URURADA ISLAAMIGA
AH IYO CIIDAMADA SHISHEEYE.
Maalmahan waxaa Soomaaliya ku soo
fool-leh duulaan gumaysi qaawan ah oo uu wado, dalkii ay Soomaalidu
77.kii Harar agteeda u fariisatay. Dhulkii uu Axmed Guray Jahaadkii
dheeraa ka galay. Qoladii Sayidku khatartooda arkay ee uu Jahaadka
ku kiciyey. Waa gubays-tihii madoobaa ee G/Afrika wax ka daganaa.
Inaan magaciisa kuu sheego uma baah-nidee adigubaa garo.
Xubno ka tirsan maxkamada
Islaamiga ah oo dhegeysanayey xubno ka tirsan baarlamaanka
FKMG, Feb. 5, 2005, Mogadishu, Somalia. | Sawirka: AP.
|
Ururada Islaamiga ah ee
Soomaaliyeed waa kuwa matala Culimada. Hadaba haddii dalkii 14.Sano
dowlad la’aan ahaa. Shirkii caajiska badnaa ee Nairobi-na ay dowladi
ka dhalatay. Taladii ugu horeysay ee ay madaxdii dowladda keeneen ay
noqotay in Soomaaliya gumaysi hor-leh gacanta loo galiyo. Maxay
tahay talaabada u taal Ururada Islaamiga ah.
Wadankeenna waxaa ka jira ururro
tiro badan oo wada leh Islaamka ayaan u taaganahay, dalalka
islaamkana inaan difaacno waa nagu waajib. Waxaan rabaa in madaxda
ururadaas iyo shacabka Soomaaliyeed isbarto, si loo hubiyo waxa ka
jira dhanbaallada qurxoon ee ay dadka u sheegeen, sidoo kale in
umadu ogaato in dowrkii culimada qaarkood maqan-yahay.
Hadaan si faah-faahsan
uqaadaa-dhigo oo aan ka bilaabo midkoodii hubaysaa, uguna
shacbiyadda badnaa waa ururkii Al-Itaxaad Al-Islaami. Ilaa iyo hadda
lama hayo warmurtiyeed cod ah ama qoraal ah oo ay uga hadlayaan
khatarta ciidamada shisheeye.
Waagii ay Gado soo galeen askartii
Itoobiyaanka waxaa la’arki jiray rag Idaacadaha ka hadla oo magacaas
matala oo leh, hadaannu nahay Itaxaadka waanu jahaadaynaa, umadana
waa iney isdifaacdo. Su’aashu waxay tahay maxaa hadda aamusiiyey?
Goobihii ay ciidan ahaan iyagu u xukumeen markii la soo weerarayba
wey qaylinayeenee, haddeer oo dalkii loo soo socdo muxuu yahay
mawqifkoodu?
Mise macnuhu waaba “Muraad aadan
joogin aqbal ma’ahan” oo ah haddii aynan anagu dalka xukumin hawl
noo taallo ma’ahan? Dadka qaar ayaa qaba in ururkaasi uu warqadiisii
geeriida waa hore qaatay, firxadkiisiina uu qaarba meel ku dhacay.
Waxaanse laga qanci karin ururku wuxuu lahaa Culimo waaweyn oo ay
bulshadu ka warsugto, haddii uusan ururkii wali jirin maxa xanibaya
Culimadaas iney hadlaan?
Al-Islaax waa midka ku abtirsata
dallada weyn ee dunida ka jirta ee Al-Ikhwaan Al-Muslimiin,
laantooda Soomaaliya ayaa la yiraahdaa Al-Islaax. Waa niman
Siyaasadda aad u xiiseeya, hankooduna uu yahay sidii ay dowladda u
gaari lahaayen, wadaado masaajidda fadhiya iney noqdaan waxay ka
jecelyihiin iney ka qayb-galaan golayaasha bulshada looga arrimiyo.
Sidii ay u bilaabatay hadal-haynta ciidamada shisheeye wax warkooda
ah lama maqal. Goortii ay dowlada Soomaaliyeed ku dhalatay Kenya
waxay soo saaren war-saxaafadeed ay ku taagerayaan dowladaas, taasoo
marag u ah in ururku uu wali nool-yahay, kahadalka arimaha
Siyaasdana uu wali danaynayo. Hadaba maxay tahay sababta ilaa iyo
hadeer ay uga hadli la’yihiin khatarta ay leedahay Itoobiya oo soo
gasha gudaha Soomaaliya si ay dadka hubka gacanta uga dhigta? Ma
dhexdooda ayaan wali isku qancin sidii ay hal’aragti uga
qaadan-lahaayeen khatartaas? Mise sidani waaba ka aragti Siyaasadeed
oo ah adinku dadka ha horboodina, wuxuu xaalka noqdana wax ku
darsada?
Sida taariikhda dhaw lagu hayo,
intii jeer ee ay ciidamada Itoobiya soo galeen gudaha Soomaaliya
ma’aysan soo saarin warmurtiyeed cad oo ay arintaas uga xunyihiin,
waliba xiliyada qaar waxay ku diganayeen dad ay ku tilmaameen iney
iyagu sabab u yihin soo galista Itoobiya ee dhulka Soomaalida. marka
hadeerna ma sidaasoo kale ayey yeeli doonaan?
Jamaacatu-Tabliig waa niman
ahlu-khayr ah. Sidoodaba Siyaasad lama tuso, meeley gashana
madamaaciyaan, qaamuuskooda shaqana kamaba mid ahan, iyaga hadeerna
laga sugi maayo iney shir jaraa’id qabtaan oo ay arimahaas ka
faalloodaan. Waagii uu socday Jahaadkii Afgaanistaan ayey khuruuj u
aadi jireen jiidda hore ee furinta dagaalka iyagoo isleh dacwada ku
dhexfaafiya xeryaha Mujaahidiinta.
Niman-kalaa jira oo ay dadku magac
u yaqaanaan iyaguse magac kale isu yaqaan. Dadku waxay ugu yeeraan
Salafiya Jaddiida ( Salafiyada cusub) laakiin iyagu Jadiidiyada ayey
iska reebaan oo Salafiyadey laharaan. Asalkoodu wuxuu ka soo jeedaa
firxadkii Itaxaadka oo ragga hada maskaxda u ah Salafiyadan cusub
waa isla raggii hogaanka u hayey Itaxaadka oo xer cusub iyo xiriirro
cusub samaystay.
Dabcan malahan afhayeen, umana
shaqeeyaan sida lagu yaqaan ururada dunida ka jira, waxayse leeyihin
wadaado hadalkooda loo qabto oo cabira fikradaha ay Salafiyadu qabto.
Ma’ahan niman Siyaasadda gala, mana ay ogola in wadaad iyagoo kala
ah uu Siyaasada matalo. Waxayse u daayaan hadba madaxda dalkaas ka
jirta iney lahaato jeexidda hanaanka Siyaasadeed, warkoodana waxay
ku soo koobaan hala raaco Amiiru-Mu’miniinka.
Faragalinta cusub ee Soomaali lala
damacsan-yahay wali kama aysan hadal, waxaana suurowda ineysanba
kaba mid ahayn hawlaha hadeer u yaalla.
Sooyaalka dhaw waxaan ku haynaa
dhawrkii jeer ee ay Itoobiya soo gashay gudaha Soomaaliya wey ka
aamus-naayeen. Waxayse mar kahadleen soo galistii gado, laakiin
hadalkoodu wuxuu ahaa. Haddii Itoobiya ay Afgooye soo gaarto waanu
ku jahaadeynaa. Waa su’aalee Itoobiya hadeer ayey Afgooye usoo
socotaayee maxaa u tala ah Salafiyadan?
Aqoonta loo leeyahay Salafiyadan
haddii la kaashado waxaan laga sugi doonin iney ka hadlaan
mustaqbalkan Soomaali ku soo socda. Waxaan sidaas u leenahay dunida
Islaamka oo ay waxyaabo waaweyn ka dhacaan ayeysan wakhti siinin
sidii ay bulshada u tusi-lahaayeen dhibaatada haysata.
Hadaan tusaale ku siiyo shacabka
Ciraaq waxay kula taliyaan iney hogaan-samaan oo ay aqbalaan in laga
adkaaday, waxay fatwoodaan in Iyaad Callaawi uu yahay Xaakim sharci
ah maadama uu adkaaday, sidaas awgeedna ay waajib tahay in la’adeeco
oo qalalaasaha laga daayo. Warkoo kooban Salafiyadan waa iney ugu
yaraan noo cadeeyaan haddii ay qabaan in laraaco talada uu
Amiirul-Mu’miniinka Soomaaliya soo jeediyey oo ah in ciidanka
Itoobiya lacaawiyo.
Majamac Al-Culamaa waa xertii
Aabihii Baraaruga Islaamiga ah ee Soomaaliya. Sh. Maxamed Macalin
Allaha-u-naxariistee. Waa rag aan dayacin mas’uuliyadda diineed ee
saran. Waagii Maxamed Siyaad dhaxalka ku gafay xerta Sheekh Maxamed
bey ahaayeen kuwii yiri diinta yaan meel looga dhicin, hadalkaas
awgiisna waatay u god-galeen. Intii jeer ee Soomaaliya la soo
faragaliyeyna diidmo cad ayey kala horyimaadeen. Duulaankan cusubna
shir jaraa’id oo ay qabteen ayey kaga digeen khatarta uu leeyahay.
Allaylahay Culimo ku dayasho mudan iga dheh.
Ururadan kala duwan ee aan ka soo
hadalnay waa qayb kamid ah Culimada Soomaalida, qaybo kale oo
iyaguna muhim ah ayaa jira, haddii eebe noo oglaado wakhtigeeda
ayaan falan-qayn-doonnaa
Waxaad dhihi kartaa maxaa wadaadada
Soomaaliyeed laga rabaa sow iyaga mudaaharaadyada waaweyn xamar
ka’abaabulay, sow iyaga magacyo kala duwan ku hadla sida Maxkamadaha
iyo Dallada Culimada. Si’aadan khalad u fahmin aan hal qodob kuu
sheego. Culimadaas aad sheegtay waa niman ka tarjumaya mas’uuliyada
sida gaar ah u saaran ee ma’ahan kuwa ku hadlaya magac urur islaami
ah, waxayse muujiyeen sida ay u dhibayso haadaanta bulshada
Soomaaliyeed laga sii tuurayo.