma aha
ee waa keliya in ay ku baaqeen in lagu
dhaqmo shareecada islaamka, ka dib markii ay
go’aansadeen in ay degaanka qoyskooda ka
hirgelinayaan shareecada islaamka iyo ku
dhaqankeeda.
Waa ayaan
darro in arrintaas oo kale cidba loo xidhaa,
waana ayaan darro kale in madax dhaqameed,
weliba suldaan beel dhan lagaga xayuubiyaa
sharaftii iyo haybaddii uu lahaa. Runtii waa
gef iyo xumo xurmo la’aaneed oo loo gaystey
Somaliland oo dhan madax dhaqameedyadeeda,
salaadiinteeda, ehlul sharafkeeda iyo
shacabkeeda. Waa xaq darro ay tahay in laga
wada oogsado oo la diido fulinteeda iyo sii
socoshadeeda, waana mash-qac la ruubay
dadnimadeenna oo haddii aynu haddeer ka
diiri wayno, hadhowto inagu noqon doona
waran afdhuuban oo fallaadho sumaysan
jiidanaya!
In
dawladdeennu diinta iyo damiirkeenna
islaamiga ah la dagaallantaa la yaab ma leh,
ha yeeshee waxa yaab leh in aynu hoos u
hoganno oo ugu dul qaadanno qorshayaasha
lagu fogaynayo soo dhowaynta hirgelinta iyo
ku shaqanka shareecada islaamka oo
dastuurkeennu oggol yahay. Dawladdeennu ma
aha xilkas, mas’uuliyiinteeduna waxa ay la
ambadeen xilkaas. Sinaba macquul uma aha in
arrintan Suldaan Cismaan Suldaan Cali loo
xidhaa. Haddii ay dawladda Somaliland xilkas
tahay waxa loo yeedhi lahaa suldaanka oo
lagu qancin lahaa ilaalinta iyo kala
xadaynta awoodda fulinta ama xukunka
dawladda iyo maamulka hoose ee tolalku
gudahooda kaga dhaqmaan. Ha yeeshee xadhiggu
waa xilkasnimo darro iyo meel-ka-dhac weyn.
Dawladdeenna iyo ku dhaqanka shareecada
islaamku waxa ay kala fadhiyaan “cirka iyo
dhulka”, taas baana keenaysa in ay ka didaan
sidii adhi weere arkay dareen kasta oo
dhadhan diimeed leh. Shareecada islaamku ma
burburinayso Somaliland ee waxa duminaysa
siyaasadda dawladda maanta ee xaalad abuurka
ah, dawladdan ku faanta diin laawennimada;
diin la’aanta ama calmaannimada.
Madaxweynaha iyo wasiirkeenna arrimaha
dibaddu waxay labaduba dunida u caddeeyeen
in ay ku naalloonayaan hirgelinta dawlad
calmaani ah; dawlad aan diin wax shuqul ah
ku lahayn; dawlad diinlaawennimo ku dhaqanta!
19/08/2006 ayaa wasiirka arrimaha dibaddu
arrintaas u xaqiijiyey barnaamijka afka
ingriiska ku baxa ee British Broadcasting
Corporation ee loo yaqaan
The World Today. Madaxweynaheennuna waxa uu
arrintaas mid la mid ah ku sheegay wargeyska
The Daily Telegraph cadadkiisii soo baxay
Jimcihii, 27-kii bisha Okt. 2006.
Xadhiga
Suldaan Cismaan Suldaan Cali iyo
xoghayntiisu waa baaddil xaq darro ah, waana
in xukuumadda cadaadis lagu wada saaraa sii
dayntooda, waana in dawladdeenna la baraa in
xadhigga xaq darrada ahi ka mid yahay
waxyaalihii ummaddani ka dagaallantay ee
kumannaanku ku naf waayeen, kumannaanka kale
ku naafoobeen, kumannaankuna ku maal beeleen
ee ku burbureen. Somaliland ma aha quraarad
daleel saaran oo dhagaxna hoos yaallo oo
iska soo dhacaysa, iskana burburaysa.
Suldaan Cismaan Suldaan Cali iyo beeshiisuba
waxa ay ka mid yihiin hormuudkii u halgan
iyo hawlba galay Somaliland iyo dib u
yagleelkeeda, maantana ma ay samayn wax
hagardaamo ah iyo waxyeellayn ku qumman
qarannimada Somaliland wax sii hagaajinaya
mooyaane.
Waa in la
sii daayaa Suldaanka iyo inta xaq darrada
ugu hoyata ee ku xidhan jeelasha
waddankeenna dhammaantood, iyada oo
maskaxkamad deg deg ahna la horkeenayo dadka
dembiyada lagu eedaynayo, gaar ahaan
culimada lagu silic dilyeynayo
xabsiyadeenna.
Qalinkii Maxamed Baashe X. Xasan
mohamedbashe@hotmail.com
Baaqiinii
Habarayooniseey waaba loo bogaye...
Gabaygan
waxaa tiriyey Maxamed Xirsi Guuleed,
waxaana lagu taageerayaa dhaqan gelinta
shareecada islaamka ee beesha
Habaryoonis kaga dhawaaqday magaalada
Burco. 1dii december 2006 ayey soo
saareen waxgarad kor u dhaafay 200 oo
ruux oo uu hogaaminayey Suldaan Cismaan
Suldaan Cali in ay beesha habaryoonis
qaadatay ku dhaqanka shareecada islaamka.
Haddaba waxa gabaygan lagu taageerayaa
ma aha habka loogu dhawaaqay ee waa
fikradda lagu dhiirraday Wuxuu soo baxay
03 dec 2006. Wuxu yidhi:
-
Baaqiinii Habaryooniseey waaba loo
bogaye
-
Waa
lagu bikaacsaday indhaha sida
buluuglaydhe
-
Burco
inad dhankiinii shiddeen balaf
naloo keenye
-
Barigaanu sii eegaynee waad ka
badiseene
-
Iyagana baxnaanada ilaa dhowr beraan
sugiye
-
Waxse
basaasta naga reebilayd taasoon been
noqone
-
Budhka
CiiseMuusaan rabaa inay la boodaane
-
Ciisuhu billaawaha ha lulo waa
bilbilo khayre
-
Booramiyo Gadabuursi waa baro
islaameede
-
Ha u
beernuglaadeen sharciga boodhka
tumiddiise
-
Beelaha Hargeysoow walle beeniraad
malehe
-
Xeer
baaniyaal idinka qaad biligi
fiicnaaye
-
Waa
waxay biyii uga gudheen beerihii
herere
-
Culimadan buruudka leh kuwaa jooga
baladkiina
-
U
banneeya haydiin fureen baabka
daalacane
-
Waxa
beretan loo geli xaqqii layska
baalmaraye
-
Beegsiga kitaab iyo sunnaa buur la
soo dhigaye
-
Billad
sharafta khayrka ah ninkaan
baaqsanbaa heliye
-
Ha la boobo buunki u dhawaaq orod
bilowgiiye
Maxamed
Xirsi Guuleed
abdibashir@hotmail.com
Axad
03-12-2006
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 5, 2006
|