Fahad
Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@hotmail.com ama
editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya
URL:
www.SomaliTalk.com/fahad
:::FAALLADII ISNIINTA EE
FAHAD:::
ABSHIR BACADLE:
GABYAAGII WAHAABIYADA MAXAA HADAL LOOGA WAAYEY.
Waxaan damcay
asbuucaan inaan Qalikeyga kana- siyo ka hadalka Siyaasadda, anoo is iri bal
dhankaas iyo suugaan-yahannada u leexo. Abshir Nuur Faarax (Abshir Bacadle)
wuxuu kamid-yahay Aftahanna ay Soomaalidu ku faanto. Gabyaa hal-adag weeye.
Dadka yaqaanna waxay ku tilmaameen inuu yahay nin mabda'a uu aamino ku
kalya-adag, oo isku daya iney dadku qaataan. Naf iyo maalna wuxuu u huraa
meel-marinta Diinta Islaamka. Wuxuu kamid ahaa xertii ka aflaxday Sh. Nuur
Cali Colow, oo ah Aabihii iyo saldhigihii Wahaabiyada, dad aad ugu dhawaa
Sheekh Nuur-diin Alaha u naxariistee ayaa ii sheegay in Bacadle uu kamid
ahaa raggii uu sida gaarka ah u jeclaa Sheekhu.
Goortii Bacadle
uu kamid noqday Wahaabiyada, wuxuu go'aansaday inuu faafiyo Tawxiidka,
meelna uga soo haro Suufiyadii ku hawlanayd iney u dhaxeeyaan dadka iyo
ilaahay, si ay qurbaan iyo nolol joogta ah uga helaan. Bacadle wuxuu
tirin-jiray Gabayo tiro badan, oo dhamanatood kusoo wada biya shubaynaya in
ilaahay kaligiis la baryo.
Qaabka uu
gabayada u tiriyo oo ah si dadka soo jiita, aadna loo xiiseeyo ayaa ka
qayb-qaadatay inuu helo dad badan oo wax fahma, saaxiibadiisii Wahaabiyada
iyagoo masaajidda un ku kooban oo aan shacabka xiriir weyn lalahayn ayuu
Bacadle suuragaliyey in Wahaabiyadii ay u gudubto sheekada dadweynaha,
iyadoo suugaan ahna ay dadku isku tabinayaan.
Dhinacaas haday
tahay dhankiisii wadaad-nimada, waxaa jira dhinac kale oo uu Bacadle ku
muuqday oo ah inuu yahay gabyaa Siyaasadda Soomaalida ka hadla oo talo iyo
tusaaleynba ku darsada, dhamaan dhacdooyinkii ay Soomaalidu soomartay wuxuu
ku lahaa tixo aan la ilaawin, isagoo muujinaya si toos ahna u taageerayey
fikradda uu qabo, wuxuuna tirin-jiray gabay saameeya qofkii dhagaystaba.
Wuxuu kaloo
siweyn uga dhexmuuqday isballadii ka jiray Muqdisho, waxaa lagu xantay inuu
garab u noqday Caydiid oo uu la jirsaday waagii uu Maraykan la dagaalamayey.
Mar aan lakulmay waxaan weydiiyey waxa uu kaqabo tuhunkaas, wuxuuna iigu
jawaabay, wali inaan ku saxsanahay ayey ila tahay, maxaa yeelay Maraykan iyo
Caydiid waxaa iisokeeya Caydiid, waxaana u arkay ladagaalanka Maraynka inuu
ahaa mid xaq ah ileen iyagaa wadankeenna si gardarro ah ku yimid. Waxaan ku
iri majiraa gabay aad tirisay ood ka cudurdaraneyso una aragto inuu
khaldanaa? Wuxuu yiri. Gabaygii aan ka tiriyey dagaaladii Bari ku dhexmaray
wadaadada iyo S.S.D.F.tii ayaan u arkaa inuu ahaa mid aan ku khaldamay,
sababtuna waxay tahay sidii aan hadalka u waday ma'ahanee si kale ayaa loo
fasiray.
Abshir Bacadle
waxaan lakulmay sanadkii 2000. mar aan booqasho ku tagay Muqdisho, Waxaan
sheekeysannay muddo saacad ku dhaw, wuxuu ahaa nin dabci macaan, dalka iyo
dadkana aad uga naxa, sheekadiisa waxaa ka muuqatay tiiraanyo iyo layaab uu
ka yaabanyahay halka uu ku danbeyn doono mustaqbalka Soomaalida.
Bacadle wuxuu
ku caanbaxay inuu ka gabyo wax badan oo Soomaalida tabanaya, dad badan ayaa
hada is weydiinaya maxaa waayadan aamusiiyey? Maxaa Bacadle u diiday inuu ka
hadlo isbadalla cusub ee ka jira Siyaasadda Soomaalida. Waxaa lamooday inuu
la'yahay dhacdo uu ka hadlo sidaasna uu shib u yiri, sidaas darteed ayaan
waxaan is iri suuragal matahay inaad Bacadle lahadasho ood tiraahdo: Waxaad
tahay gabyaa ay dadbadani sugayaan ee intaanoo dhacdo wax ka dheh.
1.
Soomaali dowlad
ayey ku dhisatay Nairobi, waxaana la doortay C/Laahi Yuusuf inuu
Madaxweyne Soomaali u noqdo. Sow ma'ahan dhacdo muhim ah oo ay haboontahay
in tix laga tiriyo.
2.
Ciidamo Itoobiyaan
ah ayaa lahadal hayaa iney soo galayaan Soomaaliya, iyagoo taageeraya
dowladan cusub ee loo soo wado dalka. Waxaadna hadda ka hor tirisay gabay
aad ku taageereyso Afgaanitaan una digayso Maraykanka, ood ku leedahay
Muslimku wuu soo jeedaayee hakadsoomina, taas hadaad ka hadashay, dalkaaga
waxa ku soo socdo sow mahaboona inaad ka gabaydo.
3. Dallada
Culimadda Soomaalida ee Muqdisho, waxay khalad weyn ku tilmaameyn in
ciidamo ajnabi ah lakeeno dalka Soomaaliya. Waxaa taas garab socotay
hanjabaadii Sh.Xasan Daahir ee ahayd hal askari oo ajnabi hadduu wadanka soo
galo waan ku jihaadeynaa. Hadaba maxaa ku aamusiyey adoo ah Aftankii
Wadaadada Soomaaliyeed.
4.
Dakadda iyo Garoonka
Muqdisho dad Soomaali ah ayey u xiran-yihiin, waxaa laga-yaabaa haddii
aad hal-tix tirin-lahayd iney xishoon-lahayeen, ee bal hal mar burhan-taadii
ku soo kici.
5.
Gabadh yar oo Samsam la yiraahdo
ayaa muddo dheer ku jirta xabsi Hargeysa ku yaal, arinteedana waxaa ka
hadlay qolyihii Xuquuqul Insaanka ee aad mar gabayga ku maagtay. Su'aashuse
waxay tahay Bacadle muu u gabyo qolyaha gabadhaas haysta.
Waxaan ogahay
in Dr Maxamed Xuseen Macalin uu daabacay Diiwaankii gabayadaadii, isagoo ku
soo uruuriyey Maan-sooyin-kaagii, wuxuu noqday buug ay Soomaalidu aad u
jecleysatay, marka ma diiwaankaagii goortii la daabacay ayaad iska xirtay
gabay oo dhan? Hadaad go'aankaas gaartay ma'ahan mid aan kula qabno,
waxaadna ogaataa hibada ilaahay ku siiyey ee ah hal abuur-nimada ineysan
ahayn hanti aad kaligaa leedahay, ee ay tahay mid aan kula wadaagno, kuumana
banaana inaad kaligaa go'aan ka gaarto. Sidaas awgeed maanta waa markii ay
kuugu baahi badnaayeen shacabka Soomaalida, ee banaanka soo dhig murtida
kugu aasan ee aad xannibaada ku hayso. Waxaan sugayaa adigoo mar dhaw soo
burqado oo jidka noo jeexa.
Fahad
Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@hotmail.com ama
editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya | Dec 27, 2004
JAWAABTII ABSHIR BACADLE:::
Abshir
Bacadle: “Fahadoow Farriintaadii way i
soo gaartay”
Abwaanka
Weyn ee Soomaaliyeed Abshir Bacadle ayaa
markii uu Akhristay qormadii
todobaadlaha ahayd ee Fahad Yaasiin ee
uu hal ku dhigga uga dhigay (Abshir
Bacadle: “Gabyaagii Wahaabiyada maxaa
hadal looga waayay”) goostay in uu
wax ka yiraahdo, wuxuuna marka ugu
horreysa mahadcelin kaddib u sheegayaa
qoraaga Fahad Yaasiin in farriintiisii
ay soo gaartay uuna garowsaday una arkay
inay tahay wax gar ah.
“Waan
qaatay waana wax I qabta inkastoo
meelaha qaar ee uu saaxiibkay Fahad
tilmaamay aan wax badan ka iri, way
habboon tahay inaan gabadha saqiirka ah
ee ay dowladdu ku habsatay aan wax ka
iraahdo” ayuu yiri Abshir Bacadle oo
xusay inuu aad uga xun yahay dhibaatada
loo geystay gabadhaa yarta ah ee la
argagaxiyay iyadoon wax dambi ah oo lagu
caddeeyay aysan jirin.
“Nin kasta
oo aqoon yahan ah, gabyaa kasta oo
Soomaaliyeed iyo cid walba oo dareen
dadnimo uu ku jiro waa ku qasab inay ka
hadasho arrinta gabadhan yarta ah ee
Zamzam”. Ayuu mar kale abwaanku yiri,
isagoo booqday xafiiska wargeyska
Ayaamaha, wuxuuna intaa ku daray:
“Farriintii Fahad way I dhaqaajisay,
waxaanan rajeynayaa in todobaadka soo
socda aan daaha ka rogo gabay aan kaga
hadli doono arrinta gabadha Zamzam oo
dad badan oo Soomaaliyeed saamayn ku
yeelatay wax badanna laga yiri.
Bal aan
markan wax yar oo hordhac ah ka ifiyo
gabayga aan arrinta Zamzam kaga hadlayo:
Guddiga
Habar-magaalood wanjalay
Gabaraan Qaan-gaarin
Duqa ILAAHAY gafiyay gabadha ii daaya
Go’aankooda Higiskaa ma waan gobi ka
shuureyn
Wanjalay: (Dembi geliyay).
kala
xiriir:
Amiin
Yuusuf | Muqdisho
E-mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com | Dec 30,
2004
WAXAAN
QOONSADAY QORMADA FAHAD
Jan 1, 2005
Run
ahaantii markii aan soo galo bogga
somalitalk.com ma wada akhriyo waxa ay
qoraan dadka wax ku qora boggan oo dhan,
ee waxaa jira dad fara ku tiris ah oo
qormooyinkoodu ay isoo jiitaan. Dadka
aan qoraaladooda akhriyo waxaa ka mid ah
Fahad Yasiin Xaaji-Daahir. Fahad waa nin
dhallinyaro ah oo aad u niyad wanaagsan,
sida aan ka fahmo qoraaladiisa..
Guji...
|
|
|
|
URL:
www.SomaliTalk.com/fahad
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|