SOMALITALK.COM
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

| Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAHAD


ISBARBARDHIGA LABA CALI: GEEDDI IYO GALAYDH.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@hotmail.com

:::FAALLADII ISNIINTA EE FAHAD:::

 Agoosto 8, 2005



Geeddi & Galaydh

Labadooda magac waa wada Cali. Kan awoow-goodna wuxuu ka bilowdaa xarafka G. mid waa shinbir lagu faashado oo waa Galaydh-ka, midna waa socdaal joogta ah oo waa Geeddi-ga. Darajadoodu waa laba Profesar. Xirfadooduna waa laba macalin. Taariikh-dooda shaqana midi waa waxbarasho iyo siyaasad oo waa Galaydh, kan kalana waa waxbarasho iyo N.J.O. oo waa Geeddi. Halka ay gaareenna waa laba R/Wasaare oo ay dalka Soomaaliya u noqdeen oo uu Galaydh horay usoo noqday Geeddina hadda yahay.

Galaydh wuxuu si dhamays-tiran uga qayb-qaatay shirkii Soomaalida ee Carta, wuxuu kamid noqday musharaxiintii jagada Madax-tinimada, kadib ayuu helay jagada R/Wasaaraha oo ku hantay gorgortan siyaasadeed. Geeddi si rasmi ah ugama qayb-qaadan shirkii Soomaalida ee Eldoret iyo Nairobi. Markii ay wax waliba dhamaadeen ayuu cirka ka soo dagay.


Geeddi & Galayr

Geeddi goortii xilkan R/Wasaaraha loo dhiibay, waxaa loo arkay inuu sokor dha-dhan-ka ka badasha uu ka dhex-noqdo baddii kharaarka badneynd ee dagaal-oogayaasha. Galaydhse koox aqoon-yahan u badan ayuu R/Wasaare ka dhex-noqday, sidaas awgeed isaguna macaankii ayuu sii kordhiyey.    

Galaydh dowladiisii gudaha Soomaaliya ayuu ku dhisay, waliba magaalada xamar oo ah caasimaddii Soomaaliya. Geeddise dalka dibadiisa ayuu ku dhisay dowladiisa gaar’ahaan caasimadda Keenya.

Galaydh isaga ayaa sitoos ah u wada xukumay dhamaan xubnaha golihiisa ka tirsan. Geeddise wuxuu si toos ah uxukumaa inta Siyaasad ahaan isaga raacsan.

Galaydh intuu jagada hayey wuxuu tallaabo weyn ka qabtay Siyaasadda Arrimaha Dibadda, wuxuuna aad u yaqaanay lahadalka R/Galbeedka iyo guud-ahaanba jeedinta khudbooyinka raadka ku reebta dowladaha daneeya Soomaaliya.

DAWLADDA FKMG:: LAGU SOO DHISAY KENYA

C/Lahi

Geeddi

Sh. Xasan
DAWLADII KMG: LAGU SOO DHISAY JABUUTI

C/Qasim

Galaydh

Deerow

Geeddi-se sanad ayay ku dhawdahay intuu xilka hayo, walina kama uusan khudbaynin Golaha Ammaanka ee Newyork, ama xarunta Jaamacadda Carabta ee Qaahira,

Galaydh wuxuu meel cad saaray faraga-lintii Itoobiya, wuxuuna ku khasbay inay dhulka Soomaaliya ciidan-ahaan uga baxaan, isagoona tusay indhaha beesha caalamka, wuxuu gaarsiiyey in shirkii golaha ammaanka uu ka codsado in Safiirkii Itoobiya laga saarayo fadhiga.

Geeddi wali lama arag isagoo ka hadlayo faraga-linta Itoobiya. Bil-caksi Adis Ababa ayuu dhawr-jeer booqday.

Galaydh intuu xilka hayey wuxuu xoogga saaray wada-xaajoodka hogaamiye-kooxeed-yadii Muqdisho, wuxuuna awooday inuu dowlada ku soo daro Qanyare, soona dhawaysto Xuseen Bood.

Geedise ilaa iyo hadda wuxuu kari la’yahay ineyba is fahmaan golihiisii Wasiiradda oo ah kuwa xamar hubka ku haysta.

Galaydh intuu xilka hayey waxaa dowladisii soo gashay lacago farabadan oo ay dunida ugu deeqday, wuxuuna u dhaqmi jiray qaab-dowladeed. Geeddi-se ilaa iyo hadda deeq labataaban karo kama helin dunida,  wuxuuna ku socdaa kaalmada Hay’adaha U.N.ta.

Galaydh wuxuu aad u yaqaanay dastuurkii Carta, sidaas darteed wuxuu xooga saaray inuu si dhamaystiran ugu dhaqmo inta uu kuleeyahay dastuurkaas. Geedi-se sida uuba sheegay Madaxweynaha Soomaaliya maalintii uu codka uga radinayey Barlamaanka oo uu yiri. Geedi sidii aan u magacaabayba hal baalma kama soo rogin dastuurkii uu dalku dajistay. Taasoo ku timid markii uusanba akhrin qodobkii uu Barlamaanku u tiig-saday ridistiisii.

galaydh
Deerow & Galaydh
GALEYR IYO XUKUUMADDIISA OO LA CASILAY!!
October 28, 2001: Qiyaastii kowdii duhurnimo oo daqiiqado la` ee maalin Axad ah ayaa la soo gebagebeeyay codayntii baarlamaanka KMG ee kalsoonida xukuumadda kmg ah... Natiijada bilawga ahi waxay leedahay:
  • 141 u codeeyeen in la rido xukuumadda
     
  • 029 u codeeyeen inaan la ridin
     
  • 004 ka aamuseen

Natiijadii halkaas waxay ku noqotay in xukuumaddii Dr Cali Khaliif dhacday.

Akhri: Warbixintii C/Laahi Black...

Galaydh wuxuu go’aan-saday in isaga Madaxweynuhu ay ku kala ekaadaan hadba inta uu mid waliba ku leeyahay dastuurka u qoran qaranka, taasoo keentay iney isku dhacaan, kadibna xilka laga qaado.

Geeddi-se sida uu dhigayo dastuurkan cusub wuu ka’awood badan-yahay waagii Galaydh, shaqada dowlada oo dhan isaga ayaa iska leh, nasiib-darro ilaa iyo hadda lama’arag dawrkiisii siyaasadeed, ama awoodda uu leeyahay isagoo isticmaalaya.

Galaydh waagiisii Guddoomiyaha Barlamaanku wuxuu ku koobnaa oo kaliya sharci-dajin, wixii fulin ah waxay u taalay Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha. Taasna waxaa sabab u ahaa awooddii R/Wasaaraha oo noolayd.

Geeddi-se waxaa xiligiisan siweyn u muuqday dowrka Gudoomiya Barlamaanka, taasna waxaa sabab u ah awoodii R/Wasaaraha oo dhimatay, oo misana si dhamaystiran masraxa Siyaasadda loogaba waayey shan-qartiisii. Waxaan hada maqalnaa oo kaliya dowladu waxay u qaybsan-tahay laba kooxood oo ay Madaxwey-naha iyo Guddoomiyaha kala hogaaminayaan.

Geeddi waa R/Wasaaraha Soomaaliya hadana haysta kalsoonidii Barlamaanka, wuxuu intii muddo ahba aqoon-yahan iska ahaado, si fudud ayuu ku helay inuu gaaro jagadan dastuuriga ah. Arinta layaabka noqotay waxay tahay, tan iyo markii lamagacaabay waxaa la waayey muuqaal Siyaasadeed oo uu isagu si gooni ah u leeyahay, marmar ayuu hadlaa markaasna wuxuu ku soo celiyaa hadalo uu horay u yiri Madaxweynuhu.

Waxaa aad loo jeclaa in R/Wasaaruhu is ticmaalo 100%  awoodiisa dastuuriga ah, si loo helo dheeli-tir siyaasadeed oo dalka ka dhacda.

Haddoo la’is khilaaf-sanyahay dowrkiisii waa maqan-yahan, haddii la heshiiyana jagadiisa ayuuba lumen-doonaa, marka maxaa faa’iido u ah?

Wuxuu faa’iido ku heli karaa oo kaliya inuu akhriyo, oo uu xifdiyo, kadibna ku dhaqmo dastuurka dalka u qoran, oo ay ku cadahay in uu Madaxweynuhu isaga kaga awood badan-yahay hawsha fulinta, wuxuu kaloo ogaanayaa in Madaxweynuhu uusan xilka ka qaadi karin, waana midda la’isleeyahay Geedi wali si fiican uma ogaanin, umana hubsanin, sidaas awgeed culimada sharciga waxaan leenahay R/Wasaaraha ugu dhaarta inuu Madaxweynaha ka awood badan-yahay.

© www.SomaliTalk.com
KHATARTA INTERNETKA
 



HTML CD