SOMALITALK.COM
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

| Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAHAD

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@hotmail.com ama

editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya

URL: www.SomaliTalk.com/fahad

:::FAALLADII ISNIINTA EE FAHAD:::



JAWAABTII  MADAXWEYNAHA IYO WARAAQAHA AKHRISTAYAASHA.


Marxuum Maxamed Siyaad Barre

Madaxweynihii markuu hadalkii dhagaystay wuxuu ku jawaabay.

  1. Shacabku waxay moodayeen kuwii hubka soo watay iney maslaxo iyo horumar u keeni doonaan. Waxaan ka xumahay xaalku inuu sidaan noqday, shacabkiina ay wali haysato dhibaato intaas le’eg.
  2. Maamulka hadda u taliya Itoobiya waxaan moodayey inuu dhaami doono nadaamkii Mingiste. Maba aanan filayn markii horeba inuu ka shaqayn-doono danaha Soomaalida, laakiin waxaan islahaa ugu yaraan wuu ka roonaan-doonaa  hogaankii hore. Sidaas waxaan u leeyahay anoo Xamar jooga oo xukunka  gacanta ku haya ayey igu abaal dhici jireen.
  3. Waxaa naxdin weyn ah in Soomaaliya ay ilaa iyo hadda dowlad la’aan tahay, waxay ila tahay shacabku inuu hadda gartay ciddii danta u ahayd. Maanta mawaxay gaareen iney madax u noqdaan kuwii shalay Amxaarada ku laayey, oo cadawga soo garabsaday. Burburka aad Soomaaliya ka sheegtay kuwii sababta u ahaa miyaa hadda talada u haya?
  4. Inta dhimatay Allaha u naxariisto. Dadkii dagaallada dhibaatada ka soo gaartayna aad baan uga xumahay. Waxaan jeclaa iney dadku horumar sameeyaan, laakiin kuwa hadda hogaanka u haya ma’ahan kuwa horumar u keeni kara.
  5. Mar haddii ay dowladdii dhisan-waayeen waxa kale oo aad sheegayso oo dhan iyada ayey ka dhasheen. Sidee la’idiin xurmeeyaa? Maxay Itoobiya idin kaga xishootaa? Sidee baad ula xisaabtami kartaan dunida horumartay? Waxaasoo dhan markaad dowlad yeelataan ayaad ka hadli kartaan.
  6. Aniga xilligaygii dalku kolley sidaan waa dhaamay. Haybaddii dowlad-nimana waa noolayd, kolley wixii idinku dhici lahaa waa idinku dhaceenee, inta hartay badbaadiya.
  7. Hadaad rabto dalku siduu ahaa, noloshii jirtay waagaas, dunidu sidii ay nooga danbeysay, waxaan warka kuugu soo koobayaa, dalka sida aad ka sheegeyso waa dhaamay dhinac walba, adigu bal waxaad ii sheegtay hal qodob oo la iiga raystay.

Intaasi waxay ahayd Jabaawtii Madaxweynihii Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre.

Riyooyika haddii aad fasirto waxaan kaa codsanayaa inaad fasir u raadiso riyadaas, waxaana usoo qoray sidii ay u dhacday, marka laga reebo intii aan ilaaway. Hadaadan fasiri aqoonna sideeda isaga daa, oo ha’iga halayn riyada.

Hal qodobse aan kugu baraarujiyo. Culimada Fiqiga Islaamka waxay isku raacsan-yihiin in riyada aanan laga qaadan wax xukun sharci ah. Sidaas awgeed wax badan ha isku daalin inaad igu maagto maxaad sidaas u tiri. Maskaxda ku hay in riyo lagu riyooday aysan waxba kabalayn xaaladda Siyaasadeed ee dalka ka jirta, kuna qanac in kooxda aad la jirto aysan waxba ka naaqusi-neynin riyo lagu riyooday.

Qaar kamid ah akhristayaasha ayaa E-maillo isoo diray, waxay ileeyihiin ma haddeer baad Maxamed Siyaad taageereysaa? Diintaadii miyaadan u yaabayn. Dalka yaa isdanba u galay? Waxaa ka sii daran maqaal qoris ayeyba gaartay oo loo dhigayo in la’ii caqli celiyo. Saaxiibadaas oo dhan waxan su’aalayaa goorma ayaa la xarrimay in la qoro riyo aad ku riyootay? Aan adiga ku su’aalee riyooyinka aad ku riyooto miyaad wada taageersan-tahay. Hadday sidaas tahay ma garbaa in loo fasirto qolo hebel ayaad ku xumeyneysaa, ama qolo hebelo ayaad ku taageereysaa.

Mar hadday sheekada oo dhan tahay riyo la soo gud-binayo, kuma khasbani inaan fasiro riyooyinka. Wadaad aan islahaa wuu yaqaanaa sida loo fasiro riyada ayaan fasiraad  weydiistay, wuxuuna igu yiri: Walaalow riyadu way dheertahay, riyo sidaas u dheerna si loo fasiro ma’aqaan.

Akhriste ayaa igu soo yiri: Waxaad tahay Saxafigii ugu horeeyey ee R/Aakhiraadka ka soo warama. Waxaan ku iri: Hamoodin in Cawlamadu ay gaatay R/Aakhiro, laakiin riyada hadday noloshaada ku khuseyso qofkaad jeceshay waa loo sheegaa, sidaas awgeed akhrista-yasheyda waan jeclahay. 

TACSI

Aniga oo maqaalkan qoraya ayaa Xamar la iga soo wacay. Saaxiib aan jeclahay ayaa ila soo hadlay. Wuu isalaamay, waxaan dareen-siiyey sidaan ugu farax-sanahay inuu ila soo hadlo. Kolkaasuu ii sheegay war aanan ku farxin. Saakay waxaan kuu soo wacay inaan kuu sheego in xalay oo Isniin ah gurgiisa lagu dilay C/Qaadir Yaxye ayuu yiri, waxaana soo weeraray ciidan hubaysan oo waardiyihiisiina qab-qabtay, kadibna isagii dilay.

C/Qaadir Yaxye Allaha u naxariisto, wuxuu kamid ahaa hawlwadeennadii xarunta cilmi baaritsa ee C.R.D. Nin ku mashquulsan sidii Soomaalida xaalkan looga badali lahaa ayuu ahaa. marar badan ayaan iska waraysanay xaaladda ka taagan dalka. Aqoonyahay caqli badan oo bashaash ah ayuu ahaa. Waan ka xumahay inaanan mar danbe la sheekeysan-doonin. C/Qaadir Yaxye kol danbe kama qayb-gali-doono miyaa simnaar looga hadlayo mustaqbalka Soomaaliya. 

Waxay dadka xaalkiisa ku dhawaa sheegayaan inuu u god-galay fikirkii uu ka’aaminsanaa xaalka Soomaalida, dilkiisu waa mid Siyaasadeed, waa mid loo dilay mabda’ uu aaminsanaa, waa arin ay kawada shaqeeyeen dad gudaha dalka jooga iyo gacmo shisheeye oo lug kudhex leh xaalka Soomaaliya.

© www.SomaliTalk.com
KHATARTA INTERNETKA
 



HTML CD