Marka laqorayo taariikhda midda ugu fiicani
waa tan ay qoreen raggii sheekada goob-joogga u ahaa, maxaa-yeelay iyaga
ayaa xusuus-toodii dib ugu noqonaya, kadibna jiilasha soo socda usoo
guurinaya. Imisa nin ayaad taqaanaa oo taariikhda Soomaali hayey, kadibna
dhintay isagoo qofna waxba u sheegin, isaguna aanan waxba nooga tagin.
Waxaan is weydiiyey waxa arintaas sababta u
ah, waxaana isoo baxday laba sababood oo kala ah. Tan koowaad: Dhaqanka
Soomaalida oo ku dhisan hadal iyo sheeko, oo aynan dabci ahaanba u lahayn in
qalin iyo warqad la’isa-saaro. Tan labaad oo ah: Ineynan aqoonin qiimaha ay
leedahay in wax la qoro, jahligaasi wuxuu sabab u noqday inaan wax badan
luminno.
Maxamed
Siyaad Barre wuxuu geeryooday isagoon qalinna wax ku qorin, qof aqoon leh oo
sheeka ahaanna uga soo guuriyeyna uusan jirin. Baahi intee le’eg baan u
qabnay inaan aragno Buug uu qoray Madaxweynahaas. Alla muxuu sir badan oo
naga qarsoon sheegi lahaa.
Maxamed Faarax Caydiid isagu dhawr buug
ayaa la sheegaa inuu qoray oo aanan Af-Soomaali ku qorneyn, tafaasiil badan
oo taariikh ahna laguma qorin. Isna tii Alle ayaa u timid isagoon wax badan
ka sheegin wuxuu soo maray, gaar-ahaan taariikhdii jabhadihii ku kacsanaa
Maxamed Siyaad iyo dowladiisii.
Maxamed Ibaarhim Cigaal isna waa sidoo
kale, wuxuu goob-joog u ahaa sooyaalka Siyasadda Soomaalida gaar ahaan
labadii marxaladood ee uu dalku soo maray, xilligii isticmaarka iyo
xornimadii kadib.
Waxaa
wali nool** Madaxweynihii u horreeyey ee Soomaaliya Adan Cadbulle Cusmaan (Adan
Cadde) haddeer aad ayuu usii da’weynaaday, laakiin waxaan ka baqsanahay
inuusan taariikh qoran katagi-doonin, walow ay si kutiri-kuteen ahi igu soo
gaartay in Caruurtiisa ay hayaan dhamaan dhacdooyinkii muhimka u ahaa
noloshiisii, taasoo aan ilaahay ka baryayo inay dhabowdo oo banaanka la soo
dhigo. Isagana uu Eebbe caafimaad khayr qaba siiyo.
- ** Qoraalkan waxaa la qoray ka hor
intii uusan geeriyoon Allah ha naxariistee marxuum Aadan Cabdulle
Cusmaan oo geeriyoodey June 8, 2007 isagoo 99-jir ahaa.
Sh. Mukhtaar waa Guddoomiyihii Barlamaanka
Soomaaliya xiliyadii lixda-meeyadii, waa ragga aan laga maarmayn haddii la
rabo in lahelo xog badan oo ku saabsan marxaladihii ugu waaweynaa dalka.
Ilaahay wuxuu ii qadaray inaan lakulmo oo aan xog badan ka weydiiyo
Taariikhdeenni, waxaan kula yaabay xusuustiisa naadirka ah, oo dhacdo waliba
wuxuu awoodaa inuu kuu sheego maalintii ay dhacday iyo sidii ay u dhacday,
waxaana shaki iiga jirin in wali ay waxbadani ku dhiman-yihiin, oo ay u
baahantahay in laga soo uruuriyo.
Cabdi Rasaaq Xaaji Xuseen oo noqday R/Wasaare
wali waa uu nool-yahay, ilaa iyo hadda nooma suuragalin inaan akhrino buug
uu ka qoray xusuus qorkiisii ama Taariikhda guud ahaanba. Waxaan maqlay inuu
ku hawlan-yahay qoraal sidaas oo kale ah, waxaan halkan uga codsanayaa inuu
dadajiyo daabicista buuggaas
Jen Maxamed Abshir Muuse waa taliyihii
Booliska Soomaaliyeed, noloshiisa intii badnayd wuxuu qayb weyn kaga qaatay
Siyaasadda Soomaalida, waa mar uu maamul hayey, iyo maruu Siyaasad darteed u
xirnaa. Mamaqal inuu ku mashquul-sanyahay wax ka qorista xusuustii uu
ka’ogaa dalkiisa. waxaana leeyahay raggii dhintay iyagoon faafin wixii ay
ogaayeen, waanba iska cafin karnaa, laakiin akhyaarta hadda nool waxaan
leenahay waa nagu adagtahay inaan idinka cafinno inaad naga qarisaan cilmi
ay bulshadu u baahantahay.
Intaas waxaa dheer waxaa igu maqaalo ah in
Jananku uu Siyaasadda isaga baxay, hadaba waxaan ka codsan-lahaa inuu
Siyaasadihii hore qoro.
Madaxweynaha
Soomaaliya C/Laahi Yuusuf Axmed wuxuu kamid yahay ragga wax badan ka og
taariikhdii ciidanka Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu saldhig u yahay Jabhadihii
dalka balada ka bilaabay, xog bodan oo aysan cid kale haynin ayuu maskaxda
ku hayaa. Waan jeclaan lahaa inuu taariikhdaas qoro, waxaase ii muuqata
inuusan hadda kanshe u haynin, waayo hawsha kale ee u taalla ayaa ka
muhimsan, rajada kaliya een ku heli karno xogtaas waa marka uu Madaxweynuhu
dalka dajiyo, kadibna uu xilka ka dago, si’uu taariikhdaas u qoro.
Jaamac Cali Jaamac oo hadda kamid ah
Barlamaanka K.M.G. ah wuxuu xog badan ka hayaa laba dhinac oo muhim u ah
Taariikhda Siyaasadda Soomaalida, waa xagga ciidanka oo uu kamid ahaa
dhalin-yaradii xilalka usoo qabtay xogga dalka, sidoo kale arimihii
Siyasadda maadama uu madax u ahaa Xafiiskii Siyaasadda ee xisbigii talada
hayey wakhtigii kacaanka.
Waxaa igu maqaala ah in dhawaan uu duubay
qaybo kamid Taariikhdaas, dhawanna la soo bandhigi rabo, waana arin farxad
leh
Jaamac Maxamed Gaalib wuxuu soo maray
taliyaha Booliska Soomaaliya, waxaa ilaahay mahadiis ah inuu kamid yahay
ragga aqoon-yahanka ah ee fahamsan qiimaha ay leedahay in taariikhda la qoro,
dhawr buugna wuuba qoray, walow aan ka xumahay inuu kuwada qoray Af aan
Soomaali ahayn, waxaan jeclaa inuu bugaagtiisa qaarkood uu ku qoro Afkeenni
hooyo si’ay bulshadiisa uga faa’iidaysato, waana ku kalsoonahay inuu wax
badan qori doono hadduu fursad u helo.
Intani
waa iska tusaale aan usoo qaaday ragga xogta badan ka haya taariikhda
Siyaasadda Soomaalida oo kaliya, waxaa dheer kuwii hayey suugaanta,
gacansiga, tacliinta iyo meelaha kale ee muhimka ah.
Raggan aan hadda magacyadooda xusay inta
nool iyo kuwa dhintayba waa qayb kamid ah tiro aad u dheer oo ay
lagama-maarmaan tahay in la soo wada kiciyo intooda nool, si looga codsado
iney qalinka qaataan.
Hadday jiraan rag aad isleedahay waxbay ka
qaban-karaan arimahaas ku qalqaali si aysan jiilasha danbe eed iyo gobob uga
galin.
Fahad
Yaasiin Xaaji Daahir | fahadsom@hotmail.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya | Aug 15, 2005
*Updated: 2008: Qoraalkan waxaa la qoray
ka hor intii uusan geeriyoon marxuum Aadan Cabdulle Cusmaan, madaxweynihii
ugu horeeyey ee Soomaaliya.
URL:
www.SomaliTalk.com/fahad
URL:
www.SomaliTalk.com/fahad
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com