SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

5 June 2006 -5 June 2007 ma u siman tahay Umada Soomaaliyeed!!?.

Qore:Ibraahim daa’uud c/laahi (Gentleman)
sayfudiin@hotmail.com

Nairobi-kenya
+254721130470


 
ILAAH baa amaan u sugnaatay. Nabadgelyo iyo naxariis Nabbi Muxamad korkiisa ha ahaato. intaa ka dib.
 
Hordhac. 
 
Qormadaan waxaa ay qoristeedu igu dhalatay maanta oo Talaado ah, kadib markii Males Zanawi aan maqlay in uu ki sakis ah ooga dagay Magaalada Mogadishu, aniga oo lixdaan bilood ( Six month) la walwalsanaa waxa ka socda K/Somalia gaar ahaan caasimada oo isugu jira nooc walba oo dhib ah, cid walba oo caqli leh way garwaaqsan tahay wanaagii maxaakimta inta ay xukunka hayeen,   balse maxaa is badal.?
 

5 June 2006 Ka si fayntii Soomaaliya Qabqablayaasha iyo  soo celintii Nabadda  -5 June 2007 Booqashada Melez iyo soo celinta dhibkii Qabqablayaasha.

 

lixddii Bilood ee Midowga Maxaakimta ay maamulka hayeen:-
 

   Kala duwan waayaha iyo wakhtiga, wax walbana waxa xusi doonta taariikhda, lix bilood ayay qaadatay jiritaankii Maxaakimta, inkastoo ay ku soo beegmeen xili wadanka ay ka jirto dowlad taagdaran oo ay gacan buuxda siiso dowlada Tigreega ee Ethiopia, sidoo kale waxa ay ku soo aadeen 16 sano oo dowlad la'aan ah. balse marka loo fiiriyo waxa ay qabteen waa la oran karaa waa wax aad u balaaran.

    In wax badan la qabto way adgaan kartaa marka umad 16 sano ku dhaxjirtay jahwareer iyo walaahoow.balse iskudaygii maxaakimta ee ahayd in ay wax qabtaan way suura gashay 80%, marka aad la sheekeeysato dadkii joogay xilligii Maxaakimta waxa ay kuu sheegayaan in ay ahayd xilli aad u wanaagsanaa " 16 sano dhibkii jiray waxa looga nastay lixdii bilood oo ay maxaakimta jireen".
 
    Wax khabadkii Maxaakimta waxa uu ahaa mid aad u muuqday, runtii waxa suura gashay in dad badan ay ka soo laabtaan dibadaha, waxa magaalada Mogadishu booqashooyin.
 
14 july 2006, maalin xasuus mudan.!
 
Shiikh Shariif iyo xubno kale oo sujuud farxadeed ka soo kacay
 
waxa ay ahayd maalin jimco ah, kasokoow maalinta jimcaha farxadeeda waxa shacabka reer Mogadishu u wehliyay farxada furitaankii Gagida diyaaradaha ee   (Mogdishu International airport).waxa uuna ku soo beegmay ku dhawaad 11 sano kadib xilli markii ugu horeeysay dagaal oogayaashi magaalada laga saaray (Worlds), ka saarida laga saaray magaalada dagaal oogayasha waxa ay fududeysay in la furo Garoonka diyuuradaha. isu socodka dhanka duulimaadkana waxa uu noqday mid aad u sahlan, maadaama markii hore ay shacabka ka duuli jireen garoomo macmal ah iyo Garoomo ku yaala meelo ka baxsan Mogadishu. sidoo kale isla bishaan waxa ay si nabad ah kula wareegeen madaxtooyada (Villa Somalia)…
24 august 2006, Furutaankii Dakada caalamiga ee Mogadishu:-
 

  Maalintan sidoo kale waxa dib loo furay ku dhawaad 11 sano oo ay xirneed Dekadda weyn ee magaalada Mogadishu.waxa ayna u xirneed isla dagaal oogayaasha shacabka ku hayay dhibaatada. balse si gaara waxa gacanta ugu hayay Furux oo ka tirsan dowlada Tigreegu taageero, balse Dekadda way bad qabtay waxaana u wada dhamaa dhamaan qalabkii Dekadda ay laheed.

   Furutaankii Dekadda waxa ay kaalin weyn ka ciyaartay nolasha shacab badan u hamuun u qabay in ay mar un arkaan ilaha dhaqaalaha ee wadanka oo wada shaqaynaya, wixii maalintaas ka danbeeyay waxa ka soo dagi jiray dhamaan waxyaabaha daruuriga u ah nolasha shacabka.

 
Soo celinta Nabada iyo furitaankii wadooyinka:-
 
   Nabadu waa nolol, Nabad la'aanteed nolol ma jireeyso, iskudayo badan kadib waxa fursadii dahabiga aheed helay Maxaakimta, kacdoonkii shacabka ayaana Maxaakimta siiyay fursad ah in ay Nabada ku soo celiyaan goobaha ay ka talin jireen.
 

      Soo celintii Nabada waxa ay jidka u sii xaartay in ay soo laabato kala danbeeyntii iyo nolashii caadiga ahayd. taasi oo loo hamuun qabay 16 sano oo ay shacabka isu biirsadeen maamul daro iyo manaxayaashii (Worlds)..

   Waxa sahlanaatay isu socoka bulshada, waxa dhacday in Mogadishu ilaa Gaalkacyo, Mogadishu ilaa Baydhabo, mogdishu ilaa Kismaayo loogu wada safro si nabad aah..
 
Lixdii Bilood ee Dowlada FKMG + Ethiopia…
 

Taariikhada ayaa waxay iyadu xustaa wax kasta oo meel ka dhaca dunida ka mid ah iyadoo aan xishood iyo cabsi ku jirin…

December 2006--- June 2007 ayaa waxaa ay ahayd wakhti soomaalida intooda badan ay ku jireen habeen madoobay ka dib markii ay dalka Soomaaliya gacanta u gashay Ethiopia oo ay horkacayaan Rag Soomaali ah waxayna iibsadeen xoriyadii iyo qaranimadii umada soomaaliyeed 1960kii ay ku heshay dhiiga halgamayaashii xornimada horseeday.
 
Maxay Qabteen TFG+Tigree. ?
 
Waxay qabteen soo celinta qab qablayaashii dalka laga saaray maanta oo kale 5 June 2006,waxay u sahleen cadowga umada soomaaliyeed in ay si kasta ay ka yeelaan shacabka soomaaliyeed,isbaarooyinkii oo dib loo soo celiyay,dilalkii iyo afduubyadii maraakiibta oo soo laabtay,dadkii soomaaliyeed oo ay diyaarado ameerikaan dukheeyeen.
 
Waxaas oo idil waxbaa ka daroo dibi dhal yiri!!!!
 
Furitaankii xaruntii Gumaysiga(Safaarad ku sheegta Ethiopia):- 


Cali Maxmed Geedi,Cabdlaahi Yuusuf Axmed

27 May 2007 ayaa waxaa ka dhacay magaalada Mogadishu xaflad murugo leh balse dhinac kale faraxd u lahayd sida ka mooqata sawirkaan taas oo lagu furayay xarurnta Gumaysiga Ethiopia iyadoo uu fadhiyay (Seyoum Mesfin) waxaana dhinaca midig ka xiga C/laahi Yuusuf iyo Cali Maxmed Geedi halka oo dhanka bidix ka xigay Xasan Abshir Faarax.

 
Waxaana Xafladaasi ay ahayd mid ka mid ah shirqoolada lala damacsan yahay umada Soomaaliyeed, "waxaana soo xasuusayaa xafladii qaysiga Bariga afrika gaar ahaana Dalka xeebta dheer ee Soomaaliya ee sanadii 1884 ka dhacay magaalada Berlin ee gumaystihii Yurub ku qaybsayay Afrika laguna casumay Dowlada Ethiopia''.
 
Booqashadii Meles Zenawi ee Mogadishu:
 

Ujeeda qoraalkaan oo dhan waxaa weeye booqashadii lama filaanka ahayd ee uu maanta ku tagay magaalada Mogadishu Raiisul wasaaraha Xukuumada Ethiopia Meles zanewi, waxaana ay tahay bilowga gumaysiga cusub ee Tigreegu la damac san yahay dalka Soomaaliya,waana mid la mid ah booqashooyinka bush iyo Blair ay ku tagaan dalalka ay gacanta ku hayaan iminka sida Iraq iyo Afghanistan.

Maxaa kuu soo bixi kara akhirtoow hadii aad is bar bar dhigto wax isku soo beegay lix bilood ka hor markii ay maxaakinta dalka ka saareen qabqalayaashii dagaalka maanta oo kale Melesna yimid isla maalintaas maalinteedii kale.
 
Sanadku waa 12 bilood 6 bilood iyo 6 bilood kala roonoo rabaa Ogee ee Akhirtoow maxay kula tahay arintu?

Baaritaan: Gidaarkii Berlin kadib maxaad kala socotaa Gidaarada wadamo badan laga dhisay.?.. AKhri...

Qore:Ibraahim daa'uud c/laahi (Gentleman)
sayfudiin@hotmail.com 
Nairobi-kenya
+254721130470

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Sawirada: Google Search/images

Faafin: SomaliTalk.com | May 2, 2007


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH