SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAHAD

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@hotmail.com ama

editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya

URL: www.SomaliTalk.com/fahad

:::FAALLADII ISNIINTA EE FAHAD:::



GO'AANKII BARLAMAANKA IYO GOLIHII WASIIRRADA S.R.R.C. 

WAJI GABAXIII KOOWAAD OO KU DHACAY KOOXAHA ITOOBIYA 

Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo afhayeen u ahaa kooxo katirsan Barlamaanka oo doonayey iney buriyaan sharciyaddii lagu soo dhisay dowladdii uu R/Wasaaraha ka'ahaa Cali Maxamed Geeddi, ayaa akhriyey mooshin ay ku saxiixan-yihiin tiro kor u dhaafaysa 90.Mudane, dhamaantood waxay soo jeediyeen in golihii Wasiirrada iyo Wasiirka koowaadba aysan ahayn xukuumad jirta,  iyadoo la khilaafay dhawr qodob oo kamid ah Axdi Qarameedka, dood iyo dagaal gaaray in gacanta la'iskula tago kadib ayey hawshii ku dhamaatay in 153. Mudane ay gacanta u taageen jiritaan la'aanta xukuumaddii Cali Geeddi.


Prof. Geeddi

Sida aan dad lagu kalsoon-yahay ka helnay, wakhti yar oo ahayd intii qadada lagu maqnaa oo ka horesay bilaabistii codaynta  ayuu C/Laahi Yuusuf Telefan kula soo hadlay Shariif Xasan, wuxuuna ka codsaday inuu dib udhigo codbixinta. Shariifku wuxuu ku jawaabay: Hawshan anigu waxba kama badali karo, sababtoo ah Barlamaanka ayaa isku raacay in maanta ladhameeyo.

Goobtii waxaa laga soo dareeray iyadoo ay 153 Xildhibaan iyo dad taageersanaa ay wajigooda ka muuqatay farxad iyo guul, waxaana garab socday tiro aan dhamayn 50 qof oo murugo iyo fajac muujinayey, halka ay jireen qaar kamid ah Wasiirrada oo qoslayey iyagoo u riqaasanaa in la rido dowladdii ay xubnaha ka'ahaayeen. Kuwii faraxsanaa hadaladii afkooda ka soo baxayey waxaa kamid ahaa: Waa laga soo gudbay xilli kalitaliye-nimada. Soomaaliya waxay leedahay sharci, isaga ayaana lagu kala baxayaa. Halka kuwii la riday ay lahaayeen, haday taayada diidaan anaguna tooda ayaan diidi doonnaa.

Isla habeen-nimadii waxaa shir degdeg ah yeeshay  Madaxweynaha, R/Wasaaraha, iyo golihii Wasiirrada qaarkood. Hadaladii ay meesha ka yiraah-deenna waxaa kamid ahaa: Madaxweynaha oo yiri, go'aankan ma'ahan mid sharci ku dhisan, mana'aqabali doonno, dowladuna sideeda ayey u jiraysaa. Hadallo kaas lamid ahna waxaa yiri R/Wasaaraha, isagoo intaas raaciyey. Cidda arintan ka danbeysa waan naqaanaa waxaana kamid ah qaar ka tirsan isla golaha Wasiirrada, waa arin lagula xisaabtami doono. Waxay habeenkaas ku seexdeen iney diidaan go'aankii Barlamaanka.

Duhur-nimaddii Axaddii ayaa wariye-yaasha loo sheegay in 2.da duhurnimo in golihii Wasiiradu shir ku leeyihiin Hotel Hilton, markiise ay Warfidiyeennadii tageen goobtii waxaa loo diiday iney ka qayb-galaan shirka oo ay dhagaystaan, markii ay shirka ka soo baxeen ayaa ilo lagu kalsoon-yahay sheegeen in R/Wasaarihii uu hadal kooban jeediyey, isagoo yiri. Xalaaddii waa lagu dhexjiraa, in xal loo helana waa lagayaabaa, sidaas awgeed waxaa la idinka codsanayaa in laqaboojiyo wax walba ilaa inta aad war naga heleysaan. Hadalkaas oo ay dad badani u fasirteen in macnihiisu yahay, diidnay go'aankii Barlamaanka.

Isla-galab-nimadii ayaan ogaanay in Dowladda Kenya ay soo dhexgashay arintii, halmeelna la isugu keenay Madaxweynaha, Gudoomiya Barlamaanka, iyo  R/Wasaarihii hore, waxaana goobtii ka dhacday dood kulul oo dhexmartay Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha oo dhinac ah iyo Gudoomiyaha oo dhinac ah. Waxaana Gudoomiyaha laga codsaday inuu dib uga laabto go'aankii shalay, wuxuuna ku jawaabay. Anigu awood umalihi inaan ka hor imaado sharciga, isagoo muujiyey in dowladu ay khilaaftay qodobbo kamid ah Axdi Qarameedka, taasna ay sabab u noqotay in shalay go'aankaas la gaaro.

Markii ay muuqatay in Gudoomiyuhu uusan ahayn nin diyaar u ah inuu la safto labada masuul ee kale, ayey xubnihii ka socday Dowladda Kenya oo kala ahaa Wasiirka Iskaashiga Gobolka oo ah u qaybsana arimaha Soomaaliya, iyo Safiirka Kenya ee Soomaaliya, ayaa ku qanciyey Madaxweynihi inuu qaato go'aanka Barlamaanka, uuna dib usoo magacaabo R/Wasaare, taasna waa uu ku qancay Madaxwenuhu, waxaana shirkii laga soo baxay iyadoo Madaxwenaha uu aqbalay natiijadii dorraad, wuxuuna Gudoomiyuhu qoray warqad uu Madaxweyna ku ogaysiinayo inuu dib usoo magacaabo R/Wasarihii dowladda soo dhisi lahaa.

Haddii Cali Maxamed Geeddi uu hubsaday inuusan hadda ahayn R/Wasaare, wuxuu bilaabay dhaqdhaqaaq Siyaasadeed iyo inuu xiriir toos ah la yeesho xubnaha Barlamaanka, si uu ugu qanciyo iney aqbalaan haddii dib loo soo magacaabo, waxaana shalay galab ilaa xalay la'arkayey "Geedi" oo dhexmaraya qolalka ay daganyihiin Xildhibaanada oo mid-mid ku soo booqanaya halka uu joogo, isagoo midwalba u dhiibay fariintan: Waxaan jecelahay in wixii dhacay la ilaawo, oo hadda aan gacmaha isqabsanno, aniga wixii la iga tabanayeyna inaan saxo ayaan diyaar u ahay.

abdulahi yusuf ahmed
MDFKMG, C/Lahi Yuusuf Axmed

Warar aan ka helay dad ku dhawdhaw Madaxweynaha ayaa tilmaamay in mar labaad dib loo soo magacaabi doono isla Cali Maxamed Geeddi, sida sharcigu dhigayana  Madaxweynuhu wuxuu xaq u leeyahay soo celinta R/Wasaaraha laba jeer. Mudanayaasha qaarkood oo aan la xiriirnay ayaa noo muujiyey in haddii la soo celiyo "Geedi" aysan siin doonin kalsooni, iyagoo leh. Intaanan baran kahor hadii naloo keeni lahaa waanu siin lahayn codka kalsoonida, laakiin hadeer waanu baranay, oo waa nin u gafay oo caayey xubnaha Barlamaanka, sidoo kale shirar hoose oo ay galeen ilaa xalay xubnaha Beelaha Hawiye ugu jira Golaha Shacabka, waxay muujiyeen in "Geeddi" uusan ahayn nin ay rabaan, waxayna yirahadeen Madaxweynuhu wuu soo celin karaa, laakiin anagu kalsoonida masiin doonno.

Dad badan ayaa qaba in Cali Maxamed Geeddi ay ku haboontahay inuu dhawrto mustaqbalkiisa Siyaasadeed, uuna istiqaalo dhiibo, si'aysan ceeb labaad ugu dhicin.

Waxaan isku dayi doonaa in Isniinta soo socota aan idiin soo bandhigo wixii keenay in la rido dowlad uu hogaaminayo nin Aqoon-yahan ah oo aan ka qayb-galin dagaalladii sokeeye. Faallada Isniintanna waxaan jecleystay iney noqoto mid xog iyo warbixin ku kooban oo kaliya.

Dowladaha daneeya Soomaaliya ayey wararku sheegayaan inay ku taliyeen inaan dib loo soo magacaabin isla Cali Geeddi, laakiin dowladda Itoobiya waxay ku talineysaa in dib loo soo magacaabo mudane Geeddi.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@hotmail.com ama
editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya | Dec 13, 2004

URL: www.SomaliTalk.com/fahad

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
KHATARTA INTERNETKA
Allah Is Great
Sheekh Cumar Faaruuq oo Bixiyey Waraysi Dhinacyo Badan Taabanaya
Waraysiga waxaa qaaday Siciid A. | K/Afrika  



HTML CD