WAR WAX QOROW, ADIGU WAX MA'AKHRIDAA?
Fahad
Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@gmail.com
:::FAALLADII ISNIINTA EE
FAHAD:::
Isniin:
April 3, 2006
Dhaqanka qoraaga
waa ka duwan-yahan dadka intiisa kale. Waxaa cilmi baaris lagu ogaaday, dadka
inta ugu dabeecada xun iney ugu horeeyaan kuwooda falsafada iyo qoraalka isku
hawla, ama hadii siguud loo dhaho, kuwooda danaha guud isku xilsaara.
Qoraagu kolka uu
damco inuu Maqaal ama Buug alifo, wuxuu lamid yahay haweeney foolaneysa, oo
wuxuu soo majiirtaa hadalka ugu haboon, ugu soo jiidasho wanaagsan, misana ugu
quruxda badan.
Maxamed Qudb oo ka
waramaya walaalkii Sayid Qudb ayaa tibaaxay in Sayidku uu ka duwanaa qorayaasha
kale oo dhan, wuxuu yiri: Annagu kolka aan wax qoreyno, waanu ku noq-noqonaa,
waanu sax-saxnaa, laakiin Sayidku wuxuu ahaa mulham, oo halmar ayuu maaxan jiray,
kol-kaasuu bad dhan oo cilmi ah xarriiqi jiray, taasi waa xaalad ay dad yeri
gaaraan, waa sida gabayga oo kale, oo nina waa ka fakaraa, oo waa u qalab
uruursada, ninna halmar ayuu xikmado sii daayaa sida Sayid Maxamed Cabdille
Xasan oo kale.
Kolka aad eegto
qorayaashii hore waxay ahaayeen muraayadda laga daawado heerka horumarineed ee
ay bulshadu markaas ku dhex noolyihiin, waayo, noloshaas jirta ayey isku dayaan
iney daaweeyaan, qaarkoodna iyadaas ayey qoraal ahaan u matalaan, oo maskax
hooseysa ayey wax ku qoraan. ( tan danbe waxay ku xusuusineysaa qaar kamid ah
qorayaasha Soomaalida).
Waxaan xusuustaa
mid kamid ah ragga lagu tiriyo qorayaasha Soomaalida ayaa maqaal uu qoray ii
keenay, kolkaas ayaan su'aalay sadax qodob oo kala ahaa.
A: Dabaqadee ugu
talagashay iney akhristaan maqaalka?
B: Marka hore maka
fakartay inta jumlo ee aad qorayso, adoo iswaafajinaya wakhtiga qofka ku
akhrisanaya, iyo fariinta aad dhiibayso?
C: Siday u egtahay
qaabka aad ka rabto inuu noqdo qofka akhrisanaya maqaalkaaga?
Inta qoslay ayuu
iigu jawaabay, waxaas wali isma aanan weydiin.
Haddii aad eegto
taariikhda qorayaashii hore, waxaad ogaaneysaa in mid waliba uu lahaa qaab u
gaar ah oo uu wax u qoro, xitaa sida uu u labisanayo, iyo siday u egtahay halka
uu wax ku qoranayo.
Maxamuud Cabbaas
Al-Caqaad waa qoraagii weynaa ee R/Masar wuxuu wax qori jiray isagoo taagan,
laakiin sheeko qorihii R/Faransa Balzaak, kolka uu wax qorayo tarbuus shaah
ayuu isa soo agdhigi jiray, halka Loraansi oo isna suugaan-yahan R/Faransa ahaa
uu dharka oo dhan iska dhigi jiray goorta uu wax qorayo.
Waxaa yaab lahaa
Gabyaagii Maraykan Idjaar Baw, oo isagu Mukulaal garabka saarta, si uu ugu
xaragooda qorista qalinka.
Waxaase qosol leh
suugaan-yahankii R/Norwey Ebson oo hortiisa soo dhigan jiray suugaan-yahan kale
oo uu necbaa, kolkaasuu qalinka qaadanayey si uu ugu xanaajiyo ninkaa uu
colaadda u hayey. Hormuudkii gabyaga carabta Axmed Shawqi, kolka uu damco inuu
wax qoro, warqadii u dhaw ayuu ku qoran jiray, xitaa hadii ay u dhawdahay gal
taraq.
Cilmiga
qaab-qorista qoraalka waxaa lagu dhigtaa, in maqaalka iyo warku ay kala
duwanyihiin, oo maqaalku uu ku fiican-yahay in horudhac, dhextaal, iyo gabagabo
loo dhigo, fikradaase waxaan lagu fulin-karin akhristayaasha afkan.
Qoraagii Maxmed
Carab " Falax-Falax" ayaa ku taliyey in qofka Soomaaliga loo soo hormariyo
fariinta ugu muhimsan maqaalka, kadibna lagu xijiyo, sharaxaadda kale, iyo wixii
faah-faahin ah.
Fikradaan isagoo
sabab u yeelayo wuxuu ku macneeyey in ruuxa Soomaaliga ah kolka uu bilaabo
qoraalka, isagoo wax yar akhriyey ayuu xusuusanaya R/hebel dhibkii uu cidooda ku
hayey, ama qof kale ayaa hadal u bilaabaya, kol-kaasuu sheekadaas ku wareegayaa
isagoon oran ii kaadi aan dhameeyee maqaalkan.
Haddii fikradaas
sideeda loo qaato, waxaaba haboon in maqaalka dadkaas loo qorayo lagu soo koobo
laba ama sadex jumlo sidii cod bixinta oo kale ah.
Waajibaadka ugu
muhimsan ee saaran qoraaga waxay tahay, in akhriskiisa uu ka bato qoraalkiisa,
taasi waxay kobcineysaa khaanadiisa aqooneed, si ay ugu suuragasho inuu
akhristihiisa ugu gudbiyo hadba xogta ama xikmadda cusub ee uu helay, haddii
kale wuxuu qoraalku noqonayaa, sheeko ka heer hooseysa tan suuqa lagu hayo.
Waxaa haboon in
qoruhu is baro inuu maalintii ugu yaraan 5. Maqaal akhriyo, ayna ku jiraan ugu
yaraan hal maqaal, oo uu qoray qof uu siyaasad ahaan, ama fikrad ahaan uga soo
horjeedo, sidoo kale asbuucii ugu yaraan inuu akhriyo 300. oo bog oo buug ah,
isagoo isku dayaya inuu xoogga saaro cilmi baarista uu jecelyahay inuu meel
wanagsan ka gaaro, iskuna dayo inuu wax ka akhriyo mawaadiicda ay u badanyihiin
qoraalladiisa.
Marka aad qorayso
fikrad aad leedahay, wey ka duwan-tahay kolka aad cilmi baaris ama warbixin
diyaarineyso, saasoo ay tahay, waxaa waajib ah, inaad si hufan, oo fudud u
sharaxdo waxa aad rabto, iyo waxa aad diidantahay.
Qorayaasha
Soomaalida badankood waxay qoraan waxa ay diidanyihiin, waxaase haboon in sidoo
kale xoogga la saaro, waxa la rabo, si bulshadu ay jid u hesho, haddii kale,
waxaa akhristaha ku sii badanaya quusta, iyo rajo la'aanta.
|