SOMALITALK.COM
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

| Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAHAD

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@hotmail.com ama

editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya

URL: www.SomaliTalk.com/fahad

:::FAALLADII ISNIINTA EE FAHAD:::



MADAXWEYNUHU WAA DIBAD JOOGE WAANA BAASABOOR LA’AAN. 

Baasaboorku waa astaanta sharafeed

Todobaadkii hore ayaan booqday Muqdisho. Hooyo Soomaaliyeed ayaan ku iri masoo dhaweyneysaa dowladda iyo Madaxweynahaba? Waxay tiri. Eeddo waxaan maqlay in Madaxweynuhu uusanba narabin, oo uusan nooba soo socon. Waxaa la yiri. C/Laahi Yuusuf Xamar majecla, oo inuu meel kale dago ayuu rabaa, sidaas awgeed haddiiba uusan isagiiba narabin, anagu sideen usoo dhawaynaa.

C/Laahi Yuusuf  waxaa u dhamaatay 3. Bilood oo uu dibad joog yahay. Waxaa layaab leh halkii uu kusoo cararay isagoo baxsad ah ayuu ku noqday Madaxweynaha Soomaaliya. Dhawr safar ayuu galay, laakiin waxay wada-ahaayeen safarro dibada ah, oo dalkii wali masoo booqan, waxayna kalayihiin Itoobiya. Masar. Yaman. Iyo Sacuudiga. Dhamaantood wax la taaban karo kama keenin, haday tahay dhaqaale, haday tahay taageero Siyaasadeed I.W.M. marka laga reebo Madaxweynaha Yaman Cali Cabdalla Saalax oo u balanqaaday inuu wax la qaban-doono, iyo inuu kala hadlay Madaxweynaha Maraykanka isagoo u sheegay in C/Laahi Yuusuf uu yahay ninkii wax ka qaban lahaa Argagixisada G/Afrika.

Xalay oo aan waraysi siiyey Idaacadda Horn Afrik waxaan u sheegay in Madaxweynuhu uusan haysanin xiriirka wanaagsan ee wadamada Carabta, iridda uu ka galayna waa Yaman, sida aan ognahayna Yaman waxay kamid tahay wadamada dunida ugu faqiirsan. Waa dhici kartaa iney waxtar Siyaasadeed qabato, laakiin wax tar dhaqaale mabixin karaan. Soomaaliyana maanta hanti [lacag-caddaan ah "Cash"] ah ayey u baahantahay. Madaxda sare ee dowladda ayaa laga rabaa iney keenaan caqligii wax lagu furdaamin lahaa. Wadamada Carabtana latuso wixii ay ku qanci-lahaayeen.


Cali Cabdalla Saalax: Maraykanku hadduu taageero hogaanka cusub ee Soomaaliya, qayb ayey ka qadaneysaa ka hortagga argagisada.
| Nov, 2004

T.V. Carbeed ayaa la soo xiriiray Wariyahooda jooga Nayrobi isagoo ka waraysanayey xaalada Soomaalida. Kolkaas ayuu u sheegay in Nayrobi ay ku sugan-yihiin Barlamaankii. Madaxweynihii. R/Wasaarihii. Iyo dhamaan golihii Wasiirrada, wariyihii joogay xarunta T.V.ga ayaa inta yaabay yiri. Waxaad ka sheekeyneyso umad jiritaan leh ma’ahan. Markaasuu ugu jawaabay. Nabad-galyo xumo ayaa ka jirta Soomaaliya sidaas ayey halkan u joogaan. Inta qoslay ayuu ku yiri. Waxaa u dhaanta iney wadan-kooda ku dhex dhintaan intii ay dibadda joog ahaan-lahaayeen. Wuxuuna hadalkii ku soo koobay kuwan ma’istaahilaan in aan wararkooda dunida gaarsiinno.

Dowladdii waa la dhisay, ha’ahaato baqdin awgeed ama tala xumo awgeedee, meeley aado mataqaaan,. Diblomaasi R/Galbeed ah ayaa yiri. C/Laahi Yuusuf wuxuu noo sheegi jiray inuu ka adkaan doono Argagixisada haddii lagu taageero tartanka Madax-tinimada, laakiin markii ladoortay waxaa noo cadaatay in isagiiba uu ka baqayo Argagixisadii oo uuba naftiisa ku’aamini la’yahay inuu dago Caasimadda Soomaaliya.


Burhanuddin Rabbani oo ka hadlaya Qaramada Midoobey, Sept 9, 2000 |
Sawirka: UN TV

Burhaanu-diin Rabbaani waa ninka lasoo xusuusto marka la soo qaadayo Madaxweyne dibad-jooge ah. Rabbaani wuxuu ku wareegi jiray caasimadaha caalamka, wuxuuna ka qayb-gali jiray shirarka caalamiga ah, dunidu waxay u aqoon-sanayd inuu yahay Madaxweynaha sharciga ah ee Afgaanistaan, waxaana sabab u ahaa gudihii dalka oo ay la wareegay ururkii Daalibaan, duniduna marabin iney aqoonsato dowladaas diinta ku dhisay. Su’aasha isweydiinta lihi waxay tahay Madaxwenaha lagama qabsan Soomaaliya oo xoog ugama soo bixin, dalkiina kama jirto hal awood oo sida Daalibaan oo kale ah oo wadanka xukunta, hadaba Muxuu u aadi la’yahay Soomaaliya, ama xitaa hal booqasho ugu tagi waayey?

C/Qaasim dowladiisii gudaha Soomaaliya ayuu ku dhistay, marka safar dibadda uu u baxayona Caasimadii Soomaaliya ayuu ka dhoofayey. Wuxuu dunida oo dhan ku marayey Baasaboor Soomaali ah. Dal’aan Basaborka Soomaaliga ah aqoonsaneyn ma booqanin inuu joogaba iskadaayee. Wuxuu u muuqday nin aysan dadka colaadi dhex oolin oo deegaanada qaar booqan kara, caasimadiina iska dhex joogi kara, yuusanba wada xukuminee. (Dibad jooge ayey u dhaantay).

May 17, 04: C/laahi Yuusuf oo saddex maalmood lagu xayiray Airoprka Dubai baasaboorka Soomaaliga awgiis, Guji...

May 15, 04: C/qqasim oo ka ashtakoonaya mamnuucida baasaboorka Soomaaliga ee Kenya iyo UAE..Guji

May 13, 04: Mar uu C/Qaasim Salaad Xasan ka hadlayay baasaboorka Soomaaliyeed ay joojisay dowladda Imaaraadka Carabta waxa uu sheegay in warkaasi uu yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn.. Guji

MAY 12, 04: Xuseen Maxamed Bulaale oo ah Safiirka u fadhiya DKMG Waddanka Imaaraaadka ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin in Baasaboorka Soomaaliya laga mamnuucay Imaaraadka... Guji..

MAY 11, 04: Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka DKMG  Xuseen Saalax  ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin Go’aanka ay Imaaraadka Carabtu ku mamnuucday Baasaboorka Soomaaliga... Guji..

MAY 10, 04: Warar ayaa waxay sheegayaan in dowladda Imaraadka Carabta ay fulineyso qoraal ay dowladda KMG ah horey ugu dirtay ee ahaa in ay soo sameysanayso Baasaboor, kaasoo la sheegay in ay bixin doonaan safaaradaha Soomaaliya ku leedahay dalalka Jaamacadda Carabta. Guji..

DGPL: Maya Baasaboorka Kenya

Puntland oo Mamnuucday Baasaboorka Kenya

Kenya oo mamnuucday in dalkeeda lagu soo galo baasaboorka Soomaaliga

CUNA QABATAYNTA LAGU SOO ROGAY BAASABOORKA SOOMAALIGA
Iyo saamaynta xooggan ee uu kuyeelan doono ganacsiga iyo guud ahaan dhaqdhaqaaqa shacabka Soomaaliyeed Faalladii salxudin

May 11, 2004: Maantana waa Dalka UAE oo dadka baasaboorrada Soomaaliyeed wata ka mamnuucaya dal-ku-gal (visa)!

C/Laahi Yuusuf wuxuu Madaxwene-nimada ka helay taratankii lagu galay dalka Kenya. Waxaa kale oo yaab leh 1978.kii halkii uu yimid isagoo Basaboorkiisa la’aqoonsanyahay, ayuu maanta joogaa isagoo ah Madaxweyne aan Basaboorkiisa la ictiraafsanayn. Dad badan ayaa leh. Haddii uu C/Laahi garan-waayey inuu dowladda Kenya ka codsado iney furaan Basaboorka Soomaaliga ma wuxuu xalin doonaa dhibaatooyinka waaweyn ee horyaalla. Waxaa laga rajo qabaa haddii Dowladda Kenya uu Madaxweynaha Soomaaliya si Diblomaasi ah uga codsan lahaa iney suuragali lahayd fasaxidda Basaboorka Soomaaliga ah.

Basaboorku waa astaanta sharafeed ee uu dalku leeyahay, in lamamnuuca Basaboorka Soomaaliya waa duulaankii ugu xumaa ee lagu qaaday Bulshada Soomaalida. Waxayna marag u tahay sida loo nacay ama loo tuuray dadka Soomaalida. Waxaa la filayey in C/Laahi Yuusuf uu dhibsan doona inuu noqdo Madaxweynihii ugu horeeyey dunida oo Basaboor la’aan sheegta inuu dal madax ka yahay, waxayna kamid noqon doonta dhacdooyinka uu taariikhda ku gali doono. Dhisiddii Barlamaanka Soomaalida kadib ayuu isagoo ah Madaxweynaha Puntland u safray dalal dibada ah, wuxuu ku xanibmay dalka Imaaraadka oo uu saacado badan ku xayirnaa garoonka Dubai, taasoo ay sabab u ahayd isagoo ku soo aaday wakhtigii ay dowladda Imaaradka soo saartay go’aan-keedii ku’aadana Basaboorka Soomaaliga.

Waxaan kamid ahaa dadkii u cudurdaarayey oo lahaa hadde waxba kama uu qaban karo maxaayeelay isagu ma’ahan Madaxweyne Soomaaliyeed, hawshaasna waxay utaalla dowlad Soomaaliyeed. Maantase C/Laahi Yuusuf waa Madaxweyne Soomaaliyeed looma hayo wax cudurdaar ah oo sabab looga dhigi karo inuusan waxba kaqaban Baasaboor la’aanta haysata Madaxweynihi Soomaaliya (Oo ah isaga qudhiisa).

Dowladda Kenya iyo dowlado kale oo carbeed ayaa mamnuucay Basaboorka Soomaaliga ah, sababta ay go’aankaas u qaateen waa mid ku dhisan ilaalinta donahooda gaarka u ah, mana’ahan wax ay qofwalba u sharxi karaan, waxaase la quud-dareynayaa haddii ay dowladda Soomaaliyeed u sheegto wax ay ku qanci karto iney ka noqoneyso go’aankaas.

Waxaan ka xumahay in Madaxweynihii Soomaaliya uu Baasaboor la’aan-yahay sida aan uga xumahay inuusan dalkii wali tagin. Oo uu yahay dibad jooge .

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@hotmail.com ama
editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya | Jan 17, 2005

.. XAMAR IYO XALKA SOOMAALIYA.  


URL: www.SomaliTalk.com/fahad

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
KHATARTA INTERNETKA
 



HTML CD