SOMALITALK.COM
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

| Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAHAD


SUUFIYADA IYO BISHA SOONKA.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@gmail.com

:::FAALLADII ISNIINTA EE FAHAD:::

 Octobar 24, 2005


Bisha Ramadaan waxay kamid-tahay bilaha sida-weyn ugu sharfan diinteenna Islaamka. Ilaahay ayaa ku tilmaamay iney qiima gooni ah leedahay. Waxayna ku sumaday-santahay iney tahay bishii uu Rabigeen Quraanka soo dajiyey.

Sidaasoo ay tahay waxaa caado noqotay in la’isku khilaafo bilowga iyo dhamaadka bishaas, dooduna waxay salka ku haysa yaa lagu raacayaa ama yaa xaqiijinaya in bishii ramadaan dhalatay, iyo iney idlaatay.

Inta badan doodu waxay u dhaxaysa laba qolo oo kala ah, qayb lasoonta Sacuudiga iyo qayb joogtay-satay iney si joogta ah u khilaafaan hadba siday dowlada Sacuudigu sheegto.

Kuwooda marwalba khilaafka dhaliya waxaa hormuud u ah koox culimo ah oo lagu yaqaan magaca Culimada Suufiyada. Taariikhiyan Suufi waxaa loo yaqaanay saafiyeelka nafta oo shahwada iyo sheydaanka oo yac laga dhaho.

Waayadii danbe waxaa magacii Suufiyada wasakheeyey qolyo koox ah oo khuraafo xanbaarsan, oo shirki iyo bidco ku dhex barbaaray, kadibna isku dayey iney diimeeyaan oo ay shaar sunno ah huwiyaan.

Oday Soomaaliyeed aya lagu yiri: Wadaad mataqaan? Waa kan diinta u go’ay buu yiri. Macallinna waa kee baa lagu yiri? Wadaadka quraanka dhiga ee dugsiyo badan kiciyey baa ladhaha buu ku jawaabay. Suufina waa kee baa loogu daray? Waa nin karmeed xoog-saaya ayuu ku tilmaamay.

Tafsiirkan danbe waxaa u dhaqan eg kooxo badan oo magaca Suufiyada sheegta, oo waxaa la’arkay rag badan oo caqli badni u dhashay, asii shaqo waayey, kadibna ogaaday in dariiqanimo iyo shaarka Suufiyada in lagu noolaan-karo, iyadoo laga faa’iidaysano diin jacaylka shacabka Soomaaliyeed.

Bisha halmar bey dhalataa, halmarna wey dhacdaa, maxaa keenay marka in la’is khilaafo? Waa laba sababood midood. Tan koowaad: Kala duwanaansho aragtida fiqiga Islaamiga ah. Tan labaad: Rag iska cele oo run kastana diid.

Tan hore xal waa loo heli-karaa, ee waxaan daawo loo heleynin qolada labaad. Suufiyada qaarkooda waxay ramadaanka caadaystay iney inta badan muslimka ka haraan, waxay u egyihiin kooxda labaad, oo waxaa ku jira qorshe ah awoodina waxaad ku ogaan-kartaan inaad ka hartaan hadba fariinta Sacuudiga ka timaada, oo sheegaysa dhalashadii soonka ama subaxa ciidul-fidriga.

Maxay kaa dhibtaa hadii Sacuudiga kaliya la diidan-yahay, waxay waayadii danbe bilaabeen iney xitaa diidaan haddii isla magalaadas laga helo, laakiin ay ka horsheegaan wadaada sacuudiga lasooma, ee ay isugu midka tahay hadba meeshii muslim joogo oo laga arko.

Waxaa aad loola-yaabay qoladan Suufiyada ah Sucuudiga wey ku raacaan ciiddul adxada, oo wey ka rumaystaan in maalintaas ay tahay maalin ciid ah, waxayse isla Sacuudiga ka beeneystaan maalinta ciiddul-fidriga! Sababta waa arin aysan iyagu xitaa jawaab dadka qancisa u heleynin.

Sheekh Suufi ah ayaan maalin arintan kawada hadalnay, waxaan ku iri: Wadaadow maxaad ku diideen inaad Sacuudiga la soontaan? Waa Wahaabiyo oo waa bidco, warkoodana lama rumaysan-karo, sidaas awgeed warkooda ilaahay ku caabidu-meyno. Waxaan weydiiyey salaada iyo soonka keebay muhim-tahay in aad loo hubiyo? Wuxuu yiri: waa isku mid, laakiin Salaada ayaa joogta ah.  Xagee loo tukadaa ayaan u raacshay. Wuxuu yiri: Qiblada. Xagay ku taallaa wadaadow baan iri? Makka sow kumataal buu yiri. Makka lafteedu waa xagee? Maxaad ka wadaa buu yiri? Sow Sacuudiga kuma taal baan ku iri? Taas yaa isku diidan kuye. Halkaas markaan marayno ayaan ku iri: Wadaadow Sacuudigu iney Qibladii badaleen oo ay jiho kale u wareejiyeen maxaad ka ogtahay? Inta xanaaqay ayuu yiri: War sow Muslim ma’ahan sidey falkaas ugu kacaayaan? Adeer salad-diiba ku’aamintayee maad soonkana ku’aamintid? Walaahi iyana waa gar ayuu hadalkii ku soo koobay.


MADAXWEYNE SHEEKH NOQDAY. R/WASAARE AW NOQDAY. IYO SHEEKH SIYAASI NOQDAY.

Bal kawaran adigu haddii Sacuudiga ay ku’aamineen in Xajarul-Awsadkii ay sidiisa ku ilaaliyaan, hadana lagu aamini la’yahay run ka sheegida dhalashada bisha ramadaan.

Taas waxaa kadaran Suufiyadu waxay caado ka dhigteen iney si toos ah u diidaan hadiiba xitaa bisha laga arko halka magaalo oo ay culimada kale isla joogaan, waxaa u qorsheysan iney marwalba dib dhacaan, si’ay u joogteeyaan khilaafka dhalashada ramadaanka, mararka qaar waxaad isleedahay hadaf-koodu wuxuu yahay oo kaliya, hadaanu-nahay Culimadii Suufiyada wali waan jirnaa.

Waxaa ila haboon wadaadadaas iney rabi ka baqaan, shacabkana ka xishoodaan, waana jidka kaliya ee ay kusii xajisan-karaan miisaan-kooda culimo-nimo.

Intaan ogahay wadaada la sooma dhulalka Islaamka hadba kii laga sheego waxay ku dadaalaan in aan diinta la deegaamaynin, oo muslimka oo dhan isku mid loo arko, kuwoodii soo sheegana lagu raaco.

Waxaa sanado dhawaa nasoo maray iyagoo sacuudiga khilaafay oo inta deegaan kale laga arkay kuwaas ku raacay.

Sida ugu saxsan waxay tahay in bisha ramadaan laga ilaaliy khilaafka iyo herdanka diimeed, umadana aanan la jahwareerin, taasna waxaa lagu gaari-karaa in rabi laga baqo, oo horaa loo yiri rabbi kabaq iyo rag iska celi isku meel wada-galaan, sidaas awgeed waxaan leeyahay culimo-allaay rag iska celinta iska daaya, oo rabi ka baqa.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir | fahadsom@gmail.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya | Oct 24, 2005

URL: www.SomaliTalk.com/fahad



URL: www.SomaliTalk.com/fahad

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
KHATARTA INTERNETKA
 



HTML CD