QAYBAHAAN AYAA DALKII DAYACAY
Dalkan
waa dayacan-yahay ee yaa dayacay? Yaa noo maqan?
Raggii dalkan lahaa xagay aadeen? Xadaarad ay
shacabku leeyihiin miyeysan jirin? Waxaad
arkaysaa adigoo mararka qaar inkiraya inaad
tahay Soomaali, waana goorta uu qof ajnabi ahi
ku dhaho: War ma dalka dhawr iyo tabanka sano
dowlad la’aanta ah ayaad ka dhalatay? Sow
Tiiraanyo ma’ahan?
Waxaa dalkan
dayacay dadkiisii. Waxayna kala yihiin dhawrkan
nooc.
Aqoonyahankii oo u qaybsamay labo qaybood.
1. Qayb
xog-haye-yaal u noqday dagaal-oogayaashii, oo u
diyaariya warqadaha ay khudbooyinka ka
akhrin-doonaan, walibana aad arkayso iyagoo ku
qanacsan, markaad damacdo inaad ku canaanatana
wuxuu ku dhihi: Duruufta ayaa nagu khasbaysa
inaan sidan ku noolaano, laakiin waan ogahay
iney wax xun tahay.
2. Qayb
banaanka ka istaagtay oo isku qancisay in hadeer
dalkan la dayaco oo laga dhexbaxo. Waxay sidaas
ugu marmarsiyoo-nayaan. Dalkii haddeer dad xun
ayaa ka taliya inaguna kuwaas wax lama qaybsan
karno, sidaas awgeed ilaa la soo gaaro dawr aan
wax ka qaadan karno waanu ka gaabsanaynaa.
Culimaddii
waxay u qaybsameen saddex qolo.
1. Qayb intii
dagaalkii socday fatwada ku kaalmeyn jiray hadba
dad dilaha ay isku beesha-yihiin. Wuxuu ciidanka
u sheegayey: Jahaad ayaad ku jirtaanee xoolaha
R/Hebal dhaca, ciidan-kooda laaya. Rabbi ayaa
ajar idin siinayee Reerkaas ka adkaada.
2. Qayb
dagaaladii sokeeye ka qayb-qadatay ooba dad
Muslimiin ah wax ka laayey iyagoo islahaa diinta
u gargaara oo magaca ilaahay kor u qaada. Taasi
waxay dhashay in Sheekhii loo arko mid kamid ah
dad dilayaasha ay Soomaalidu kahsato.
3. Qayb aan
waxba katarin siyaasadda, waxnana dhimin. Waa
noole aan dhaqdhaqaaq ku dhex lahayn siyaasaddii
dalkiisa. Hadduu dagaal geli lahaa iney xaaraam
tahay ayuu ogyahay. Hadduu wax islaaxin lahaana
wuxuu isleeyahay dadkan waxba haku darsan. Qolo
fiican waagii ay timaado adigu wax qabo. Wuxuu
lamid yahay qaybta labaad ee aqoon-yahaka ee kor
ku xusan.
Ganacsatada
oo iyaguna sadex qaybood ah.
1. Qayb
masuulba ka’ah dhibtii dalkan ka dhacday oo dhan.
Iyaga ayaa bixiyey dhaqaalihii ay dad dilayaashu
wax ku dilayeen. Iyaga ayaa u sahlay inuu kala
laaluusho qaybaha kala duwan ee Soomaalida. Waa
kuwa ugu danbiga badan wixii soomaali ka
dhexdhacay oo dhan. Dad dile walba waxaa soo
saaray lacag wax ku dile ciddooda ah.
2. Qayb sii
tir-tirtay intii ka hartay noloshii bulshada.
Waxay dalka keeneen wax kastoo dhacay oo cunta
ama daawo ah. Waxay foojareeyeen wixii nolosha
ay ku xirnayd sida lacagta. Basabaaroka. Waxay
bililiqaysteen dhuxushii dalka. Birihii dalka.
Xoolihii aan la dhoofin jirin. Kuwan waa cunsur
ka xun wiilasha qoryaha sita.
3. Qayb
noloshooda ku ekaaday waxay cunaan mooye aan cid
kale dan kalahayn. Dabcan xalaal ayey cunaan,
xumaanna kulama kacaan shacbiga intiisii kale.
Waxayse gabeen iney dalka wax ku leeyihiin oo ay
masuuliyadi ka saarantahay. Waa niman tooda
mooye aan dal oo dhan dan kalahayn.
Siyaasiyiintuna waa sadex qolo.
1. Qayb
heshay fursad dayacan oo ah kuwoodii aan
damiirka lahayn, laakiin la nool shacab ka sii
damiir liita oo isagaas ka dhiganaya ninkii
matalayey beesha. Dad dilahani qofkuu dilo
beesha ayaa magtiisa bixisa, haddii isaga cid
laga dilana beesha ayaa difaacda. Wuxuu
isu-haystaa ninkii ilaalinayey dantii
qabiilkiisa. Tolkiisuna waxay uhaystaan ninkii
beesha difaaceeda u taagnaa. Hawsha uu u hayo oo
dhanna waa inuu dad dilo ama beesha dad laga
dilo.
2. Qayb waxa
qaban lahayd waxna tari lahayd laakiin kuwan
dabagalay oo iyaga la shaqeeya, wax u qora,
shirarka uga hadla, usheega sida uu wax ku noqon
karo. Taasna waxaa ka keentay isagoo iska
dhaadhiciyey adigu manta laguma rabo ee midkan
iskala soco, oo adna noolow ,isna koleyba waxba
gaari mayee sii lugoo.
3. Qaybtii
waxma tarayaasha ahayd waa kuwii aan kor ku soo
sheegnay. Ishay wax ka fiirsadaan, iyagoo og
ineysan dalkooda wax u qaban ayey sugayaan in
loo yeero oo la dhaho kaalaya na horkac adinkaa
Siyaasadda nagu dhaamee. Wuxuu leeyahay anigu
markii la gaaro doorasho xor ah ayaan siyaasadda
soo galayaa, laakiin inta ay wax waliba qabiil
yihiin sharaftayda ayaa ka weyn inaan magac
qabiil ku shaqeeyo.
Saxafiyiinta
oo iyaguna laba qaybood ah.
1. Qayb
danays-tayaal ah oo aan mabda’ lahayn, hadba
ninkii ay markaas dantooda ku jirto la shaqeeya
oo ugu adeega fikrad yar oo cariiri ah, kadibna
dadka intiisa kale kula colooba sidaas. Waxaad
arkaysaa isagoo asbuucba meel taagan, wuxuu
lamid yahay Tax-siile uu kiraysto hadba qofkii
lacag wata. Kuwaani waa baasiinka ugu xun ee
lagu shido dabka uu daarayo dad dilaha.
2. Qayb mabda’
leh oo sharxi karta khatarta dadka haysta, waxayse
u badanyihiin qaybihii aan kor ku soo sheegay,
oo ahaa kuwii sugayey in lagaaro meesha uu isagu
jooga aqoon ahaan, waxaa jira Saxafiyin badan oo
wax weyn tari lahaa laakiin aamusan oo baqaya
ama isleh dadkani kuwii aad wax u sheegi lahayd
ma’ahanee wakhtigaaga sugo.
Waxaan
isleeyahay dalkan dadka dayacan laguma soo koobi
karo hal qoraal. Intaan aan hadda tilaamayna waa
dul-mar kooban una baahan in juhdi badan
lagaliyo oo aad loo falanqeeyo. Qof kasta oo
aqoon leh ayaa laga doonaya inuu sharxo yaa
dayacay dalkan. Marka aan taas isla meel dhigno
ayaan heli karnaa maxaa xal ah?