Goortii uu geeryooday
Madaxweynihi Suuriya Xaafid Al-Asad ayaa taladii dalka lagu
wareejiyey wiilkiisii Bashaar Al-Asad. Saxafi R/Suuriya ayaa
maqaal uu qoray ku yiri
(Aniga oo yar ayaan darbiyada
Dimashqi ku arki jiray qoraal weyn oo darbiga lagu dhajiyey, oo
ay ku qorantahay Al-Asad Ilal-Abad, oo ah, Asad hajiro wiligii.
Waan fahmi waayey waxa laga wado, anoo islahaa oo sow
geeryoon-maayo, goortiise talada dalka loo dhiibay Bashaar Al-Asad
ayaan gartay in laga waday R/Asad ayaa waligood talada dalka
hayndoona).
Waa sidaasee, maalintii uu C/Laahi
Yuusuf soo bandhigay barnaamijkii lagu dooranlahaa, ayaa
madashii shirka laga qaybiyey buuggiisii tartanka madaxtinimada.
Buuggaas oo ay dusha sare uga qorneyd ( Aragtida Soomaaliyada
cusub) waxaa la'isweydiiyey macnaha dhabta ah ee loola jeedo
Soomaaliyada cusub, sidoo kale, waa maxay aragtida ay wataan
dadkan cusub ee Soomaaliya gacanta loo galin doono. Waxaanse
hadalkii la fahmay galabkii lamagacaabay golihii Wasiiradda oo
ay halkaas ka cadaatay in Soomaaliya ay u gacan gashay aragti
cusub, lana-qoon-daynayo in la abuuro Soomaali cusub oo tii hore
kaduwan masakax-ahaan iyo dhaqan-ahaan. Waxaana goobtaas ka soo
baxday qodobadan soo socda.
1. In Itoobiya ay gacanta
nagu dhigtay oo ay manta farxad iyo rayn-rayn u tahay. 15.Sano
haday hortaag-neyd in Soomaaliya ay dowlad yeelato, waxay maanta
gaartay halkii ay Soomaali karbtay, oo ah, iney dhisato dowlad
ay iyadu hagto xubnaheeda.
2. Haddii looga adkaaday
doorashadii Gudoomiyaha Barlamaanka, waxay ku dadaashay in
khasaare danbe uusan ka soo gaarin jagooyinka soo haray. Waxay
heshay Madaxwenihii ay rabtay. Waxay shardi ka dhigtay in R/Wasaaraha
uu noqdo nin iyaga xiriir la leh. Sidoo kalana in golaha
Wasiirrada ay u bataan raggii ay Soomaaliya ku lahayd.
3. Itoobiya waxay ku
dadaashay in jaga kasta oo muhim ah u hesho nin iyaga toos ugu
xiran, si hadhaw ay ugu sahlanaato markey doonto iney kala fur-furto.
4. Wasaaradda Gashaan-dhigga
oo uu markii hore ku qornaa nin aan xiriir hoose lalahayn
Itoobiya, waa laga tir-tiray oo waxay yiraahdeen, Waaba
Wasaaradda kaliya ee aan Soomaali kala xaajoon doonnee, sidee
loogu dhiibi karaa nimaan anaga na’ahayn.
5. Soomaalida badan-keedu
waxay ogtahay in golihii Wasiirrada sidii markii hore loo qoray
oo ay dadku badankiisu ku qanac-sanaayeen, in la bad-badalay
saacadihii ugu danbeeyey, iyadoo loo dhisay si ay Itoobiya ku
qanci karto, hadday rabto Soomaali haka gadoodee.
6. Warar hoose ayaan ku
helnay, in Ragga qaar oo ay kamid yihiin Shaati-guduud. Barre
Hiiraale. Cabdi Tarax ay ku sigteen in liis-kaba laga saaro.
Waxaase laga furfuri waayey Madaxweynaha, iyadoo xal-dhexe looga
dhigay in loo dhiibo Wasaarado aan lug ku lahayn xiriirka
Itoobiya.
7. Golihii Samata-bixinta oo
matalayey Siyaasadaha Itoobiya ka soo horjeeda, daadka ayaa la
raaciyey, sida wax loo xulayana talo lagama-siin, odaya-doodiina
waxaa loo dhiibay Wasaarado aan Siyaasadda xiriir lalahayn.
8. Dad badani wey filayeen in
Itoobiya ay sidaan wax u maamuli doonto, waxaase lamoodayey in
Madax-weynaha iyo R/Wasaarahuba ay fahmi karaan khatarta ay
leedahay in la dhiso dowlad hal garab ah. Waxaana la sugayey
iney dhisi doonaan dowlad isku dhaf ah, si-dunida iyo
Soomaalidaba loogu qanciyo in la unkay dowlad midnimo qaran.
9. Wadanka ay dowladu
haddeer qoxootiga ku joogto waxaa ka dhisan dowlad qaran oo
axzaabta wadanka oo dhan laga qayb-galiyey, taasoo ay keentay
markii Madaweynaha Kenya uu dareemay in shucuurtii shacabku
kacsan-yahay ayuu is yiri, waa inaad dhistaa dowlad loo
dhanyahay. Waxaa hadaba is-weydiin mudan. Madaxweyne C/Laahi
Yuusuf iyo R/Wasaare Cali Geeddi miyey garan waayeen in dalka
Soomaaliya uu ka mushkilad badan-yahay dalka Kenya.
Dhakhaatiirta waxaa lagu xantaa
iney qalbi adagyihiin, oo aysan ka nixin waxyaaba badan oo ay
dadka kale u nugul-yihiin. Haddiise wadanku khatar galo wey
dhici kartaa iney jilcaan. Ka waran haddii uu ilmeeyey Dr Cali
Baashi iyadoo laga waraysanayo Idaacadda Hornafrik. Waxaa ka
muuqatay inuu arko dalkiisii oo haadaan ka sii dhacaya. Itoobiya
oo hanatay madaxdii Soomaalida oo u tilmaameysa sida danteeda ay
ku jirto, misana madaxdii Soomaalida ay yeelayaan taas.
Jen: Adan Gebyow wuxuu Eldoret
soo hor-istaagay Soomaalida isagoo ilmeynaya ayuu yiri.
Soomaaliyey waxa la idinla damacsan-yahay hadaad ogaan lahaydeen
meesha aad maanta joogtaan ma’aydnan fadhideen.
Dowladan loo dhisay S.R.R.C.da
ee laga fogeeyey qaybihii kale ee Soomaalida, haddii uu
Barlamaanku aqbalo waxay iyaduna muujin-doontaa in Baarlaman-kana
uu noqday mid ay hagaan kooxaha Itoobiya gacan-saarka laleh.
Haddiise ay boorka iska jafaan, waxaa muuqan-doonta inuu yahay
Baarlamaan Soomaaliyeed.
Shacabka Soomaaliduna wuxuu
hadda guuxoodu yahay dowlad Itoobiya hoosta kawado iney
Soomaaliya ka caga-dhigato laguma-talagalin.
Isweydiintu waxay tahay
Aragtida Soomaaliyada cusub maliqi-doonaan shacabku.