SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAYSI
Daabaco Boggan | Print

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri..

oil
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000

lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA



Maxaad ka taqaan Midowga Maxaakimta Islaamiga ee Soomaalia.?

Qore:Ibraahim daa’uud c/laahi (Gentleman)
sayfudiin@hotmail.com

Nairobi-kenya
+254721130470


Qaybta 1aad | 2aad

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato

asalaamu calaykum.

Qormadan waxan ku qaadaa-dhigi doona haduu alla idmo bilowgii maxaakimta ilaa xaalka maanta uu wadanka guud ahaan marayo,waxan rajaynaya in qormadan ay ahaan doonta usbuucle, waxaana isku dayi doona in ay qormadan noqoto mid la fahmi karo.haduu alla idmana marka aan dhameeyo qormadan waxa aan akhristayasha siin doonaa meelaha ugu muhiimsan ee laga heli karo warbixnada maxaakimta islaamka.

Qormada waxa ay ka koobnaan doontaa:.

1- Hor-dhac
2- Sideey ku abuurmeyn midowga maxaakimta islaamiga.?
3- Maxaa keenay in ay maxaakimta sameestaan.?
4- Dagaaladii maxaakimta gaar ahaan kii is baheeysiga.
5- Wax qabadkii maxaakimta islaamiga.
6- Jabkii maxaakimta gudo iyo dibadba.
7- Wadamadii maxaakimta taageerada u fidin jiray.!
8- Shaqsiyaadkii ugu caansanaa taariikhdooda.!
9- Maxaakimta kadib maxaa dhacay..!

Hor-dhac:.

1991-kii waxa ay aheed markii ay burburtay dowladii milatari ee ka talin jiray jamhuuriyada somalia,waxaana abuurmay kooxo jabahado ah oo aan laheen qosho siyaasadeed.wadankii waxa uu galay xili adag.waxa dhacay dagaalo sokeeye,waxa wadanka isaga qaxay dad fara badan.sidoo kale wadankii ayaa ukala jabay ismaamul kobaleedyo.maanta umuuqda kuwa ugu rajada fiican dhanga amaanka gaar ahaan.Putland iyo dowlada isugu magacoowday Somaliland.balse cidna uma maqna ceelna uma qodna gobalada koonfureed oo dhibka ugu badan ee wadanka uu ka dhaca ilaa maantana uu ka socdo dagaaladda.koonfurta somalia maxaakimta ka hor waxa ay aheed meel bahalo galeen ah.xaafad walibana ay ka taliyaan dagaal ooge aan danta umada ka shaqeeyn.mid walbana meesha uu ka taliyo waxa uu surtay calan u gaar ah.dhiiga shacabkana waxa uu ka dhigtay mid uu ku raadiyo magac siyaasadeed.wallow waarkood ay ku haleen wasiirnimo walina qaarbaa hildhibaano baarlamaan ah.

Sidee bay ku abuurmeen midowga maxaakimta islaamiga.??

Muuqaalka hardanka siyaada ee somalia ee aan ku dhisan siyaasad kala u jeedo ah,hardanka cilmaaniyiinta iyo kooxaha diimaha ee siyaasada xooga saara ayay siyaasada somalia maanta iyo shalayba ay tahay mid saaxaada siyaasada somalida u ah muuqaal siyaasadeed mid walbana uu doonayo in uu isaga noqdo midka maamulka wadanka qabta,balse shacabkii yaa u maqan.?!

March,1991-dii ayay aheed markii ugu horeeysay oo muuqaalka maxaakimta islaamiga ee somalia,xukun fulin ah oo ka dhacay beerta xoriyada ee magaalada mogdisha.xukunkaas oo ahaa mid wiil la sheegay in uu galay macsiyo (Zino),xukunkaasna waxa ka goob joog ka ahaa,Allaha u naxariistee Sheekh Mohamed Mocalin Hassan oo ahaa sheekh wadanka oo dhan aad looga yaqaan iyo Sheekh Ibraahim Suuleey oo markii iigu danbeeyay ku noolaa magaalada mogdishu,inkaasto maalinta la sheegay in gantaal uu wiil yar la beegsaday meesha ay ka socotay qisaasta. culamo iyo caamana ay cagta wax ka dayeen.waxayna taasi muujinaysay xiligaasi tabardarada culamada ee siyaasada Somalia ay ka ciyaari karaan.

Waxa xusid mudan 1975-tii ayay aheed markii ay hanaqaadeeyn dhaqdhaqaaqa islaamiga ee somalia,markii xukunkii gacaanka milatari ee hanti wadaaga ku dhisnaa uu aflagado u geestay diinta islaamiga ah,iyadoo aayadaha qaarna la beeniyay(Subxaana laah.).waxa la yaab noqotay markii culamadii ka dhiidhisay aflagaadada loo geestay diinta islaamka,la toogtay ku dhawaad 10 kamid ah(shahado).intii kalana waxa lagu hilmaamay xabsiyo aad loo adgeeyay amaankooda.waxa yaab aheed maalintaas dad wax magarato ah ayaa gacaanka hantiwadaaga ee aflagaadada geestay taageeo u hayay.waa wax runtii in laga xishoodo u baahan.

Lagama quusan dadaalkii lagu doonayay in lagu unko maxakad islaami ah iyo xukun siyaasadeed intaba,1994-tii ayaa waqooyiga Mogadishu laga aas aasay maxkamad islaami ah oo uu madax ka ahaa Sheekh cali Sheekh mohamud (Sheekh cali dheere).waqooyiga mogdishana waxa ka talin jiray Cali Mahdi Mohamed iyo Allaha u nariistee Janaraal Mohamed Faarax Caydiid.iskuna heestay xukunka wadanka.

Maxkamdii shareecada ee waqooyiga mogdishu waxa ka hor yimid mucaarad fara badan waxa ay qabatay intii ay dhisneed hoolo aad u fara badan amnigiina way soo celisay gaar ahan goobaha ay ka talin jirtay waxa badan ayana lagu xasuusan doona.caqabadaha ugu darana ee mar walba amiga hortaagna waxa ay ahayen dagaal oogayaashi umada maanta meesha ay joogto gaarsiiyay.

Waxa si aad iyo aad u baahay dhibkii shacabka lagu haayaay,dhibkaasna waxa saldhig u ahaa maleeshiyada dagaal oogayaasha i,si dhibkas loo xaliyo waxaana la dhisay dhoor maxkamado islaami ah balse ku saleeysan qaab qabiil.sida Hararyaale,shiirkole iyo ifka halane.oo dhamaantood ka shaqeeyn jiray aarimaha amaanka Mogadishu gaar ahaan qabiilahda ay ku abtirsan jireeyn.awoodana ku laha caasimada mogdishu.

1999-kii ayay aheed markii ay inta badan maxakimta isu geeyeen awoodaada iyagoo taageero ka heli jiray dowladii taagta darneed ee carta oo uu hogaaminayay C/qaasim salaad xasan oo lagu sheego in uu taagero mar walba siiin jiray maxaakimta islaamiga.sidoo kale waxa ay taageero maxakimta kaheli jireen ganacsatada magaalada mogdishu.balse sanadii 2001 maleeshiyadii maxaakimta islaamiga intooda badnaa waxa ay ku biiren ciidanka dowlada carta waxaana xiligaas yaraaday awoodii maxaakimta ee ku dhisnaa qabiilada.

Balse 2004 waxa ay aheed markii la sameeyay midowga maxaakimta islaamiga, iyadoo shir ka dhacay Mogadishu lagu doortay godoomiye Sheekh shariif sheikh Axmed oo noqday gudoomiyaha midowga maxaakimta.kadbina noqday gudoomiyaha gudigii fulinta ee maxakimta islaamiga.

Midowga maxaakimta waxa ay leeyihiin astaan u gaar ah,hangooda waxa uu ahaa in ay dabaqaan shareecada iyo in la helo dowlad islaami ah oo ka hana qaada geeska Africa gaar ahaan wadanka somalia.waxa xarun u aheed magaalada Mogadishu,waxa ay u dhisnaayen sidii qaab dowladeed waxa ay lahaayeen ciidan xoogan iyo taageero fara badan sida ganacsatada iyo shacabka qaybihiisa kala duwan.inkastoo dad badan u maxaakimta u arkayeen in qabiil kaliya ay yihiin.

Heyadaha ugu muhiisana waxa kamid ahaa Golaha fulinta oo uu sheikh Shariif madax ka ahaa iyo Golaha Shuurada(wadatashiga), oo uu madax ka ahaa sheikh Xasan Dahir Awees,waxaana la sheegaa in golaha shuurada ay ka koobnaayen xubno gaaraya ku dhawaad 90 xubnood.

Akhri qaybta labaad maxaakeenay in ay maxaakimta abuurmaan.?

Qore:Ibraahim daa'uud c/laahi (Gentleman)
sayfudiin@hotmail.com 
Nairobi-kenya
+254721130470

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 23, 2007


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH