Fahad
Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@hotmail.com ama
editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya
URL:
www.SomaliTalk.com/fahad
:::FAALLADII ISNIINTA EE
FAHAD:::
XAMAR IYO XALKA
SOOMAALIYA.
REER MUQDISHO C/LAAHI
KADIB MAXAA LA GUDBOON.
Muqdisho waa Caasimaddii
Soomaaliya, dad badan ayaana aamisan in Muqdisho ay madaxfurasho u haysto
xalka Soomaalida, waxaana la leeyahay haddii ay iyadu dagi lahayd wax waliba
wey hagaagi lahaayeen, oo Soomaali dowlad baa u dhismi lahayd. Sidaas awgeed
maxaa talo ah? Nin ka yaaban xaalka Muqdisho ayaa yiri hadalladan.
-
14.Sano ayey Soomaali Xamar u
xaniban-tahay. Unisom iyadaa laqday. Cali Mahdi iyaday ka socon-weysay.
Salballaar Muqdisho iney ka shaqayso iyagaa diiday. C/Qaasim iyagaa hor
istaagay. Marka waxaasoo dhan dadkii sameeyey miyaan hadana ku aaminnaa
iney gurtaan mirihii 2.Sano ay Soomaali soo abuureysay, si ay hadana u
khasaariyaan.
- Waagii Muqdisho laga
soo eryey Maxamed Siyaad meeshii la filayey iney dowlad dhisaan, waxaa
lagu dhaqaaqay in la curyaamiyo kaaba-yaashii nolosha, waxaana la
fuliyey hawlaha kala ah: Tubo qodosho, isbitaal bililiqeysi, guryo
fuqsasho, warshado gurasho, iyo wixii kaloo lamid ahaa. Intaas waxaa
usii dheer, tan iyo waagaas wax kasta oo la dhisana iney diidaan iyaguna
aysan waxba dhisan.
- Maxamed Siyaad
haddiiba la iska sugi lahaa
95.kii wuu geeryoon-lahaa. Cali Mahdi hadii
lakaalmeyn-lahaa sanad kadib waxbaa is badali lahaa. Caydiid haddii
faraha laga qaadi-lahaa saan wax weyn dhaami lahaayeen. C/Qaasim haddii
la taageeri lahaa Soomaali oo dhan wey usoo gacan-gali lahayd.
Doorashadii dhawayd hadday hal musharax keensan-lahaayeen sow
maguuleysteen. Waxaa soo dhan hadday dhaceen suuragal matahay iney hada
isdaba qabtaan oo ay keenaan firkad wax ka badali karta sidii ay awal
ahaayeen, ama ay Soomaali ku aamini karto.
-
Madaxweyne C/Laahi
Yuusuf ilaa ay hubka tiiriyaan xitaa booqasho ugu tagi maayo. Ilaa uu
ciidan ahaan uga adkaado, oo uu maamul uu ku kalsoonayahay ka dhiso
cagta soo dhigi maayo. Marka haddii aydin hubka tiirineyn, maamul
midaysanna Muqdisho u samayneyn, dekedda iyo garoonkana aydnan furayn,
in la furana aydnan ogoleyn, maxaa xal oo aad rabtaan inaad Soomaali
kula macaamishaan?
- Soomaali hadday
damacdo iney beeniso xanta suuqa idiin taal ee ah R/Muqdisho dowlad
marabaan, maxay ku qancayaa oo aad u haysaan, illeen xaalkiinnu wuxuu
noqday sidii qolyo laga sheegay. ( Aan kuu taliyo. Iitalin-meysid.
Waayahee adigu ii tali. Kuu talin-maayo. Hadde aan tashanno. Tashan-
meyno. Waayahee aan kala tagno. Kala tagi meyno.) marka R/Muqdishoow wax
walba diidee maxaad rabtaan?
- Hubka Muqdisho
yaalla waxaa haysta ganacsato, dagaal-ooge, shakhsiyaad gaara ah.
Mahayaan talo ay isla ogoleyihiin oo ay rabaan iney hubka ku dhiibaan,
mana ogola in Ciidamo shisheeye dalka la keeno oo hubka laga uruuriyo.
Cidda ugu badan oo uu dhibka ku hayana waa dadka dagan Muqdisho, marka
sidee xalka lagu helayaa?
-
Dekedda iyo Garoonka
Muqdisho waxay xirantagy muddo 9.Sano ku dhaw, hadba magac cusub ayaan
maqalnaa oo diidaya in la furo ilaa isaga la qanciyo, wuxuuna ku qancaa
in lagu daro liiska hogaamiye-kooxeed-yada la’aqoon-sanyahay. Waxaa is
weydiin mudan kan haysta Dekedda ama Garoonka dhaqaale kama helo, xalkii
Soomaalidana inuu ku xiranyahay waa ogyahay.
Qofna iskuma dayi karo
inuu difaaco eedahaas loo jeediyey R/Muqdisho. Intaas iyo kuwa kalaba waa
ceeb wajiga kaga taal R/Muqdisho, waana mid aan qiil looga heleyn
kitaabkasta oo loo fiiriyo. Dadka Muqdisho ku nool gormey ceebta iska
dhaqayaan? Goormey furayaan qufulka ay ku dhajiyeen xalkii Soomaaliya.
Gobollada W/Galbeed iyo
W/Bare nabad-galyada ka jirta dadweynaha ayaa keensatay, oo baaburta laguma
dhaco, hadaad sababta aan baaburta loo dhacayn weydiisana waxaa laguu
sheegaya in kolka uu tuuggu gaariga dhaco uusan ugu horen ku dhex haysan
karin isla deegaanadaas, ninkii gaariga laga dhacayna wuxuu hantidiisii u
doona reerka uu ka dhashay ninkii gaariga dhacay. Laakiin Muqdisho haddii
gaariga lagaa dhaco, qabiil aad u doonato mataqaanid, wadada kaliya ee aad
ku soo ceshan kartana waa inaad laaluush bixisaa oo ah dhiiri-galinta
xatooyada iyo burcad-nimada.
Maxamed Qanyare Afrax
ayaa mar ku sheegay waraysi ay Somalitalk layeelatay in Somaliland ay
Madaxweyne u
doorteen Daahir Riyaale Kaahi taasoo ku tusineysa iney dhab ka
tahay nabad-raadinta iyo horumar jecaylka.
Culimadda Soomaalida ee
ku sugan Muqdisho wey ku mahadsan-yihiin iney
ku ilaaliyaan mujtaca ku
dhaqankii diinta, waxayse gabeen iney dowr ku lahaadaan bulshada dhexdeeda,
oo ay qabaa’ilka Soomaalida hoosta ka soo dhisaan, si layaqaanna ay u
dhexgalaan. Waxaa muuqata in hogaankii qabiilooyinka Soomaalida ay faraha
uga qaadeen dagaal-ooge, waxaadna arkeysaa goorta uu dagaal dhaco ama ay
umadda dhibaato weyn ku habsato iyagoo warsaxaafadeed soo saaraya oo leh
waxaas waan ka soo horjeednaa ama sidaas shareecada islaamka kuma banaana.
Mid kamid ah
Dagaal-ooga-yaasha Soomaaliya ayaa igu yiri muddo laga joogo 4.sanadood.
Culimada Soomaalida diyaar umay ahan iney hadeer wax ka qabtaan dhibta
haysata bulshada, laakiin goorta ay dowlad noo dhalato ayey dhihi doonaan
diinta wax halagu xukumo, wuxuu kaloo yiri, shirarka iney ka soo
qaby-galaan iyagoo beelahooda ka socda mey ogola, hadhaw wixii natiijo ah ee
ka soo baxana iyagaa diidaya oo ka soo horjeesanaya.
Waxay ila tahay
R/Muqdisho wax lagu difaaco looma hayo haddii aysan iyagu ceebta iska mayrin,
oo aysan muujinin in wixii hore ay ka waantoobeen, hadana ay diyaar u yihiin
dib u dhiska Soomaaliya. C/Laahi Yuusuf markii loo doortay Madaxwenaha
Soomaaliya khudbadii u horeysay ee uu akhriyey wuxuu ku sheegay, in hadada
wixii ka danbeeya uu noqonayo nin nabadeed. Hadaba hadii C/Laahi isagoo
kaligiis uu naftiisa go’aankaas muhimka ah ka gaaray, maxaa diidaya in R/Muqdishana
ay noo akhriyaan khudbad ay ku ictiraafayaan wixii hore, muuqaal cusubna ay
ku muujinayaan.
Fahad
Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@hotmail.com ama
editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya | Dec 20, 2004
URL:
www.SomaliTalk.com/fahad
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|