SOMALITALK.COM
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

| Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAHAD


MA’AKHRISAA WARARKA FALASTIIN OO AFSOOMAALI AH.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@gmail.com

:::FAALLADII ISNIINTA EE FAHAD:::

 Octobar 31, 2005


 Waxaan aad ugu fiirsaday warbaahinta Soomaalida, waxaa iisoo baxday in hadal-heyn-toodu ay ugu badan tahay arinta soomaaliya oo kaliya. Hadaan hadana usii fiirsaday waxaa ii muuqatay in Siyaasada xoogga lasaaro. Taasi waa muuqaal ay wada-wadaagaan bahda warbaahinta oo dhan.

Arimaha guud ee Muslimiinta khuseeya wax yar ayey ka hadlaan, markay ugu roon-yihiin wararka ayey kusoo daraan, waase goorta lagu daalo hogamiye-hebel wuxuu yiri, iyo ugaas hebel baa bayaan soo saaray.

Haddaad tahay qof arkay dareenkaas waxaan kuu soo heelay Bar Internetka kamid ah oo aad ku ciil-baxdo. Waxaan kuu soo helay Bog aad ka heli-doonto baahidii aad u qabtay inaad aragto xogtii Muslimiinta oo afkaaga hooyo ku hadlaysa. Waa fursad ay dad yar heli-karaan.

Waxay ahayd bartamihii sanadkan markii ay ila soo xiriireen dhawr nin oo aqoon-yahan ah, ayna igu wargaliyeen in dhawaan lasmayn doono Bar Internet-ka ah oo ka hadasha xaalada Muslimiinta Falastiin. Waan farxay. Waan u mahadnaqay. Waxaan u sheegay hawl bahda warbaahinta u taalay iney u istaageen, mahad heer qaran ahna ay mudanyihiin.

Qofkasta oo muslim ah oo maanta dunidan saaran haddii la weydiiyo maxay tahay dhibaatada ugu weyn ee muslimiinta haysata? Shaki waxaan lahayn inuu ku jawaabayo waa xaalada Falastiin. Sababtu maxay tahay? Waa tan koowaadee waa goob barakaysan oo Masjidkii Qudus waa barta ay dunida kaga taal. Waa xaramka sadaxaad ee mulimiinta. Waa bartii Anbiyadu ku kalantahay habeenkii Nabi Maxamed S.C.W. la dheelmiyey. Waxay kamid tahay meelaha ugu baraykaysan dhulalka islaamka.

Waa midda labaadee: Yahuud baa inta xoog ku qabsatay iyagoo garab ka haysta dowladaha awooda leh, waana dad lagu beeray dal aysan lahayn. Waa midda sadaxaadee: Falalka foosha xun ee lagula dhaqmo masaakiinta R/Falastiin ayaa noqotay boog ruux kasta oo muslim ah ku taal, oo kolka uu Falastiin maqlo uu daqmaayo.

Shacabka soomaalidu isaga oo lajira qadiyada walaalahooda Falastiin, hadana waxaa garab-socoto inuusan aad u fahamsanayn siday wax u jiraan, xataa qaybta aqoonta leh ayey ku yartahay inta ay ka ogtahay sababaha mushkilada ee u dhaxaysa muslimiinta falastiin iyo cadawga yahuudda. Sidaas hadday jirto waxaa dhawaan abuuray bar lamagac-baxday www. aqsaonline.com  oo isu xilqaantay iney sharaxaad afsoomaali ah ka bixiso waxa dhabta ah ee kajira dhulkaas barakaysan iyo waxa ay la damacsanyihin gaaladu.

Anigoo kamid ah dadka aad ula socda xaaladaha falastiin ayaan misana kolkii aan booqday bartaan waxaan is arkay anoo dugsanaya oo aad mooda in qadiyadii markale qaraabo ila noqotay. Taasna waxaa sabab u ah, markaad warbixin ku akhriso af kale, misana isla xogtii oo afsoomali ah dib u akhrido, waxaad dareemeyso ehelnimo aad ku akhrineyso isla qoraalkii.

Waxaan hubaa in umada soomaalidu ay dhiig iyo dhiiranaan u leedahay nacaybka bah gaalo oo idil, sidoo kale waxay hiil iyo hooba ula diyaar-yihiin muslim oo dhan meeshuu dunida ka saaran-yahay. Sidaasoo ay tahay xogtay ka haystaan waa yartahay, waxaana sabab u ah laba arimood. Tan hore afkoodii hooyo looguma qorin buugaag ahaan iyo warar ahaanba waxa khuseeya muslimiinta guud. Tan kalese soomaalidu oo aysan ku baahsanayn aqoonta luqadaha caalamiga ah, oo intooda badan waxay ku hadlaan, akhriyaan, qoraan afkooda hooyo oo kaliya.

Sh. Cumar C/Raxmaan oo isagu madaxa u ah xarunta Al-Aqsaa ee Muqdisho ayuu u sheegay Aqsaonlin inuu ku hawlanyahay sidii shacabka soomaalida loo bari lahaa oo loo dhex dhigin-lahaa xaalada falastiin, wuxuu kaloo sharaxaad maangal ah ka bixiyey sababta ay soomaalidu uga maqantahay arimaha waaweyn ee muslimiinta, wuxuuna ku fasiray in dhibaatada sida goonida ah u haysata ay qaby ka noqon-korto mashquulka ku dhacay maskaxda qofka soomaaliga ah. Waana arin dhab ah oo xaqiida aan ka fogayn.

Waxaan hubaa wixii maanta ka danbeeya haddii aad tahay qof af soomali kaliya akhriya inaadan oran dooni waxaan waayey meel aan kala socdo arinta walaalahayaga falastiin.

Waxad haysataa Barta http://www.aqsaonline.com . Waxaad ka bogan-doonta xogta maalin-laha ah ee R/Falastiin, maanta kadib cudurdaar kuuma ahan inteen wararka walaalahay u dontaa.

© www.SomaliTalk.com
KHATARTA INTERNETKA
 



HTML CD