SOMALITALK.COM
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

| Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAHAD


MADAXWEYNE SHEEKH NOQDAY. R/WASAARE AW NOQDAY. IYO SHEEKH SIYAASI NOQDAY.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@gmail.com

:::FAALLADII ISNIINTA EE FAHAD:::

 Octobar 3, 2005


Darajada Sheekh: Culimadii hore waxay u taqiinay ninka quraanka yaqaan, cilmigana minhaajka ka gaaray, dhaxalka, magta, iyo tuftana toosin-kara. Wahaabiyadase waxay Sheekh u taqaan ninkii Tafsiirka Quraanka yaqaan, kutubta sunanta iyo saxiixayn-ka akhrin kara.

Darajada Aw: Culimadii hore waxay u taqaanay ninka quraanka wax uga bilaaban-yihiin, meherka iyo tuftana ku aadi kara. Wahaabiyaduse magacaas inuu darajo diineed yahay uma aqoonsana.

Shaqada Siyaasada: Culimadii hore waxay u taqaanay beenloow, khiyaanoole, iyo fitna ka shaqeeye. Wahaabiyaduse waxay u taqaan hadba shaqada uu hayo siyaasigaas, oo haduu xumaan wadana waa siyaasi xun, haduu wanaag wadana waa siyaasi fiican.

Asbuucii dhawaa waxaa dhacay dhawr qiso oo layaableh, kuligood wax aan lawada filayn ayey ahaayeen. Hadaadan horay ugu fiirsan aniga iga koobi hadeer, oo hadaad sidaydoo kale la yaabto waa sidii aan ka rabay fariintan.

Jawhar ayaa waxaa tagay xayn Culimo Suufiyo ah ayagoo hordhoobtay qasrigii Madaxtoodaya ee degmadaas. Xatro iyo dikri ayey halkii ku akhriyeen.

(Hadaan kuu fasiro Xatro iyo dikri, horta waa laba magac oo isu dhaw, Sh. Cumar Faaruuq ayaa la su’aalay dikri waxa la dhaho, wuxuu yiri haddii af carabi lagu hadlo dikri waa xuska eebbe weyne, hadiise afsoomaali laga dhigo waa dheel culimo). 

Waxaa usoo baxay Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh C/Laahi Yuusuf iyo R/Wasaare Aw Cali Maxamed Geeddi.

Xadaradii markii la bogtay ayuu Sheekh C/Laahi meeshii ka hadlay, hadaladii uu yiri waxaa ugu muhimsan ( Diintii Nabi Maxamed S.C.W. ee Kitaabka Quraanka ah iyo Sunadiisii wax ka danbeeyay ninkii noo keena ka yeeli-mayno)

Waa hadal ku cusub afka askarigii Soomaaliyeed ee haatan noqday Madaxweynaha Soomaaliya. Waxaa ku kalifay lama-yaqaan, waxaase loo maleeyey inuu soo xusuustay xiriirkii uu awalba lalahaa xerta timaweynta ee uu Sheekhoodii dhawaantan geeryooday.

Sheekh C/Laahi hadal toosan ayuu meeshii ka jeediyey, darajada Sheekhna waxaan u siiyey hadalkaas saxda ah ee uu yiri. Wuxuuse warkiisii ka xumaaday gadaal, oo wuxuu raaciyey, qoladan rabta iney diinta ku qaraabato ka yeeli-mayno, kuwa magacyada diineed wata ee danaha gaarka ah u usocda ka yeeli-mayno. Intaan danbe waxay na xusuusiyey Askari C/Laahi, iyo sidii lagu yaqaanay oo uu mar walba dhihi jiray, iskusoo wada duuboo wuxuu ahaa hadal horudhac fiican leh, asii gadaal ka kharribmay.

Waxaa hadalka qabsaday Aw Cali Maxamed Geeddi wuxuuna meeshii ka yiri hadalkan ( Culimadu waa iney dowlada taageeraan, anaguna Culimada waan soo dhaweynaynaa waana loobahanyahay) intaas markuu yiri ayuu hadal kale gadaal ka sii raaciyey, oo wuxuu yiri: Maxkamadaha Islaamiga ah ee ka jira wadanka meelo kamid ah waan taageersanahay.

Waa sidii aw lagu yiqiinayee wuxuu khilaafay qaabkii Sheekhiisii wax u rabay, oo kuwii uu Sheekh C/Laahi ku sheegay iney hubka sitaan, ayuu isna leeyahay waan taageersanahay. Waxaan is iri malaha waa mas’ala gaab-nidii lagu yiqiinay Aw cilmid barad ah.

Labadaas dhacdo waxaa garab socotay Sh Xasan Daahir aways oo ku caanbaxay faafinta Diinta Islaamka ayaa isna ka qayb-galay shir ay isugu imanayeen kooxihii Soomaaliya la dagay, ee dagaal-oogayaasha loo yiqiinay. Balcad ayuu Sheekhu tagay, isagoo maalintaas lasoo baxay shaar kale oo ah inuu yahay Siyaasi kamid ah kuwa ka jira koonfurta Soomaaliya

:::C/LAAHI YUSUF & AWEYS::

Hadaladii C/Laahi Yuusuf (Jawhar) iyo Sh. Aweys (Muqdisho)... Guji

Shirkii ayuu ka hadlay wuxuu yiir isna ( Diinta Islaamka waa in la’isku xukumaa, ilaahayna loo towbad keenaa) intaas waa intii wadaad diinta faafiya lagu yiqiinay, wuxuu gadaal ka raaciyey dowladani waa mid ilaahay la dirirsanyahay, marka meel gaari mayso iyada ayaana fashilmeysa. Hadalkaas danbe waa fariin cad oo tilmaameyso in Siyaasi Xasan Dahir Aways uu ka soo horjeedo dowlada hada jirta Arinta yaabka leh waxay tahay dhawrkan qodob.

1.   Kow maxaa isku beegay, oo isku wakhti ka dhigay? Yaa halmar soo agaasimay? Waxaa maalmahan muuqda in Siyaasada Xamar ay isku hayaan sadax qolo oo kala ah qaybta Sh. C/Laahi Yuusuf hogaansho. Qaybta Siyaasi Xasan Daahir Aways hogaansho. Iyo qaybtii dagaal-ooga-yaashii hore, oo iyagu hada taageero xadidan misana wakhti ku kooban ka haysta cid walba oo kasoo horjeeda Sheekh C/Laahi.

2.   Sadaxdaan nine eek ala ah Madaxweyneha R/Wasaaraha iyo Sheekhaba maxay hal mar dhaqanno aan laguwada aqoon u muujiyeen. Madaxweynuhu hadallo diineed oon looga baran ayuu ku dhawaaqay. R/Wasaaruhuna hadallo uu ku helayo darajada Aw ayuu ku hadlay. Sidoo kale Sheekh Xasan Daahir wuxuu banaanka soo dhigay shirka Balcad laga bilaabo inuu kamid yahay Siyaasiyiinta Koofur wax laga weydiinayo. 

Tolow maxaa is badalay? Yaase shaxdaan sidaas u dhigay? Waan hubaa in Soomaaliya wax badan oon lafilayn inay ka soo baxeen, kana soo bixi-doonaan, tanina ay kamid tahay muuqaalada hada jira ee toos loo arkayo, anagoo sugi-doonna kuwa kale oo kaa yaabiya ama kaa farxiya.

Sidaan ay hadda wax u dhaceen, waxaa loogu talagalay in qolo waliba ay is muujiso, oo ay banaanka isa soo dhigto, kuwii Siyaasiyiinta ahaa waxay rabeen iney bixiyaan sawir ah, war anagu diinta kama fogin, kuwii Culimada ahaana waxay naleeyihiin, war anagana waa nakan, oo hadaan kooynay.

Anigase waxaan qoraalkan ugu talagalay inaan tooshka ku qabto falkan sida dhabta ah u dhacay ee aanan sidaydii ku riyoonin.

Sadaxda qisaba inaan wada taageersanahay, ama qaar taageersanahay, ama aan kasoo wada horjeedo mid kamid ah inaan muujiyo uma dan-lihi, ee waxaan u jeedaa inaan dhacdada kaliya akhriyo, adiga akhristaha ahna aad talo ka dhiibato.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir | fahadsom@gmail.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya | Oct 3, 2005

URL: www.SomaliTalk.com/fahad



URL: www.SomaliTalk.com/fahad

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
KHATARTA INTERNETKA
 



HTML CD