C/LAAHI
YUUSUF. SHARIIF XASAN. CALI MAXAMED GEEDDI
C/Laahi Yuusuf:
Goormaad Itoobiya maya dhihi doontaa?
Madaxweynuhu
wuxuu haddeer u muuqdaa nin wali ku dhagan
xiriirkii uu rubucul-qarni lalahaa hadba
maamulkii qabsada dalka Itoobiya. Wuxuu talo
wacan oo wanaagsan u araa in Itoobiya ay hubka
ka dhigto shacabka Soomaaliyeed, kolkaasna ay
Itoobiya ku amar-kutaagleyso bulshadii oo
faramaran. Yoolkuna wuxuu yahay in la tirtiro
utunta colaadeed ee labada shucuub u dhaxaysa.
Dad badan oo
Aqoon-yahan ah ayaa rumays-naan jiray in C/Laahi
Yuusuf uu ku dangaarayo Itoobiya, laakiin goorta
uu Madaxweyne noqdo uu dib ugu soo laaban-doono
dareenka shacabka uu Madaxwenaha u yahay. Maanta
C/Laahi Yuusuf wuu gaaray hankiisii, walina
daacad ayuu u yahay Itoobiya ama saaxiib ayuu
layahay. Waana arrin fasiraad qoto-dheer uga
baahan Aqoon-yahankii aan kor ku soo sheegay.
Fursad qaali ah
ayaa maanta hortaalla Madaxweynaha Soomaaliya,
taasoo ah inuu u sheego saaxiibadiisii
Siyaasadda, in isagoo daacad u ah uu
Barlamaankii gaaray go’aan adag, badan-koodiina
ay gaashaanka ku dhufteen keenista ciidamda
safka hore. Waana inuu dhahaa. War ani idin
madiidinee golihii sharci dajinta ayaa idin
diiday. War anigu idin ma nicinee shacabkii ayaa
idin diidan. Sidaas awgeed intaan anigu meesha
ka bixi lahaa ii kaadiya aan Soomaali dhinac
isugu toosinayee.
Shacabku wuxuu
maanta u dhaga nugulyahay in Madaneynuhu aqbalo
natiijada Barlamaanka, waana tallaabada kaliya
ee lagu toosin karo inta ka dhiman xalinta
mushkiladda Soomaaliya. Haddiise Madaxweynuhu
khilaafo go’aankaas, waa dalkii oo dagaal cusub
loo horseedayo. Wuxuuna xaalku u muuqan karaa in
mardhaw loo diriro laba kooxood oo ay mid garab
iyo taageero ka haysato Itoobiya oo rabta sidii
ay dalka gacanta ugu wada dhigi lahayd, dhinaca
kale oo ah koox diidan in Itoobiya loo
gacan-galiyo Soomaaliya, oona dhiig ka xigta in
loo faramarnaado fulinta Istiraatiijiyada
Itoobiya.
Labadaas qolo
goorta ay isku dhacaan toodii adkaata ayaa
reerka u hari doonta. Waxaanse Madaxweynaha kula
talin lahaa inuu noqdo kan hogaaminaya kooxda
diidan Soomaaliya oo Itoobiya u gacan-gasha.
Shariif
Xasan: Libaax nin galladay og.
Habeenkii loo
tartamayey Gudoomiyaha Barlamaanka ayey
Soomaalidu u qaybsantay laba kooxeed oo kala ah.
Saaxiibada Itoobiya iyo saaxiibadda dalkooda
hooyo. Wuxuu Ilaahay qadaray iney habeenkaas
guuleystaan kuwii dalkooda saaxiibka la’ahaa,
waxaana matalayey Shariif Xasan Sheekh Adam oo
noqday Guddoomiyaha Barlamaanka. Wuxuu ahaa
habeen Soomaalida ay wax un u badbaadeen.
Khadkii lagu
doortay ayaa ahaa inuu ku taagnaado matalidda
danaha Soomaalida. Go’aankii uu dhawaantan
Barlamaanku gaarayna, wuxuu tusaale u yahay in
Shariifku uu wali khadkaas ku taaganyahay.
Wuxuusan qarsan sida uu u diidan-yahay in
Itoobiya ay kamid noqto wadamada soo galaya
gudaha Soomaaliya, firkadiisa wuxuu sii sheegay
maalmo ka hor intaan Barlamaanku fariisan.
Wuxuuna sidaas u yeelay in shacabku ogaado halka
uu taariikhda ka gali doono.
Ma’amaanayo
shakhsiyadda Shariifka waxaanse ku
taageer-sanahay fikradda siyaasadeed ee uu hadda
matalayo, waana mid uu ku galayo taariikhda
Soomaaliya. Macalin Jamacadeed ayaa igu yiri
Shariif Xasan wuxuu badbaadiyey wax aan lagu
badbaadiyeen boqolaal askari. Issin kamid
issimadda Puntland ayaa yiri Shariif Xasan wuxuu
istaahilaa inaan caruurteenna ugu magacdarno,
maxaayeelay haduu maanta isna aaminsanaan lahaa
in la keeno safaka hore, waxaa mugdi naga
gali-lahaa siduu noqon doono mustaqbalka
dalkeenna.
Siyaasiyiintu
waa niman is badbadal badan oo hadba meel aada.
Haddeer shariifka sida nooga muuqatay hawlaha uu
hayo, wuxuu muujiyey inuu yahay nin ku taagan
rabitaanka shacabka. Haddiise uu taas iska
badalo, waxaan shaki ku jirin inuu waayi doono
dad badan oo hadeer quluubta ka jecel.
Mas’uuliyadda
qalinka ayaa nafaraysa in hogaamiyihii wanaajiya
aan dhahno waad wanaajisay, kii wax halleeyana
aan dhahno waad hallaysay. Sidaas awgeed, waxaan
maanta leenahay shariifka, waad wanaajisay
halkaasna ka sii wad. Labada kooxeed ee ay
Soomaali u kala qaybsami doontana waxaad la
jirstaa qolada aad hadeerba hormuudka u tahay
Cali Maxamed
Geeddi: Intaan lagu tuurin is casil
Madaxweynaha
Soomaaliya intii uusan aadin Adis-ababa wuxuu
haystay dhawr magac oo uu ka dhexdooran lahaa
ninkii uu magacaabi lahaa R/Wasaaraha
Soomaaliya. Laakiin boqashaas kadib, waxa
liiskii loogu kormariyey nin cusub oo uusan
xitaa aqoon hore u lahayn waa Prof Cali Maxamed
Geeddi. Waxaana lagula taliyey ama laguba
khasbay inuu ka dhigo R/Wasaaraha Soomaaliya.
Marabo inaan
qoraalkan ugu sheekeeyo sababta ay sidaas ku
dhacday. Waxaase markhaati lagawada-yahay in
Cali Geeddi uu yahay nin Soomaalida cirka looga
keenay, isaguna taas waa ogyahay. Mbgathi waxaa
ugu horesay maalintii Xildhibaan-nimadda loo
dhaarinayey ee uu lixsaacadood kadibna R/Wasaaraha
Soomaaliya noqoday, siyaasad horena warkeedba
daa.
Intaas hadaan
halkaas ku daayo, oon u soo noqdo wixii asbuucii
dhawaa dhacay waxay noqdeen sidan. Inuu diido
natiijadii Barlamaanka. Inuu ku hanjabo inuu
dowladda ka saarayo xubna muhim u ah xalka
Soomaalida. Inuusan ku abaal dhacaynin wanaagii
ay Itoobiya u tartay bulshada Soomaalida.
Waxaasoo dhan
waxa iiga daran. Muuse Suudi ayuu ku edeeyey
inuu Itoobiya hub ka soo qaatay, kadibna uu
shacabka Soomaaliyeed ku laayey, sidaasna uu
magac ku helay. Waxaan isweydiiyey wax kastoo
kale markaan dhinac iska dhigno, oon u imaanno
halkaan qodob oo ah, R/Wasaaraha ayaa afkiisa ka
sheegaya in hub laga sooqaaday Itoobiya lagu
laayey shacabkiisa, misana isla isagii ayaa leh
Itoobiya waa iney ka qayb-qaadata sidii dadka
hubka looga dhigi lahaa. Waxaa igala sii foolxun
kuwii uu yiri shacabkayga ayaa lagu laayey
hubkii laga soo qaaday, ayuu leeyahay, abaal
ayey noo galeen ee yaan lagu abaal dhicin.
Cali Maxamed
Geeddi laba jeer ayuu Barlamaanku banaanka u
tuuray, mar dowladiisii ayaa la diiday ooba la
yiri sharci ma’ahan, marna barnaajimkiisii ayaa
la diiday. Waxa yaab leh wali waa soo
taaganyahay oo inuu R/Wasaare ahaado ayuu rabaa.
Waxaa qiso
fiirsasho u baahan ah Cali Geeddi wuxuu shir
jaraa’id ku qabtay gurga Madaxweynaha wixii
la’ogaa ayuuna ku hadlay, habeen kadibna waxaa
si kale u hadlay Madaxweyhinii oo dadkii dajiyey,
kadibna codsaday in dib loogu laabto go’aankii
Barlamaanka, taaso ah mid uu xaq u leeyahay
Madaxweynuhu dastuur ahaan. Xaaji Geeddi waa
markii labaad oo ay sidaas ku dhacdo, waagii la
ridayna waakii wuxuu doono ku hadlay, kol kaasna
uu Madaxweynihii ku yiri, war dib ayaan kuu
magacaabayaaye ogow.
Hadduu siyaasad
rajo ka qabo, waxaa u qurux badan inuu iscasilo
kahor inta uusan soo fariisan makhaayadaha Islii
iyadoo uu Barlamaankii soo eryey.
Labada kooxeed
ee ay Soomaali u kala qaybsami doontana midna
hala jirsan.