Fahad
Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@hotmail.com ama
editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya
URL:
www.SomaliTalk.com/fahad
:::FAALLADII ISNIINTA EE
FAHAD:::
GABADHA ILMAHEEDII LAGA XADAY
HALOO GARGAARO
Wariye
Soomaaliyeed ayaa yiri.
(Asbuucii hore
ayaan soo tabinay gabar Soomaaliyeed oo deganayd Norway in ilmaheedi xoog
looga qaatay. Arintaan ayaa dad badan oo jooga dibadaha ku tilmaameen wax
aan cuntami Karin, sidaa darted ayaa la ii diray bal inaan magaalada gabadha
degan tahay(Trondheim) oo Oslo u jirta 8.Saacadood oo Treen ah u safro oon
soo baaro arinka. Waxaa maantay oo jimce ah aad iigu adkaaday inaan fariisto
oon qoraal ka qoro arinkaan, waayo waxa had iyo jeer i hor imaanaya wixii
aan indhahayaga ku soo arkay – Hooyo aan haysan cid caawisa oo guri isku
xirtay, oo iska oynaysa- Ilmo Soomaaliyeed oo la qayaameeyay oo la yiri
fasax ayaad aadaysiin – Hooyo soomaaliyeed oo loo hanjabay oo la yiri hadaad
dadka usheegto in ilmaha xoog lagaaga qaatay waligaa arkimaysid- Soomaalida
degan magaalada Trondheim oo iyagana ka cabsanaya in ilmaha beri laga qaato.)
Hadaladaas
waxaa qoray Wariye "Xasan" oo Internetka ku daabacay warbixinta Hooyo
Soomaaliyeed oo ilmaheedii laga xaday. Wuxuu muujiyey dhibta uu soo arkay
inta ay le'eg-tahay.
Waxay igu
noqotay murugo tiiraanyo leh markii aan Internet-ka ka akhriyey in wiil 8
jir ah iyo gabadh 10.jir ah laga qaatay Hooyadood. Warbixinnada gabadhan
ilmaheeda la dhacay oo uu si xoogleh uga soo waramay "Xasan" wuxuu intaas ku
daray.
(Gabadhan
Soomaaliyeed waxay mudo dheer deganayd wadanka Holland, halkaas oo aysan wax
sharci ah ku haysan. Ka dib ayaa gabadhu iska dhiibtay wadanka Norway
halkaas oo ay sharci ka heshay, oo ay deganayd mudo 3 sano ah. Goor aan
Taleefoonka ku waraysanay gabadhaan oo ay ka muuqdatay naxdin iyo niyad-jab
ayaa waxay noo sheegtay in loo hanjabay oo loo sheegay inaysan ka hadli
karin ilmaha hadii kale aysan waligeed arki doonin.)
Fariintan uu
soo tabiyey qorahan waxay muujineysaa sida ay Hooyadaas Soomaaliyeed u
dhibaateysan-tahay iyo sida uu mugdi ugu jiro mustaqbal ubadkii ay mudada
dheer korineysay, una ahaa shay ay indhaha ku qabowsato. Ilmuhu waa nimco
ilaahay bixiyo, wax laqiima ahna uusan jirin. Qof kasta oo lasiiyo nimca
walba oo dunida taalla oo aan helin ilma uu eegto si faraciisa usii jiro,
wuxuu raali ku yahay in wax walba laga qaado si hal wiil ama hal gabadh uu
u helo hadabay suuragalayso. Waxaan layaabay maalintii u danbeysay sanadkii
galbaday ayaan ka qaybgalay dhamaadkii wadahadallada Suudaanta oo lagu
qabtay Nefasha, waxaa goobtii yimid Madaxweynaha dalka Suudaan Cumar
Albashiir, wariye R/Carbeed ah ayaa igu yiri Fahad ma'ogtahay in Al-Bashiir
uusan ilama lahayn? Waan maqlay ayaan ku iri. Waxaan sheekadii ku soo
gabagabeyna maanta hadii lagu dhaho Madaxweyne-nimada ka dag wiil ama
gabadhna halagu siiyo si niyadsami ah ayuu ku aqbali lahaa.
Soomaalida
qurbaha ku nool dhibaatooyin aad u adag ayaa haysta, waxaana kamid ah midda
hada haysata gabadhan dagan Norweyn ee maanta laga fara-mariyey ilmeheedii,
hadana aysan u muuqan wax ay qaban karto marka laga reebo iney oohin iyo
baryo eebbe isku darto.
Waa igu khalad
ah inaan hada hooyadaas Soomaaliyeed ku canaanano maxaad markii hore dhul
aadan dhaqankiisa iyo nolashiisa aqoon ka doontay, wallow aan ogahay in
dhibaatooyin-kaas iyo kuwa lamid ah ee Soomaalida qurbaha joogta ku dhaca ay
iyagu sabab u yihiin in ilmahoodii ay dajiyeen meelo aysan wax kaqaban karin
haddii uu dhib ku dhaco. Waxaanse maanta dareemayaa murugo iyo naxdin joogto
maadama ay gabadhan walaasheen ah ilmaheeda gaalo ka qaadatay, oo ay balo
korineyso, ayna nolol la qaybsanayaan Shaydaanu-Insi xoog ku korsada ubada
uusan dhalin.
Porofesar u
dhashay dalka Ingiriiska ayaa igu yiri, hadaanu nahay bulshada R/Galbeedka
waxaanu dhuminay dhamaan qiimihii ay noloshu lahayd, wuxuu yiri marka aan
dalalka Muslimka joogo ayaan dareemaa nolol raaxa leh, laakiin goorta an
dalkeyga ku noqdo waxaan u muuqdaa sidii nin wadan uusan u dhalan jooga.
Hadalkaas wuxuu ka tarjumaya nolosha dhabta ah ee taala dalalka R/Galbeedka.
Waxaa nasiib darro ah in ilaa iyo hadda caruur Soomaliyeed lagu sii wado
dhulalkaas iyadoo laga raadinayo quutul-yoon, waxaadna moodaa in Soomaalidu
ay xal u raadiyeen cunto, laakiin aysan ka fakarin dibta ku iman karta
ruuxdooda iyo dareenkooda waalid-nimo.
Waxaan dhamaan
umadda Soomaliyeed ka codsanayaa iney u gaar-gaaraan Hooyadan Soomaaliyeed
ee ay murugadu ku hayso Norwey. Waxay u baahantahay in loo qabto arimaha soo
socda.
-
Mudahaaraad weyn in loo dhigo si
loomuujiyo dhibaatada intay le'eg-tahay. si Hooyada ilamaha ka
maqanyihiinna ay u dareento iney tol-leedahay.
-
Shirar isdaba-jooga in loo qabto
Soomaalida ku nool Norwey iyo wadamada ku dhawdhaw, si loo helo taladii
loogu soo celin-lahaa ilamahan la afduubay.
-
Hooyadan murugadu ku habsatay in loo
sameeyo dad Soomaali-nimo ugu tago oo laqaybsada walwalka haya, lana
xusuusiyo in musiibada ku dhacday ay tahay imitixaan loogana
baahan-yahay iney ku sabirto ilaahayna barido.
-
Culimada Soomaalida eeku nool wadamadaas,
waxaa waajib ku ah iney muujiyaan talaabo wax ku ool ah. Waa iney
qabtaan Muxaadarooyin iyo kulamo joogto oo looga hadlayo dhibta haysata
Hooyadan Soomaaliyeed, isla-markaasna ay talo kabixiyaan waxa la gudboon
Soomaalida ku nool wadamada Galbeedka.
Waxaan isku
dayey inaan helo Telefanka Hooyadan dhibaateysay laakiin iima suuragalin.
Waxaan halkan ka leeyahay. Ilaahay ayaa kuu qadaray in imtixaanka kugu dhaco,
sidaas awgeed Ilaahay bari, aadna ugu ilxaaxi baryada. Anaguna waxaan
ilaahay kaaga baryeynaa inuu dhibta kaa khafiifiyo si degdeg ahna ay
ilmahaagii kuugu soo laabtaan.
Fahad
Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@hotmail.com ama
editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya | Jan 3, 2005
URL:
www.SomaliTalk.com/fahad
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|